Home » Warar »

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb oo kulan ku qaatey Degmada Cadaado

Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Mudane Maxamed C/llaahi Macallin Aadan “Tiiceey” ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Cadaado ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Galmudug Mudane Maxamed Axmed Caalin oo booqasho gaaban ku yimid magaalada Cadaado.

Masuuliyiinta labada maamul ayaa ka wada hadalay sidii loo hagaajin lahaa xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada maamul oo ay ku kala nool yihiin shacab wada dhashay.

Kulkan ayaa daba socda kulamo isdaba joog ah oo bilihii la soo dhaafay ay yeelanayeen madaxda labada maamul, kuwaas oo ka kala dhacay gudaha iyo dibadda dalka, dhamaan kulamadaasna waxaa looga gol lahaa sidii nabad iyo wadanoolaansho wanaagsan looga dhex abuuri lahaa dadka walaalaha ah ee ku nool deegannada labada maamul.

Labada Madaxweyne oo kulankooda kaddib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inay isku afgarteen dhamaan qodobadii ay iska soo qaadeen, waxayna tilmaameen inay magacaabeen labo guddi oo soo diyaariya xilliga la qabanayo kulan weyne lagu dhamaynayo dhamaan xurgufihii hore u jiray, looguna gudbyo weji cusub oo ay yeeshan dadka walaalaha ee ku kala nool labada maamul.

Waa markii ugu horeysey oo Wafdi ka socda Maamulka GalMudug uu soo gaaro Degmada Cadaado waxayn hordhac u tahay isu soo dhawaansho labada dhinac oo sannooyinkii ugu dambeeyey dagaalo goos goos ah uu dhexmareyey labada Beelood taasoo waxyeelo ka soo gaartey labada dhinac waxayna ay sheegeen in ay u howlgeli doonaan sidii iyana loo dhameyn lahaa Colaada ka taagen Degaanka Bacaadweyn

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho Media House oo lagu qabtey siminaar ku saabsan Saxaafadda

Tababar lagu baranayay qaabka ay saxafiyiintu ugu shaqeyn karaan marxaladda adag ee dalku marayo iyo anshaxa saxaafadda oo ay ka qeyb galeen saxafiyiin soomaaliyeed ayaa lagu soo gabagabeeyay magaallada muqdisho.

Tababarkaan oo ay soo qabnqaabisay xarunta Muqdisho Media House ayaa waxaa ka qeyb galay in ka badan 30 saxafi oo ka socday qeybaha kala duwan ee warbaahinta Magaallada Muqdisho, wuxuna xaruntaasi ka socday muddo laba maalin ah.

Xafladii gabagabada oo ay ka qeyb galeen msuuliyiin ka tirsan wasaaradda warfaainta ayaa waxaa hadal kooban ka jeediyay Agaasimaha Tababarada iyo xiriirka saxaafadda ee wasaaradda warfaafinta Yuusuf Cali Cusmaan “Fareey” oo sheegay in wasaaraddu ay taageereyso cid kasta oo u taagan ama ka qeyb qaadaneyso horumarinta saxaafadda dalka, isagoo soo dhaweeyay tababarkaan lagu qabtay xarunta Mugadishu Media House.

C/llaahi Xasan “Black” oo ka mid ah masuuliyiinta Muqdisho Medi House kana mid ahaa Macallimiintii bixineysay Siminaarka ayaa isna sheegay in siminaarkaan loo qabtay si saxafiyiinta Soomaaliyeed ay ula tacaamulaan siyaasadaha is diiddan ee dalka ka jira ayadoo la dhwrayo anshaxa Saxaafadda, si looga badbaado in warbaahinta ay cidi u adeegsadaan si gaar ah.

Ustaad “Black” ayaa sheegay in xarunta Muqdisho Media house ay u taagan tahay hormarinta saxafiyiinta Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay In ay sii wadi doonaan tababarada noocaan ah ee lagu kobcinayo aqoonta saxafiyiinta Soomaaliyeed.

C/llaahi Xasan Black ayaa sheegay In xaruntaani ay tahay mid ay leeyihiin saxafiyiinta Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in ay ka madax banaan tahay dhinacyada isku haya Siyaasadda Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Madaxweynayaasha Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb oo kulan ku qaatey Degmada Cadaado "

  1. war annagaa yaab aragnay walaalyaal tuulo waliba haday noqoto madaxwayne qoys ugu yaraan shan aabo leh aduunyada lagama sheegin
    waanagu ceeb in xaafad waliba madaxwayne noqoto soomaaliyana waligeed mahagaagayso inta isku duubmi la aanta jirto
    waxba kama qaban karno hadaanu nahay dhalinyarada xilligaan maxaa yeelay waxaa wadanka kudagaalamaya ajaaniib shacabkuna mahan mid damiir leh
    oo waad aragta midba midka kaluu u banaan baxaa

  2. WAr heedhe, Soomaali waa usii dhamaaneysaa, goormaa maqli doonaa, xujo iyo xabaal state, habar fadhido iyo oday socda state, Ahlusuna Waljamaaca State, iyo wiil iyo aabihiis state, war Soomaaliya weynaan badanaaa, dhamaan Ethopia ayey hoos tagayaan waana qorshe loogu talagalay soomaali oo dhan, horaa loosii xirmeystay Puntland, Somaliland waana goobo ay Ethoobiyaanku ku shaqeystaan, Allow naga qabo gaalada iyo ethoopiyaanka….Ammiiiiiiiin meeshay nasii marsiinayaan waad aragtaaye