Xukuumadi waa mu’asasada (institution-ka) ugu facaweyn mu’asasadaha siyaasiga ah oo dunida maanta ka jira. Sidoo kale, xukuumad waxaa lagu yaqaan inay tahay qaab ka mid ah qaababka awoodeed oo bulsho lagu dhaqo.
Caado ahaan, erayga xukuumad si guud waxaa loogu yeeraa xukuumadda ummadda, xukuumadda gobolka, xukuumadda dagmada ama tuulada. Waxaa kale oo la sheegaa astaamo dhawr ah oo ay wadaagaan xukuumaduhu meelay ka dhisan yihiinba oo saldhig u ah dhammaan xukuumadaha dunida ka jira. Astaamahaa waxaa laga xusi karaa, si kooban:
1- Xeer habeeya qaab-dhaqanka; koox walba oo dad ah marka laga bilaabo qoys, laguna geeyo ummad waxay lee yihiin qaab-dhaqameed u gaar ah oo ay wada ilaashadaan.
2- Awood (sovereignty): xoog jira awood sarena ah ( xukuumad) oo kara xoog inay u adeegsadaan inta ku nool xuduudda Jogoraafi oo xukuumadda.
3-Garnimada sharciyaddeeda: xukuumaddu waxey xaq u leedahay inta ay ku egtahay (joqoraafi ahaan) ama ay gaarto xoog ama jujuub inay wax uga fuliso.
4-Takhasuska garsoorka: xukuumaddu xaq iyo awood waxay u leedahay soo-saaridda xeerarka iyo qawaaniinta, fulintooda iyo jiiridda ciddii hor istaagta.
5-Meelmarinta xeerarka iyo qawaaniinta: dadka intooda badan rabidda xukuumadda ayay u hoggaansamaan, hasa yeeshee, waxaa jira qaar ay tahay cago-jugleyn iyo ciqaab in ogolaashaha looga keeno oo la maquuniyo.
Inkastoo xukuumad astaamaheed iyo sansaankeed dhowr qodob aan lugu soo koobi Karin, kutub faro badanna laga qoray mowduucaa oo ay jiraan aragtiyo (Schools of thought) faro badan oo la kala taageero. Waxaa afeef iga ah xukuumaddeenna oo la soo hadal-qaado inaan loo qaadan cilladeyn, farateysi ama u duur-xulid shakhsiyaad xukuumadda ka mid ah. Jumlo ahaan ayaan xukuumadda u arkaa, jumlo ahaan ayaanna uga hadlayaa, tafaariiqna wax dan ah kama lihi.
Sidoo kale, inta caadeysatey wixii la dhisaba iney burburiyaan waxaan u sheegayaa;“dhalliisheydu waxba lama wadaagto sidaad wax u aragtaan, yoolla ma wad lihin, waxaan rumeysanahay; dhalliil waa talo loola jeedo toosin wax qalloocday, ruuxii wax kaa sheega wax inay kuu hagaagaan ayuu doonayaa, asalkuna waa saas.
Haddaba, dib haddaan u laabto oo isweyddiiyo; “sidaan xukuumaddii dhexe 1990-kii u tuurray, tolow marna ma na soo martay wax xukuumad lugu tilmaami karo?!. Haa ama maya midna intaanan oron shantaa qodob aan cabbir u qaato –oo waa tii hore loo yiri: “meyd maxaa u damabeeyey?, kaa la sii sido”- kuna eego xukuumaddan la isku shaandheeyey[1] dhawaan.
Nasiibdarro, wax kasta oo Soomaali loo sheegay dhagaha inta ka furaysatey, caqligiina doonni sii saartay ayay qaab-dhaqameed u dooratay qabyaalad. “Cabdulaahi Suldaan Timacadde” markuu Soomaali caqligeeda bixin kari waayey waa tuu yiri:
“Bal iney dalfoof tahay caqliga doonni laga saaray
Wixii hore u soo daashaday degeshnaysaaye”.
Aayo xumida Soomaalida, wixii “Timacadde” oo soddomeeyo sano iyo ka badan sii mootan waagaa u sheegay ayay naf ka daydey iyada oo mareysa 2010ka. Caqli inuusin jirin, soo tilmaan uma aha aaladdii qabiilka oo qarankii lugu burburiyay in haddana la jideeyo wasiir ilaa adeege in lagu soo xulo?!.
Maalinkii la jideeyey 4.5[2] in Ay Soomaali wax ku qaybsato, waxaa cad maskaxda inay ka saartay: waxa kani inuu yahay qorshe xirrib-dheer oo la doonayo Soomaali inay ku sii walaahowdo inta ay ka le’anayaan ficii xilligii gobanimadoonka noolaa, xukuumad Soomaaliyeed oo talo iyo awood lehna soo arkey,dabadeedna taladu faraha u gasho madax aan war ka hayn wixii la soo maray, xogna aan ka qabin dowladaha aan dariska nahay waxa na dhexyaal.
Maanta, jagooyinka xukuumadda (Wasiirrada) oo lagu qeybsado 4.5 waa caadiyoos, haddaba waxaad maleysaa Wasaaradda Warfaafinta oo soo saartey wareegto fareysa: “afafka ka baxa idaacadda dowladda waa in lagu qeybiyo afar dhibic shan. Af raxanweyn, af shaanshi, af jiiddo af Baraawe, afka dadka gosha daga…………,…………, intuba waa iney saacado isle-eg helaan, heesaha iyo gabayada waa in lugu tiriyo dhammaan lahjadaha dalka ka jira, haddii tuulo reer dagaan war laga soo tabiyo waa in reeraha Soomaaliyeed oo idil tuulooyinka ay dagaan war laga soo tabiyo oo saamiyo isle-eg qabaa’ilku ka helaan wax-soo-saarka wasaaradda warfaafinta”.
Waa yaabe, Soomaali goormey aheyd; dad tiro ahaan, tayo ahaan, wax-tar ahaan jinjin ah oo warshadi soo saartey?, Jinjin in la ahaado soo kama horeyso dadaal iyo maalgalin (investment) is le’eg in hore loo adeegsadey. Hore uma dhicin dibna kama dhici doonto Soomaali jinjin iney noqoto oo waa inta reerba Eebbe gashaa, calafna uga dhigo .
Eelka cudurka qabyaaladda weeye sababta xukuumaddeennu ugu soo uruurtay inta u dhaxeysa xaafadda Madiina (wadajir), Hotel Golobal, Xamarweyne iyo Waddada Maka Almukarama. Xukuumaddeenna maanta jirta xuduud ahaan iyo maamul ahaanba dhulkaa iyo dadweynaha ku sugan ayay la nooshay, dhib iyo dheefna la wadaagtaa.
Xukuumaddeenna toos iyo dadab waxaa u xukuma IGAD, AU, UN IYO BULSHADA CAALAMKA oo dhammaantood dano guud oo aanan garan wadaaga, dano gaarah oo naga dahsoonna kala raacda. Sidoo kale, xubnaha xukuumaddu badankood -in yar oo Alle u naxariistay mooyee- dhagaatiyo ayaa ugu kala xiran dowlado kale duwan, si gaarah dowladaha dariska aan nahay, muraadyo gaagaabanna waa ilaashadaan.
Xarunta Golaha Wasiirada qulaanqulaha waxaa uga jira saafaarad dal daris ah, waa safaaradda Itoobiya. Xafiiska safaaradda Itoobiya Xarunta Madaxtooyada oo Madaxweynu fadhiyo waa uga dhowdahay halka Golaha Wasiiradu ku shiraan, howlaha xukuumadduna ka socdaan –hadday jiraan. Sidaa daraadeed, safaaraddu si fudud waxey ula socotaa (monitoring) dhaqdhaqaaq kasta oo ka dhaca Xafiiska iyo dagaanka Wasiirka Koowaad.
Xuduuddaa aan sare ku sheegay madaxda ku nool cid ay xukumaan ha joogtee dalka inta ay joogaan wadnahoodu ma fadhiyo, mar qarax ayay ka baqaan marra hoobiyey ayay ka gabbadaan, haddey wiifto ka nabadgalaan. Hurdo qumman waxay helaan markey dalka dibadda uga baxaan oo qura, waana sababta looga bixi la’yahay Hoteelada Nairobi ku yaal.
Nasiibdarro, xooggii iyo jujuubkii la rabey xukuumadeennu iney wax ku fuliso iyada ayaa loo adeegsadey (sixirkii, sixiroolihii ayuu isku rogey). Saldhigyo Booliis oo shaqeeya ma jiraan, xabsiyo warkooda waa laga haray, maxkamado waaba la illoobey. Ciidamada Istaafka loo yaqaan xubnaha xukuumadda sidey u daba yaacaan ayaa ruuxii awooda ama jifadiisa ciyaal Xamar ka joogaann uruursadaa ciyaal qoryo sita oo daba yaaca, waa caadi inaad maqasho; “ciidankii hebel iyo ciidankii reer hebel”.
Xukuumadi waxey xukuumad ku tahay waa in bulshada dhexdeeda kaligeed xoog iyo awood ku leedahay, haddiise la wada hubeysan yahay; waa sida xabadda loola kala hor maro ama loo kala Istaaf bato.
Garsoor iyo qaanuun waxay noqdeen ereyo afsoomaaliga ka sii baxaya. Ruux walba Ak47-ka garabka u suran iyo Hoobiye uu tuuro ayuu gartiisa kula baxaa. Haddadan Ak47 lagaaga baqo gilgilin ama Hoobiye aad argagax ku abuurto tuurin gar ma lihid reerkiinuna cod la maqlo ma yeelan karo. Inta xabbaddaadu gaarto wixii ku sugan adaa iska leh ciddii joogtana adaa u taliya.
Xukuumad bulshadeeda aan u kala garsoori karin, qawaaniinta ay dagsateyna –haddeyba jiraan- aan meel marin karin, magacydii ay sheegato, wasiir hebel iyo wasiir hebel, runtii waxba ma dooriyaan jagooyikii aan bixin jirrey kolkaan carruurta aheyn. Carruurtu cayaarta Imbiiliga ama warbaca loo yaqaan kolkey cayaarayaan cunuggii markaa taladu gacantiisa gasho carruurta kale mid waa dallaciyaa, mid waa xiraa mid waa ganaaxaa.
Si kastaba ha ahaatee, Soomaalidu waxey tiraahdaa; “sida loo indho xunyahay looma Alle la’a”, waxaan ulajeedaa inkasta oo aan liidano haddaan; “Alle haddaan aaminno, qalbi xaaran iyo dadaalla muujinno, waqti gaaban waa uga gudbi karraa dhib kasta oo maanta taagan”. Xukuumaddeennu hadey isxilqaanto, waqtiga ay isqabqabsiga ku lumisana ka waantowdo, dhagaatiyada ay kala heysatana xargaha u jirto waa la hubaa iney gaari karto meelihii ay gaareen xukuumadihii 70dii dalka ka talin jirey iyo meelo ka fog. Sidaa waa la rajeyn karaa!!.”.
Akhristaha waxaan uga tagayaa xusuusin ah; dagaalkii II-aad oo dunida kolkii xukuumaddii Hitler-kii Jarmalka isku ballaarisay Yurub, in dowladihii isbaheystay duulankii xoreynta Yurub ka bilaabeen tuulada Normandiya oo dalweynihii Faransa oo Jarmalku qabsadey ka mid aheyd.
Waa sidaase, xukuumadi inay nolosheeda 3-kiiloomitir ka bilowdo ceeb ma aha, balse, dhaleeco waxaa ah 3-dii kiiloomitir in lagu dhex-ladi waayo, dhanna loo dhaafi waayo, ugu dambeyna lagaa qabsado. Runtii waxa laga rabo xukuumaddeenna, waa inay ka danqato dhabtaa jirta oo aysan sidii ruux dammaday ku dhex wareego-caddeyn taagga madaxtooyadu saarantahay oo Muqdishow oo basaastay meel sare laga soo eegin!!. Allow, yaa mar kale ku heesa; “Muqdishow daawo dacallada, Xamar daawo dacallada”.
[1] Shaandhayn: shaandhayn iyo baandhayn waa laba eray oo isku mid ah oo loo adeegsado cayaarta turubka. Turubka markii la shaandheeyo waa la gooyaa, la bixiyaa, la booleeyaa, markaa ka dib ayaa cayaari bilaabataa. Haddaba, cayaartan yaa gooyey?, yaa booleeyey?, afarta cayaaraysaa waa kuwee?, yaase korjoogto ka ah?.
[2] 4.5: waa wax-qaybsi qabiil ku dhisan. Koofur Afrika xilligii gobannimadoonka ay u taagneyd waxay soo saartay”One man one vote”, Soomaaliduna xilligan burburka waxay soo saartay 4.5. Haddaba, inkasta oo qabyaalad dhadhan iyo shiiqsi-dambe laheyn, goormaa Soomaali la tiriyey oo la ogaadey qabiil walba saamiga uu ku lee yahay wax-qeybsiga. Suurat An-nisaa aayadda 176 oo dhaxalka ka hadleysa waxay xustay; “Labku wuxuu lee yahay laba dheddig ah; inta ay helaan”……………..
Akhri Barlammaan keenna!
Xildhibeen
Cabdiwali Sh. Maxamed
ifaqoon@hotmail.com
10-07-2010
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.