Home » Maqaallo »

Soomaali way doqonowdey! | Xildhibaan Cabdiwali

Xildhibeen

Cabdiwali Sh. Maxamed

———————————

“Dhismo wacan nin dumiyoo misna daawanaya waa doqon” [Cabdidhuux]

(2daa sawir ee hoose dhismeyaashas ka muuqda oo berigoodi aad u wacnaa, doqonkii dumiyey subax iyo galab daawado,  garashada xusuusta askhristaha ayaan u daayey, ruuxiise ay ku adkaato waa i soo weyddiin karaa).

‘Doqon, doqon barax la’, doqon wadasho leh, caalle, nacas, dhaadhaan, dabbaal, naanaab, reerkoodadoc-uma-dhaafe, sawaab, salleello iyo axmaq’ waa tilmaamo 13an ah oo Soomaalidu ruuxii garashadiisa ama garaadkiisu hooseeyo ama  liito u taqaan.

Caqliga dheeraadka ah ama kan hooseeya waxaa laga ogaadaa  qofka dhaqankiisa ama bulshada dhaqankeeda Waxaa kale oo lagu baaraa baaritaan la yiraahdo IQ test (Inteligece Quotient) oo ah halbeeg lagu ogaado heerka uu joogo garaadka ama wax garashada qofka markaa la baarayo.

Sideedaba, doqon waxaa noqda qof, qoys ama bulsho. Xoolaha lama oron karo waaa doqon, inkastoo Reer Qardho neefka weydda ah –siiba geela- yiraahdaan: “ari bowe aa doqon”, waa saan maqlay. Haddana “qofku waa xoolo hadal kara” ayaa la yiraahdaa.

Suugaanta faca weyn oo Carabta si mug leh waxay u xustay, meelo faro bandanna ku sheegtay sheekooyin qosol leh iyo gabayo faro badan oo ku saabsan doqommada. Sidoo kale, Soomaalidu waxay leedahay sheekooyin iyo gabayo faro badan oo ay wax kaga  sheegtay doqommada. Si kooban waxaan ka xussi karaa:

  • Doqoneey dabkaa ba’.
  • Doqoni sokeeye ma laha.
  • Illeyn doqoni  dab kama kacdoo daamankey leex-leexisaa.
  • Doqon ha gargaarsan, hana u gargaari
  • Dadka kugu diryaa ama af xumo kugula doodyaa.
  • Nin dammani reerkooda waa doc-uma-dhaafaan!

Haddaba, magaalada xeebta badweynta Hindiya saaran ee Mombasa waxaa lagu qabtay bishii Dicember 2009ka shir bulshada rayidka ah oo Soomaaliyeed loo qabtay, soona qaqbanqaabiyey ururka CRD. Halkaa waxaa gabay yaab leh oo si aad ah ii taabtey ka tiriyey abwaan CABDIDHUUX [1.] Tixdaa wuxuu u baxshey “ALLOW DOQON HA NAGA DHIGIN”, wuxuuna horudhac uga dhigay go’aan uu gaarey iyo sheeko uu arar ka dhigtay; sidatanna waa u bilaabey::

“Markaan eegey dhaqankii 20ka sono Soomaali ay ku jirtey, waxaan leeyahay Soomaali wey doqonowdey”. Haddaba, beri baa nin odey ah la weyddiiyey:

  • “Bal doqon ka warran?!”.
  • Wuxuu yiri: “ma doqon?.”
  • Waxaa la yiri: “haa”.
  • Wuxuu yiri: “doqon yaaney kula dhalan”!.
  • Waxaa la yiri: doqon haddey kula dhalatay bal ka warran?!.
  • Wuxuu yiri:”hadday kula dhalatey ha kaa fogaato”.
  • Waxaa la yiri :”haddey agtaada joogto bal ka warran”.
  • Wuxuu yiri: “ ha kuu baahato”.
  • “Haddaysan kuu baahan oo kaa maaranto ka warran” baa la yiri.
  • “Xoog yaanay lahaan”  buu yiri.
  • “War hadday xoog leedahay ka warran” baa la yiri..
  • “Xoog bey leedahay?!”
  • “Haa”.
  • “Oo waa doqon?!”
  • “Haa”
  • “Oo waa kula dhalatay?!.
  • “Haa”.
  • “Oo meel kuu dhow bey joogtaa?!.”
  • “Haa”.
  • “Oo kuuma baahna?!”.
  • “Haa”.
  • “Xoogna waa leedahay?!”.
  • “Haa”!.
  • “Walba yaanay shisheeye kaa jeclaan”!.
  • Waxaa la yiri:” Oo hadday shisheeye kaa jeclaato ka warran?!”
  • Wuxuu yiri: “ waa ku dileysaaye”
  • “Hee”.
  • “Intaysan ku dilin dil”.

Cabdidhuux; wuxuu ku soo gebaggabayey: “afkaygu dil ma karee intaanay ku dilin ka digtoonow”. Anna waxaan raaciyey; “digtoonaan sasabid ha loogu daro. Hayeeshee, doqonnimo gaamurtey, macangag nimo iyo makaroofinimo weheliso dil (Euthanasia) [2] dawo u dhaanta lama soo saarin

Dabadeed, abwaan Cabdidhuux wuxuu  madashii  ka mariyey tix yaab leh oo dhageysteyaashii af kala qaad iyo dhabannoheys ku noqotay. Waxtar iyo tayo waa ninba intuu Eebbe gashee ka qeybgaleyaashii shirka  (Mombasa) maskaxddooda  waxaa ku xardhamey maanso uu ku bilaabey

  • Nin dagaal  jecleystoo nabad diidey waa doqon!,
  • Nin walaalki diley oo deysan waayey waa doqon!.
  • Dhismo wacan nin dumiyoo misna daawanaya waa doqon!.
  • Waxaan duxi karaaceyn nin ku daaley waa doqon!.
  • Nin dhulkiisi dahab yahay oo dawarsanaya waa doqon!.
  • Diinta ku dhaqankeeda nin dafiraya waa doqon!.
  • Nin dalkiisi nacay oo dab ku shidaya waa doqon!.
  • Damiirlaawe khaa-in ah nin daafacay waa doqon!.
  • Nin dhiig daadinayoo xil ku doonay waa doqon!.
  • Nimaan dalagga beeereyn waxana deeqin waa doqon!.
  • Hadba dabinka loo dhigo nimaan garan waa doqon!.
  • Nin la soo dirayoo waxnna dareemin waa doqon!.
  • Dadka nimaan u turinoo dugsanaya waa doqon!.
  • Beenta ruux ku daranoon xishooneyn waa doqon!.
  • Ninka malab ka dudayoo dacar leefay waa doqon!.
  • Nin isagoon dabaal baran bad dalaq yiri waa doqon!.
  • Nimaan labada daarood ku dadaalin waa doqon!
  • Nin isagoo dambiile ah isdaahiraya waa doqon!.
  • Nin dariiqii Nabigii ka dayoobey waa doqon!.
  • Danta guud-ahaaneed nin iloobey waa doqon!.
  • Danta gaar-ahaaneed nin dayaceyna waa doqon!.
  • Nin darxumo arkayoo danqan waayey waa doqon
  • Dar Ilaahey nin loo wacoo dulmi moodey waa doqon!.
  • Markuu cadowgu dagan yahay ninkii daaya waa doqon!.
  • Waxaa lagu duceystaa Allow doqon ha naga dhigin!.
  • Soomaalidu waa danteed moog!.
  • Middida lagu dilayo daab u ah!.
  • Iyadoon cidi dooran duub la xirtiyo!.
  • Durbaan loo tumaa u darajo ah!.
  • Inay doqonowdey daawada!.
  • Dufowdee maxaa u daawo ah?!.
  • Dabkooy dhigtaa u daawo ah!.
  • Dilkoy joojisaa u daawo ah!.
  • Iney dagto baa u daawo ah!.
  • Isdabo-qabataa u daawo ah!.
  • Diintoy qabsataa u daawo ah!.
  • Ku dhaqan dacadahaa u daawo ah!.

Meerisyadaa yaabka leh, macnaha fogna xambaarsan waxay i soo xusuusiyeen laba sheeko oo middood aan goobjoog ahaa:

Sheekada koowaad; sanadkii tagay 2009 bilihii u horeeyey ayaan Xamar gaarey. Waddada Maka Almukarrama aniga oo ku lugeynay ayaan meel durugsan waxaa ka soo muuqdey “Baabuurka  Gurmadka Degdagegga” oo Soomaalidu Ambalaaska u taqaa. Waa goor gabbalku sii dhacaya, dhaawacna waa la carareysa. Waduhu wuxuu isku daray nalka oo uu kala rogroga iyo wish cod dheer oo uu ka dhawaajiyo. Gabar horteyda socotey ayaa sidey qumayo ka soo hor baxdey inkaari iyo gacan yaahuu dhanka Ambalaaska uriddey: “cak belaayo ku qaadday markaad aragtaba dhiillo ayey sheegeysa, wallee baabuurkaa dhib noogama horeyn” .Eedayntaa iyo habaarkaa ayey marqura israacisey iyada oo caro basted la ah oo i soo dhugaty. Uma bixin.

Ma aysan garan dadaalka wadaha Ambalaaska!, sidoo kale, ma aysan garan dhanka looga yimid, cidda dileysa oo rafaadka badey, halaagga ku habsadey waqtigii uu bilowday iyo meeshuu ka soo jeedo!… Gabadhu waa miskiin la doqomeeyay.

Sheekad labaad: Nin qabqable dagaal ah oo baryo carrada Soomaalida ka calan-walleeyey ayaa la weyddiiyey: “War hebelow reerkiina rag tayo leh oo hormuud tolka u ah ayaa ka soo bixi jirey, maxaa raggii idinka mariyey halkeesa mareen?!.

Inta qosol dheer ku dhuftay ayuu jawaabtiisa ku bilaabay: “waryaa ma doqon baad tahay?!. Weligaa ma aragaey ciidan gaardinaya oo qurux iyo xarrago ku idishahay. Ciidankaa waxaa bilicdooda iyo gaddo-ka-cayaarkooda bila ragga dhaadheer oo jirkoodu dhisan yahay, saantana isla heli og dhawrka saf oo hore ku jira.

Ciidaankaa; dib-u-jeeso markii la yiraahdo durba waxaa soo booda kuwo abeeso lugoley u eg oo gaaggaaban hogfana leh oo ciidanka dhexdiisana looga yaqaan heeryo-xumayaal. Waryaa Soomaali oo idil 1990kii sidii di-u-bjeeso loo yiri, miyaa mardambe dhegahooda ay soo gaadhey dib-u-jeeso. Waryaa xoolayahow maxaa reerkayaga ku gaar ah, reer walba dib-u-jeeso ayuu wali ku  maqan yahaye?!”.

“Dhismo wacan nin dumiyoo misna daawanaya waa doqon”

(2daa sawir dhismeyaashas ka muuqda oo berigoodi aad u wacnaa, doqonkii dumiyey subax iyo galab daawado, garashada xusuusta askhristaha ayaan u daayey, ruuxiise ay ku adkaato waa i soo weyddiin karaa).

Haddaba, gardarraba ha igu ahaatee, tixda Cabdidhuux waxaan ku darsaday:

“Dib-u-jeeso oon la oran dawo kii filayaa waa doqon”

[1]Cabddidhuux: wuxuu ka mid ahaa Kooxddii Waaberi, waa jilaa, waana gabyaa suugaantiisu tayo iyo xikmad xambaarsan tahay, sidoo kale si farshaxan ah oo macaan u soo bandhiga suugaantiisa. Gabayo badan oo murti xambaarsan ayuu tiriyay.

[2]Ethanasia: waa ruuxii cudurkiisa dawo looga quusto oo la khaarajiyo (dilo). “Shareecada Islaamku” ma qaqbto ariinkaa, ha yeeshee, waxaa habboon “Shareecad Islaamka” in jumlo ahaan loo qaato, farateysigana laga dhowrsado. Hoobiyuhu waa dil barer ah oo loo geystey, ruux muslim ah oo aan waxba galabsan. Sidaa darted halkee lagala soo baxay gowraca dad masaakiin ah oo dhiigoodo  qabow ya


Xildhibeen

Cabdiwali Sh. Maxamed

ifaqoon@hotmail.com

12.04.2010

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.