Home » Faallo »

DALYOHOW YAA KU LEH? DADYOHOW YAA KAA NAXAYA? | W/Q. Muxamad Idris

Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

Beryahan qoraalla masoo bandhigin.. Dadka qaar ayaa ila soo xiriiray meela kala duwan, wexeyna I weydiiyeen: Qoraaladii isdaba joogi jirey maxaad u joojisey! Miyaad gurtay? Mase waa gedootey? Mase waxa dhacayaa kuu cuntami waayey oo meel aad ka abbaartaad weli baadi goobeysaa? Mase feker dheer ayaad ku jirtaa oo waad u dhakaneysaa cabbaar?

Waxaan ugu jawaabey: Intaas iyo inkaleba waxbaa ka jira, aan ka ahayn midda ugu horraysa oo ah inaan guray..War badani waa iga buuxaa.. dacarina waa I haysaa..Hase ahaatee, qoraalku saan u haysto, iska qor maaha, ee waa inuu kaa soo degaa, oo miid wadnaha ka de’eysa noqdaa, markaas ayuu qoraalku macna yeeshaa, oo waaya badan adduunka sii joogaa, haddad dhimatana raad kaa hara ayuu noqdaa, hadduuse yahay mid aan wadnaha iyo beerka dhexdooda kasoo bixin, dabaylaha xagaagaa ayaa qaada, meel uu marayna lama xasuusto. Waa sida uu u yiri Gabyaagii Caanka ahaa ee Soomaaliyeed Cali Dhuux Aadan Allaha u naxariistee:

Maansada dheh uun lama yariyi waygu soo dhacaye++ Hadalla dhagaxya waaweyn ka culus waa dhug siin jiraye…

Maalintaan halkaan ku qoray : Wadaadada Soomaaliyeed Ayaan Daranaa Ma Awlaadii Aw Jaamac baa!! Markaan Halkaan ku qoray: Dhambaaladii dhawrka ahaa: Runta Ma laysu Sheegi Karaa!! Ee ku socdey guud ahaan Ummadda gaar ahaanna Wadaadada Shalay Saaxiibka ahaa, maantana dad iyo duunyo dambaska ka dhigay, dadka qaar ayaa igu maagay maxaad maxaad halgamaayasha ku maageysaa, waxaanse filayaa iney maanta dad badan u caddaatay ayaan darradii aan sheegayey. Waxaan rajaynayaa iney taariikh qoran yihiin, ummaddana wixii baaqi noqdaa oran doonaan: War Illeyn meesha lagu rogmadey waa la joogey!! Qoraalladaasna iskuma lureen haddaaney beerkayga qayb kasoo go’day ahayn.

Markasta oo ciilka iyo uur kutaaladu kaa badato, ama dacarta kugu xirantay lagaa soo daayo, waa marka ay ugu fiicantahay inaad si wanaagsan dareenkaaga u muujin garto, anigana waxaan u malaynayaa in dacar aan ayaamahan xiray la iga soo deynayo. Waana waxa ay iigu soo dhacday, anoo gorodda laa laadinaya, su’aasha aan maqaalkan hal ku dhegga uga dhigay: Dalyohow  yaa ku leh? Dadyohow Soomaaliyeed yaa kaa naxaya?

YAA KA NAXAYA DADKA SAXAARAH LIIBIYA KU BAA BA’AY!!

Dacarta waxa maalmahan igu kiciyeyna aan in yar idiinka bidhaamiye, Waxaan aad u maraa dalalka Soomaalidu u qaxday Yurub, Waqooyiga Ameerika (US & Canada), Afrika (gaar ahaan Barigeeda iyo Koonfurteeda) Carabaha iyo aasiyaanka fog. Waxaan la kulmaa dadka Soomaaliyeed ee meelahaas oo dhan daadsan, oo dalkoodii kasoo bara kacay, ama laga soo bara kiciyey..

Waxaan dhegeystaa sheekooyinkooda xanuunka badan, oo aad la ilmayneyso adoo aan is ogayn, ha ahaadaan kuwa xeryaha qaxootiga dhex yaal ee darxumadu ku haysato, Kenya ama Itoobiya, ama wadama badan oo afrika ka mida, kuwa xabsiyada ku jira, Yemen, Sucuudi, Kenya, Uganda, Tanzania, Zambia iyo South Afrika, Turkiya iyo Greek, Liibiya iyo Talyaaniga, iyo meel walba oo ay darxumo xabsiyada ugu jiraan, silic iyo saxariirna kala kulmaan.

Kuwa Dalkoodii gulufka colaadeed iyo xabbadda dheceysa uga soo carary, Danta guud iyo daryeelkooda wax danaynaya ka waayey, nolol iyo shaqo iyo mustaqbal iyagoo raadinayana wajiga jiha walba adduunka saaray, badaha, saxaaraha, barafka iyo kulaylka, u maraya iyagoo nolol raadinaya, iyagoo la kulmaya dhibaatooyin aan laga sheekayn Karin, ama sawir dhaba laga bixin Karin, nin arkay mooyee nin kalena aanu ka warami Karin, marka aad waxaa aragto ayaad is weydiineysaa: Dalkan dadkiisu sidaa u gelayo yaa leh? Dadkan bad iyo berriba silic iyo saxariirka loo mariyey yaa ka naxaya?

Dalkan fadhi iyo joog midna loo diidey, baddiisa iyo berrigiisaba la beec geeynayo, dullaalada adduunka iyo qandaraasleydu ku doodayaan, baayac mushtarka laga dhigtay ee nin walbaa haruubka u toshay siduu qayb uga heli lahaa, har iyo habeenna burburka iyo baaba’ uu ku socdo, Dadkiisina aan cidi dan ka lahayn, dhimashadooda iyo dhaawocoodana lagu mushtaro, waxaa kugu soo dheceysa: Dalyohow yaa ku leh? Dadyohow yaa kaa naxaya?


Qansax & Qurac toona dan nooma hayaane..Danteenna ma ka shaqaynaa!!

Waxaa dhaba Nimaan isagu doonayn inuu noolaado cidi ma noolayn karto?! Nimaan dantiisa ka fekerayn cidina ugama fekeri karto! Niman dulliga rabin inuu ka boxo cidina kama saari karto! Nimaan Qaranima rabin oo qabyaalad ka weynaan cidina Qaran uma dhisi karto. Qofka Qurac & Qansax dagaaladooda iyo taageeridooda ku dhimanaya kuna dagaalamaya, dantiisiina aan garanayn, cidina wax uma qaban karto.

Ilaahay cidduu Tawfiiqda ka luminayo, dembiyadooda ayaa hoggaan xun looga sameeyaa, markaasey nolosha ku ciqaabaan. Dadku haddeey dulmiga caadaystaan, kuwa dulmiya oo aan ka nixin ayaa faraha loo geliyaa, oo lagu imtixaamaa. Ama kuwa kaloo ka daran ayaa lagu soo salidaa. Ilaa iyo 20 Sano wexeynu daba soconnaa danaystayaal aan DAD iyo DAL midna u naxayn..halku dheggooduna yahay:  Mar haddaan anigu joogo, Dalkoo Dhami ha dumo, Dadkoo dhammina ha qaxo!!

Mar haddaan anigu idaacadda ka hadlaayo, sarkaal ayaad tahayna lay oranayo,  dalkuna ha bur buro, Dadkuna ha baabo’o!!..Mid ka mida kuwaas ayaa maalin lagu yiri, war dhalinyartii naga dhamaysay, waxna nooma wadid, ciidan dambe kuuma hayno, markaasuu si jees jees ah u yiri: inta aan 900 oo kun oo shilin haysto wiil dabka ii qaada waayi mayo!!

Bal hadda u fiirso!

Laba dhalinyara Soomaaliyeeda oo Saxaaraha Liibaya harraad ku dilayo, ayaa toorrey wexey isugu tumaatiyeen (Qansax) baa fiican, iyo mayee (Qurac) ayaa ka saxan!!..

Qansax iyo Qurac na waa kuwa sababtooda ay dalkoodi uga soo qexeen, daryeelka u waayeen, Qaranimo uga bur burtay, gaajada iyo harraadka saxaaraha iyo badweynta ugu dhimanayaan. Qansax iyo Qurac waa kuwa dal iyo dad baab’ay ku dul dagaalamaya, danna aan ka lahayn waxa dhimanaya, iyo waxa qaxaya, iyo waxa berriga iyo badaha ku baaba’aya. Qansax & Qurac waa kuwa dal dhan inuu burburo aan dan ka lahayn, cadaw inuu ku soo duulo oo dukun daakun ka dhigo u durbaan tuma, dhiigga qulqulayaa aanu hal marna damqi hayn oo ku xambaarihayn iney in yarna ha ahaatee ka badbaadiyaan.Qansax iyo Qurac waa kuwa mid kastaa dantiisa keliya fiirsado iyo siduu ayaama usii joogi lahaa, dan guud iyo u tanaazulkeedna aan marna laga helin.

Kuwaasu waa kuwa saxaaraha ku dhimanaya. Kuwa dibadaha joogana, markii dhibaatooyinkooda laga hadlo, oo wadada loo bidhaamiyo, oo loo sheego dantooda guud iney ku jirto  midnimada, walaaltinimada, qabsashada diinta, xornimada dalka iyo dadka, deganaanta iyo kala dambaynta, qaran nimada iyo wax wadaagga iyo Islaaxu daatu beynka,  in badan oo ka mida waa dudeysaa, wexeyna u dudayaan Maxaad u leedahay Qansax & Qurac oo keligood (dalkii dambaska noqday) isku haysta yaan midna la raacin, mid walbaana wuxuu kaa rabaa inaad tiraahdo Qansax ama Qurac maahine cid kale ma jirto.

Hadaad ku tiraahdo Qansax waxa diinta iyo dadka dan u ah aan ka qaadano, wixiisa kalena iska tuurno, Quracna sidoo kale wixii Diinta iyo Dadka dan u ah aan ka qaadanno waxa kalena ka diidno, kaama yeelayaane waaba kula dirirsanyihiin.. Haddaad weydiiso, idinka ma diinta iyo dadkaa idiin daran? Mase Qansax iyo Qurac baa idiin daran? Jawaabtoodu si toosa iyo si dadban waa: Qansax iyo Qurac yaan nalaga taaban, wixii dad iyo dal baa ba’ayaa ha baa be’een!!. Haddaad tiraahdo: Qansax iyo Qurac iyagu diintii maaha, ee magacya ay la bexeen ama aabayaashood ula bexeen ayey leeyihiin, dadka in badanoo ka mida uma dhacdo. Sow gar maaha marka in kuwaas gacantooda lagu ciqaabo?

Ilaa nalaga helo inaan garanno: Diinta, Dadka iyo Dalku iney ka qiima badan yihiin, kana muhiimsanyihiin, Qansax iyo Qurac hadduu qof yahay iyo hadduu urur yahay iyo hadduu qabiil yahay. In Diintu tahay wax la barto oo Kitaab iyo Sunno iyo Cilmi & Culimo leh si Ifka iyo Aakhiraba loogu iftiinsado, Qansax iyo Quracna ayan iyagu diintii Ilaahay na faray ahayn, ee ay yihiin, dad iyo ururo diimeed ama siyaasadeed, ama qabiil, oo hagaagina kara, qaladaad fool xunna ku dhici kara, oo ay tahay in laga digtoonaado mar walba inaan qaladka lagu raacin. Ilaa laynaga helo ineynu Diinta iyo Maslaxadda Ummadda u iilano, kana korno inaan u tacasubno dad gaara iyo ururo gaara, iyo qabiila gaara, wax badan oo dhibaata ah weynu la kulmeynaa. Ilaahay hayna sabata bixiyo.

RIYA MAAHINE WAA RUN!

Waxaan halkaan kusoo gudbin doonaa ayaamaha soo socdaa, sheekooyin dhaba oo aan riya ahayn. Waxaan afkooda ka qoray dadkii qisooyinkaas yaabka lihi soo mareen qaar ka mida. Qisooyinkaanu boqollaal kun oo Soomaaliya ayey ku dheceen, ilaa haddana ku socdaan. Sababtuna waa cuquubada ku dhacday iyo halaagga dalkoodi kasoo sal kiciyey, markey berri amaan tagaanna inta ilaawaan ay ururadii iyo qabyaaladdii iyo hogaamiyayaashii dulliga baday u mash xaradaan sacabkana u tumaan.

Waxaan filayaa iney tahay markii u horreysey oo riwaayadda dhabtaa ee TAHRIIBKA & QARDAJEEXA Soomaalida, si tafsiil ah oo maalin maalin ah loo soo bandhigo, haddey qoraalla sidaasii jiraanna anigu aanan arag, laakiin ay dhici karto iney jiraan. Waxaad arki doontaa – inshallaah u – Silica iyo saxariirka Soomaalidu ugu baaba’day meelaha ay ku tahriibaan, haba ugu darnaato Saxaaraha Liibiya iyo Xuduudaha Suudaan? Dadka dhintay side ku dhinteen

Waxaan uga gol leeyahay in Soomaalidu ku cibra qaadato, ku waana qaadato. Waa dhambaalla ku socda:

DHALINYARADA SOOMAALIYEED: Rag iyo Dumar ee Wadada Tahriibka kusoo jiraa, ama soo hadal hayaa iney dib u fekeraan, dalkooda iyo meelaha ilaahay ku nabad geliyey ku negaadaan, kuna kalsoonaadaan wixii Ilaahay u qoray iney helayaan oo aaney dhaafayn.

SIYAASIYIINTA & URURADA: Dalka ku diriraya oo xukunka iyo awoodda ku herdamaya, mid walbaana doonayo keligiis inuu taliyo, cidina la wadaagin, madax tinimo iyo wasiirnimo beena oo aan waxba ka jirin run moodo, iney Ilaahay ka baqaan, aakhira xusuustaan, adduunka waxa ka dhacaya iyo bani aadamku siduu ku noolyahay ku waana qaataan, dalka iyo dadkiisana dabka ka joojiyaan. Iney ogaadaan sida ay hadda ku jiraan si ka fiicani iney jirto, danta guudna lagu gaari karo, danohooda gaarka ahna ay in badan ku gaari karaan, iyagoon habaar iyo taariikh madow kasban.

CULIMADA & ODAYAASHA: Iney wacyigelinta, Waanada iyo sama katalinta, dadaal dheeraada ku bixiyaan, gaar ahaanna kooxaha hubka u qaatay talada iney marooqsadaan , inaan waanada iyo wax u sheegga laga deyn, bal in Ilaahay qalbigooda naxariis geliyo, oo ay Ummaddan Muslimkaa ee rafaadsan dhibka ka daayaan.

DADWEYNAHA SOOMAALIYEED: Iney Ilaahay u toobad keenaan, Culimada iyo Waaya aragga ummadda wax ka dhegeystaan, talooyinkoodana qaataan, ka waantoobaan taageerada indha la’aanta ah ee ay siinayaan kooxohooda, ururadooda, iyo raga ay qola walbaa caleema saarteen.  Daacadda furan oo dhamaystiran waxaa leh oo keliya Ilaahay iyo Rasuulkiisa Calayhi Salaatu Wasalaam. Wixii kasoo haray Shiikh iyo Amiir iyo Madaxba, waxna waa lagu adeecaa, waxna waa laga diidaa..

Haddaynu baranno Dadkeenna iyo Dalkeenna ineynu shurka ku nahay oo taladoodu naga dhexeyso, khayraadkiisuna na deeqaan oo naga badan yihiin, ee inta shaydaanka iska naarno, tartiib nicmada Ilaahay na siiyey u cunno, Rabbina ku shukrino, Haddeynu diinta asaaska aynu ka duuleyno ka dhiganno, cilmiga iyo waaya aragnimadana qiimayno, waxa aynu higsaneynana dhexdeenna si tartiiba ku raadsanno, wax badan ayaa inoo hirgelaya, Ilaahayna Musiibada waa naga qaadayaa siduu Addoomaha Tawbad keena oo tabartooda garta u ballan qaaday.

Ilaahow tawfiiqda na waafaji.

W/Q. Muxamad Idris Axmad
hayaan@gmail.com

Maqaalladii hore https://somalitalk.com/tag/idris/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " DALYOHOW YAA KU LEH? DADYOHOW YAA KAA NAXAYA? | W/Q. Muxamad Idris "

  1. Muslimah says:

    aslaamucalaykum wr wbr..

    Jazaakallahu khayr sheekhunaa,Maqaaladaada aad ayaan uga helaa, siduu sheekha u fakirayo oo ah in loo daneeyo dadka iyo wadanka, oo tanaazul lasameeyo,haday ufakari lahaayeen dadka isku haysta maamulka, waxaan ka yaabanahay dadkii dhamaade wax xabad ku dhimta, kuwo bad, kuwo Sahara iyo in wadankaba ka qaxda oo wadamo gaalo ku silcaya, bal yay u talinayaan dadkaan kursiga isku dilaya??? Ilaahow noo gargaar inta dibada joogtana kuwo uu ilaahay u naxariistay moyee caruurtii ayaa la kari la’a yahay oo ka xumaatay,waxaasna waxaa noo keenay ragaan kursiga isku haysta, nagii diinta sheeganayayna haday saan yihiin, ragow 20yrs kabadan waa waalni, bal dumarka xilka ku wareejiya kolay uma malaynayo,dhibkaad wadanka ku haysaan midla mid ah in ay keenayaan dumarka, ileen dumar naxariis baa lagu yaqaan, idinka waatan naxariistii idinka tagtay (waxaad unaxariisan lahaydeen dadkaan meelkasta ku dhamaaday)

  2. digniin says:

    Marka hore salaanta islaamka ayaan kugu salaamaya sheekh daaci macaruuf waliba waxan kuu raacin inaad tahay kaatib.Waayowaxad soo qortaa qoraalo wax ku ool ah.Wallahu xaiibuh walaa uzakii callahi axdun, sheekh waxan ka codnayaa adiga ad wax u qoree sida aad qoraalka noogu soo gudbisid baan kuugu soo gudbin waanada waayo bulshadu ma kala maaranto waana ta ay fahmin ummaddan sii dhimanaysa waa soomaalidee.SHeekh waxan kaa codnaynaa inaad maxaadaradkan aad ku qabataan qurbaha bal qaar u wareejii kalya adeeyg sameeya waayo qolyahaan culuma diidka ah caqqil diidka ah aqoon yahan diidka ah waxay ku hadal ka dhigteen culumad aqha yimaadan daalka dalka taga ummada isugu yeera kii diida masaxda culumada iyo wax garadka waa la wada arki doona weyna fashilmi doonaan,Akhii faadil culumada ha ku baaqan shirweyne kuwa aad idinku ka mudan tihin ba a ummadan isugu yeera waliba wakuwa sii kala gada siina kala fogeeya waxan sugna wa jawab aan ka sugaynoiyo meesh alagu qaban laha shirweyne ummaddan lagu badbaadinayo inshalah ascwr

  3. Cabdalla says:

    Asalamu Calaykum

    Sh. M. Idriis Allaha ka abaal mariyo talada, damqashada iyo waayo aragnimada uu umadda Soomaliyeed ku kordhinayo.

    Qoraalkaana markii dhan laga eego waxaa weeye mid la hadlaya dareenka dadka, qof walba oo damiir leh, insaanimo kujirto, isla markaana labada dhagood dhexdooda kusitta maskax yar oo fakaraysa. Wuxuu ahaa qoraal iyo hab wanaagsan oo dad badan ay kula soo hadleen dadkooda markii la qabsaday ama gumaysi galeen ama duloobeen.

    Dhanka kale markaad eegto bulshada uu fariintaan usoo qoray shiikhu, oo waliba hadaad tahay qof yaqaan habdhaqanka iyo hab fakarka dadka Soomaliyeed, waxaad isleedahay tolow shiikhu wuxuu la hadlayaa dad si dadban u indha la’, dhagana la’ oo aan waxna arag, waxna u maqal sida xaqiiqda ee la moodo, taasoo kugu sii kalifaysa caloolxumada iyo dareenka insaanimo inuu kaa yaraado oo aad is tiraahdo waxaan sugaynaa waagii Rabbi soo badiyo dad u fakara si xayyi ah oo insaanku u fakaro.

    Taasoo kugu sii ridaysa dhabbe kale oo ah inaad tarbiyayso naftaada iyo inta aad masuulka ka tahay, inuusan qaab fakarkoodu noqon midka umadda marin habaabiyay oo aadan calal aqal adigu badin tirada sida dadban u ah (summun, bukmun).

    Sidaa awgeed qof walba oo Soomali ah waxan kula talin inuu isku dayo kusoo biiridda u fakaridda qaabka insaanimada iyo mandiqa ah iyo kasoo xorowga qaabka waxshinimada iyo cawaanimada kujirto oo qofku xattaa aqoon xaqiisa iyo maslaxadiisa.

    Wassalam
    Cabadalla

  4. Waan jeclaanlahaa inaay ducaada Somaliyeed sidaada oo kale isticmaalaan habab badan oo dadka loola hadlo oo ay ka gudbaan habka muxaadara. Daaciga wax qora sidaada oo kale wuxuu baranaya sida looga fiirsado hadalka. Waa hab lagula hadlayo cidkasta oo Somali ah, meel kasta oo joogto iyo cidkasta oo ay taageersanyihiinba .
    Qoraaladaada waxa kamuuqata inaad udamqanaysid umadan ee Allah kaa abaal mariyo.
    Su’aal: Suurtagal matahay in laqabto shir Somalia lagu badbaadinaya oo soo qaban qaabiyaan ducaada si loo bad baadiyo magaca sii dhimanayo ee wadaada? Haddii ay suurto gal tahay fadlan nooga soo diyaari maqaal arintaas kusaabsan iyo wixii talo ah loo baahan yahay in laqaado!
    Wasalaamu Alaykum Warahmatullah

  5. muslim says:

    ASC. marka hore suu ALLAH subxanahu watacaalaa dhahay qof walba waxuu kasbado uu leeyahay..soomalidana waxa eey istaahilaan wey heestaan ayaga xumaanta ka jooga laga kariwaayey….taas waxaa ugu sii daran intooda badan badan xumaanta sheydaan ka sokoow jaahilnimo aa u geeyneyso..lkn dadka kuwa ugu liito waxaa waaye kuwa ayagoo cilmi leh hadana is dabaaleenaayo..waxaan ula jeedaa culimo badan sheekhunaa kalimadaha eey ku hadli jireen aan xasuusanaa intee wadanka hogamiya kooxeedyadii ka talin jireen…teeda kale adiga naftirkaaga sheekhunaa cadaalad sameey waagi hore iyo hada wadanka isku mid ma ahan isku wax laguma dagaalamo hadeey rabto afcaasha ha qaldaanaato adiga xagaaga lkn ula jeedka eey dadka qaar sheegtaan wa taqaanaa..kaba sii darane meelo badan gaalo ayaa xukunto..melaha kalena si dadban eyey u joogaan waxas dhanna waa ogtahay..marka cadaalad darro waxay ka bilaabanee in 15sano ee hore iyo 4taan dabe isku mid laga dhigo..tusaale ahaan dadka wagaas qoriga wadan jiray waxan ula jeeda 15sano hore qof walbo oo qori qaado salaadna ma tukan jirin dadkana wuu dhici jiray daroogana weey u dheereed….lkn 5sano oo danbe kuwas cagsigooda aa ka soo horjeedo oo awal mooryaan bas eey wada ahaayen dadka..marka sheekha haduu leeyahay dad badan oo naqaano wanaagooda ALLENA aan ka rajeynayo inuu u ziyadiyo..waxay la mid yihiin mooryaan aan xasuusto oo nafta nagu dhibi jirtay arinta wax aan ka iraahdo maba aqaanoba. umuuraha ALLAHA sahlo.

  6. Mr.Samotalis says:

    Assalaamu Alaikum,

    Sheekhuna Muxamed Idris AXSANTA ,Allaah hakuu barakeeyo cimrigaaga waad asiibtay runtii. Laakiin ummadeena Soomaaliyeed wax lagu sifeeyo lama yaqaan marmarka qaarbaad is oranaysaa dhacdadii ay aqoonyahanno badan oo reer galbeed ah ay ka hadleen balse loogu yeero Stockholm Syndrome anigoo halkan ku soo koobi karin dhacdadaas balse ay muhimadu ku koobnayd dad laqafaashay oo dadkii qafaashay la safan.Kuwii u soo gurmaday in ay badbaadiyaana u arkay cadaw.Oo markay ka badbaadeen gacantii kuwii wax afduubay waxay weli u hayeen kalgacaltooyo dadka ka yaabisay.Dadka markaa la afduubay waxay ahaayeen shaqaale bangi,waxayna ahaayeen saddax dumar ah iyo nin Waxaa la sheegaa in two of the women eventually got engaged to the captors.Marka ummad loo diiday in ay noolaadaan oo kuwii u diiday daba taagan xitaa haddii ay dibeddaha yimaadeen wax kale oo lagu sifeeyaa ma garan karo.
    Cafi iyo Caafimaad

  7. abdirshid says:

    Asalamucaleykum wr wbr, salaan ka dib waxan mahad balaaran u qorayaa fadiilatu shekh maxamed idiriswaxan ku leeyahay jzkh bimaa qadamta li shacab, akhii faadil daaci macruuf waxa kuu sii dheer qoraalada aad soo qortid oo ah kuwa wax ku ool ah ama u ah ummadda hadlal haan ma buuxshee wad kheyrka, kii dudayaan ha dudo soomaali waa taqaan sheekhow waan a dhalatayku wad waanada, qoraal iyo afba kuwa anigaa og kuwa shalay ku lahaa fadiilatoama ku laha culumada culumadeena baa maanta leh waa qooxda ictisaam. waliba qooxda ay sheegayan wa culumada soomaaliya ugu tunka weyn xagga culumo ahaan, sheekh soomaali xalkeeda ma dhawa laakin aalah lagama quusto rajadiisaqaluubtana aallah baa isu dumaya qof isuma soo dumin karo, nabigeena allah ku yiri haddaad ku quudisid wax adduunka yaala oo dhan isama soo dumin kartid allah ba qaluubtooda isu keenay , sheekhy marka wad waanada dhib badana wa la kulmi doonta u sabar adiga iyo asxaabtada culumada ahba. markaan leeyahay soomaali xalkeeda ma dhawa waxan ka qaadanaya mujtamicii ku baaba, ay qabyaalada haddana wali ku hadaaqaya ban is iri welee kuwana ma dhawa balse allah ha isu soo dhaweeyo allahuma amiiiiiiiiiiin, ssheekh wad wanaada, kuwa u dudaaya, sheekh aniga wax xiriir ah ma lihin kuma aqan wanaagas iyo kheyrka ayaan kugu aqan kuguna jeclahay adiga culumada oo dhan allahna ha idin xafdiyo, waxan ula jeeda kuma aqan xiriir ban kula soo sameyn laha waayo dadkii waxay afka ku hayaan idinka jihaadka noogu yeeray haddana idinka leh wa afitna marka usheega qofka sheekh ah maanta si buu wax u arki kara barina si ka duwan isagoo cilmiga ka biyo cabaya waan wax la yiraahdo ijtihaad inkasta qof walba uu maanta noqday mujtahid, mowduucas u waadixya idinka idinka ayaa ka dhamaanweyday wa billaahay towfiiq asc wr

  8. ASALAAMU CALAYKUM!!!sheekhunaa rabbi hakaa abaal mariyo,maqaalkan miisaankiisa wata..soomaalida waano hadday wax kuqaadanayso labaatan sanaba kumay gaadheen dhibkan..marba ka xilka qabta ka kale waa kaliitaa,oo waxaa kawada maqan shaygii muhiimka ahaa ee diinta iyo wadanimada,kuwii lagu tuhmayeyna dee waad aragtaa sheekhoow in aanay maanta faa’iido wadankii uhayn.idanka alle waxaan arki doonaa adigoo maqaalada danbe kusharaxi doona nimcooyinka uu rabbi noogu deeqay oo ahaan doona nabad aanu markaa haysano iyo dowladnimo caalamku layaaban yahay sida degdega ah ee ay usara kacayso iyo soomaalida oo mida,waxba haqariibsanina rabbi wuu awoodaa,.naxariistiisuna in laga quusto maahan..insha allaah, dhalinta soomaaliyeed sidan way kabixi..alle qabyaaladda hanaga korqaado, wadada wanaagsanna hana tuso,laba talo tawanaagsan rabbi hanagu hanuuniyo.. anigu weli kama quusan soomaaliya ee niyadda waxaan kuhayaa in shantii soomaaliya oo mida ay imaandoonto ayna soo laaban doonto isjacaylkii dadkeena,hogaamiye wanaagsanna uu soo bixi doono..sheekhunaa mahadsanid…alle haku xafido aduun iyo aakhiro..