Home » Warar »

Sh. Shariif oo la kulmay hoggaamiyaha xukuumadda Itoobiya ee Cadaawadda Soojireerka ah kala dhexeyso Soomaaliya…

Zenawi oo la kulmay madaxweynaha DFKMG xilli IGAD ay UN-ka weydiisatey in Soomaaliya loo diro 20,000 oo ciidan ah oo ay ku jiraan dalalka Safka hore…

Warka oo dhan AKHRI…..


Shariifka iyo Zenawi, July 6, 2010

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi ayaa markale magaalada Addis Ababa ku qaabilay Madaxweynaha Dawladda Federaalka kumeelgaarka Sheikh Shariif. SII AKHRI/RIIX

Warbixinta oo dhamaystiran AKHRI HALKAN

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Sh. Shariif oo la kulmay hoggaamiyaha xukuumadda Itoobiya ee Cadaawadda Soojireerka ah kala dhexeyso Soomaaliya… "

  1. Axmed says:

    ITOOBIYA SHALAY 2006 MARKII AY SOO DUULEYSAY,DAD AYAA BIYAHA IYO CAANAHA KA DABA WADAY,DADNA XABAD AYAY KALA HOR TAGEEN,MAANTANA ITOOBIYAAN HADDII AY SOO NOQDAAN DADKII HUBKA U QAADAY INAY DIFAACAAN DIINTEENA,DALKEENA IYO DADKEENA WELI WAY JOOGAAN,,SHARIIFKA SHEYDAANKA NOQDAY EE KUTUBO XOORKA NOQDAY ,GAALADA ITOOBIYA BIYAHA HA KA DABA QAADAAN ASAGA IYO KOOXDIISA.WAXAAN BALLAN AH IN SOMALI OGOLAAN DOONIN GUMEYSIGA XABASHIDA,IYO WIXII LA MID AH SIDA AMISOM,BEESHA CAALAMKA,IGAD,UN,,,.TEEDA KALE TANGI SHISHEEYE IN SOMALIA LAGU XUKUMO SOMALI WAY DIIDAY.

  2. Ninkan isku sheegaya madaxweynaha waa in laga badalaa magaca maxaa yeelay Sheekh maahan ninkan. magaca ku haboon waa “Qaain Ahmed”
    waa qaainul wadan iibsaday dalkiisa diintiisa iyo dadkiisaba , “Qaain Ahmadow” ogow dalka dad ayuu leeyahay oo ka difaaca gumaysiga iyo kuwa la shaqeeya.

  3. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib, allaha ku garab gallo Sheekh Shariif (Xafiduhu Allaah), sii kordhi dadaalka weyn ee aad dalkaaga u hayso, dibna ha ugu soo laaban inta aad gaareyso Yoolkaaga ee aad u dhaaratay, waan kugu garab taagannahay Howsha Daacadnimada ku jirto ee aad Ummadda u hayso, waxaan ku leeyahay Cid kasta ee maslaxadda dalkaaga dhinaceeda kaa yaallo raadso addigoo dhag jalaq u siineyn kuwa ku naaxay Xaaraanta iyo Dowllad la’aanta muddada 20ka sanno, dalka wuxuu kaaga baahan yahay Mudddane Madxweyn Isbedel, si kasta ee ay ku iman karto Amnina waa in aad Caalamka ka dalbataa, ilaahay idinkii waad gaari.

    Allaa Mahad Leh

  4. wax oge says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk war sawirka bal sifiican u eega shariif oo raba duqii sanaawi ahaa inuu ku boodo kalgacaylka uu u qabo iyo zinaawi oo iska celinaya. salaanta ayuu isaga celinayaa sawirka sifiican u eega kkkkk shariifka wuxuu ugu boodayaa jacayl uu u qabi zinaawi. zinaawina wuxuu isaga celinayaa naceyb uu qabo shariifka… astaqfirulaah

  5. Waddani says:

    Asc xalaamadaha lagu yaqaan, in bulsho jabtay ayaa waxaa ka mid ah, in ummadda ay ka dhunto jahadu oo ay kala garan waayaan cadowgooda iyo saaxiibkood, qolada danta u haysa iyo taan uheyn.
    Dawladda labada shariif walle in ay dalka iibinayaan, haddii aan somali waxgaradkeedu maanta gacanta qaban, gaar ahaan dadka ay ka dhasheen oo in badan u sacabbo tumayaan, shalay dagaal ayey iclaaminayeen markii dawladdii Abduullaahi Yusuf iyo Itoobiya xamar soo galeen oo la haayeen, si gaara ayaa naloo leynayaa mid qabiil iyo mid guud intaba, laakiin maanta madaafiicda amisom iyo dawladda labada shariif waa madaafiic saaxiibtinimo iyo sokeeye.

    Somaaliyey halis ayaan ku jirnaa xag diin, dad iyo dal intaba. Dadkeenni waddanka laga saar, dalkii beec ayaa ku socda oo suuqa ayuu yaallaa, ururadii diiniga ahaa iyo culimadoodi waa iswaafaqi la’yihiin.
    Waxaa somaliyey ogaataan dhammaantiin cadowga dadka iyo dalka waa usiman tihiin, midna si gaara uma jecla ee waa lagu dano gaarayaa.
    Talo:
    War aan dalkeenna aan inagu u tashano oo gacmaha shisheeye iyo danaha gaar ahaaneed iska saarno, dalku waa nagu filan yahay, waana naga badan yahay dhan walba.

  6. Somali says:

    Bal eeg damiir xumida soomaalida. shariif waa ninkii itoobiya ku sheegayay cadow oo ay aragtidiisa ku naf waayeen kumanaan soomali ah tiro intaa ka badana ku bara kaceen,. Hadaba maxuu ahaa mabada’ii u ku dagaal geliyay dadkaa, maxayse ku dhinteen, itoobiya buu maciin biday waa wax aan galeeyn caqliga, balse siyaasada soomalida ayaa sidaa ah,
    kii ku guuleysta hogaanka soomaaliya waxaa xafiis u noqonaya itoobiya.
    Soomaalidu ma xasuus dheera.

  7. naasir says:

    walaaji somalitalk meesha saxda ah ayaad farta ku mudeen waxaana dhihi karnaa soomalida ha barato taariikda kala dhaxeysa itoobiya si ay wax u fahmaan waa wadada kali ah ee looga baxi karo in itoobiya soomaliya qabsato mida kale nimanka xilka soomaliya u haya badankood kama ahan taariikh bayna aqoone waxaa ugu wacan in ay tahay dano gaar ah oy wataan wabilahi towfiiq

  8. Togane says:

    Haddii MELES lala kulmo DIINTA malaga baxay tolow?!

    Su’aashaas waxay ku socotaa bahda SOMALITALK…

    TOGANE, Karachi – Pakistan