Magaalada London ayaa waxaa lagu qabtay shir wayn oo oo lagaga hadlayay arrimaha Geeska Afrika iyo maaraynta dhibaatada Ogaadeenya. Shirkan waxaa soo agasintay Jaaliyadda Ogaadeenya ee wadanka Ingiriiska, waxaana ka qayb galay hoggaanka sare ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO, Madax ka socotay dalka Soomaaliya, Aqoonyahaniin Soomaaliyeed iyo dadwayne aad u fara badan oo isugu jira kuwo u dhashay dalka Ogaadeenya iyo waddanka Somaaliya. Waxaa kaloo shirka ka qayb galay Wakiil ka socday Jabhadda Oromiya ee OLF.
Shirkan waxaa furay guddoomiyaha Jaaliyada Ogaadeenya ee London Daahir Tamooje oo ka faallooday wax-qabadka Jaaliyadda iyo doorka ay ku leedahay kobcinta dhaqanka iyo isku xidhka dadwayanha. Waxaa wacdi kooban oo furitaan ah shirka ka soo jeediyay Sh Xuseen, oo ka qayb galayaasha shirka xusuusiyay sida loogu baahan yahay in mar walba la xusuusnaado cabsida Eebe, isla markaana loo darbanaado sidii wax loogu qaban lahaa dadwaynaha dulman ee reer Ogaadeenya ee gumauysigu haysto.
Ka dib waxaa makarafoonka lagu soo dhaweeyay guddoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan, oo si qoda-dheer uga hadlay dhibaatooyinka gobolka Geeska Afrika, isla markaana tilmaamay in dhibaatooyinkaas oo dhan ay bud-dhige u tahay dhibaatada Ogaadeenya. Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay xadgudubyada ay ciidammada Itoobiya u gaystaan dadwaynaha iyo cunaqabataynta naxariis darrada ah ee xukuumadda Itoobiya ay muddada dheer ku haysay dadwaynaha Ogaadeenya. Guddoomiyuhu wuxuu si faahfaahsan uga hadlay siyaasadaha gumaysiga Itoobiya eek u wajahan gobolka Geeska Afrika iyo sida xukuumadda Itoobiya ayna marna raalli uga noqonayn In la helo dowlad soomaaliyeed oo si fiican u tabarisa.
Guddoomiyuhu, mar uu ka hadlayay xal u-helista dhibaatada Soomaaliya, wuxuu sheegay in Itoobiya iyadoo kaashanaysa urur goboleedka IGAD, ay ku dadaalayso sidii loo sii kala daadin lahaa dalka Soomaaliya ee ayna marna isugu imaan lahayn kooxaha kala duwan ee isku haya siyaasada Soomaaliya. Guddoomiyuhu wuxuu dadwaynaha geesiyiinta ah Ogaadeenya ku ammaanay taageerada ay la garab taagan yihiin halganka iyo adkaysiga u muujiyeen dhibaatooyinka uu gumaysiga ku hayo, wuxuuna ugu baaqay inay dadaalkooda sii labanlaabaan, si ay guushu u soo degdegto.
Guddoomiyuhu mar uu ka hadlay arrimaha wadahadalka ay Itoobiya ku celceliso, wuxuu sheegay in JWXO ayna wax wadahadallo ah la galin, kulana jirin gumaysiga Itoobiya, balse mabda’ ahaan ayna diiddanaynin in dhibaatada Ogaadeenya wadaxaajood lagu dhammeeyo. Laakiin wuxuu daboolka ka qaaday in beenta iyo dacaayadaha ay faafisay awgeed ayna JWXO hadda diyaar u ahayn inay wax wadaxaajood la furto xukuumadda gumaysiga Itoobiya.
Waxaa isaguna goobta shirka ka hadlay guddoomikyaha Hoggaanka Arrimaha Dibada ee JWXO C/raxmaan Sh Mahdi, oo si xeel-dheer u kala dhigdhigay siyaasada arrimaha ee JWXO, isagoo caddeeyay in JWXO ay gumaysiga kaga guulaysatay guud ahaan goobaha caalamiga ah ee daneeya arrimaha Geeska Afrika. Wuxuu tilmaamay in JWXO ay si wayn uga hawl gashay Hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dhaadhicisay dhibaatooyinka iyo gabood fallada ay xukuumadda Itoobiya ku hayso dadwaynaha Ogaadeenya. Guddoomiyuhu wuxuu kaloo sheegay in JWXO ay tahay urur xafiisyo ku leh meelo badan oo caalamka ka mid ah, isla markaana ay xubin ka tahay ururro caalami ah oo si wayn looga qaddariyo wadammada reer galbeedka ah.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay siyaasadda cusub ee Itoobiya, isagoo tilmaamay in Itoobiya markii lagaga guulaystay goobihii dagaalka iyo siyaasaddii dibaddaba ay hadda isku dayayso inay adeegsato kooxo magacyo kala duwan la baxay oo sheeganaya inay Itoobiya heshiisyo la galeen, arrintaasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid aan waxba ku soo kordhinaynin wadciga ka jira dalka Ogaadeenya ee ah dagaalka lagula jiro ee xornimada lagu raadinayo oo aan joogsanaynin ilaa laga gaadho himaladii laga lahaa ee xornimada ahayd.
Waxaa kaloo shirka ka hadlay guddoomiyaha Hoggaanka Arrimaha Jabhadda Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirrane) oo tilmaan ka bixiyay ujeeddada dagaalka Ogaadeenya ka socday iyo sida ay JWXO uga go’an tahay inay dagaalkaas waddo ilaa ay guusha ka gaadhayso. Mudane Diirrane wuxuu kaloo ka hadlay maamullada soomaalida ah ee gumaysigu ku adeegto, kuwaasoo uu sheegay inay tacaddi fara badan ku hayaan dadwaynaha Ogaadeenya, isagoo tilmaamay in tacaddigoodu uu hadda gaadhay heer aan loo adkaysan Karin.
Shirka waxaa ka hadlay C/qaadir Xaaji Masalle, oo ah siyaasi rug-caddaa ah oo xilal sarsare ka soo qabtay dowladihii Soomaaliya ka jiray intii ka horraysay burburkii Soomaaliya. C/qaadir Xaaji Masalle wuxuu ku dheeraaday dhibaatada ay Itoobiya ku hayso dadyowga ku dhaqan gobolka Geeska Afrika, wuxuuna tilmaamay in xasillooni darrada ka jirta Geeska Afrika ay Itoobioya sal-dhig u tahay. Wuxuuna caddeeyay in dhibaatada lagu hayo dadwaynaha Ogaadeenya ayna ahayn kuwo indhaha laga qarsan karo, isagoo sheegay inay dadwaynahaasi ay mudan yihiin in lagu taageero halganka ay xornimadooda ugu jiraan. C/qaadir , isagoo ka hadlaya xidhiidhka Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuu yidhi; “Itoobiya nabad ayna doonaynin, annaguna ma doonayno……Itoobiya iyadaa u jilicsan burburka oo qoomiyado badan ka kooban.”
Xuseen Maxamed Caydiid, oo ah siyaasi soomaaliyeed oo aad loo yaqaano, ayaa isaguna ka hadlay goobta shirka. Mudane Xuseen wuxuu ku dheeraaday hagardaamooyinka ay Itoobiya u maleegayso dadka soomaaliyeed, meel kastoo ay ku nool yihiin. Wuxuu ka sheekeeyay dhacdooyin badan oo uu goob-joog u ahaa, kuwaasoo dhammaantood ka turjumaya sida ay Itoobiya ugu dadaalayso burburinta qaranka soomaaliyeed.
Xuseen Caydiid wuxuu cudurdaar ka bixiyay, isagoo ku hadlaya siyaasiyiinta iyo waxgaradka soomaaliyeed, dadwaynaha aan waxba galabsanin ee reer Ogaadeenya ee maamullada Woqooyi Galbeed iyo Woqooyi Bari ee Soomaaliya ay u dhiibayaan xukuumadda gumaysiga Itoobiya, isagoo tilmaamay in denbiyadaas foosha xun ayna masuul ka ahayn dadwaynaha soomaaliyeed ee gobolladaas ku dhaqan, balse ay tahay gabood-fallo ay maamulladaasi ku kacayaan. Xuseen wuxuu yidhi; “Sida uuna maamulka Kililku u matalaynin dadwaynaha Ogaadeenya ayayna maamullada Woqooyi Galbeed iyo Woqooyi Bari iyaguna u matalayin shacbiga gobolladaas ku nool.”
Aqoonyahanka da’da yar ee soomaaliyeed C/casiis “Xildhibaan” oo isaguna madasha ka hadlay ayaa si qiiraysan uga galiilyooday dhibaatada lagu hayo dadwaynaha Ogaadeenya. Mudane Xildhibaan, iyadoo la arkayay Ilmo dhabannadiisa ka deganaysa, ayuu shirka hortiisa ka ballanqaaday inuu hiil iyo hooba la garab taagan yahay halganka Ogaadeenya.
Shirka waxaa iyaguna ka hadlay suxufiyiin, aqoonyahanno iyo abwaano soomaaliyeed oo dhammaantoodba muujiyay taageerada ay u hayaan halganka Ogaadeenya.
Shirkan waxaa si hab sami ah u hagayay C/fataax Xirsi “Kamas” iyo Ruqiya Xuseen Aabi, kuwaasoo si aad u qurux badan u agaasimay shirka.
Warbixintan waxaa asal ahaan faafisay ogaden news agency ONA.
Press TV/Africa Today/The history of power struggle in Ogaden/12/01/2009/Part1
Press TV/Africa Today/The history of power struggle in Ogaden/12/01/2009/Part2
Press TV/Africa Today/The history of power struggle in Ogaden/12/01/2009/Part3
waxaan umahadcelinayaa walaalaha kashaqeeya somalitalk, waajibkiina ayaad gudateen hadana ma ilaawayno ninkii dadka iyo dalka wax u qabta iyo kii hagardaameeya, taariikhda ayada ayaa is qori. markale waad kumahadsantihiin dadaalka iyo wakhtiga aad galainaysaan soomaaliwayn.
Waxaan mahad balaran usojedinaya Somalitalk web,sida wanagsan eed uso
gudbiseen warbixintan wanagsan ka hadleysa gayiga wadanka Ogadenia
ONLF wey guleysani idamka alle guleysta.
aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinayaa dhamaan somalitalk,runtii masuulkan kahadlay meesha waxaanba u alaeeyey in ay dawladnimadii soomalia in aysoonoqotay. marka aan saaleeyahay ma,arag qof qofmauul ah oo sidaasoo kale u hadlo aad ayaana ugu faraxsanahay sida uu u hadlay runtiina qiiro ayuu igaliyay.
abdi
Waa arin xusid mudan sida ay isugu xidhan yihiin nabad iyo xasilooni ka hirgasha mandiqada geeska Afrika inay ku xidhan tahay xalinta qadiyada shacabka Soomaalida Ogadenia ee ku hoos jira Gumeystaha Ethiopia.
Shacabka Soomaalida Ogadenia oo garabsanaya walaalaha Soomaaliyeed ayaa dagaal Gobonimo doon ah kula jira Mustacmarka Madow ee Geeska Afrika,waxayna ila tahay in dirirta Xaqqa iyo Baadilka ay socon doonto inta Xaqqu guuleysanayo.
ONLF oo intii aan bartay ah ururka kaliyeed geeska Afrika kajira kuna dhisan Nidaam Wadaniyadeed ayaan filayaa inuu xal iyo guul ka keeni doono dagaalka ay kula dirirayaan kuwa caadeystay laynta iyo xasuuqa shacabka Soomaaliyeed,laga bilaabo Harar ilaa Muqdisho.
Umada Soomaaliyeedna waa ay og tahay waxa meeshaa dhigay 20 sano ee dambeeyey inay yihiin nidaamka Addis Ababa oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay siday u burburin lahaayeen karaamadii Soomaaliyeed iyo dawladnimadoodiiba.
War-baahinta Soomaaliyeedna ee aaminsan gudbinta xaqiiqda iyo difaaca cadaalada waa inay saddex jibaaraan soo bandhigista wararka iyo warbixinada noocan oo kale ah,iskana daayaan Nidaamka ay ku shaqeeyaan warbaahinta qaarkood oo ah aragtiyo Gaboobay (Old Theory) ama nidaamka * Ma-gudbayaasha*,iyagoo iska indha tira xaqiiqda iyo waaqica uu ku sugan yahay Geeska Afrika iyo Halganka Shacabka Soomaalida Ogadenia ay kula jiraan Gumeystaha Tigreega.
Thanks Somalitalk.
aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa somalitalk.com oo runtii xil iska saartay soobandhiga wararka ogadenia waad mahadsantihin somali caafimad qabta
maashaa alaah ninkan sida uu hadlay waa nin si fiican u fahansan siyaasada itoobiya itoobiya ayadaa isku diraysa soomaliya ilaahay ha isku keeno umada