Home » Warar »

Qarammada Midoobay oo Markale la weydiistey in Soomaaliya loo diro 20,000 oo ciidan ah

Shirkii ururka la baxay IGAD ee lagu qabtay magaalada Addis Ababa ayaa waxaa (July 5, 2010) laga soo saaray war-murtiyeed lagu xusay go’aamadii shirkaasi ka soo baxay, ayada oo IGAD ay golaha Ammaanka ee qarammada midoobay ka dalbanayaan in dalka Soomaaliya loo diro ciidamo tiradoodu tahay 20,000 oo askari.

Qodobkaas waxaa ku xusan in shirku “go’aansaday in lala shaqeeyo dhammaan qaybaha oo ay ku jiraan AMISOM iyo Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay si ciidamo gaaraya 20,000 oo askari loogu duro guud ahaan dalka (Soomaaliya) oo dhan.” Waxaa warsaxaafadeedku intaas ku daray “in (dalka Soomaaliya) loo diro ciidamo soo farageliya oo ay ku jiri karaan dalalka deriska ah.”

Idaacada wararka u faafisa boqortooyada Ingriiska ee British Broadcasting Corporation oo arrinta ciidankaas 20,000 wax ka weydiisey wasiirka dhowaanta loo magacaabay wasaaraadda Arrimaha Dibadda DFKMG, oo durbadiiba safar ku tegey Addis Ababa, ayaa sheegay in ciidamadaas aysan ka mid noqon doonin ciidamo Itoobiyaan ah. Yuusuf Dheeg oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri “Ciidamada Ethiopia hore ayey u yimaadeen (Soomaaliya), haddana waa ka bexeen, marka ciidamo Itoobiya ah oo imanay majirto, laakiin ciidamada kale ee East Afrika iyo West Afrikca ee hadda aan mushkilad xuduudeed iyo mushkilad kale aan la lahayn dadka Soomaaliyeed ayey ka imanayaan.”

Shacabka Soomaaliyeed waxay xasuustaan in hore sidaas oo kale la sheegay in ciidamo 20,000 ah loo weydiinayo Qarammada Midoobay, oo la sheegay in aysan ku jiri doonin dalalka deriska ah, laakiin ay Itoobiya ciidankeeda gelisey gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalanto Maxaakiimtii uu hoggaankeeda ka mid ah Sheikh Shariif, taas oo xasuuqday shacab Soomaaliyeed, xilligaas oo ay magaalada Muqdisho ka baxeen hoggaankii Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu ka mid ahaa Sheikh Shariif oo hadda noqday madaxweynaha ku sugan Addis Ababa, oo ah meesha hadda (July 5, 2010) laga soo saaray wareegtada cusub ee lagu dalbanayo 20,000 oo ciidamo markale loo diro Soomaaliya.

Ciidamadii Itoobiya ee galay Muqdisho shacabkii Soomaaliyeed ayaa xoog kaga saaray, waxaana soo gaaray khasaaro weyn. Zenawi waxa uu waraysi uu siiyey Aljazeera ku qiray in dhawr-boqol oo askari laga diley (Waa inta uu qirsan yahay in ay yihiin dhawr boqol oo askari in lagaga diley dagaalkii Soomaaliya). Dagaalkaas oo Muqdisho ka socdey 749 maalmood (waa intii u dhexeysey Dec 28, 2006 – Jan 15, 2009).

AKHRI: Wareegtadii ka soo baxday IGAD July 5, 2010.

———–
YOU ARE PERSISTENTLY BEING LIED TO WITH IMPUNITY:

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Qarammada Midoobay oo Markale la weydiistey in Soomaaliya loo diro 20,000 oo ciidan ah "

  1. Cumar says:

    Asc, Bahda Soomali talk salaan iyo mahadnaq gaar iga guddooma. Kani waa iska qorshe soo jiray, kuwa loo igmadeyna waa lagu fulin. Ogaada askariga Soomaaiyeed madaxadiisa iskumaba aaminto, guri iyo nolol ma heysto shacabka ildaran ayuu gacmogacmeystaa..halka kuwa laga doorbiday ay madax ku sheegyada ilaaliyaan, madaafiicdana ku asqeeyaan maatida (ciidanka amisom) Askartaan dhaawacooda iyo dhimashadooda ceymis ayay ku jiraan ilaa 100.000 us dolar iyo mushaar aan Afrika oo dhan lagaba helin waxaa baroor ku soo xareeya maalkaa dawlad ku sheegta. iskaba daa hantida buuran ay dalalka ay ka socdaan toos iyo dadab loo kala weeciyo, suuqan waxaa xayeeysiinaya. .labada masiibo ee ma naxayaasha macangag diimeed iyo midka haragga noo ek oo malaalka iyo dulaalka na matala iyo kuwa miciyaha sunta leh gumeysiga cusub, kuwa biila iyo ka duulaan nagu soo ah . *QOFKII DANQAYOW KII DAMIIR LAHOW, LABADA MUUDAL MATAANAHA MUSIIBADA ( mujaahid macangag ah iyo dowlad maqaarsaar ah) MAANTA SIDEEN DIINTA; DALKA IYO DADKA UGA BADBAADINAA?

  2. CUMAREEY says:

    sOMALIDU WAA AY DHAQAN KA DHIGATEY WALAALKAA ISKA DHICI WAX KASTA OO AAD U ADEEGSATABA XATAA CADAWGAADABA HA AHAADEE.
    WAXAANNA MAANTA CUN BERRITONA WAXBA KAAMA GELIN.
    MEEL KASTA OO CADCEEDDU KUUGU DSHACDANA WAA WADDANKAAGI XTAA HADDI TOBAN JEER XABBIS LAGUGU DHIGO VISA MA HAYSATAA. dIINTANA DADKA UGU AQOON YAROOW UGUNA QAYLO IYO OROD BADNOOW ADAAN WAX HUBSAN.
    sIYAASADDA CAALAMKA IYO SIDA WAX LOO KALA DABBARONA HA AQOON CID WALBANA AFKA LA GAL OO ISKU TAAG.

    DADKA NOOCAAS AH GUMAYSI AAN DHAAMAAN MA HURI DOONAAN ABIDKOOD.

  3. Sahal Siad says:

    salaan kadib soomaaliyeey yaan la eedeynin Shariif yaa ka danbeeya in ithoobiyaan loo qaylo dhaansado waa qolyaha afka duubtay ee dhiiga baneystay iyagoo leh diinta ayaa sidaa qabta, ithoobiyaan waxay qaxiyeen 1 milyan afduubna waxay qaxiyeen 1 milyan farqiga udhaxeeya muxuu yahay adinka isweydiiya wabillahi towfiiq

  4. khadar says:

    waad mahadsantihiin , soomaaliya waxa loogu soo hogaaminayaa xabashida waa dagaal caqiiddo . oo cadawguna ka faa’iidaysanayo caqiidada suufiyada ee ay madaxda islaamku jecelyihiin , iyo waxaa walaalo ah ta musafeni iyo males , waana ta ay saxiixeen geele iyo bashiirka suudaan iyo shariifka kursigu dardaray.

  5. Somali says:

    Shiekh Shariif ayaa maanta maciin biday itoobiya waxaa inoo dhiman amiirka alshabaab oo itoobiya jooga isagoo amiir soomaaliyeed ah kana dalbanaya Itoobiya iyo Igad 30,000 oo ciidan ah oo taageera dowladiisa.

  6. xasan says:

    sxbyaaloow awal maxaa lahystay haddii ay imaadaan ciidamo itoobiyan ah hadaba waa nalahaystaa loloshiina waa naloodiiday oo dad muslim sheeganaayo ayaa noo diidan qax iyo jihaad aan lahayn wax hadaf ah ayaa nagu socdo qofkastana waa ladilaa oo waa gaal haddii uu san ahayn group hebel waa yaab

  7. waa arrin laga xumaado in markale loo fasaxo dalkeena cadow la mid ah kii shalay aay dalka ku soo hoggaamiyeen kooxdii sahan gumeysi ee cabdullaahi yuusuf iyo cali geedi waxaase wax laga sii xumaado ah ninka sheeganaya madaxweynaha soomaaliya ee maanta ogol in markale la xasuuqa dadkiisa ilaahoow naga qabo gaalada soo socoto iyo kuwa u adeegayo aaamiin