Home » Warar »

Yuusuf Dheeg: “haba yaraatee ma oran” Itoobiya waxay gumaysataa Dhul Soomaaliyeed

Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG Yuusuf Ibraahim Xasan (Yuusuf Dheeg) ayaa sheegay in uusan oran hadalka ah Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysato waa dhul la haysto. Waxana uu yiri “haba yaraatee ma oranin”.

Yuusuf Dheeg oo ka jawaabayey su’aal ay (July 19, 2010) weydiisay idaacadda wararka u faafisa Boqortooyada Ingriiska ee British Broadcasting Corporation oo weydiisay su’aal ahayd “Wasiir intii aad joogtey Qaahira ama aad u soo socotey, wargeys la yiraahdo Al-yowmu Saabic oo websitkiisa aan ku aragnay qoraallo kugu saabsan adiga ma jirtaa in aad la hadashay oo arrimo Itoobiya ku saabsan kala hadashay,” ayaa ku jawaabay:

“Niman saxafiyiin ah oo masaari ah oo badan ayaan maalintii Jimcadii la hadlay, markaas guud ahaan arrinta Soomaalida ayaan kala hadlaynay iyo xaaladdu meesha ay marayso iyo waxa dawladdu damacsan tahay, waa jirtaa, waa laga yaabaa qolada aad sheegeyso in ay ku jireen kuwaas,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda DFKMG.

Markaas idaacadda British broadcasting Corporation weriyihii ka socdey uu weydiiyey “Waxyaabaha gaar ahaan ku qoran waxaa ka mid ah gobolka Soomaalida Itoobiya waa gobol lahaysto, in lagaa soo xigtey kelmeddaas, arrintaasi sidaas miyaad u tiri?” Waxa uu Yusuuf Dheeg ku jawaabey “Maya, haba yaraatee ma oranin”, markii intaasi afkiisa ka soo baxday, asagoo weli neefsi ku maqan ayaa weriyahii idaacaddu si hal-haleel degdeg ah u yiri “waa ka gudbeynaa markaas.” DHEGEYO HALKAN.

Dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya gumaysato ayaa ah dhul ay gumaysigii Igiriisku ka mid ahaa gacanta u geliyeen Itoobiya oo weli dhulkaas gumaysata.

Jariidadda Youm7.com oo ka soo baxda Masar ayaa July 16, 2010 qortay warbixin ay ku sheegtay in ay kasoo xigatey wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG oo ahaa in gobolka Soomaali galbeed uu ku jiro gumaysi. Jariidadda waxaa toos loogala xiriiri karaa linkiga hoose si loo weydiiyo in ay caddayn (ama cod) ay u hayso warka ay ka qortay wasiirka:  http://www.youm7.com/About.asp

Markii jariidadda Youm 7 ay warkaas faafisay dadweynihii aragtidooda ka dhiibtey waxaa ka mid ahaa nin magaciisa kusoo koobay Cabdirsaaq oo yiri “yuusuf dheeg waa mas,uulka kaliya ee ka tirsan DKMG ee aan ee an warkiisa ku farxo waana qofka kaliya ee magacayga soomaalinimo ku hadli kara ilaa iyo hada. waxaana rajeynayaa inuu mowqifkiisa ka laaban ama uu si kale u rogin xataa hadii uu kursigiisa ku waynayo waayo wuxuu leeyahay shacbiyad badan waan MANDETE aysan haysan siyaasiyiinta kale….”

Warbixintii hore ee Jariidadda Youm7 hoos ka akhri.

Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG oo Sheegay in Itoobiya ay Gumaysato Dhul iyo Shacab Soomaaliyeed

Yuusuf Dheeg: “Juqraafi ahaan gobolkaasi waa qayb kamid ah dhulka Soomaaliya, dadka halkaas ku dhaqana waxay sannadkii 1977 dagaal ku galeen sidii ay isaga dul qaadi lahaayeen gumaysiga/joogitaanka Itoobiya…”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFKMG Yuusuf Ibraahim Xasan (Yuusuf Dheeg) ayaa sheegay in Gobolka Soomaaliyeed ee Itoobiya ka xiga dhanka bari ee xuduud beenaadka uu kala dhexeeyo Soomaaliya uu ku jiro gumaysi, shacabka dhulkaas ku dhaqana ay yihiin Soomaali ku tabaalaysan gumaysiga Itoobiya oo ay ku hoos jiraan. Sidaas waxa uu u sheegay warbaahinta caalamka, sida ay faafisay jariidadda Youm7 ee ka soo baxda dalka Masar, Jimce July 16, 2010.

“Juqraafi ahaan gobolkaasi waa qayb kamid ah dhulka Soomaaliya, dadka halkaas ku dhaqana waxay sannadkii 1977 dagaal ku galeen sidii ay isaga dul qaadi lahaayeen gumaysiga/joogitaanka Itoobiya, oo ay mustqabalkooda uga tashan lahaayeen. Inkasta oo xukuumadda Itoobiya ay nidaam ahaan aqoonsantahay in dadku ay mustaqbalkooda ka tashadaan, laakiin taas uma ogolaan gobolka Ogaden (Soomaali galbeed),” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG Soomaaliya.

Waxana uu Wasiirku farta ku fiiqay xuduud beenaada gumasigii sameeyey ee u dhexaysa Soomaaliya iyo dhulka Itoobiya gumaysato, isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri: “Xuduudka macmalka ahi waa xuduud beenaad uu sameeyey gumaysigu, sababtoo ah ma jiraan wax calaamad ah uu dhexaysa dadka gobolka iyo Soomaaliya (inteeda kale), xiriir joogto ah ayaa jira iyo isu socod dadka gobolka, dhaqaale ahaana waxay la xiriiraan Soomaaliya, laakiin ilaa hadda dhulkaas waxaa haysata (gumaysata) Itoobiya.”

Hadalkaasi raadka uu ku yeelanayo xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, waxa uu Yuusuf Dheeg ka yiri: Itoobiya waa aqoonsan tahay dalwadda Soomaaliya, waxayna isku aragti ka yihiin ururka Mujaahidiinta Alshabaab in ay gobolka ka dhigayaan mid aan xasiloonayn, gaar ahaan Itoobiya oo ururkaas uga baqaysa dhulkeeda, gaar ahaan Itoobiya oo dadkeedu u badan yihiin Muslimiin, sidaas daraadeedna waxay ka baqayaan nidaamka Mujaahidiinta Alshahabaab ee gudaha Soomaaliya.

Mar uu ka jawaababyey su’aal ahayd in cabsida Itoobiya qabto ay u horseedi karto inay ciidamadeeda militari ay markale u dirto Soomaaliya, waxa uu Yuusuf Dheeg ku jawaabay “Itoobiya waxay noo sheegtay in aysan diyaar u ahayn in ay ciidamadeeda militari markale u dirto Soomaaliya. Taas oo ay u tixgeliyeen in ficilkaas (ciidamo loo diro Soomaaliya) uu dhibaato u geysanayo danahooda.

Yuusuf Dheeg – oo July 3, 2010 loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda DFKMG – waxa kale oo uu sheegay in Sheikh Shariif, madxweyanaha DFKMG, uu safar ku imanayo Masar (maalinta Sabtida July 17, 2010) oo la hadli doono madaxweynaah dalkaasi Xusni Mubaarak (Axadda) oo uu u sharxi doono xaaladda Soomaaliya.

Waxa kale oo Wasiirka Arrimaha dibadda DFKMG uu ka hadlay arrimo kale oo laga akhrin karo dhamaystirkooda jariidadda Youm7 oo Carabi ah ( http://www.youm7.com/News.asp?NewsID=254733&SecID=88&IssueID=0 )

Waxaa jariidaddaas lagala xiriiri karaa: http://www.youm7.com/About.asp

Taariikh Kooban ee Geeska Afrika:

May 5, 1936 maalintii Talyaanigu qabsaday Addis Ababa.

Talyaaniga ayaa duulaan ku qaaday Itoobiya, waxaana duulaankaasi sababay in May 2, 1936 uu boqorkii Itoobiya ee Haile Selassie uu ka cararay dalka Itoobiya. Saddex maalmood kabacdi ayaa May 5, 1936 waxaa Addis Ababa qabsaday ciidankii Talyaaniga. May 7, 1936 ayaa talyaanigu waxa uu Itoobiya si rasmi ah ugu darsaday dalkiisa, laba maalmood kabacdi ayaa May 9, 1936 boqor Victor Emmanuel III oo Talyaani ah waxa uu ku dhawaaqay in uu isagu boqor u yahay Itoobiya. Talyaanigu Gumeysi ku haystay Itoobiya muddo Shan sano (1936-1941).

Muranka Biyaha Webiga Niil:

Heshiis sannadkii 1929 dhex maray dalka Masar iyo Boqortooyadii Ingriiska (oo ku hadleysey codka Sudan maadaama ay xilligaas gumaysaneysey), heshiiskaas oo loo yaqaan “1929 Nile Treaty” waxa uu dalka Masar siinayey xuquuqda ugu badan ee adeegsiga biyaha webiga Nile. Waxaana heshiiskaas markale dib loo eegay sannadkii 1959 (waxaana sidaas dalbatay Sudan). Heshiisyadaas wax tixgelin ah lama siin Ethiopia oo qiyaastii ilaa 80% biyaha webiga Blue Nile ay ka soo bilowdaan. Waxaa maalmahan socda murankaas webiga Niil oo soo cusboonaaday.

Qaybintii Soomaaliya

— Gumaystayaashii reer Yurub, markii ay qabiyeen dhulkii Soomaaliya ayey qayb kamid aha waxay gacanta u geliyeen Itoobiya, dhulkaas weeye tan uu hadda ka hadlay wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda DFKMG.

Dagaalkii 1977:

Dagaalkii 1977 waxa uu ahaa dagaal ay Soomaalidu ku doonayeen in ay ku xoreeyaan dhulka Soomaalida Galbeed. Laakiin waxaa Itoobiya markii laga xoreeyey badanaa dhulka Soomaaliyeed ayaa waxaa u soo hiiliyey ciidamo uu soo diray Fidel Castro ee dalka Cuba oo gaarayey ilaa 17,000 iyo taangiyada iyo hubka casriga oo Ruushka oo taageeray Itoobiya. Waxaa la weriyey in ilaa 2000 oo askari oo Cuban ah ay ku dhinteen dagaalkaas. March 9, 1978 ayaa Siyaad barre ku dhawaaqay in ciidamadii militariga uu dib ula soo baxayo.

Qoraal uu qoray Wardheere (2006) ayaa waxaa ka mid ahaa ” Saaxiibkii Itoobiya, cadowgii Somalia Fidel Castro taariikhda Soomaaliya baal madow ayuu ka galay ka dib markii uu si cadaalad darro ah dagaal ugala saftay Ethiopia ayadoo aanay jirin shacabka Soomaaliyeed wax ay u dhimeen.  Waxaa uu sabab  ka ahaa jabkii ku dhacay xooga dalka Soomaaliyeed  qorshahii la rabay in lagu xoreeyo Soomaali Galbeed asagoo xulafo la ahaa xukuumadii koofurta Yemen iyo Jarmalka Bari iyo Soviet Union iyo WARSOW weliba isticmaalaya lacagtii Qadafi.”

Bedka Dhulka Soomaalida:

Sida ku qoran buugga uu qoray Khaalid Cali-Guul Warsame (2003 Denmark) oo cinwaankiisu yahay Taxanihii Taariikhda Soomaaliya, guud ahaan bedka dhulka Soomaaliyeed waa:

  • Jamhuuriyadda Soomaaliya: 640,000 km2
  • Jamhuuriyadda Jabuuti: 23,000 km2
  • NFD (dhulka ku maqan Kenya): 384,000 km2
  • Soomaali galbeed (ku maqan Itoobiya): 416,000 km2
  • Jasiirada Suqadara (oo ay sheegato Yemen): 2,655 km2

— December (1962) waxaa NFD oo ah dhul Soomaaliyeed loo kala qaybiyey laba qaybood, labadii qayboodna waxaa la hoos geeyay xukunka Kenya. Bedka NFD waxaa buugga (Alan J. Day, 1982, pp. 131) uu sheegay in bedka NFD uu yahay 388,000km2 (150,000 square miles).

  • Sawirka wasiirka Yusuf Dheeg xuquuqdiisa waxaa leh: http://www.youm7.com/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

17 Jawaabood " Yuusuf Dheeg: “haba yaraatee ma oran” Itoobiya waxay gumaysataa Dhul Soomaaliyeed "

  1. Hogosha says:

    Wasiirku muu iskaga adkaysto hadalkiisa waa intaas oo uu guul ku gaadhee. wiil yar ayaa laga soo wariyay aabo waxaan adiga wax ku yeelayn aniga wax ii ah habeenkasta markaad geela lisi ii dheh. arintaas oo ah Wiilka Caano siiya oo dhiilka u buuxiya.

  2. ^Waxaa suur agal ah yuusuf dhege haalkan in uu u yiri si aan rasmi ahayn, oo u hadalkan yahay mid ka imaanay dareenkiisa waddanimo ee khaaska ah, sidaas ay tahay Masaarida oo in dhoweytaba daneyneysay arimaha Soomaaliya si ay bacad celin uga dhigtaan mushkiladda ayaga iyoi Ethiopia ayaa hadalkiisa buun-buunisyya.

    taariikh ana fogeyn sanadkii 2006-da dagaaldii wadaada, yuusuf iyo ethiopian-ka masar mucaawino ay ethiopia u dirtay oo waliba diyarado dagaal ugu geysay!. Soomaliya ku duulitaankeediina waan fahmi karna aayya tiri!.

    Marka kolle wasiirka shabaq ayuu ku dhacay, inkasto uu is haleeliyay hadanaa, ianga dan aya noogu jirto in gumeystuhu ogaado in Soomaali wiil iyo wasor ay aaminsatahay qaidyadeeda!.

    Mahadsanadiin.

  3. mhmed says:

    asc, salaan kadib ,, anigu lama yaabani sacaata wasiir hadalkiisa danbe,, oo waa wax aan filaynay, in laga daba yimaado,, laakin fursa dahabiyo ayuu mar helay,, wuna kuguulaystay in uu fikirkiisa caalam ka ugudbiyo,, waana gudbiyay,, koley run tagtay,, been la soo dhoodhoobay magaadhi hayso,, oo hada lama yaabani in yuusuf deeg ka noqdo hadalkiisii hore,, laakiin shanta soomaaliyeedeey anigu waxaan kayaabanahay oon marwalba iswaydiiyaa,, ninka saxafiga isku sheegihaya ee yuusuf garaad la dhaho,, halka uu kalacolaytamaayo qadiyada iyo halgan ka shacbiga reer ogaadeenia ee heeryada gumaysiga iska dulqaadi haya.. nin kaas saxafiga isku sheegi haya,, ee gumaysiga ethiopia ushaqeeya,, bal somaaliyeey nala arka,, halbana kuusheegi yuusuf garaadow,, koley uurka malax ayaa kaa buuxda oo waad buktaa qadiyadanina waa duushay sxb,, ee awlaadaada unax haa ooga tagin in bulshada soomaaliyeed laga takooro ileen taariikhda ayaa kuxisiye,,

  4. jamaal says:

    Nin daad qaadey xumbo cuskay. Inagaa waxba qabsan kari la’ ee yaan waxba la eedayn odayga. Hadal fiican buu yiri yuusuf dheeg laakiin waa laga daba yimi oo waa lagu khasbay inn ka noqdo. Taasina marar badan bay ka dhcadaa meelo badan oo dunida ah. Hadalka iyo dawladdu isma leh. Dadka leh teeni baa dayacan ee dib ha loo dhigo. Hadalkaas waa hadalkii Itoobiya oo rabta in arrinta weligeedba ay ku jirto dib ha loo dhigo. Hadda waxay maraysaa 500 oo sano. Siyaasadeedu waa qas socda si loo dhaho mar walba teenii baa ina haysata ee arrinta dib ha loo dhigo. Arrintu maaha laba ee waa hal mid. Xalku wuxuu ku jiraa in wax kasta laga hor mariyo arrinta dhulka Itoobiya. Si ay u arkaan in siyaasadoodu aaney shaqaynayn oo dhulkii dawlad iyo dawlad la’aan la isku haysto. Inkastoo ay jiraan Soomaali aamintay in arrintu tahay qabiil raba inuu tiradiisa badiyo si uu Soomaaliya u qabsado. OO aan rabin in hawsha wax laga qabto.

  5. osman says:

    NIILKA biyihiisa iyo soomaaliya qadiyadeeda yaan laysku qasin. waa run in dal iyo dad soomaaliyeed itoobiya gumeysato xuduud beenaadna loo sameeyay. laakiin in laysku beego muranka biyaha wabiga niil,joogitaanka Yuusuf Dheeg ee Masar,iyo qadiyadda soomaaliyeed waa arrin Soomaalida lagu marin habaabinayo Masarna kaalmo looga helimaayo. waxaana daliil ah Xusni mubaarak Amxaaradu markey xamar qabsatay hadalkuu ku yiri wasiirkii arimaha dibada ee amxaarada.

  6. Aniga waxay ila tahay Hadalka Yusuf Dheeg Far baa ku mudan,Madashuna meeshii laga filayey wey tahay Ethiopia aan la dagaalno haddii Masar laga yiri waa hadal aan micna badan ku fadhiyin,Yusf Dheegna cidna uma sheegin In Ogadenya yahay Dhul Somaliyeed oo Ethiopia Gumeysato balse Dagaal waxaa ka haboon in wadahadal lagu gaaro,Meles maaha Amxaar waa Tigree taas Somalia Alla ha fahansiiyo waxbadan baa inoo hirgeli markaas.
    mahadsanidin
    DR Yusuf Issa

  7. dhibane says:

    waraxaa layaab ah in gobalkan uu noqdo wax laysku shukaansado oo hadba uu rabo nin uu owrkiisa ku kacsado waxaan lee yahay somali wayn war markaad tiina aad wax ka qabataan yaad tukalana aad wax ka qaban kartaan marka horta tiina wax ka qabta mida kale ma maalinta aad dan wadataan baad gobalkan xusuusataan waxaan idin leenahay hadaan nahay dadka gobalkaa waan idin maqalnaa waana idin aragnaa somali waxay tidhi sir maqaba allaa sahan ah

  8. Somali one says:

    Anigoo u mahad celiniyo Mudane dheeg hadana su aaasha waxeey tahay anagoo fadhi la’ ma ordi karnaa???
    bal marka hore aan xal u helno Konfur Somaliya …anagoo ka fakirin Punland; Somaliland iyo Somalida gumeeysiga ku maqan.

  9. Dal Jir says:

    Dabinka Siyaasadeed ee Masar iyo Jaamacada Carrabta yaan lagu dhicin Soomaalaay. Xurgufta siyaasadeed ee Wabig Niil ka soo cusboonaatey ee u dhaxaysay lixda wadan ee East Africa iyo Masar, Soomaaliya waxba kama gelin iyadaa teeda u liidata.

    Yuusuf Dheeg hadalka uu sheegay waa mid xaqiiq ah amaanteedana uu mudan yahay, Runtu se waxay tahay Soomaali maanta diyaar ma u tahay in dhulkeeda xoog ama xeel ku soo ceshato ? Ha soo ceshatee xaggee bay ku soo darsan oo maanta nabdoon ? Heshiiskii la sheegayay in ONLF iyo Ismaamulka Soomaalida iyo Ethiopia ay wada galeen xaggee ku dambeeyey tasoo markii horeba 1990 markii jabhadahu Ethiopia qabsadeen in 10sanno gudaheeda afti la qaado halka ay doonaan ay raacaan talladaa la gafey.

    Markii la yidhi ONLF IYO EHTIOPIA heshiiyey Muxuu Xusni Mubaaraka 90sanno jira, muddada 30ka sanno ka badana xoogga iyo xaaraanta ku heystay Masar uu durbadiiba u marti qaaday DFKGS ee taagta daran ee iyaduba teeda la liicaysa ? Ma wuxuu rabaa in uu Soomaali giliyo Proxy war la mid ah midkii 1977 Soomaali la geliyey ? Xaggee ku gaarnney ? iyamaa in garab galay ? Urrurka Jaamacada Carabta ciidan gurmad ah Soomaaliya ma u soo diray ? Maya iyo Meelna

    Waxaa Xusid Mudan, USSR Russia, Cuba, Liibiya, Yementa Caddmeed, iyo wadamadii shuuciga ahaa oo idil waxay ciidan iyo taageero hub aan hagrasho iyo kala go’ laheyn siiyeen Col. Mangistu iyo rajiimkiisii faashilka ahaa xumeyn la xumeynayey kolkii. Gen. Maxamed Siyaad Barre Ruushka uu ka eryey Soomaaliya. Marxuum Siyaad Mareykankana iyo NATO ayuu wacday in ay taageero dhaqaalle iyo hub ay siiyaan si uu oola dagaalamo SHUUCIGA….! Waxaa Jimmy Carter oo madaxweyne ka ahaa USA laga sheegay in uu yidhi ; Waddan Christian ah ee shuuci noqday uma burburinayno, waddan ISLAM ah oo isaguba markiisa horey SHUUCI ahaa aadna u Af-dheeraa falsafadiihiisa siyaasadeed.

    Sidaas ayaana Soomaali hubkii loogu diiday, ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed ee Adis Ababa u Jirsaday in ka yar dhowr boqqol oo KM dhabarka laga jabshey, iyagoo ay isugu tageen Gaallo iyo Muslimiin waddamo sheeganayey.

    Soomaaliya burburkii iyo baaba’ii ay gashay dagaalkaa ka dib ilaa iyo iminka kama aysan soo waaqan iyadoo muddo 33sanno iminka laga joogo.

    Soomaaliya uma baahna Mas’uuliyiin sar-sarre oo hadba meel u duul-duula isagana hadla si laab lakac u eg, uma baahna hadba in aanu dabin siyaasadeed oo aanan tabar iyo taag u heyn xilligan in la galo. Soomaliya waxay u baahan tahay in la badbaadiyo, amnigeeda iyo nabadeedana la sugo, ciidamo Qaran oo Quwad leh in la dhiso kuwaasoo sugi kara dalka iyo dadkaba jiritaankooda iyo xuduudihiisa kuwa hada jira iyo kuwa inaga maqan, intaba, shacabka in la heshiisiiyo lana mideeyo, Xisbiyada iska soo horjeeda in Dowlada Midnimo Qaran oo dhab ah la isagu wada yimaadaan, tayadii waxbarasho, midii caafimaad, iyo midii dhaqan dhaqaalle in kor loo qaado, Markaa ka dib ayeynu Dowlada iyo Raggba wax la qeybsan karaa, dumarkayagu iyagaa sharaf inaga muddan.

    FIIRO GAAR AH : Masar, Ciraaq, Sucuudi Carabiya, Iran, iyo Suuriya, intuba waxay isku heystaan hogaanka waddama Carabta iyo Islaamka. IRAN ayaa oogu cad-cadee watii CIRAAQ lagu jabshey dagaalkii 8sanno socday 1Million oo qofna ay ku dhinteen. CIRAAQ ayaa iyana gooni loo helay markii lagu dan gaarey, IRAN iyo Suuriya ayaa iminka loo dig iyo dam leeyahay in la is raacsho. Masar iyo Sacuudiga ma waxay u maleyn in ay sii joogi doonaan !. Waddamada Khaliijkuna iyagu Madaxa ayey rogteen Batrookooda iyo Barwaaqadooda ayey ka door bideen in ay Falastiin wax taraan, Yuhuudana ka ridaan. Ninkii Tiisa Daryeela Tu Kale Ku Dara. Soomaalaay Yaanan La Idin Dagin, Dhib Innagu Filan Imankaynu Ku Jirnaa.

  10. Jamaal says:

    Ninkaan waa in madaxweyne laga dhigaa. Waa nin fahamsan meesha waxba ka degi la yihiin inay tahay arrinta Ogadeniya. In Afrikaan inaga inaga badowsan ay inagu xukumaan qeybi oo gumeyso waa wax la yaab ah. Waxba yaan lagu mashquulin doorashada sland iwm.

  11. cabdirisaaq says:

    yuusuf dheeg waa mas,uulka kaliya ee ka tirsan DKMG ee aan ee an warkiisa ku farxo waana qofka kaliya ee magacayga soomaalinimo ku hadli kara ilaa iyo hada. waxaana rajeynayaa inuu mowqifkiisa ka laaban ama uu si kale u rogin xataa hadii uu kursigiisa ku waynayo waayo wuxuu leeyahay shacbiyad badan waan MANDETE aysan haysan siyaasiyiinta kale MAANSHA ALAAH mr dheeg.

  12. tahir yare says:

    runtii waxaan u maleynayaa ninkaan yuusuf dheeg ah wuxuu la soo baxay wax mar hore soomaaliya ilowday laakiin loo baahnaa in markastaa la ogaadaa inay ithopia tahay cadowga koowaad ee soomaaliya dhan kasta , laakiin ay dad badan garan la’yihiin xataa kuwa maanta u kala ordaya xukunka ee ay moodaan inay tahay ithopia meesha kaliya eey yaqaaniin kii loo doortaaba xukunka wuxuu ula tagaa la tashi ithopia . oo marin habaabineysa mana aqaan sida ay u fahmi la’ yihiin .
    hadaba hadduu m/dane yusuf ka tahay daacad arintaa waa wax sharaf u soo hoynaya isaga iyo soomaali oo dhan
    laakiin intaaba waxaaba ka sii daran al shabaab sidee la yeeli doonaa

  13. mahamud shire says:

    AZC, dhamaan dhagesayaalka waa idi salaamay aniga waxaay ila tahay
    somalida cidna uma maqan ceelna um q$odno sidaa dartee,waxaa ka dhacaayu wadan waa loo wada jeedaa,{mid}hadii aay shacabka ayaa leha
    diganaan iyo kicin aay kiciyaa shacabka soomaaliyeed,mid gumeysiga,
    soomalida marka {4} sedax waxaa aay joogaa oo ah dala ee aad laheen fiiri
    dadlka ku dhaqan {2/1/5 dowlad dhibto ma jirto ,oo aan ka aheen dawalada derisha oo ah keyna itaabiyo. .kumanaa waxaa jecel in aay helaa gumeysi waayo waxaan helaynaa xurnimo firii ahqof kast uu ilaahaykii caabudo,war ha lafiiriyo caruurta iy inta kale ee aan waxab garan oo ilaa ka baqa.,ilaahow nagu aad tuubada,lacag waa la helaa laakiin naf lama helo…wabilaahi toofiiq

    ]

  14. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib, waa Rugcaddaa Wadani ah M/ne Yuusuf Dheeg, howsha uu hadda u dhaqaaqay waa mid muddo dheer aan sugaeynay, xaqiiqdana waa in si Dibolomaasiyan loo dhameeyaa arrinta Soomaaliya iyo Itoobiya oo muddo fog sii socotay, kuwa ayaga qoriga haysta waa in ay ka qeyb qaataan arrintan Islaaxa ah ee laga dhex waddo labada dal ee Deriska ah, haddii dagaal wax lagu xalin waayey maxaa diidaya in la Tijaabiyo in wada hadal fool ka fool ah lala gallo Caddawga soo jireenka ah ee Itoobiya, ummadda maanta waxa doonayaa Amni iyo Istaqraar, waa in lagu dadaalaa sidii Xalka Soomaaliya loo raadin lahaa, mudanne/Yuusuf Dheegna waxaan leeyahay garabkaaga allaha gallo siyaasadda Cusub ee aad dooneysid in aad u jeexdo Ummadda Soomaaliyeed, waxaan filayaa in aad sidaa iilagan doontaan.

    ALLAA MAHAD LEH

  15. Magan says:

    Finaly waa hadallo aanu muddo sugaynay oo marwalba loo baahnaa in daaha laga rogo waana xaq in qofkasta oo somali ah taa maskaxda ku hayaa.
    ethiopia dhulka ay naga haysato daa iyadaanu ilaa maanta ka dagi la’nahay .
    Waa hadal wanaagsan waana soo dhawaynaynaa marwalba, qofwalba oo mawqifkaas taagana waanu ku garab taaganahay.

  16. C/QAADIR says:

    waa hadal wacan, laakiin wasiirku waa in uu u cadeeyaa Soomaalida, Itoobiya iyo Caalamka kalaba, waana in uusan hadhow ka noqon hadalkaas, siduu hada ka hor yeelay Xuseen Caydiid.

  17. tiir says:

    waa loo baahan yahey qof daaha ka rogo qadiyada soomaliyeed
    lana ogaado in ay tahey soomalimada muqadis waajib ah
    qofkii itobiya wax ka sheegaya waan tageersanhey ama ladagaalaya waanu tageersanhahey wax land land iyo wax madaxweyne kusheeg
    somaliya wax kama noqondoonaan waligood ha iska sheegteen