Home » Maqaallo »

Madaxweyne Siilaanyo: Kolay Waadhi Mayside War Hakaa Hadho!

Marka koobaad waxaan hambalyo u diriyaa Shacabka Gobollada waqooyi ee Soomaaliya maantase la baxay Somaliand, kuwaas oo si hufnaan iyo nabadgelyo ku jirto u dhiibtay codkooda, si xoriyad iyo cadaaladi ku jirtona u doortay hogaan cusub, iyagoo iska tuuray heeryadii haraagii Siyaad. Waxaan kale oo ugu hambalyaynayaa Madaxweyne Siilaanyo xilka weyn ee loo doortay.

Waxaan filayaa Siilaanyo maanta yahay nin cimri ku jira, soo arkay ayaamo badan oo kala dhadhan iyo tariikh duwan, madaama uu masuul sare ka soo noqday dowlad Soomaaliyeed oo midaysan taas oo u saamaxday inuu dhadhamiyo macaanka qaranimo iyo midnimo ee Soomaaliyeed. Wuxuu kaloo soo arkay dhadhanka kharaar ee Jabhadnimo, kaas oo laga dhaxlay, duurgal, burbur iyo dagaal sokeeye.

Wuxuu kaloo arkay waxa laga dhaxlay maaamul kaligiis talis ah iyo haraagii taliskaas, oo wuxuu Soomaali guud ahaad baray waxaa uga daran wuxuu baday.

Sidaa awgeed, waxaa Madaxweyne Siilaanyo horyaala fursado iyo caqabooyin, kuwaas oo ama ka dhigi kara halyay taariikhdu xusto ama ka dhigi kara hogaamiye taariikhda baal madow ka gala.

Caqabooyinka horyaala Siilaanyo iyo maamulkiisa waxaa ka mid ah:

Khadiyada Goosashada iyo Diidmada khadiyadaas Gudo iyo Dibadba.
Khadiyada Sool , Sanaag iyo Cayn
Khadiyada Somaliland iyo Puntland
Khadiyada Somaliland iyo Somali-Galbeed (Ogadenya)
Khadiyada Somaliland iyo Soomaaliweyn
Khadiyada Soomaaliweyn iyo Al-Shabaab
Khadiyada Soomaaliweyn iyo Itoobiya
Khadiyada Soomaliweyn iyo Caalamka

Intaa waxaa sii dheer, khadiyadaha qabyada ah ee daakhiliga ah, gaar ahaan dhacdadii Gebilay iyo reer Awdal iwm….

Carabtaa waxay ku maahmaahdaa “Musiibatul qowm , Faa’iidatul Qowm” dhibaata umadeed waxay faa’iido u tahay umad kale, sidaa awgeed, dhibaatooyinkaas iyo caqabadahaas faraha badani waxay fursad u noqon kartaa hogaamiyihii la yimaada aragti qoto dheer, xirfad hufan iyo hanaan hogaamiyenimo ee uu umadiisi iyo umadaha jaarka ahba uu kaga saari karo duruufahaas isbiirsaday ee murugada iyo mugdiga badan.

Reer galbeedkaa waxay yiraahdaan, hogaamiye waa kuma, waa masuulka eegta fursadaha qaaliga ah iyo kacdoonka shacabka ,dabadeedna horbooda oo hogaanka u qabta shacabka isagoo ka faa’iidaysanaya dareenka shacabka. Waataas mida had iyo goor aad arkaysid oo keenta in hogaamiyayaasha reer galbeedku inay ka turjumaan ama la yimaadaan balan qaadyo jawaab u ah dareenka iyo rabitaanka shacabka.

Sidaa darteen waxaan arkaa in Siilaanyo maanta haduu doorto uu cayaari karo dowr ka dhigi kara hogaamiye ay ku hanweynaadaad dhamaan Soomaaliweyn meelay joogaanba. Sababta aan sidaas u leeyahayna waxay tahay, Siilaanyo waa nin aysan maanta khibradi ku yarayn, waa nin sidaan kor ku soo xusay soomaray mansab ka weyn gudoomiye Gobol, soo arkay sharafta iyo haybadada qaranimo iyo midnimo, soo arkay dhibaatada tafaraaruqa iyo cadaawadu ay leedahay, soo arkay sida ay guumaystaha iyo cadowga Soomaaliyeed uga faa’iidaysteen uguna badhaadheen tafararaaruqa iyo kala qoqobnaanta Soomaaliyeed.

Hadaan Siilaanyo ahay maanta waxaa dooran lahaa inaan “Legacy” ama taariikh lama ilaawaan ah kaga tago Geeska Afrika iyo caalamkaba. Waxaanan qaadi lahaa talaabooyinkaan soo socda:

1- Waxaan ciidanka Somaliland ka soo dulqaadi lahaa Laascaanood si dadka oodwadaagta iyo xididka iyo xigtada hoose ila ah ee Reer Sool ay u arkaan sidaan daacad uga ahay nabad ku wada noolaansho iyo daris wanaag
2- Waxaan shir kafool kafool ah la yeelan lahaa masuuliyiinta Puntland anigoo kala xaajoonaya sidii ladaba deegaan nabad loogu wada noolaan lahaa , aragtida siyaasdeed loo midayn lahaa , wadooyinka ganacsi loo furi lahaa, dadka labada gobol ee walaalaha ahna ay si nabad iyo wada noolaasho ku jirto ay isku dhex mushaaxi lahaayeen
3- Maadaama labada buqcadood ee Soomaali maanta u fiyow una nabdoon ay yihiin Somaliland iyo Puntland , waxaan si wada jir ah u wada abaabuli lahayn Shirweyne lagu badbaadinayo Soomaaliya, kaas oo lagu qabto dalka gudihiisa , ajendaha shirkaasina uu noqdo mid Soomali maamulayso kana madax banaan faragelin iyo maalgelin shisheeye
4- Waxaan midnimo hoose oo ciidan iyo siyaasadeed oo yoolkeedu yahay badbaadinta labada deegaan iyo nabad ku soo dabaalista Soomaaliya la yeelan lahaa Puntland, qodabkani wuxuu awood u siin doonaa labada maamul inay si wada jir ah isaga difaacaan dhulbalaarsiga ciidan ee Al-Shabaab iyo 50 wiil ee Ajnabi ee hogaanka u haya.

Arimahaasi waxaa laga dhaxli karaa in la helo dowlad tayo ciidan, maamul, iyo khibradba leh taas oo badbaadin karta Soomaaliya, soo dedejin karta midnimo qaran. Taas oo maadaama aysan dowladi ku shaqayn karin Muqdisho, caasimadii Soomali weyn loo wareejin doono Hargeisa Maadaama ay Hargeisa ahayd caasimadii labaad ee Soomaliya.

Waxaa kale oo qodobadaas laga dhaxli doonaa in Soomali ay iyada dhexdheedu isbadbaadiso , maadaama uusan caaalamku daacad ka ahayn khadiyada Soomaliya. Waxaa kaloo isbadalkan siyaasadeed laga dhaxli doonaa inay soo afjarto ihaanada iyo faragelinta tooska ah iyo mida dadban ee ay guumaystayaasha soo jireenka ah ee Soomaaliyeed uu ku hayo Soomaaliya guud ahaan.

Marka laga reebo faa’iidooyinka guud ee siyaasadeed, horumarineed, midnimo iyo amni iyo istiqraar ee Soomaali guud ahaan dhaxli doonta , waxaa mudan in la xuso faa’iidooyinka gaarka ah ee dhaqaale, haybadeed iyo horumarineed ee ay shacabka reer Somaliland iyo Puntlandba ka heli doonaan isxulafaysiyaan cusub ee lagu badbaadinayo Soomaaliya.

Kadib markii caalamku arku Soomali oo tashatay, caasimadii oo meel nabdoon la geeyay, iyo maamul tayo leh laguna midaysan yahay , waxay taasi wadamada caalamka ku xambaari doontaa inay bixiyaan dhaqaale badan kaas oo saamixi doona in dalku dib u dhismo, shaqo loo abuuro shacabka iyo dhalinta Soomaliyeed, iskuulaadkii , cisbitaaladii iyo dhamaan arimihii adeegyada bulsho ay dib u soo laabtaan.

Waxay kaloo keeni doontaa in Qurbajoogtu dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, taas oo maskax, muruq iyo maalba dib ugu soo celindoonto dalka , maamulka, dhaqaalaha iyo horumarkaa dalkana ku biirin doonta awood iyo firfircooni lagu faano oo farxad gelin doonta dhamaan Soomali weyn.

Waxaa kale oo tani saamixi doontaa in dhamaan ilahii ganacsi iyo dhaqaale ee dalku dib u furmo, xiriirkii gancsi iyo Soomaaliya iyo caalamkuna dib u bilowdo, horumarka dhismo , tirada dad iyo tayada dhaqaale ee magaalooyinka Hargeisa, Burco, Berbera, Laascaanood, Garoowe , iyo Boosaasona iyo kor u kacaan, tusaalena u noqdaan badbaadshaana Koonfurta Soomaaliya.

Wakhti maanta waxaa lagu jiraa si dalkastaa iyo umadkastaa u badbaado in la isxulafaysto, Yurub oo boqolaal malyan iska dishay labadii dagaal ee 1aad iyo 2aad , ayaa maanta midoobay iyagoo kala diin ah, kala af ah, kala sinji iyo asal ah. Hadaba Soomaali oo 10 malyan oo qudha ah, oo isku diin, duub, dad, midab iyo asalba ahi inay isa sii kala faquuqaan oo cadaawan aan dhamaan iskala dhex dhigaani waa mandaq iyo maskas guracan oo u baahan hogaan saxa, turxaan bixiya , hogaan la yimaada geesinimo iyo dhiiranaan lagu badbaadiyo ummadan Soomaaliyeed ee godka ku sii dhacaysa oo aad moodid inay dabar go’idoonto hadayna is daba qaban.

Sidaa awgeed, Silaanyow ma noqon doontaa halyaygaas hambada Soomaaliyeed daba qabta, oo badbaadsha.

Gabagabdii waxaan arkaa hadii ay labada maamul ee Somaliland iyo Puntland garan waayaan kana faa’iidaysan waayaan fursadaan qaaliga iyo taariikhigana ah waxaa dhici karta ama dhici doontaba in ay fursadaas ka faa’iidaystaan Kooxda xagjirta ah ee Al-Shabaab taas oo cagta marindoonta maamuladiisa ,caburina doonta rabitaanka iyo xoriyada labada shacab.

Farah Aw-Osman
awosman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Madaxweyne Siilaanyo: Kolay Waadhi Mayside War Hakaa Hadho! "

  1. ahmed says:

    Gacmaha in la is qabsado waa waajib meel ma kala tageyno hase ahate bal kahadkiina soo saxa,hadaad tihiin reer koonfur Somalia,dadkiina qurba joogaa ee wakhtiga ku lumiya fadhi ku dirirka waa in ay iyagu bilaabaan aqli celin,wadamada ay joogaan xadarada ay ka barteen,dib ugu dhisaan wadankooda,maha in maailkastaba lagu lumiyo,wakhti arimo fadhi ku dirir ah.

  2. sakariye says:

    walal aad baad u mahadsanatahay maqaalkaa qiimaha badan balse waxaan ku oran lahaa walal hadaad arintaan gashay waxay ahayd inaad maqaal dheer ka dhigtid si dad badan oo aan hada bislayn ay u nuglaadaan markaa waxaan oran laahaa madaxweyne siinlaayo maanta haduu rabo inuu taariikhda galo somaliya oo rabo in taalooyin loo dhiso haduu rabo in ay soomali oo dhan ay u ducayso haduu rabo in qarniyo ka bacdi lacagaha umada somaaliyeed in lagu daabaco haduu rabo in sidaa aduunka ka jirta in halyey kasta maalin la xuso lakin inagu islaam baynu nahay in loo duceeyo ay noqoto maalin loo iclaamiyo maalmaha qaranka maalinta axmed siinlaayo loo duceynayo in uu sameeyo sidii uu somali isugu keeni laaha isago ooo dal uga dhigi lahaa maant waa arkay goosashadu inayna faaidu ku fadhiyin weli hargaysa sidii bay tahay maamulada ka jira somaliya kuli waxa saaran heeryada ethiopia isaga inka dejin kara ALLE ka sokow waxaan ku oran siinlaayo haduu sidaa ku fekero ILLAHAY na abaalmarin wanaagsan buu ka helaya aakhiro ,aduunka waa lays laaya oo qoomiyad baa laysu laaya balse inay walaalahayga ay noogu dudaan nin maanta qabri ku jira figrad uu ku diifacanayey xukunkiisa waad aragteen wadanka ruwaanda sidey isu galeen hadana waa heshiiyeen iyagoo gaalo ah maxaad ka malaynaysaa inagoo islaam ah oo diinteenu tiri walalkaa haduu ku xumeeyo xumaan ha ugu abaal gudin markaa walal reer somaliland waan idin baahanahay idinkuna waad noo baahantihiin aynu gacmaha is qabsano sidii lixdankii iyo ALLE ha u naxaristo madaxweyne cigaal

  3. Somalilander says:

    Waaryaadheheen anigu waxba qabiil hebel odhan maayo, laakiin Soomaaliyaay annaga iyo idinku hore u kala guurnaye, waxba annaga caqabadaha na haysta ha isku dawakhinina, annagu dowlad Somaliland la yidhaahdo oo qaran ah ayaan nahay, maxaa meel nala joojiyay maamul goboleed Soomaaliya uun ah, Qori iyo qiiqii waa la isla tuuraaye, Soomaaliyaay jaaw nabadgelyo…

    Aayihiinna ka tashada annaga waxba hanagu dawakhinee, Sool, iyo Sanaagna waa Somaliland. Cayn garanba maayee!

  4. Salamu calykum, inksata oo qofka soo qorey qormadan yari dhexdhexaad iska dhigaayo hadana wuxuu sicad ugu xaglinayaa labdad qolo ee soomali bur buriyey waa somaalidiidka iyo majeerteeniya. qoraagu wuxuu isku deyaayaa inuu majeerteen iyo isaaq meel isugu keeno si ay uga heshiiyaan dhul dakii lahaa joogo waa daraawishiiyee. dhulka darwiishland ugama baahna labada qolo inay ka heshiiyaan wuxuu u baahayay in loo aqoonsadao inuu dadka ku nooli sidii labada qoloba somalidiika iyo majeerteenka ay ayaahooda uga tashadeen, inay ay daraawiishtu ka tashaad oo maamul ay leeyiin iygu samyestaan iyadoon cidna faragelin. Qoraaga waxaan ku odhan lahaa ha iska daayo madax salaaaxa uu doonayo inuu u sammeeyo somalidiidka isagoo ugabaqaya inay degaankiisa puntland waxyeeleyaan laakiin aan xisaabta ku darsanyen dhibka haysta Daraawiishta dhulkooda marba qolo ku soo duulayso.

  5. jamaal says:

    Waan la yaabey baaqa jibada qabyaaladda iyo islaweynida labada reer xambaarsan ee ninku meesha ku soo qoray. PL iyo SL waa SSDF iyo SNM. laba jabhadood oo loo sameeyey inay burburiyaan Qaranka S-yeed. Doorashada Siilaanyo waa halkii ugu sarreysey ee uu shirqoolkaasu gaaro abid. SL sannadkan waxay ka qeyb gashay “Oktoobartii Itoobiya” iyadoo ku soo martey qowmiyad kuwa Itoobiya ka tirsan ah. Waxaa tarabuunka Addis salaan ku qaatey Meles. Xaydaankii somalida way ka gudubtey sida Ogadenia u gudubtey. Burburka Som iyo kan Itoobiya waxa u dhexeeyaa maaha caqli iyo aqoon Xabashidu ina dheer yihiin ee waa xaydaan siyaasadeed. SL siyaasadeedu waa inay ka fogaato xaydaanka Burburka oo ay ku biirto kan dhismaha. Somaliweyn adaa wax fiican u arka. Hargeysa waa la isku caayaa sida sayidkii, Axmed gurey, Siyaad Barre koonfurta somalia iwm. Calool adayg ninyohow. SL waxa kaa xiga xoog sida Ogadenia, NFD iyo Jabuti.

  6. ASALAAMU CALAYKUM..maansha allah waa talo mug weyn,dardaaran ah, waa shakhsi ladoonaya siilaanyo in uu kafaaiidaysto fursadahaa ay garan waayeen raggii ka horeeyey asxaabtan hadda majaraha haysa ee labadaasi maamul,anigu waxaan odhan lahaa runtii faallooyin badan ayaan ka akhriyey somalitalk maanan arag faallo kamug weyn oo kaxigmad badan,haddaad mr:siilaanyo qaado wallaahay waxaad noqonaysaa halgamaa umaddu xusuusato,aabbihii nabadda soomaaliya,.faalle qorahan wuxuu taabtan mushkilado aan umalaynayo in uu hore siilaanyo u ogaa,hadday taladu kuugu jirtay sxb siilaanyo kudhaqaaq oo kadhabee,haddaanay fadlan kuugu jirina iminka kafaaiidayso..wuxuu qoruhu taabtay qodobka aan umalaynayo hadduu siilaanyo qaado in ay tahay furaha hawlahaa uusheegay qoruhu, oo ah arinka ssc iyo xaalka laascaanood,dadku maanta way kala irdhoobeen, isnaceen,isu hub arursanayaan,baaji ayaan odhan lahaa dagaal dhaca,oo xaalka laascaanood kafaaiidayso waa fursad dahabiye,haddaanu kafaaiidaysan oo uu qaado wadadii uu rayaale maray,waxba kafaaiidi maysid ,dadkuna waxay kuu aqoonsanayaan mid reerka uu kadhashay dhul aanay lahayn ladoonaya,anigoo kamid ah dadka kasoo jeeda ssc ama sool,sanaag iyo cayn sida aan ka akhristay barnaamijkaagii aad loolanka kugashay,waxaa kamid ahaa in aad xaalka laascaanood aad kala hadlayso dadka u ehelka ah oo ay ugu horeeyaan garaadada,ciidankaagana kasoo saar,si aanu kuu jeclaano,laascaanood kuugu soo dhawayno, gabdh minyara ahna kuugu sooryayno,laakiin haddaad dagaal gasho ogow in maanta dadkayagaa ay hogaan leeyihiin ciidamadooduna meelkasta kafadhiyaan magaalada laascaanood ee ay dadka lahaa ama taladu kago’day muddo saddex sano kudhaw kamaqnaayeen,intaana ay kuhawlan yihiin sidii dagaal uqaadi lahaayeen…waxaan alle kaaga baryayaa in uu kuwaafajiyo laba talo tawanaagsan kuuguna deeqo lataliyayaan kahufan caadifad qabyaaladeed,

  7. S/CALAYKUM
    Waxay mahad u sugnaatay ilaaha subxaana watacaalaa ee aynu adoomada u nahay marka xigta waxaan u mahadcelinayaa maamulka somalitalk iyo qoraaga aragtida hufan leh ee qoraalkan wadaniyada iyo xikmada ku dheehantahay qoray waxba hadalka badin maayo laakin waxaan leeyahay oo kaliya sida qoraagu sheegay arintani waa fursatul cumri oo dhex taal somaaliland iyo puntland oo ah labada reer ee soomaali wayn marka la eego wax dakana ah oo dhexyaal jirin marka laga reebo arintan siyaasadeed ee sool iyo sanaag oo ayadu la buun buuniyey, marka waxaan hadalkeyga ku soo koobayaa somaliland iyo puntland idinkaa somaali isu keeni kara tusaalana u noqon kara ee umada baa ba day badbaadiyo in ilaah idin badbaadiyo

  8. Walaalkay Farah Aw-Cismaan wuuku mahadsanyahay maqaalkan qotoda iyo aragtida dheer. Waxaan Eebaha Qaadirka ah ka baryayaa in Madaxwewyne Axmed Siilaanyo uu ka faa’iidaysto aragtida qorahaan. Kolay anigu nin reer Burcaan ahoo, waxaan ogahay in Siilaanyo uu yahay geesi awoodi kara inuu mideeyo dadka Walaalah ah ee Soomaaliyeed, waa nin aaminsan kooni isutaag inaan meelna lagu gaadhayn. Waxaan Eebaha Qaadirka ah ka baryayaa inuu Islaamnimo inagu xifdiyo , qaluubteenaha xabag barshaad isku madhiyo..

    Wabilaahi Towfiiq.

    Cabdilaahi Cali

  9. Abdirazak says:

    Bismillaah Al-raxmaan Al-raxiim . Waxay mahad oo dhan u sugnaatey Alle Subaxaanaha Watacaala Waxayna nabadgelyo iyo ku dayasho wanaagsan korkiisa ahaatey nabegiina suubanaa Maxamed Rasuulul Laah Sallaahu Caleekim Wasalim .
    Runtii markaan akhrinayey maqaalkani uu qorey walaalkeen Farah Aw-Osman Allah ha ka raali noqdee waxaa indhaheyga ku soo istaagayey ilmo .
    Waxaan runtii u arkaa doorashada la doortey Axmed Maxamed Maxamuud Siinlaayo in ay tahay labo arrimood . Midda koowad oo ah walaalaheen Soomaliland yar iyo weyn oo u adkeysanwaayey dhibaatada ka jirta Soomaaliya oo si dadban inoogu hiilanayo una arkey haddii ay doortaan Siinlaayo in mushkiladda Soomaaliya ay dhammaaneyso . Midda labaad waxay tahay Siinlaanyo waa nasri Alle u soo direy ummadda Soomaaliya oo khatar ugu jirta in ay ka tirtiranto adduunka . Hadaba waxaan kula talinayaa Madaxweyne Siinlaanyo , Alle talo saaro , Alle kaalmo weydiiso oo naga badbaadi dhibaatada baaxadda weyn ee nagu habsatey .