Home » Warar »

Gudiga Dastuurka oo Warbixin Ka Hadleysa Daraafka Koowaad ee Qabyo Qoraalka Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya Ku Soo Bandhigey Xaflad lagu Xusayo Maalinta 1-da Luuliyo oo Lagu Qabtey Jabuuti

Munaasabad lagu xusayo maalinta Qaran ee 1-da Luuliyo, islamarkaana lagu soo gebagebeynayo qaybyo qoraalka Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay soo qaban qaabiyeen Safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti iyo Gudiga Madax-bannaan Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo ay maalgelisey Hay’adda UNDP, islamarkaana ay ka soo qayb galeen Wasiirka Arrimaah Diinta iyo Aw-qaafta dalka Jabuuti, xubno ka socdey Safaaradda Soomaaliya ee Jabuuti, la taliyaha Ra’iisul Wasaaraha DKMG Soomaaliya, Deeq bixiyayaasha caalamka, Dublamaasiyiin fadhigoodu yahay dalka Jabuuti iyo qaybo ka socdey Ururadda Bulshada Soomaaliya ayaa lagu qabtey Hoteel Kempinski ee caasimadda dalka Jabuuti, 01/07/2010.

Halkan ka daawo sawirada

Xafladan lagu xusayo 1-da Luuliyo, islamarkaana lagu soo gebagebeynayey qabyo qoraalka Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ahayd mid si gaar ah loo soo agaasimey, islamarkaana isugu jirtey khudbado, heeso iyo majaajilo kooban ayaa waxaa ka Hadley siihayaha xilka Safiirka Safaaradda Soomaaliya Amb, Cabdiraxmaan Maxamed Hiraabe, la taliyaha ra’iisul wasaaraha DFKMG Md, Cali Cabdi Awaare, Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Aw-qaafta Dr. Xaamud Cabdi Suldaan, gudoomiyaha gudiga Dastuurka Cabdullaahi Xasan Jaamac, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. George Marc Andre iyo xuno kale oo gudiga dastuurka ka tirsan, Maxamed Muuse Fooley, Cabdikariim Xasan Gorod, Sheekh Cusmaan Maxamed Suldaan, Marwo, Xaawo Cali Jaamac, Marwo, Faadumo Cali Caliyoow iyo Marwo Saynab Xaaji Ayaan oo ka socotey mid ka mid ah Ururadda Haweenka Soomaaliya.

Dhamaan mas’uuliyiinta meesha ka hadashey iyo xunaha kaleba, mid kasta wuxuu si ay lab-dheeri ku jirto uga hadalayey qiimaha ay u leedahay dadka Soomaaliyeed maalinta 1-da Luuliyo, wadadii loo soo marey, waxa taagaan xiligan iyo baahida loo qabo in la helo Dastuur cusub oo dadka Soomaaliyeed ay yeeshaan xiligan, islamarkaana xaliya dhibaatada taagan ee sii dhaqeysa maaliba maalinta ka dambeysa, halka qaarkood ay ka hadleen arimaha dastuurka sida arrimaha federaalka, xuquuqda uu leeyahay muwaadinka soomaaliyeed, sida laga yeelayo magaalada muqdisho caasimad ahaanteed iyo sida uu ku soo bilowdey qoraalka Dastuurka Jamhuuriyadda soomaaliya.

Intii uu ay socotey xaflada, xubin kasta oo fadhidey goobta waxaa hore loogu sii diyaariyey miiska horteeda ah, warbixin kooban oo ka hadleysa halka uu marayo Tusaalihii koowaad ee qaybo qoraalka Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo war-saxaafadeed ka hadlaya in uu ku jiro tifatirkii ugu dambeeyey ee qaybo qoraalka, taasoo ay wadaan khubaro isugu jirta sharciyaqaano Soomaaliyeed oo caan ka ah dalka Soomaaliya oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa iyo khubaro Ajnabi ah.

Hase ahaatee marka si guud loo eego qaabka ay wax u socdeen iyo hawsha taala ayaa waxaa kuu soo baxaya sawiro kala duwan oo qaarkood aan si dhab ah looga hadlikarin, halka kuwa qaarna ay ahaayeenba kuwo laga naxo soo if-baxooda, sidoo kalena ay jireen sawiro kale oo si hal haleen ah u soo muuqanayey, islamarkaana u baahnaa in gacanweyn la siiyo, balse dabeylaha jira aw-good xiliyo dambe la is-weydiin doono, laakiin su’aalo fara badan oo soo burqandoona mustaqbalka dhow iyo kan fogba oo ay ugu horeeyaan Ururada Bulshadu ma yihiin kuwo u qalma soo ururinta fikradaha dadweynaha Soomaaliyeed ee qoraalka Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya?!, mise waa kuwo iskood isu magacaabey oo waxay doonaan bulshada Soomaaliyeed ka gudbiya oo shekh-siyaadka wata keliya u hadla?!, mise…..?!

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

F.g, Akh-ristayaasha sharafta leh ee Somalitalk adinkoo mahadsan, waxaan idiinka ka raali gelineynaa arimo farsamo aw-geed, khudbadaha mas’uuliyiinta iyo xubnaha kale ee hadleyba, hadii alle idmo, dib ayaan idiinku soo gudbin doonaa.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Gudiga Dastuurka oo Warbixin Ka Hadleysa Daraafka Koowaad ee Qabyo Qoraalka Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya Ku Soo Bandhigey Xaflad lagu Xusayo Maalinta 1-da Luuliyo oo Lagu Qabtey Jabuuti "

  1. Dastuurka ilaahay soo dajiyay kaligiis laguma dhaqmi karo miyaa?? maxa loogu baahday dastuur dad sameeyey?/ alla yaa su’aashaas iiga jawaaba