Home » Warar »

Cumar Cabdirashiid “Puntland kaliya waxba kama qaban karto dagaalada ka socda xiligaan gobolka Bari”

Xarakada Alshabaab oo is fogeysey in ay dagaaladaas ku lug leeyihiin…..

Cumar Cabdirsahid Cali  Sharmaarke oo ah Raiisal wasaaraha dowladda KMG ee Soomaaliya; ayaa ka hadlay dagaalada Soomaaliya ka socda gaar ahaan kuwii  ka dhacay deegaanada ku yaala duleedka Bosaaso.-

Cumar Cabdirsahid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in dagaaladaasi ay la mid yihiin kuwo kooxaha uu ugu yeeray argagixisada caalamiga ah ay ka wadaan gudaha Soomaaliya loona baahanyahay in si wada jir ah la isaga kaashado.-

“Puntland kaliya waxba kama qaban karto dagaalada ka socda xiligaan gobolka Bari, lakiin hadi la iska kaashado calamkuna gacan ka geysto waa laga yaaba in laga miro dhaliyo”Ayuu yiri Raiisal wasaare Cumar Cabdirashid oo la hadlayay qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho.-

Cumar Cabdirsahid Cali Sharmaarke ayaa carabka ku adkeeyay in dowladdiisa aysan ka quusan doonin sidii ay dalka oo dhan gacanta ugu dhigi lahayd, waxaana uu sheegay in kooxaha mucaaradka ah dalka laga sifayn doono.-

Cumar Cabdirsahid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay arrinta dadkii ay dhawaan Puntland kasoo musaafurisay dhulkeeda, waxaana uu ku tilmaamay taalabo khaldan in arrintaasi lagula kaco dad Soomaali ah oo kasoo cararay dagaal ka jira goboladoodii.-

“Runtii maaha in labo la isku qaldo, in la yirahdo waxaa ka dambeeya dad markoodii hore ka soo cararey dhibaatada dagaalada ka jira Koonfurta soomaaliya marka waxaan u soo jeedinayaa Maamulka Pundland in ay ka laabtaan Go’aankaas oo ah mid aan loobaahneyn xiligaan”ayuu yiri Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid

Dhinaca kale Iyadoo weli qalaase dhinaca Amaanka ka taagan tahay Maamulka Pundland ayaa Xarakada Alshabaab waxay si kulul u beeniyeen in ay wax lug ah ku leeyihiin Dagaalada ka soo cusboonaadey Degaano ka tirsan maamulkaas kaoo u dhexeeye Cidamada Pundland iyo Kooxo diimeed wuxuuna afhayeenka al shabaab uu sheegey in dagaaladas ay u dhexeeyaan Maamulka Pundland oo uu sheegey in ay dabadhilif u yihiin Itoobiya iyo dhibaatada ay shacabka ku hayaan wax uu ugu yeerey Ashahaada la dirirka  PS-ta iyo dad ka dhiidhiyey dhibaatadaas lagu hayo shacabka reer Pundland

Afhayeenka Xarakada Alshabab Shiikh Cali Maxamuud Raag (Shiikh Cali Dheere) wuxuu sheegey in ay si aad ah u soo dhaweynayaan Kacdoonka Shacabka Pundland  oo ay ka soo horjeedaan Maamulka Pundland “Waad la socotaan in dadkiinii ay maalin weliba laayaan Ciidamada Itoobiya kuwa kale ay ku jiraan Xabsiyada Itoobiya iyo Garoowe marka waa in aad ka dhiidhisaan Dhibaataas “ayuu yiri Afhayeenka Xarakada Alshabaab

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.