Home » Warar »

Google oo Badashay Khariidada Xuduudaha Soomaaliya iyo Ethiopia

  • Google Earth/Maps oo garwaaqsatay xuduud beenaadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, saxdayna khariidaadooda…

Google Earth /maps, oo qeyb ka ah shirkadda Google ayaa waxay July 20, 2010 boggeeda warbaahinta ku soo bandhigtay in qayb kamid ah khariidada xuduudda Soomaliya iyo Ethiopia ay dib u habyen ku sameyeen, kana bedeleen calaamaddii hore ee ahayd, kuna muujisay xarriiq ka tarjumaysa in xuduudaasi aysanahayn “Caalami”, balse ay tahay mid ay ku muransan yihiin labada dal.

Waxay warbixintu sheegtay in dibu habaynta uu sameeyey khariidadda Google Maps ay diyaar tahay (http://maps.google.com/), dhowaana is-bedelkaasi diyaar ku noqon doono Google Earth (http://earth.google.com/). Dib u habayntan aya qayb ka ah xuduudada ilaa 60 dal ama gobol oo khariidadahooda ay Google dib u hayabsay. Waxaana taas lagu macneeyey in hormariyaan howshooda si ay ula jaan qaadaan is baddalada siyasadeed ee dunida ka socda.

Warbixinta Google oo sharaxaad ka bixinaysa isbedelkaas ay ku samaysan xuduudda lagu muransan yahay ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, waa siday hadalka u dhigtay’e,  waxay qortay sidan:

  • This portion of the border between Ethiopia and Somalia changed from solid (yellow in Google Earth) – meaning “international” – to dashed (red in Google Earth) – meaning “disputed” – to reflect the ground-based reality that the two countries maintain an ongoing dispute in the Ogaden region.

Taas oo marka la tarjumo macnaheedu yahay:

  • Qaybtan ka mid ah xuduudda u dhaxaysa Ethiopia iyo Soomaaliya waxaa laga bedeley xarriiqdii isku xiriirsanayd (iyo Google Earth ahaa xariiqdaasi lahayd midabka huruudda) – oo macnaheedu ahaa “caalami” – waxaana loo bedeley xarriiq kala goo-go’an (iyo Google Earth oo xarriiqdaas laga dhigayo midabka casaanka) – taas oo macnaheedu yahay “in lagu muransan yahay” – si ay ug atarjumto xaqiiqada hakaas ka jirta oo ah in labada dal uu ka dhexeeyo muran socda ee gobolka Ogaden.

Markaas ayaa Google waxa uu soo bandhigay sawirkii uu markii hore khariidadiisa ku jirey oo uu bedeley iyo sawirka cusub oo uu ku bedelayo

Sawirkii hore:

Sawirka cusub:

Hadda marka la baaro khariidaada Soomaaliya waxaa ee laga baaro http://maps.google.com/ waxa soo baxaaya qayb kamid ah xuduud beenaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ah xariiq aan xiriirsanayn, sida ka muuqata sawirka hoose:

Google Earth kama hadlin xuduud beenaadka u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale ma uusan dhamaystirin xariiqda muujinaysa gebi ahaanba xuduud beenaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, balse waxa uu muujiyey qayb. Taas oo ah bilow wanaagsan oo uu Google hore u qaaday, dhabar jabna ku ah damacii Itoobiya ku doonaysay in ay adduunka kaga dhaadhiciso in ay xariiqdaasi tahay mid caalami ah, balse hadda Google Earth / Maps garwaaqsaday in ay tahay xad lagu muransan yahay.

Gumaystayaashii reer yurub xilligii la kala boobayey qaaradda Afrika ayaa boqor Menelik waxa uu warqad u qoray Gumaystayaashii uu ku calool sasabanayo. 1894 ayaa heshiiska loo yaqaab saddex-geesoole “Tripartite Accord” waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya (Soomaali galbeed).

Muddo kaddib,  Talyaaniga ayaa duulaan ku qaaday Itoobiya, waxaana duulaankaasi sababay in May 2, 1936 uu boqorkii Itoobiya ee Haile Selassie uu ka cararay dalka Itoobiya. Saddex maalmood kabacdi ayaa May 5, 1936 waxaa Addis Ababa qabsaday ciidankii Talyaaniga. May 7, 1936 ayaa talyaanigu waxa uu Itoobiya si rasmi ah ugu darsaday dalkiisa, laba maalmood kabacdi ayaa May 9, 1936 boqor Victor Emmanuel III oo Talyaani ah waxa uu ku dhawaaqay in uu isagu boqor u yahay Itoobiya. Talyaanigu Gumeysi ku haystay Itoobiya muddo Shan sano (1936-1941).

Markii talyaanigu qabsaday Itoobiya waxaa dhulkii Soomaali Galbeed uu ku darsay maxmiyadiisii uu gumaysanayey ee ka bilaabanaysay xeebaha Soomaaliya ilaa Eretiriya oo uu dhulkaas u bixiyey Italian East Africa. Ingriisku waxa uu aad isugu taxallujiyey indhulkii Soomaali Galbeed ee talyaanugu qabsaday uu ku soo celiyo maxmiyadii Ingriiska ee geeska Afrika ee British Somaliland. Muddo kaddib Ethiopia waxay markale codsi calool sasabasho ah gaarsiisey shirkii xulafadii markaas adduunka ugu itaalka roonayd ee loo aqoon jirey Allied Power oo shir uga socdey London 1945. Waxaa markaas Ingriiskii uu dhulii Soomaali Galbeed badankeedii ku wareejiyey Itoobiya sannadkii 1948 ilaa 1954. Ilaa hadda dhulkaasi waxa uu ku hoos jiraa gumaysigii.

Xuduuddaasi sidaas ayey ku noqotay mid aan adduunku u ictiraafsanayn caalami. Google Maps/Earth ayaa hore xuduudaad ku calaamadiyey xariiq isku xiriirsan oo u dhiganta xariiqada xuduudaha la aqoonsan yahay, taas weeye midda uu Google hadda bedeley kana dhigay xariiq ka duwan oo ah xuduud la isku haysto ama lagu muransan yahay. Qoraalka Google uu warbixinta ku soo bandhigay waxa uu link u sameeyey bogga Wikipea oo ay ku sawiran tahay khariidaad muujinaysa dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysato.

Soomaalidu waxay dhulkaas Soomaali galbeed, dadna qaar u yaqaan Ogaden u aqoonsan yihiin dhul ka maqan qowmiyadda Soomaaliyeed, ahna dhul iyo dad ku hoos jira gumaysi oo aan xor u ahayn in ay aayahooda ka tashadaan. Xuduudaasna uma aqoonsana xuduud lagu “muransan” yahay ee waxay u aqoonsan yihiin dhul ay ku soo xad gudubtey gumaysiga Itoobiya iyo xuduud beenaad.

Eeg Qoraalka Google: Improving the quality of borders in Google Earth and Maps

FG. Sawirada waxaan ka qaadnay Google Maps / Earth iyo Wikipidea.

  • Mahad celin: Maxamed Xaaji oo linkiga khariidadda soo gaarsiiyey SomaliTalk.com.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

23 Jawaabood " Google oo Badashay Khariidada Xuduudaha Soomaaliya iyo Ethiopia "

  1. hurdahaye says:

    jaallayaal waan idin salamay kadib,aad iyo aad baan idinkugu amanahaya sida wanaagsan ood u keenteen warbixinta wanaagsan lakiin waxaan halkaan rabaa in aan fariin u gudbiyo dadka soomaaliyeed waxaana leeyahay dadyahow aayihiina ka tashada aduunka kuwii dowladaha laha ba baxsanla ka warama annaga oo kale oo bad iyo bariba dayacan.

  2. Ibrahimjeebe says:

    Asc,waad mahadsantihiin sida aad uga soo baxdeen waajibka idinka saaran
    baahinta iyo wacji gelinta shacabka soomaaliyeed arrinta la xiriirta dhulka
    soomaaliyeed.

  3. Jaylaani says:

    WAAD MAHADSAN TIHIIN BAHDA SARE EE SOMALITALK

    WAA MAXAY SABABTA CIA-da/GOOGLE AY IMINKA ADDUNKA UGU SHEEGISAA IN SOMALIYA IYO ETHIOPIA AY DHUL ISKU HAYSTAAN…

    HORTA SOOMAALI WAXAAN KADAHSOONEYN IN GAS KA KUJIRA OGADEN AY KALA QAYBSADEEN CHINA, MALAYSIA, IYO SWEDEN
    MA MARKII MARAYKAN DANTIISU KA ARKI WAAYAY INUU GAS KA OGADENIA WAX LAGA SIIYO OO MEESHA LAGU QADIYEY AYUU HADA INOO SHEEGAYAA SHEEKADAN RAQIISKA AH

    SO MARAYKAN MA AHAYN NINKII KU QASBAY INGIRIISKA IN DHULKAAN ETHIOPIA LAGU WAREEJIYO 1954 TII

    HALKAAN KA DAAWO THE REAL STORY OF OGADEN
    http://www.youtube.com/watch?v=bWTuvwgWmow

  4. Al-Cadaala says:

    Waan idin salaamay dhamaan maamulka shaqaalaha iyo aqristayaasha.

    Anigoo qiimeynaayo ra’yiga aqristayaasha kale hadana waxaan qirayaa in aan u arkin wax nagu cusub ama google hada been abuuraayo qariiradaan xariiqimaha kala jarjaran ee xadka Soomaaliya iyo Itoobiya. Aniga ahaan waxaan ku raacsanahay aqriste iga hor ra’yigiisa ka dhiibtay oo sheegay ineey wanaagsan tahayba in xariijimaha kala jarjaran lagu cadeeyo Googlaha, taasoo cadeyneyso ineey aheyd xuduud beenaad aan weli laga heshiin. tan Kenya waxeey uga badalan tahay waxaa hashiis ka gaaray qaabkuu doono ha dhignaadee dowladii Kenya iyo tii Soomaaliya oo uu Cigaal AUN, uu Raa’iisal wasaaraha ka ahaa.

    Somalitalk wad mahadsan tihiin laakiin uma arko in meel an wax jirin wax laga raadraadiyo oo sida qof shaqaalihiina ka mid ah wax u arko aad o badashaan aragtida dadyoowga soomaaliyeed ee caalamka ku kala nool.

    wabilaahi towfiiq

  5. Degan says:

    Waalayaal somaliyay inoo duceeya wax kale oo inla gudboo maata majirto,e. Hadiiba inagu aynu meel isdhigi waynay 20 sano ooy iynu isdhaynay in dhulkeena laqaadan doono waqti ay ahaataba shaki miyaa ku jira Ethopia waa cadaw somaliana iyadaa hada xunta oo qayb qabisay hadiise aan inaku heshiino cid waxa inayeeli kartaa majirto.hadaba waxaa inalagubboo in aynu sharfteenii usoo ceshano sidii 1960gii.

  6. Cabdalla says:

    Asalamu Calaykum

    Waa arin lagu farxo warbixintaas, bahda Somalitalk oo ah dad masaalixda guud ka hadla inta badan, si gaara ayay ugu mahadsan yihiin warbixinta kusalaysan ilaalinta iyo iswargelinta xaaladaha dalkaan burbursan ee dadkiisina uusan Rabbi wali dunida kasoo saarin.

    Ammaa Google, mahad aanan abaal lahayn ayaan uga haynaa, koleey masaalix kale ayaa ka danbaysa hadii aan naqaan reer Galbeed, markii ay buskud kusiiyaan, basbaasna way kuugu dhex ridayaan, dhanka kalana baasiin iyo khayraad kale ayay kaa darsanayaan.

    Mahaddaas kadib Somalitalk waxaan usii dardaarmi lahaa inay dhabbahaas hayso oo uu boggaan ahaado midka ay ubadan yihiin dadka macquulka ah ee ka hadla waxa macquulka ah ee dhabta ubadan, balse uusan noqon mid fawdo lagu falanqeeyo, dab laga shido ama isku badalin wargayn tabloid ah oo ka sheekeeya aroosyada, wixii is fura, wixii is jeclaaday iyo gabar ay googaradii ka waynaatay iwm.

    Wassalam
    Cabdalla

  7. igo says:

    waxaad moodaa inaad toosiye iyo dabadhoon xalaal ah u noqoteen ummaddan guuldarooyinku isaga dambeeyeen.malahaygee marna ummaddu idinka xiiso dhici mayso inta xusulkood xabaal ka sareeyo.

    somali talk waxad sameeyseen wax ka badan intii karaankiina aheeyd,oo waliba waxay u’egtahay inaad u noqoteen intii qurbaha ku hanaqaaday macalin ku ababiyay tub toosan, iyo idankoo u sahlay inay bartaan muuqaalkii somalidu laheeyd maalmihii hore ee hankeenu cirka ku gannaa,
    himiladii shalay iyo mida maanta!

    Niyadenu waxay jirtaa marwalba xagiina

  8. Bashir Yusuf says:

    Arintaan xuduuda dhibco dhibcaha la galiyay shaki ayaan ka qaaday. Maadaama aysan jirin dad Somaliyeed oo dalka Somaliya si daacad ah ugu doodayo in Somaliya ay Ethopia ka mid noqoto oo wadankii oo dhan sidaa Ethopia loogu wareejiyo. Waa la isku furay oo xad malaha ayaa la yiri Ethopia iyo Somalia. Ethopia waa wadan ay madaxda dowladu ka shaqaynayso sidii ay Somalia u dabar goon lahayd. Dadkeena madaxda Somalida ah waxay ku jiraan sidii Somalia ay majaha u xaabin lahaayeen. Allow adigaa noo maqan ee keena wax garadka ah oo wadankeena u dadaalayo ina tus in aan u gargaarno oo aan garab galno.

  9. asalaamu calykum
    walal waad ku mahadsan tihiin hawlaha faraha badan e aad qabataan Rabina waxaan i diin waydiinayaa in uu idinku sugo xaqa aakhirana idin badbaadiyo sidaad in badan anagoo aduunka joogna aad noogu gurmateen Rabi aakhiro ha idiin gurmado taasi waa intaan imika awoodo wixii kale e aan awoodo xiligeedaan la sugayaa markay ii saamaxdo mida kale walal waxaa iiga muuqday halkan in dhulkii somaliyeed e xuduud beenaatka mari jiray qayb laga tegay qaybna la cadeeyay arinkaa aniga shaki baa iga galay armaa anaga wax la inala maagan yahay somalidu waxay tidhaahdaa khayr wax kuma yeelee shar u toogo hay mida kale waxan la yidhaahdo bulshada caalamka o reer galbeedku horboodayaan khayr kamaan baran xagayga ah oo markii horeba waa kuwi dhulkeena amxaarada siiyay waa iyaga e maanta maxaa jira waxaan walaalahayga bahda somalitalk ka codsan lahaa in ay halkaa bal si fiican u eegaan hadaan khalad fahmayna ay i saxaan mar kale Rabi wajiyadiina ha nuuriyo maalin wajiyo badani ma doobaan doonaan

  10. Garmaqaate says:

    Aniga waxaan rumeysnahay in arintan eey tahay wax wanaagsan, maxaa yeelay weligeen ma aaminsaneyn in xuduuda maanta jirta eey tahay tan saxda ah. Waxaad dib u eegtaa buugaagti la daabacay intii ka horeeysay 1990 waxeey wada ahaayeen xadka Somalia IYo Ethiopia dhibco dhibco hadana Tan waxeey muujineeysaa ineey tahay Xuduud beenaad waxa eey gumeystuhu sameeyeen, oo eey xuduudeenu ka shisheeso halka lagu calaameeyo.

  11. dalxe says:

    asc wr wb waxaan aad iyo aad ugu hambalyeynayaa dhamaan bahda somalitalk.com waayo waxaan aad iyo aad u dareensanahay inaad ka xanuunsanaysaan dhibaatooyinka ka taagan dalkeenii hooyo waxaa aad u dareensanahay inaad ka xanuunsateen wadanka lakala boobaayo oo cadowgu boobayo sida waraaqihii lagu saxiixay sunta in lagu shubo sida badda in la iibsado iyo weliba in cadow shisheeye dalka loogu yeero iyo qof kasta oo soomaali ah ama ha weynaado am hayaraado oo aad baraysaan taariikhda dalka soomaalia marka aad ayaad u mahadsan tihiin laakiin qofkaan taas ku baraarugsanayn waa u aqoondari iyo dareen la aan……………….

  12. Asalamu caleykum wr wvr, salaan ka dib aad bad ugu mahadsantihin wanaaga aaad ummadda u haysaan iyo wanaaga aad soo tabisaan waayo waxad ku soo bandhigtaan qoraalada dadka wax ku oolka ah, jazaakumullah, iska ilaaliya beenta isku dirka ummadda waa naseexa ee ma ah wax aan idinku arkay qofka muslimka ahini waa naseexo ku nol rasuulkuna scw wasalim xadiith buu ku yiri adiinu nasiixa waxayna u tahay allah rasuulkiisa madaxda ama culumadaba , ha noqonin sida webabka wax maa garatada ah oo aan anigu u aqaan been day day allah ha ha soo hadeeye.

    Gabagabadii somalitalk shaqo wacan allah dartiisa a wax walba u qabta wa jazaakumullah kheyran wa billaahay towfiq asalamucaleykum wr wbr

  13. ASALAAMU CALAYKUM,webkan somalitalk,aadbaan ugu mahadnaqayaa uguna amaanayaa hawshan aadka uweyn ee ay noo hayaan,waayo,waa mid utaagan difaacidda danaha shacabkooda iyagoo soo bandhiga hagardaamooyinka iyo dhibaatada boobka wadata ee wadankeena hooyo lagu hayo. waxaan markhaati ka ahaa sidii xilkasnimada ahayd, ee ay usoo bandhigeen khiyaamooyinkii lagu kala qortay kenya ee baddeena kusaabsanaa,taasoo ay latimi firfircoonaan ay daacaddi kudheehan tahay.iskuna hortaagtay in baddeena dharaar cad lala wareego.,taana soomaali oodhan ayaa markhaati ka ah. waxaan qabaa haddaanay somalitalk jirin soomaaliya dhulkeeda waa hore ayaa lala wareegi lahaa. runtii kumaan arag wax ummadda kala dilaya,waana hoyga dhabta ah ee aan ka dheegto,taariikho aad umuhiim ah iyo faallooyin faaiido leh. allaa idinka abaal marin ee walaalayaal haka caajisina wanaagga aad dadkiina uhaysaan iyo waxqabadka joogtada ah.ogaadana maanta soomaali danka leh in aanayba jirin dhulkan uu alle nagu beeray,lagana yaabee in aad maqashaan qaar idinku dhaliilaya difaacidda dhulkeena.sheekada google-na halkaa hakaga hadhina ee walaalayaal baadhitaanka sii wada…allaa idinla jira … wabilaahi towfiiq

  14. SAAQID says:

    HORTA IDINKA YAA IDIIN DIRSADEY WAXAAS, WAX UUN BAAD RAADISAAN, MAR AAD KA HADASHAAN BAD XUDUUDKEEDA LA QAATEY, MAR AA TIRAAHDAAN XUDUUD BEENAAD ETHIOPIA – SOMALIA, MAR AAD TIRISAAN MAALMAHA ITOOBIYA JOOGTEY SOMALIA, MARKA QOLADIINA REER OGADENIYA DHIBKIINA NAGALA TAGA ETHIOPIA KAMA MAARANNA WAA WALAALAHAYAGA WEYNA NOOGA FIICANTAHAY WADAMADA CAALAMKA OO DHAN.

    MUQDISHO, SOOMAALIYA

  15. Dulmidiid says:

    SCWW , Waaa ku mahadsan tihiin sida muwaadinimada ah ee aad ula socotaan dhaq dhaqaaaqa iyo arrin walba oo khuseeeya xaalka soomaliya

  16. diirshe says:

    aad ayaanidiin salaamyaa walalaaal waana idiin mahad celinaynaa waxaana idin oran karnaa waxaad tihiin wadaniyaal dhab ah marka ilaah ha idinlal garab galo waxa aad inoo qabanayssaaan waadna maahdsantihiin.

  17. wadani says:

    Waxaan aad ugu mahad celinyaa Bahda SomaliTalk. Runtii waxaad tihiin aqoonyahan Somaliyeed oo xalaal ah aqoontooduna aad u sarayso. Waxaad nagaliseen in wali Somali wadaniyiin ah jiraan, dhulkan Ogaden Somali oo dhan baa iska leh waana lagama maarmaan in dadkaasu helaan xoriyadooda hadii kale geeska Africa waligeen nabad imaan mayso. Somalia waxay u bur-burtay sababtaas, ethopia nabad iyo horumar helimayso inta ay xaq daradaa wado.

  18. raage says:

    asalamu calaykum warxmatullah
    waxaan aad iyo aad u salaamayaa walaalaha somalitalk, si kal iyo laab ahana waan ugu mahad celinayaa anigoo oran kara waxaad tihiin somalidii hore , hada somali ma jirtee . ilaahow yaa dalka noogu kiin dhiiba . kheyr badan allaha idin siiyo . ilaahay idinkoo kale ha noo badiyo
    aamiin

  19. WADANIGA says:

    wad ku mahadsantihin somalitalk ka war qabka xudadaha iyo qeyradka umada somaliyed melkasta ey ku noshahay XUDADA KEYN IYO SOMALIYA MALAGA SABRAY AYADA MESHA KUMA XUSNEE????

  20. Dr.Gomoshe says:

    Asc wr wb

    Waxaan aad iyo aad oogu mahad celinayaa walaalaha qora boggan somalitalk. Waxaanan dareemayaa inaad yihiin dad usoo jeeda ilaalinta waxa ay xaqa uleeyihiin ninkii doonaaba wax haka qoro ama heshiis beenaad halagalo,e. Arinta ilaalinta xuduudaha badda, berriga iyo cirkaba waa masuuliyad saaran qofkasta oo Soomaali ah oo xilkas ah. Boobka iyo dhibaatada dalkeena lagu hayo dadka intiisa badan way arkaan wayna xanuujisaa, laakiin waxay walaalaha somalitalk khayr allaha siiyee dheeryihiin dadaal iyo orad intii tabartooda ah. Waxaa kale oon runtii Soomaalitalk ku amaani lahaa dhexdhexaadnimo aan ula jeedo cadaalad, dhowrsoonaan iyo habka qoraalka oo intii tabartooda ah waafaqsan habka wax qoridda. Halkaas kawada dadaalka walaalayaal soomaalida kalena waxaan odhan kudayda Soomaalitalk
    Wa jzk allah kulul kheyr

  21. kamaal says:

    Somalitalk, waad ku mahadsanbtihiin ilaalinta dhulka somaliyeed markasta sida aad ugu taagan tihiin waana waajib idinka saraan lakiin maydaan ka seexan waanad ku mahadsan tihiin.

    Wadankeena wixii qaa’in iyo munaafuq ahaa ayuu u gacan galay oo aan arxan laheen …rabana inay caruurtooda ka bishaan dhiiga umada somaliyeed inta aan ka helayno wadaniyiin somaliyeed u tagnada ilaalinta qaranimada somaliyeed.

  22. abdiaziz says:

    somalitalk wa bog ad ufican o isku taxalujiya inu somalida ku hanuniyo midnimo lakin wale reer an aqanban macno yelan dhulka somalida ahi wa iska helaya cid munafacdsata lakin dadka koryala oo inaga ah aya wax lobahanyahay wax caqligoda kubera dadnimo wada nolansho wadaniyad midnimo horumar arimahas oo ah assaka jiritanka binidamka somalidu wa ka caagantahay waxayna ka doortan kala qaybsanan qabilaysi gaajo dulmi ay isku falan dhexdodu dibusocodnimo marka sido roon allah ha inaga dhigo qaabdhuledka dhulka somalida wa mid iskuyala o aysan kala goaynkarin cidna lakin wax lobahnayahay in dadka la isku tolo qulubtoda

  23. CINUR says:

    ACW WAXAAN RABAA IN U HABAL YEEYO DADKA QORA WEBSIDE KAAN QAALI U AH DADKA IYO DALKA WAANAD KU HADSANTI HIIN JISAAKULLAAHI WA KHEYRO JISAA WAXAANAN KU BOORIN LAHAA KUWA KALE EE QORA WEBSIDE DA kale ee siyaasada somalia in ay qoraan wax dadka iyo dalka wax uqabta taasi dadka wax weyn bay uqaban kartaa waayo waa wax faa,ido u leh taa bdalkeedii waxey qoraan xumaan dadka iyo dalka ka dhal ah wa billaahi tuwfiiq