Zenawi oo la kulmay madaxweynaha DFKMG xilli IGAD ay UN-ka
weydiisatey in Soomaaliya loo diro 20,000 oo ciidan ah oo ay ku jiraan dalalka
Safka hore...

Shariifka iyo Zenawi, July 6, 2010
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi ayaa markale magaalada Addis Ababa
ku qaabilay Madaxweynaha Dawladda Federaalka kumeelgaarka Sheikh Shariif.
Zenawi waxa uu kulankaas ka sheegay in uu fulinayo go'aankii ka soo baxay
IGAD, "marka laga reebo in ciidamo uu u diro Dalka (Soomaaliya)", ayuu yiri
Zenawi oo hore ciidamo ugu diray Soomaaliya, oo uu hore u qiray in ay
dagaaladdii Soomaaliya kaga dhinteen dhawr boqol oo askari (waa sida uu
qirsanyahay'e).
C/qaasim Salaad Xasan, Madaxweynahii hore DKMG, oo (July 6, 2010) u waramayey
Idaacadda wararka ufaafisa Maraykanka ee Codka Marayanka (Voice of
America) ayaa yiri "Ma qabo (in Soomaaliya la keeno) ciidamo ka socda gobolkaas
aan deriska nahay oo cadaawadda soojireenka ahi naga dhaxayso sida Dawladda
Itoobiya maanta maamusha ee Tigreega iyo kuwa la midka ahba ciidamo ay
hoggaaminayaan in hadana ummadda Soomaaliyeed markale lagu baabi'iyo."
Wasiirka dhowaanta loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda DFKMG ayaa
(July 5, 2010) isagoo ku sugan Addis Ababa waxa uu sheegay in ciidamadaasi ka
imanayaan "dalalka aan mushkilad xuduudeed iyo mushkilad kale aan la lahayn
dadka Soomaaliyeed".
Dr. Raabeh oo SomaliTalk u
warameyey , kana hadlayey sida madaxda Soomaaliyeed aysan uga war hayn
taariikhda dalalka Geeska Afrika ayaa yiri: "Nimanka madaxda ka noqonaya
Soomaaliya warba kama hayaan waxa ka dhacaya Geeska, marka lagu daro Sheikh
Shariif, wax Alla iyo wax dhulkan ka dhacaya taariikhiyan ee weli socoda oo
xabashi daba socoto warba kama hayaan."

Shariifka iyo Zenawi, July 6, 2010
Sawirka sare waa Sheikh Shariif oo la fariisiyey kursiga Zenawi, July 6, 2010
xilli ay dhul Soomaaliyeed ku jiraan gacanta Gumeysiga Itoobiya, taasoo ay
dheertahay in ciidamadii Zenawi u soo diray Soomaaliya kaddib markii ay Sheikh
Shariif kooxdii uu hoggaamiyaha u ahaa ka saareen Muqdisho ay halkaas ka
geysteen xasuuq ba'an dagaal socdey 749 maalmood markii dambena ay
shacabka Soomaaliyeed xoog dalka uga saareen ciidankii gumeysiga Itoobiya.
Qarammada Midoobay oo Markale la weydiistey in Soomaaliya loo diro 20,000 oo
ciidan ah
Shirkii ururka la baxay IGAD ee lagu qabtay magaalada Addis Ababa ayaa waxaa
(July 5, 2010) laga soo saaray war-murtiyeed lagu xusay go’aamadii shirkaasi
ka soo baxay, ayada oo IGAD ay golaha Ammaanka ee qarammada midoobay ka
dalbanayaan in dalka Soomaaliya loo diro ciidamo tiradoodu tahay 20,000 oo
askari.
Qodobkaas waxaa ku xusan in shirku “go’aansaday in lala shaqeeyo dhammaan
qaybaha oo ay ku jiraan AMISOM iyo Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay si
ciidamo gaaraya 20,000 oo askari loogu duro guud ahaan dalka (Soomaaliya) oo
dhan.” Waxaa warsaxaafadeedku intaas ku daray “in (dalka Soomaaliya) loo
diro ciidamo soo farageliya oo ay ku jiri karaan dalalka deriska ah.”
Idaacada wararka u faafisa boqortooyada Ingriiska ee British Broadcasting
Corporation oo arrinta ciidankaas 20,000 wax ka weydiisey wasiirka dhowaanta
loo magacaabay wasaaraadda Arrimaha Dibadda DFKMG, oo durbadiiba safar ku
tegey Addis Ababa, ayaa sheegay in ciidamadaas aysan ka mid noqon doonin
ciidamo Itoobiyaan ah. Yuusuf Dheeg oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri
“Ciidamada Ethiopia hore ayey u yimaadeen (Soomaaliya), haddana waa ka
bexeen, marka ciidamo Itoobiya ah oo imanay majirto, laakiin ciidamada kale
ee East Afrika iyo West Afrikca ee hadda aan mushkilad xuduudeed iyo
mushkilad kale aan la lahayn dadka Soomaaliyeed ayey ka imanayaan.”

Shacabka
Soomaaliyeed waxay xasuustaan in hore sidaas oo kale la sheegay in ciidamo
20,000 ah loo weydiinayo Qarammada Midoobay, oo la sheegay in aysan ku jiri
doonin dalalka deriska ah, laakiin ay Itoobiya ciidankeeda gelisey gudaha
Soomaaliya si ay ula dagaalanto Maxaakiimtii uu hoggaankeeda ka mid ah
Sheikh Shariif, taas oo xasuuqday shacab Soomaaliyeed, xilligaas oo ay
magaalada Muqdisho ka baxeen hoggaankii Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu ka
mid ahaa Sheikh Shariif oo hadda noqday madaxweynaha ku sugan Addis Ababa,
oo ah meesha hadda (July 5, 2010) laga soo saaray wareegtada cusub ee lagu
dalbanayo 20,000 oo ciidamo markale loo diro Soomaaliya.
Ciidamadii Itoobiya ee galay Muqdisho shacabkii Soomaaliyeed ayaa xoog kaga
saaray, waxaana soo gaaray khasaaro weyn. Zenawi waxa uu waraysi uu siiyey
Aljazeera ku qiray in dhawr-boqol oo askari laga diley (Waa
inta uu qirsan yahay in ay yihiin dhawr boqol oo askari in lagaga diley
dagaalkii Soomaaliya). Dagaalkaas oo Muqdisho ka socdey 749 maalmood (waa
intii u dhexeysey Dec 28, 2006 – Jan 15, 2009).
AKHRI: Wareegtadii
ka soo baxday IGAD July 5, 2010.
Taariikhda Geeska Afrika:

Niilka Buluuga iyo Niilka Cad
Sawirka: Wikipead |
Hadalkii Xusni Mubaarak ee January 4, 2007: Waan Fahmi
karaa sababta ay Itoobiya uguduushay Soomaaliya
Madaxweynaha dalka Masar, Hosni Mubarak, ayaa yiri “waan fahmi
karaa sababta ay Itoobiya ugu duushey Soomaaliya”. Waxa uu hadalkaas
yiri maalin Khamiis ah, Janaayo 4, 2007, mar uu magaalada xeebta ah
badda cas ku taal ee Sharm el-Sheikh ee Masar kula kulmay wasiirka
Arrimaha dibada ee Itoobiya Seyoum Mesfin, isla mar ahaantaasna
dhambaal ka helay ra’iisul wasaaraha Itoobiya la sheegay in ay ku
qornayn warbixin uu Zenawi kagahadlay xaladda ku soo siyaadey
Soomaaliya. Jariidada ka soo baxda Shiinaha ee Xinhua oo arrintaas
ka hadleysey waxay qortay cinwaanka: “Mubarak expresses
understanding on Ethiopian intervention in Somalia”. Haddaba xeel
dheerayaasha Soomaaliyeed waxay muujiyeen sababta uu Mubaarak
hadalkaas u yiri in ay salka ku hayso biyaha webiga Niilka.
Waxaa jira heshiis sannadkii 1929 dhex maray dalka Masar iyo
Boqortooyadii Ingriiska (oo ku hadleysey codka Sudan maadaama ay
xilligaas gumaysaneysey), heshiiskaas oo loo yaqaan “1929 Nile
Treaty” waxa uu dalka Masar siinayey xuquuqda ugu badan ee adeegsiga
biyaha webiga Nile. Waxaana heshiiskaas markale dib loo eegay
sannadkii 1959 (waxaana sidaas dalbatay Sudan). Heshiisyadaas wax
tixgelin ah lama siin Ethiopia oo qiyaastii ilaa 80% biyaha webiga
Blue Nile ay ka soo bilowdaan [Webiga Niil ee uu ku tiirsan yahay
dhaqaalaha dalka Masar waxa biyihiisu ka yimaadaan labada webi ee
Niilka Cad "White Nile" oo ka soo bilowda Harada Victoria ee ay
wadaagaan Kenya, Tanzania iyo Uganda, iyo Webiga Niilka Buluugga
"Blue Nile" oo kasoo bilowda Harada "Lake Tana" oo ku taal Ethiopia,
waxaana webigaas dhanka Ethiopia looga yaqaan "Abay" ama "Giyon".
Labada webi ee Niilka-Cad iyo Niilka-Buluuga waxay ku kulmaan
bartamaha magalada Khartuum ee dalka Suudaan, markaas ayey noqdaan
Niilka waraabiya beeraha dalka Masar oo ay dagaalka ka xigto haddii
biyahaas ay Ethiopia ka faa'iidaysato iyadoo aan Masar lagala tashan
]. Sidaas darteed Ethiopia looma ogola in ay mashaariic horumarin ah
ka fuliso Webiga Blue Nile ee dalkeeda ka soo bilowda, haddii ay
sidaas samayso dalalka Sudan iyo Masar ayaa soo weeraraya Ethiopia
oo ah dalal aad u xoog weyn. Markaas waa in Itoobiya hesho meel kale
oo ay horumar ku samayso si ay dadkeeda oo hadda kor u dhaafay 75
million u helaan cunto ku filan. Haddaba meesha ugu dhow ayaa
noqotay dhulka baaxadda weyn ee Soomaaliya maadaama tirada
Soomaalidu ay yihiin 9 million oo keliya ayna haystaan dhul
ballaaran oo ay maraan Webiyada Jubba iyo Shabeelle iyo xeeb aad u
dheer, sidaasna dadka tirada badan ee reer Itoobiya la soo dejiyo
dhulkaas barwaaqada ah. (Itooobiya waa gashay Soomaaliya iyadoo
gaareyy Kismaayo iyo Muqdisho, laakiin faraha ayey kaga gubatey
waxaana looga saaray xooga shacabka Soomaaliyeed oo diidan
gumeysiga.)
Waatan beryahan (2010) uu muranku ka taagan tahay biyaha webiga
Niil ilaa meel kale oo loo ciirsado ma jirto’e.
Talyaaniga: Xukuumadii Gumeysatey Itoobiya Shanta sano
(1936-1941)
Dalalka Afrika waxay soo mareen xilli ay hoos galeen
gumeystayaashii reer Yurub, arrintaas Itoobiya kama badbaadin,
waxayna ahayd Talyaaniga dawladdii Itoobiya gumeysiga ku haysatey
muddo shan sano ah (1936-1941). Dad badan ayaa is weydiiya: Maxaa
loo yiraahdaa Itoobiya waa dalka keliya ee aan Afrika laga gumeysan.
Arrintaas xeeldheerayaal Soomaaliyeed waxay kaga jawaabeen:
Gumeystayaashii reer Yurub waxay db u gocdeen warqad uu Boqor
Menelek u diray dawladaha reer Yurub 1891, warqaddaas oo Muujisay in
“markii quwadihii Masiixiyiintu ay u soo hiilin waayeen Itoobiya in
xeebta ay ka qabsadeen Muslimiin”. Taas ayaa loo malaynayaa in ay
dhalisay in Itoobiya lagu abaal mariyey laba arrimood oo ah: In la
siiyo dhul Muslimiintu leeyihiin si ay gumeysto, iyo in aan
taariikhda buugaagta reer Yurub lagu qorin in la Itoobiya uu
Talyaanigu gumeystey, oo marka laga hadlayo xilligii uu Talyaanigu
Gumeystey Itoobiya ee shanta sano ahayd in la yiraahdo waa: shan
sano oo militari faashiiste ah haystey Itoobiya. Sababtaas ayaa
keenta in buugaagta Itoobiya lagu qoro, haddiiba la qoro
taraiikhdaas, sidan: “five-year military occupation of Ethiopia by
fascists”. Taas oo lagu xoojiyo oraahda ah: Itoobiya waxay ku
faraxsan tahay in ay tahay dalka keliya ee Afrika ee aan la
gumeysan: “Ethiopia proudly claims to be ‘the only African country
that has never been colonized’”. Halkii xaqiiqada laga qori lahaa:
Ethiopia was colonized by Italy for five years (1936-1941) – ama
(Italy colonized Ethiopia for five years).
Waxaa wax aad loogu qoslo ah in buug ka mid ah kuwa taariikhda uu
qoray sidan: “Brief History: The Ethiopian
nation is something of a rarity in Africa – an independent country
that has managed to avoid colanization by a western power (other
than a five-year occupation by fascist Italy in the middle of the
twentieth century)” – “Taas oo marka la tarjumo nuxur ahaan
ah: “Itoobiya waa dal aysan gumaysan quwadihii reer galbeedku, marka
laga reebo shan sano oo ay haysteen faashiistihii Talyaaniga
bartamihii qarnigii labaatanaad”. Sow taasi wax lagu qoslo maaha in
la yiraahdo waa dal aan reer galbeedku qabsan, Marka laga reebo shan
sano oo faashiiste haystey – laakiin akhristow xusuusnow
faashiistuhu waxa uu ahaa reer galbeed – laakiin haddii taariikhda
laguu wanaajinayo cudurdaar laguu waayi maayo.
Itoobiya iyo gumaystayaashii kale weligood kuma guulaysan in ay
Soomaalida si rasmi ah u gumaystaan, balse waxaa Soomaalida
gumaystay qabyaalada indhaha ka tuurtay oo kala qoqobtay, taas oo
ilaa hadda loo adeegsado.
Gabagabadii, Waxa ka jira geeska afrika waa arrin ay tahay in
shacabka Soomaaliyeed ku baraarugaan ka hor inta aan laga masaxin
khariidadda.
Let us rewrite Somalia history: “Brief History: The
Somalian nation is something of a rarity in Africa – an independent
country that has managed to avoid colanization by a western power
(other than a one-century occupation by Qabaliyah)”
.
Daawo Filim
laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77..
Daawo
Faafin: SomaliTalk.com / July 6, 2010