Home » Maqaallo »

Sideed ugu xamaalan kartaa Qatar? Q2aad | Al-Hasani


Maxaytahay ‘shaqada’ looga baahanyahay Qatar?

Qatar waa wadan yar oo iminka dhismayo. Duruufta dhaqaale(adag) ee uu aduunka marayo wax raad ah kuma reebin oo waxay kamid tahay wadamada yar ee ka bad-baaday (Al-Xamdulillaahi). Taasi waxaa daliil u ah inaay maalgalin badan kusamaynayso wadama yurub iyo Asia.

Engineer wax dhiso, dhakhtar wax daweeyo, darawal gaari kaxeeyo- ilaa khadaamad intaba waa looga baahan yahay laakinse duruufo kala duwan oo ubaahan in la faah-faahiyo ayay kusuganyihiin!

Shaqooyinka professionalka ah sida engineerka dhismaha ama maamulka iyo maaraynta aad ayaa loo amaanay (mushaar ahaan) marka loo fiiriyo Europe iyo America sida ay qireen dad ka soo shaqeeyey meelo kala duwan oo aduunka ah!

Ugu yaraan, mushaar aan canshuur lahayn ayaad qaadanaysa, calaawaad(allowance) badana waad leedahay, 5ta salaadoodna waxaad kutukanaysa masjidka. Ha hilmaamin meel waliba oo inaay leedahay taxadi (callenge) loo baahanyahay in lagu xisaabtamo!

Dad sikale  wax uxisaabiyey ayaa jiro oo kuleh: Waxa kusoo galayo iyo waxa kaa baxayo ismalaha ayagoo milicsanayo noolasha qaaliga ee Qatar!

Shaqooyinka muruq-maalka ah waxa kuroon Europe iyo America marka lagahadlayo duruufta shaqada iyo lacagta intaba.  Wadamada Khaleejka, xoogsatadu waxay kusugantahay xaalad adag oo qolooyinka xuquuqul-insaanka kaqayliyeen!

Sideen kuhelaya shaqada igu haboon haddii aan ahay professional?

Dadka xirfadlayaasha ah iyo kuwa kashaqeeyo maamulka ee kasoo baxay jaamacadaha magaca leh, kana soo shaqeeyey shirkad magaca leh aad ayay ugu sahlan tahay haddii aanu Qadarka ka adeegin!

Shaqooyinka fiican sida ay ubadanyihiin waa online; waxayna gacanta ugu jiran dad reer galbeed(gaalo cad) ubadan.

Shirkadaha dadka shaqooyinka geeya (recruitment agencies) ayaa  mas’uul  ka ah kala shandhaynta CVyada(codsi shaqo raadin) ; intooda badana waxay kuyeelaan Europe,  America iyo  meelo kabaxsan Qatar.

Kuma oronkaro sicadaalad ah ayaa loo eegaya CVyada laakinse waxaad mooda inaay dhaanto nidaamka ‘waastada(yaad taqaan)’ ee wadamada Carabta wax looga raadsan jirey waagii hore.

CV sifiican loo qoray oo aad onlineka udhigto shirkada (aad shaqada ka doonaysid) ayaa kaaga filan Safar dheer, kharash badan iyo fasax aad ka soo qaadatid shaqadaada. In dhawaydba Qatar waa lajoojiyey arji gacanta laga dhiibo!

Rag badan oo ka soo safray meelo fog-fog sida Australia ayaa loogu jawaabay  ‘nagala soo xariir websitekan iyo emailkan’. Haddii aad horey u aaminsanayd in Carabtu ‘waasto‘  iyo shuyuukh loo tago wax looga helo- arintaas waa kudaysay ee lasoco saaxib.

Haddii aad shaqada  sidaas kuheshid waa khayr oo wax aad kawal-washo majiraan. Waxaad kala saxiixanaysaan contract( heshiis) ay kuqoranyihiin waxkasta; haddii aad raali katahay waad saxiixaysa haddii kale waad diideysa. Wax waliba shirkada ayaa kuu dhamaynayso adigoo wadankaada jooga..

Xusuus: Dibida in lagaa keeno ayaa kafiican inaad gudaha shaqo kacodsatid waayo waxaad leedahay ticket meesha aad katimid.

Deegaanka  waxay ubadan tahay in lagu dajiyo meelo gaar ah oo ka duwan Qatar inteeda kale oo loogu talo galay dadka muhiimka ah ee ka shaqeeya meelaha muhiimka ah. .

Haddii ay kaa tahay intay laabtu bukilahayd….

oo ay ku dhaafin waydo inaad soo safartid fadlan lasoco maalmaha laqabto“Qatar Career Fair”. Waa macrad sanadkii mar laqabto oo dhamaan shirkadaha waa-wayn oo dhan ayaa soo bandhigo shaqooyinka kabanaan. Waa jaanis fiican ee wixii intaas ka dheer kala xariir .

Baraarujin: shaqooyinka qaarkood iska ilaali oo waxaa lagu sameeya waxloo yaqaan ‘ Qatarisation’ تقطير, yacni mar Allah iyo marka lahelo Qatari qabankaro howshaada ayaa lagaa saaraya meesha. Had iyo jeer waxaad xooga saarta shaqooyinka qatariga soo hawaysankarin sida macalin English iyo wixii lamidka ah.

Ogsoonow inaad latartamayso- marka aad shaqo online kudalbanaysid- dadyowga aduunka oo dhan; waa inaad umuuqata professional ah marka aad email direysid, habka CVgaada uqoran yahay iyo haddii interview lagaaga qaado teleefoonka intaba.

Habkan (online)  ma’aha wax sidaas usii dhib badan oo waxa nala jooga shabaab Somaliyeed oo sidaas  shaqada kuheley. Gaalada halkaan kashaqayso 80% waxay kuymaadaan online.

Shirkada badan waxaa lagaleeyahay wadama Galbeedka (Europe, North America iyo Australia) oo lagayaabo inaad baasaborkooda sidatid. Wadamada Norway, Canada, America, Denmark, UK iyo kuwa badan oo kale ayaa kuleh shirkado batroolka kashaqeeya. Shirkadahaas emailada iyo webkoodaba waxaad kala socondoonta maqaalka usbuuca soo socdo inshallah.

Muruq-maalayaasha (sideyda oo kale)

Dadka kashaqeeya shaqooyinka xooga kudhisan- xaaladooda waxan ukala qaybinaynaa labo marka laga  eego nidaamka shaqo-siinta, mishaarka iyo sida ay ku soo galaan wadankan.

A. Dad xirfadlayaal hoose oo kashaqeeya hoteelada, korontada, dhismayaasha, warshadaha, garashyada iyo wixii lamid ah wadamadooda ayaa toos looga keena. Waana heshiis dhex maray Qatar iyo wadamaas. Dad lasoo tabobaray, wadamadoodana lagu soo imtixaanay, shaqada horey ugu soo shaqeeyey!

Somali ahaan dadkaas kuma jirno oo dowlad namatasha majirto (waana lawada ogsoon yahay meeshii ay kudanbaysay ayadoon cid gaar ah lagu eedeneyn); aqoona uma lihin inaan kashaqayno xirfadaha dadkan lagu keenayo.

Kooxdan inkastoo ay xirfad leeyihiin hadana dhaqaale ahaan magaarayaan kuwa professionalka ah ; ayadoo ay sidaas tahay hadana qof kasta waa kuqanacsanyahay waxa uu qaato marka loo eego wadankiisa. Taas micnaheedu ma’ahan inuu dhaqaaluhu kufilanyahay ee heshiiska lala soo galay ayaa sidaas ah.

B. Qolada iskood usoo dacabirtay, waana mida aan qormadan ugu talo galnay dhib badan ayaa kataagan; Soomaali ahaana kuwaas ayaan ubadanahay sababaha aan kor kusoo sheegney  iyo kuwa kalaba.

Xaalad adag ayay kooxdan kusuganyihiin; ma oronkaro waxay lamid yihiin kuwa badaha isku qaada laakinse waa mid u baahan in laysdul istaago! Ayadoo faahfaahsan waxaad kaga bogan doonta qoraaladan soo socdo inshallah markaas ayaad xukumi doonta inaay kamidyihiin ‘xamaaliin soo shaqo tagay ama  dad isa soo miidaamiyey’.

Haddii aad muruq-maale tahay sideed ku imaankarta Qatar?

Waxaad ku imaankarta adigoo visa laguu soo diro laakinse su’aashu waxay tahay ‘sidee loo helikaraa visa sax ah? Waa visa noocee ah?

Waxyaabaha soo kordhay sanadahan dambe oo aan horey looga aqoon Qatar waxaa  kamdi ah ‘visa’ suuq-madow lagu kala iibsanayo.Waxaa abuurmay  shirkado badan oo aan shaqooyin hayn oo ay  dhalanyaro  leeyihiin.

Shirkadahaas waxay heshiis lagalen dad ajaanib ah oo Qatar dagan. Shirkadu dowlada ayay visaha kasoo qaadaysa ayadoo ku andacoonayso inay shaqaale ubaahan tahay. Kadibna suuqa ayaa lagu kala iibsadaa oo dad aan shaqo loo hayn ayaa dalka lagu soo dal-dalaa.

Hadaba waa inaad iibsataa visaha noocaas ah ee lasoco. Dhibaatooyinka kadhasha (Visaha suuqa madow) hoos ayaan ku faahfaahindoona  haddii Allah yirahdo ee ha degdegin. Waana arinta igu dhalisay inaan diyaariyo maqaaladan taxanaha ah kadib markii aan arkay dad badan kusoo hunboobay visaha sidaan lagu helo!

Sideen ku aamini karaa dadkaas? Tolow amay idhacaan? Taas adiga ayaan kuu daynaya laakinse waxan kugu baraarujinlahaa ‘visaha’ oo aad gacanta kudhigto micnaheedu ma’aha inaad kagudubtay marxaladii lagu dhicilahaa iyo lugooyadii ee fadlan lasoco maqaalka inta kahartay!

Jeebkaada eeg!

Fadlan soo qaado kalkulaytar oo ila soco ilaa aan kuu xisaabiyo kharashka kugu baxayo- imaanshahaada ilaa daganaashuhu kuu dhamaystirmayo ka hor inta aadan shaqo helin!

$2000-3000 ayaa lagu kala iibsada ‘visaha’ suuqa madow oo ay ku qorantahay 5sano oo daganaasho ah. Haddi ladoono lacagtaas waa lagugu kordhinkaraa oo waxay kuxirantahay inta qof ee idiin-dhaxayso adiga iyo shirkada.

Waxaadse ogaataa in dowlada visahan looga soo qaaday lacag la’aan. Waxkasta oo lagaa qaaday waxa kala qaybsana shirkada iyo mukhalaska.

Imtixaanka runta ah hadda ayuu kuu bilaamaya ee dhagaha fur. Marka aad soo gashid dalk ‘visaha‘  waa in loo badalaa  iqaamad (residence), howlo badan ayaa  kahoreeya.  Waxaa lagaa rabaa  lacag kale, ugu yaraan $700-900  oo aan ahayn tii aad kusoo iibsatay visaha. Lacagtan dowlada in yar ayaa loo xaraynaya inta kala waa lacunaya.

Waxyaabaha kale ee dhicikaro waxaa kamid ah in lacagtaas($700-900) lakordhiyo lagaa cuno oo aan iqaamad lagugu dhufan! In shirkada lagaa qariyo marka aad halkan timaadid iyo howlo kale oo aan halkan lagu faahfaahinkarin oo akhlaaqda kabaxsan!

Haddii ay sidaas dhacdo ogow labo khiyaar umbaa kuu banaan : inaad iska soo laabatid  ama  lacag horleh aad bixisid haddii kale waxaa kugu bilaamaya qaraamo( ganaax)!

Intaas iigu dar lacagta baasaboorka aad soo qaadanaysid oo aan baasabor soomali iyo bug ah midna ahayn; iyo waxa kugu baxaya safarka aad ku raadsanaysid baasabor sax ah!

Tikidkaada iyo howlaha safarka oo dhan (hadba meesha aad ka imanaysid ilaa Qatar); cuntada,  jiifka iyo hotelkada inta aad shaqo kaheleysid (oo aan lagaranayn inta ay qaadanayso) ii xisaabi!.

Taksiga iyo transportiga qaaliga ee Qatar lacag uxisaabi. Haddii  ay daruuf kugu timaado oo ay noqoto in lagu celiyo- sida dhacdaba ticketka adigaa lagaa raba ee  kudar intii hore!

Reer iyo ciyaal haddii aad katimid – waana waxa meesh ku keenaye-waxaad ugu soo tagilahayd  ii xisaabi. Walaalkey qaali ahow imisa ayay kuu soo baxday? $————

Khibrada aan uleeyahay dadka dhoof-raadiska ah cid lacagtaan gacan kuhaysa oo diyaar u ah inaay kubixiso safar sidaan oo kale  waa yartahay laakinse waxaa badan inta  ku xisaabtamaysa jeebka qofkale!

Iminka oo aad haysid tuutalka lacagta kugu baxay, su’aashu waxay tahay ‘ma kanoqanaysa safarkan mise lacagta ayaad soo kordhisanaysa adigoo kuxisaabtamaya warbixintaan?’

Intaas waxaan kugu darilahaa- argagixisonimo igama aha- inaysan lacagtaan si sahlan kugu soo noqonayn balse aad ubaahandoontid lacag kale oo lagugu taageero! Waana ceeb in lagugu soo biilo Qatar adigoo waxaas oo kharash ah soo galay!

Mida kale, adigoo intaas oo qarash ah soo galay hadana joogitaankada  Qatar wuxu kuxiran yahay natiijada caafimadka (haddii lagaa helo cudurada laysku celiyo) iyo faraha dambi barista ee lagaa qaadaya inta aan iqaamada lagugu dhufan!

Lugooyadu intaas kuma eko!

Maalmahan waxa socota in shirkado badan oo kaganacsan jirey howlahaan al-baabada loo xirey ama loo diidey in loo cusboonaysiiyo sharciga kadib markii la arkay dadka ay kaganacsanayaan. Kadibna wixii ay kafeel ka ahayd waxaa lagu shubaa ibcaadka(tarxiilka).

Qatar waa wadan yar oo wixii qalad ah oo soo kordha islamarkiiba waa ladareemaya. Ma’aha sida Sacuudiga iyo Imaaraatka oo ay dadku kujoogaan siyaabo kala duwan- xaj, umra iyo marmarsiiyo ganacsi. Hal wado ayaa wadanka lagu soo galaa, laguna jooga – waa inaad shaqaynaysid!

Dhibaatooyinka waxa kamid ah inuu kafeelku kuu diido inaad kawareegtid xitaa marka ay kuu dhamaato mudada uu qaanuunka dhigayo! Ama warqadkasta oo aad ka codsatidba lacag kaa qaado- waa howlo sida badan lagu helo lacag la’aan!

Afeef: Qalad ha iga fahmin, waxaan oo mashaakil ah ma’ahan wax aan soo aruuriyey oo aan dadka ku argagixinayo ee waa sida uu xaalku yahay. Haddii aad ka biyo diidsantahay fadlan laxariir wixii qaraabo ama macrifo ah oo aad kuleedahay Qatar.

Isku soo duduubo waxaas oo dabin ah haddii aad kagudubtid waxaad kuguulaysatay oo kali ah ‘inaad dalka si sharci ah kujoogtid’. Tilaabana meel uma dhaqaajinkartid mudo hal sano ah sida qaanunka Qatar dhigo, xitaa haddii aad soo heshid meel aad kaxamaalatid.

Waa inoo usbuuca dambe iyo warbixin kale, wasalaamu Alaykum Warahmatullah Wabarakaatuhu.

Qaybtii hore: https://somalitalk.com/tag/al-hasani/

Adam Abuzuhri Al-Hasani

Email: abuzuhri1@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

10 Jawaabood " Sideed ugu xamaalan kartaa Qatar? Q2aad | Al-Hasani "

  1. gamboweyne says:

    kuma raacsani ninkaan talidiisa inkastoo uu kumahadsanyahay
    waxaan dhihi lahaa lacag kaa baxda waxba maaha dreamkaaga cayrso internet application waa too easy dad badan ayaa kulu tartamayo wabilaahi towfiiq

  2. kkkkkkkk, Su’aal: Qatar iyo Somalia yaa Hodan ah ama Qani ah
    Jawaab: waa Somalia, Sababtoo ah Qatar ilaha ay wax kasoo galaan waa Shidaalka iyo gaaska oo Dabiici ah, Beero ma Leh, Xoolo Nool Maleh, Bad Kaluun Badan leh Maleh, Macdan Maleh, Dahab Maleh, Dheeman Ma leh, Maydi Ma Leh, Meel loo Dalxiis tago Maleh, Dhul Baraha ma Maro, intaas oo dhan oo aysan Lahayn Qatar Soomaliya ayaa laga Helayaa. Sidaa Daraadeed Ogaada in Somalia ay Tahay Wadanka Adduunka ugu Qanisan isla markaasna ah Keydka Adduunku uu ku Xisaabtamayo, waxaan aaminsanahay in Hadii soomaliya ay Xasisho oo israacdo in ay noqon Doonto wadanka adduunka loosoo Shaqo Tago.
    100%%% ayaan aaminsanahay Fikradaas, waad arki doontaan insha alaah Hindi, Pakistaniyiin, Ameericaan, Carab kusoo Dira CV-yadooda E-mailka Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqaalaha Soomaaliya iyagoo Shaqo Doon ah. isnah Alaah.
    Qoraaga Al-Hasaani waa Mahadsanyahay Mucaarad kuma ihi laakin Fikrad iga Guuxaysay oo aan meel aan ku qoro waayey ayaan jaanis u helay in aan meeshaan ku Qoro.

  3. Al-Hassani mahadsanid walaalkay, runtii maqaalkaaga intaan ka dhargi waayey ayaan daabacday si aan sariirta ugu akhristo taasna waxa igu kalifay anigoo u waashay sidii aan mar uun Qatar u tagi lahaa, waan ogahay in Qatar ay Noloshu qaali tahay laakin taladaada ayaan yeelay sxb oo ah in aad tahay Provesional isla markaasna aad Online ka Apply garayso Shaqooyinka, maalin walba waan waydiiyaa Google Qatar Jobs kumanaan ayaan arkaa. laakin waxad tiri CV-yada waxa kala gura dad Gaalo ah, kawaran Hadii ay CV_ga igu Qorantahay Muslim malaga yaabaa in ay iga reebaan Short Listiga???

  4. Cabdalla says:

    Asalamu Calaykum
    Xasaani, macluumaad aan inaba caadi ahayn ayaad nagu soo hurguftay, duniduna sideeda waaba macluumaad oo hadaad waxbadan ogtahay, dadka waxbadan ayaad dheertay. Marka walaalle Allaha kaa abaal mariyo.

    Tan kaloo aan kuu sheegayo waa in qoraalkaagu xiiso badan yahay, sababtuna waxa weeye adigoo caddayn (link) ah reference kusoo xiraya arimaha aad sheegayso, taas waxaa sii dheer Somalida oo aanan looga warbixin wax kusaabsan horumar naftooda iyo masaalixdooda, laakin maantoo idil looga sheekeeyo oo loosoo tabiyo hebel ayaa eryaday hebel, koox hebelna waxay kaqabsatay koox hebel meel cidlaa oo geedo lahayn, biyo lahayn oo gawaan cad ah!

    Dadkiina waxaas uma baahnee, waxay ubaahan yihiin meel ay dunida quud ka raadsadaan, maadama quudkii dalkooda loo aqoonsaday!

    Mahadsanid
    Wassalam
    Cabdalla

  5. ahmed says:

    War ninkale wadankiisa inaga daayoo keena Somalia aya inaga badan oo walaahi nimcada aynu haysano aanan Carab haysan,,,,waar Somalidu gar darana oo jecelaa dhul shisheeyo….shaqada dhismaha wadamada Carabta waa fuundinimada ciyaar maha wadankaas ad ayuu u kulul yahay.shaqo Somali maha waa shaqo Hindi iyo Pakistani.

    Somali walaalayaal dhulkeena aynu aamino nabad ka dhigno Qabyaalada iska deyno walaahi Mooska Canbaha Caanaha Malaayga,Hilibka Xoolaha sida uu wadankeena u buuxo,meel laga helayo ma jirto.

  6. as.c.s.s.
    salaan kaddib aad iyo aad mahadcelinayaa bahda somalitalk .

  7. Wali says:

    Masha Allah.. Mahadsanid walaal.. sidaas oo kale ayaa loo baahan yahay dad soomaali wax u sheega.. Asbuuca dambe ayey inoo ahaanaysaa haddii uu eebbe inoo wada idmo.

  8. luqmaan says:

    as. war al-hasani, waaba haddii magacaadu sidaan yahaye, waxaad tahay 5*****, waxaan nacay oo dhibsaday kuwa aanan wax qori aqoon oo qalinka uun daaliya, allaha kuu siyaadiyo maqaalkaada waxaan u aqriyay sida anoo hortaada jooga oo kale, waxaan soo xasuustay waa aan wax qori jiray oo nin saaxiibkay ah i yiri war marka aad wax qorayso ma dadkaad hortaada keenta ee dareenkooda qalinka la raacdaa…

  9. ABDIRAHMAN says:

    ASC/uncle very interesting realy we hope to see u with more enjoyable .
    thanks

  10. Dugsidiid says:

    Maasha Allaah Mr Al-Hasani
    To be honest with you i have enjoyed
    your article every bit of it and i am looking forward to hearing from you.
    Thanks Dugsidiid