Home » Warar »

“kuwa dhahaayo puntland waxaa ku dagalamay al shabaab iyo Ciidamada Puntland ha ogaadaano warkaasi in uusan sax aheyn”

Ka dib shirjaraa’id oo uu qabtay Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Alshaab Shekh Cali maxamuud Raage (sheikh Cali Dheere ) Arbacadii July 28, 2010 shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay alshaab wax lug ah ku laheyn dagaalada ka dhacay deegaana maamul Goboledka puntland isla markaana waxaa dagalamaya ayuu ku macneeyey in ay yihiin dadka deegaanka oo u dulqaadan waayey gabood falada ay kula kacaan ciidamada P.I.S-ta ee la dagalanka argagixisada .

Halkan ka dhegeyso Sh. Cali Dheere

Afhayeenka xarakada Mujaahidiinta alshabaab Sheekh Cali maxamuud Raage oo shirkiisa jaraa’id uga hadlay dhowr qodob ayaa saxaafada si dadban ugu eedeyey in goorta ay ka hadlayan dagaalada Puntland ka socdo ay ku sheegaan kuwo ay alshabaab ay dagaal kula jirto dowlad Goboledka Puntland State isaga oo daaha ka rogey in arintu aysan sidaa aheyn .

Dagaalka puntland ka socdo wuxuu u dhaxeeyaa dadka deegaanka iyo cidamada P.I.S-ta ee ashahaado la dirirka ayuu ku cel celiyey sheikh Cali Dheere wuxuuna sidoo kale madaxda reer puntland ku eedeeyey in ay dadka deegaanka dhibaatooyin badan ay u geysteen tan iyo xiligii Janaral Cade Muuse Xirsi uu madaxweynaha ka ahaa xiligaasi oo uu sheegay in dowlada Ethiopia loo gacan galiyey dhalinyaro Somaliyeed oo uu sheegay in aysan waxba galabsan.  Afhayeenka ayaa intaa ku darey in xabsiyada dalka Ethiopia iyo puntland ay ka buuxaan dhalinyaro aan wax danbi ah geysanin .

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Alshaab “wuxuu dagaalka Puntland u dhaxeeyaa dadka dhiban iyo ciidamada P.I.S-ta iyo dowlada Puntland oo is garabsanaya “ Waxana uu soo hadal qaaday dagaalo horey uga kala dhacay deegaana puntland gaar ahaan Deegaanada Buuhoodle ,galgala, caabuudwaaq , iyo kuwo kale oo uu sheegay in alshabaab ciidamadedu ka qeyb qaadan wuxuuna intaa ku daray in dadka deegaanku iska caabiyeen ciidamadii shisheya eek u soo duulay .

Afhayeenka ayaa si gaar ah saxaafada farta ugu fiiqay isaga oo yiri waxaan rabaa saxaafadu waxa ay sheegeyso in ay si aad ah uga taxadirto ,  “kuwa dhahaayo puntland waxaa ku dagalamay al shabaab iyo Ciidamada Puntland ha ogaadaano warkaasi in uusan sax aheyn “ ayuu yiri.

Afhayeenka ayaa kula dardaarmay dadka deegaanka in ay ku sabraan dhibaatooyinka loo geysanayo.

Dhanka kale afhayeenka ayaa si kulul u canbaareyey shirka lagu soo gabagabeeyey magaalada Kmabaala ee dalka ugaandha ee uga socday qaar kamid ah wadamada Africa kaas oo lagu go,aamiyey in cidamo la geeyo dalka Somaliya wuxuuna ku tilmaamay ciidamada la geynayo dalka somaliya in aysan waxba dhaamin doonin kuwii horey u joogay
Sheekh Cali Dheere ayaa shirka ku tilmaamay in uusan u noqonin dhanka dowlada sidii ay rabeen qeyladhaantoodiina ay kala kulmeen wax ka duwan waxay ka filayeen, wuxuuna sheegay in ay ku kala dareereen iyada oo uu san shirku ka soo bixin wax la taaban karo .

Mar uu ka hadlayey ciidamada dowladaha Africa ay balan qaadeen ayuu sheegay in ay horey sidaa oo kale u balan qaadeen ilaa hadana kuwii ay keeneen ayaa Muqdisho ku rafaadsan
Sheekh Cali Dheere ayaa ku goodiyey in wax kasta oo ay keenaanba ay ku danbeyn doonaan sidii kuwii hore oo kale.

Shacabka Muqdisho isaga oo la hadlayey ayuu ku dhiiri galiyey in aysan wax cabsi ah galinin dhawaqa ka soo baxaya Magalaada Kambaala
Mar uu la hadlayey shucuubta wadamada ciidamada soo dirayo ayuu uga digay in aysanku deg degin tagitaanka Gudaha Magaalada Muqdisho isaga oo sidoo kale u digay kuwo uu sheegay in ay gadaal ka riixayaan sida maraykanka iyo wadamada reer yurub qaarkood ayuu ku sheegay in ay qasaaro ka tagan yihiin meelhii ay horey ugu duuleen sida ciraaq iyo Afqaanistaan ,waxay rabaan in aad la qeybsataan baroota ay ku jiraan ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka oo sheegay in danta iyo maslaxada dowalda ciidamada soo dirayo ay ugu jirto in ay ka waantoobaan .
Waxay rabaan cidamada la soo dirayo in ay gumaadaan shacab aan waxba galabsan oo ay habeen iyo maalin madaafiic ku ridaan ,hadii aad leediyiin wiilasheenu ha baabi-iyaano shacabka Somaliyed in aad ku nabad gashaan ma dhacayso .

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " “kuwa dhahaayo puntland waxaa ku dagalamay al shabaab iyo Ciidamada Puntland ha ogaadaano warkaasi in uusan sax aheyn” "

  1. feisal says:

    A/C Waxaan doonahayaa in aan u sheego walaalaha AL-YARYAR Ilaah ha barakeeyee in ay il gaar ah ku hayaan waxa ka socda PUDLEYND oo aan is leeyahay waad ka gaabiseeen runtii, waxaa kale oo aan talo ka bixin lahaa arinka adinka iyo xisbul islaam, xisbul islaam waa rag culus oo aad u baahan tihiin mar kastaa waxaan filahayaa in aanba laga maarmin sidaassi awgeed war sh hasan koley kursi ayuu rabaa ee hal kursi oo ah kii uu astaahilay siiya adinka oo mahadsan?

  2. WADANI says:

    WAXAAN LEEYAHAY NINKAAN ISKU SHEEGAYA AFHAYEEN WAXAAD SHEEGAYSID WAX QIIMO BADAN UGU FADHIYA MAAHA MUJTAMACA SOMALIYED WAXAANA SIDA LA OGSOONYAHAY ALSHABAAB AY ARGAGAX KU HAYAAN DADKA SOMALIYEED MARKAY KOONFUR SOO BAABIYEED AYAY USOO JEESTEEN INAY KHALKHAL GALIYAAN DHULA NABDOON EE SOOMAALIYEED SIDA PUNTLAND IYO MEELAHA KALE MAKRAA WAXAAN LEEYAHAY DADKA SOOMAALIYEED WAA IN LAYSKA QABTAA SHAYAADIINTA AL SHABAAB .