Home » Faallo »

Geerida Sh. Macalin Maxamuud Macalin Nuur

MACALIN MAXAMUUD: AHLU QUR’AANKII AKHLAAQDA WANAAGSANAA!

Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun..Waxaa hadda geeridiisu soo yeertay Walaalkay Sh. Macalin Maxamuud Macalin Nuur.. oo ku Magac dheeraa: Macalin Maxamuud. Wuxuuna ugu Magac dheeraaday inuu ka mid ahaa Macalimiintii Qur’aanka ee Saxwada Islaamka Barakaysan kuwoodii hormuudka ka ahaa, ilaa iyo yaraantiisiina dacwada iyo diinta fidinteeda, barasho iyo baridba ku soo jirey.

Macalin Maxamuud Allaha u naxariistee, waxaan aqaaney muddo dheer oo aanu ku walaalowney dariiqa dacwada Islaamka ee wanaagsan. Waxaan isla soo joogney ayaama badan oo macaan iyo qaraaba leh, gaar ahaanna 20kii sano ee u dambaysey ee dalkeenna iyo dadkeenna ay soo food saartay xaaladda adage e murugada leh. Haddaan Macalinka waxyaabahaan ku bartay wax ka tilmaamo waxaan dhihi karaa:

AHLU QUR’AAN

Walaalkay Macallin Maxamuud wuxuu ahaa nin aan u Rajaynayo inuu ka mid ahaa dadka Xadiisku ku magacaabay (Ahlul Qur’aanka) waayo wuxuu ka mid ahaa dadka Kitaabka Ilaahay xafidsan oo korka ka haya, isla markaana isku daya inuu akhlaaqdiisa yeesho oo ku sifoobo, kuna camal falo. Wuxuu ahaa nin Kitaabka Ilaahay had iyo jeer carabka ku haya oo jecel. Ilaahay waxaan uga baryey inuu ka mid dhigo dadka la yiraahdo maalinta qiyaamo: Akhri oo darajooyinka kor u fuul.

SALAATU LEYL:

Walaalkay Macallin Maxamuud iyadoo la neg yahay iyo iyadoo safar la yahayba isku meel waa seexannay. Meel qabow iyo meel kulul. Meel baqdini jirto iyo meel nabad gelya leh. Intaba waxaan ku bartay Macalin Maxamuud Allaha u naxariistee inuu ahaa dadka (Ahlu Leylka) ah, ee Salaadda Qiyaamu Leylka jecel ee tukada. Marar badan ayaan arki jirey isagoo dadka ka hor toosay oo salaadda u taagan. Markii ugu dambaysey ee uu xajka yimaadana waa wada xajiney oo sidaas ayuu ahaa. Markii uu Masuulka ka ahaa gobolka Gedo sagaashameeyadiina sidiisa ayuu ahaa oo isma bedelin.

AKHLAAQ WANAAG!

Macalin Maxamuud Allaha u naxariistee, wuxuu ahaa nin aad u akhlaaq wanaagsan, dabeecad qabow, dhaqan fiican, ixtiraam iyo qaddarin dadka kula macaamila. Wuxuu ahaa nin ilaahay degganaan iyo dulqaad ku mannaystay. Si kasta oo xaaladdu u kacsantahay, ama dadku u kululaadaan, ama dooddu u badato, Macalin Maxamuud waxaad arkeysaa, inuu dhoolla cadaynayo, deggan yahay, waxba maaha leeyahay, hadal qabow oo qanaaca leh mooyaane wax kale aadan ka maqli hayn. Ma garanayo cid la dhaqantay oo Macalin Maxamuud kelmad juruxa ka sheegatay. Wuxuu ahaa nin aan dadka hadal yar oo qallafsan ku oran Karin, kelmadaha aad u kala doorta oo midda ugu fiican isku daya inuu adeegsado. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu ka dhigo kuwa loogu bishaareeyey akhlaaqdooda wanaagsan darteed iney Nebigeenna Calayhi Salatu Wasalaam, ugu majlis dhow yihiin maalinta qiyaamo.

GEESINIMO:

Walaalkeen Macallin Maxamuud isagoo sidaa aan sheegay nin deggan oo qabow oo macaan ah, haddana xaaladdu markey kululaato wuxuu ahaa nin Geesiya, oo aan mabaa di’diisa ku adag. Wuxuu ka mid ahaa raggii ku mintiday maamulkii Islaamiga ahaa, ee Gobolka Gedo Sagaashameeyadii, markii ay kusoo duushey Xabashidu. Wuxuu ahaa nin doodiisa ka caddaysta golayaasha laysugu yimaado.

CILMI IYO XIKMAD:

Macallin Maxamuud wuxuu ahaa nin aqoon diineed oo wanaagsan leh, dacwada u dhabar adayga, ayaamihii u dambeeyey wuxuu ku negaa Magaalada Kismaayo oo uu dacwada ka wadey, isagoo ku sabraya Culays kasta oo jira. Booqashadan gaaban ee uu reerkiisa Muqdisha kusoo gaareyna wuxuu – uga sii gudbi lahaa – sida la ii sheegay Gobolka Gedo, oo uu rabey inuu u socdaalo maalinta Isniintaa ee soo socota markuu 2 beri reerka la joogo, halkaasoo uu jeclaa inuu Dacwo iyo Islaax kasii wado, Kutub ka akhriyo, cilmiga dadka gaarsiiyo, hase ahaatee, geerida ayaa kasoo hor martay oo ajashiisi ayaa halkaa ku ekaatay. Waxaanan Ilaahay uga baryayaa inuu noqdo kuwa adduunka ka raaxaystay. Sheekhu wuxuu ahaa nin cilmi iyo xikmad Ilaahay siiyey, oo dacwada xikmad ku wada siduu Ilaahay na faray. Waxaan xasuustaa ayaamihii uu Maamulka Gobolka Gedo Qayba ka mida Masuulka ka ahaa iney dhici jirtey arrimo dadku isaga hor yimaado oo dagaal keeni karta, laakiin macallinku xikmad iyo dulqaad ku kala furdaamin jirey.

ZUHDI & XISHOOD

Walaalkeen Macallin Maxamuud Allaha u naxariistee wuxuu ahaa nin Zuhdi badan oo aan adduunyada is raacsiin, kuna qamaamin oo aaney wax weyn la ahayn. Waxaan xusuustaa markuu maamulka ahaa, iyo markuu macallinka ahaa, iyo markuu khaliijka mudda kooban tegeyba inuu isku si ahaa. Wuxuu ahaa, nin adduunyada iyo dhalaalkeeda iska ururiya, oo xishood badan,  dhawrsoon oo af gaaban. Hal mar ayuu ku fekerey dalka dibaddiisa inuu u boxo, markaasna wuxuu shaqa Imaam nima ah ka helay dalka Imaaraadka Carabta. Meel Tuula ah ayaa la geeyey inuu Imaam ka noqdo oo dadka Tujiyo. Macallinka oo ahaa, nin Daaciya oo weyn, oo Ummaddu ka faaiidaysaneyso, una baahantahay, uma cuntamin inuu Tuula yar oo carbeed Imaam ka noqdo oo mushaar ku qaato, Ummaddii uu zaciimka u ahaa ee u baahnaydna ka tago, sidaa darteed ayuu bila yar ka dib kasoo ruqsaystay oo dalka kusoo noqday, Meelnana mar kale ugama bixin, inuu dan yar u boxo, ama xaj iyo cumro u tago mooyaane. Wuxuu waagaas igu yiri: Markaan tuuladii Imaaraadka tegey, oo aan arkay meel aanan dad wax uga sheegayn, oo dacwa ka wadayn, oo dad kaygii iyo shacab kaygii aanan arkayn, waxaan isu arkay nin dembi galay ee meeshan lagu soo xabbisay cararkii uu dalka iyo dacwada kasoo cararay, markaas ayaan xasuustay buu yiri, aayadihii Nebi Yuunus Calayhi Salaam lagaga sheekeeyey: Inuu Fakaday, oo Doonta Fuulay, Dabadeedna Badda la dhigay oo Kalluunka calooshiisa lagu xabbisay…

Qalbigu waa murugoonayaa, ishuna waa ilmayneysaa, waxaan Ilaahay ka raalli ahaynna ma oran karno, Ilaahay Subxaanahu wa tacaalaa Walaalkeen Macallin Maxamuud ha u naxariistu, Jannaatul Firdowzna Allaha nagu kulmiyo, Eheladiisii & Asxaabtiisiina Ilaahay samir iyo iimaan haka siiyo. Ilaahayna waxaan ka barinay inaanu gadaashiisna na fitnayn, ajarkiisana naga qadin.

Adduunyadu waa qof ka nastay iyo midey ka nasatay sida xaddiisku sheegay. Ilaahay haka dhigo kuwa adduunyada iyo dhibkeeda ka nastay, dembigiisana Allaha dhaafo, durrayidiisiina allaha xifdiyo, kaalinta dacwada booskiisi kaga bannaanaatayna Ilaahay wax ka khayr badan ha innoogu bedelo, isaga Jannaatul Firdowz ha ugu abaal gudo Aamiin.

Muxamad Idris Axmed  – London
hayaan@gmail.com

Maxamad Xaaji Yusuf iyo culimada soomaaliyeed ee Qatar oo tacsi udiraya

Anagoo ku hadlayna magaca culimada, odayaasha iyo shacabka Somaliyeed ee kunool Qatar, waxaan  shacabka Somaliyeed ugu tacsiyadaynaynaa geeridii naxdin lahayd ee kutimid (Allaha unaxariistee) Sheekh Maxamuud Macalin nuur oo kumagac dheeraa Macalin Maxamud. Sheekhu wuxuu kamid ahaa culimada dowrka weyn ka ciyaartey dacwada guud ahaan, gaar ahaan Qur’aanka iyo culuumtiisa!

Sheekhu wuxuu si kadis ah ugu geeriyooday magaalada Muqdisho maalintii sabtida oo ay taariikhdu ahayd 24/7/2010 oo ku aadan 13/8/1431H.Waxaan Allah Raxmanka uwaydinaynaa inuu Janadiisa ka waraabiyo; ehelkiisana samir iyo iimaan kasiiyo … Amiin!

  1. Sheekh Maxamed Xaaji Yusuf
  2. Sheekh Abdi-Rashiid Sheekh Cali Suufi
  3. Sheekh Abdi Xakiim Sh.
  4. Sheekh Maxamed Xaaji Xasan(Golos)
  5. Sheekh Adam Xasan
  6. Sheekh Axmad Xaaji Qaasim
  7. Sheekh Shucayb Cartan Warsame
  8. Engineer Xuseen Maxamed Nuur
  9. Adam Abdi abuzuhri
  10. Haaroon Jorn Erickson
  11. Sheekh Axmed Sheekh Abdi(Axmed dheere)
  12. Sheekh Othman Abdi Afrax
  13. Sheekh Omar Ali Naaleeye
  14. Sheekh Khadar Axmed Abdalle
  15. Sheekh Axmad Khaliif

رحمـه اللــه رحمــة واسعـة وأدخلــه فسيـح جناتــه

Waxaa soo tebiyey: Al-Hassani: abuzuhri1@gmail.com


Golaha isutaga Masajida W/qoyiga Mareykanka oo ka tacsiyadeynaya Geerigii Sh Maxamuud.

Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicoon.

Golaha isutaga Masajida ee W/Maraykanka waxay tacsi u dirayaan dhamaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan Eheladii uu katagay Allaha unaxariistii fadiilatu Sh/Maxamud Macalin Nuur oo xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho,Illaahay waxaan Sheekha u waydiinaynaa inuu janato firdowso galiyo aamiin.

1-Godoomiyaha Golaha Iimaamyada W/Maraykanka. Sh c/raxman sh cumar
2-Madaxa Fulinta ee Golaha Sh/C/llaahi Abul-fadli
3-Sh axmed Nuur Iimamka Seattle wa
4-Sh Aadan Sh C/lle Imamka Ohio
5-Sh Maxamed Khadar Imamka Sandeago Ca
6-Sh C/risaq Xaashi Imamka Abubakar Mn
7-Sh C/llahi Ibraahim Masjid Abubakar Mn
8-sh C/raxman Nashfille Tn
9-Sh Ibraahin Nashvill TN
10-Sh Yuusuf C/lle Boston MA
11-Sh Maxamud Garyare Portlan ME
12-Sh Macalin Barre Portlan Me
13-Sh Saalax Leweston ME
14-Sh Nuux Ciise Atlanta Ga
15-Sh C/nuur Atlanta Ga
16-Sh Maxamed Mursal Ixsan MN
17-Sh Maxamed Awattana Mn
18-Sh Naasir warsame Atlanta Ga
19-Sh Dhayib Utah
20-Sh C/khaaliq Arizona
21-Sh Xuseen Muxumed Cumar Arizona
22-Sh Axmed Arizona
23-Sh Ibraahin Arizona
24-sh Musdhafa Kansas MO
25-sh Maxamuud Omaha NE
26-Sh C/raxman Yusuf Omaha Ne
27-sh Caamir Maxamud Ohio Columbus
28-Sh Mukhtar Columbus Ohio
29-Sh C/rashiid Aabi Minneapolis Mn
30-Sh Xuseen Badal Minneapolis Mn
31-Macalin Shaakir Pelican Rape MN.

Iyo dhamaan Ducaada Waqooyiga Maraykanka waxay Illaah uga bar yahayaan Sh Maxammud Inuu raxmadiisa dhex gasho danbi dhaaf iyo soodhawayn Illaah uu kala kulmo…….aamin aamiin..

Walaalkiin Sh C/Llaahi Abul-Fadli
Minneapolis Mn.
Xafiiska Golaha isutaga Masaajida ee W/America.


Ardayda beesha Sade ee sudan iyo aqoonyahanada soomaaliyeed ee reer sudan oo ka tacsiyeeyay geerida ku timi Shekh Maxamuud macallin nuur

gudiga ardayda beesha sade ee sudan ayaa codkiisa ku biiriyay dhawaaqa tiiraanyada xambaarsan ee iska soo daba yeereyo taasi oo ku aadan geeridii naxdinta laheyd ee ku timi shekh Maxamuud Macallin Nuur oo ka mid ahaan jiray mashaa,iqda gayiga soomaaliya sida aad ah looga yaqaano oo habeenimadii xalay ku geeriyooday magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

1- Aadan Shariif Cabdi gudoomiyaha ardayda beesha sade ee sudan
2- Xuseen C/waaxid Shekh C/laahi xog-hayaha gudiga ardayda
3- Axmed C/laahi Shekh maxamed madaxa dhaqaalaha ee ardayda sade iyo xubnaha ardayda oo ay ka mid yihiin
Ustaad: C/waaxid C/raxmaan diiriye
Ustaad: Axmed aadan muxumad {Deeroow}
Ustaad: Maxamed C/qaadir faarax {Shaati}
Dr: C/raxmaan carte gurume
Eng: Maxamed aadan bare
Eng: Maxamed cabdi siyaad
Shekh maxamed aadan cabdille
C/qaadir cismaan warsame
Maxamed axmed aadan
DR,s: Xuriyo xirsi diiriye
sagal Xirsi diiriye
Amal aadan cabdulle
Sucaad aadan Cabdulle iyo arday kale oo tiro badan.

sidoo kale geerida ku timi Shekh maxamuud macallin nuur oo habeenkii xalay ahaa ku geeriyooday magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya,islamarkaana saakay lagu aasay qubuuraha muslimiinta ee Barakaat ee waqooyiga Muqdisho waxaa ka tacsiyeenaya qaar ka mid ah aqonyahanada soomaaliyeed ee wax ka dhiga jaamacadaha wadanka Sudan waxaan ka mid ah
DR: C/rashiid C/laahi
DR: C/laahi xasan nuur {Anjalo} iyo
shekh cabdulaahi shekh axmed
dhamaan dadkaasi waxay muujiyeen dareen naxdin leh oo ku aaddan geerida shekh Maxamuud, waxaana ay illaahay u weydiiyeen in uu khabrigiisa u iftiimiyo, janadiisa sareeso ee Fardowsana geliyo,inta uu ka geeriyoodayna samir iyo Iimaan ka siiyo. Aamiin Aamin Aamiin

maxamed Axmed Caaqil Yare
Khartoum-Sudan
caaqilsos@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Geerida Sh. Macalin Maxamuud Macalin Nuur "

  1. انالله وانا اليه راجعون
    magacaygu waa Yunis Ali Wasughe,waxaan ka mid ahaa ardaydii Dugsiga Quraanka ee sh.macalin Maxamuud.waxaan halkaan tacsi ugu dirayaa eheladii iyo qaraabadii iyo waliba ummada soomaaliyeed ee muslimiinta ah waxaan Allaah ugu baryayaa sh.macalin Maxamuud in uu janadii Fardowsa ahayd dejiyo.AAMIIN yaa ALLAAH.

  2. Inaa lilaahi wa inaa ileyhi Raajucuun,Allaahuma laa taxrimnaa ajrahu walaa taftinaa bacdahu waq firlanaa walahu yaa Arxamal Raaximiin.
    Shiikh Macallin Mohamud waxaan filayaa in aan ka badiyo Shiikh mohamed Idris, waxaan bartay 1976 oon dugsiga xalane iskula jirnay Tafsiir buunna noo Akrin jiray masjid yar oo xalane ku dhex yaalay.
    Kadib waxaan isla aheyn Ardeydii Masaajidka Arbaca Rukun 1977-1978.
    Kadib macallinka waxaan isla galnay oon isku fasal noqonay kulyadda macallimiinta lafoole 1982-1984,ooy macallimiintaeena ka mid ahaayeen Shariif C/nuur & Shiikh Mohamed Qawi & Karaa mardha & Dr. Bashiir Salad
    Kadibna waxaan isla deganayn Xaafadda Waxaracade oo uu Imaam ka ahaa masjidka Waxaracadde 1986 ilaa aan wadanka ka soo tagay 1989.
    Allaah ha u naxariisto Macallin mohamud macallin Nuur inta uu ka sheegay wallaalkeen Shiikh mohamed Idris Sifihiisa wuu lahaa Maasha llaah.