Home » Faallo »

Dawlada “Naas iyo Nikaax” ee Puntland. Qaybtii I. Qalinkii: Prof. Farjac

  • Fiiro Gaar ah: Qoraalkan waxaa qoray, soona tebiyey Musharaxii Madaxweynaha DGPuntland Prof. Cumar Cali Farjac, fikradda uu maqaalkani xambaarsan yahay waa mid isaga u gaar ah.

Xusuuso Geesigii: Cabdullahi Mahdi Xassan (Sayid)

Arar:-

Waxaa dal kaga hormaraa dal kale waa dawlad wanaag. Isbedel-san doon baynu ahayn, hase yeeshee tani waa jug-jug meeshaada jog. Weliba tii hore baa la qaatay, oo nabadu intaan waa dhaantay. Ujeedada qoraalkani waa wax toosin, ee ma aha wax build. Shalay markay golaha wasiirada iyo ku xigeenadu joogeen qurbaha Australia, Yurub iyo woqooyiga Mareykanka, ruux wax ka sheegi jirey ma jirin (Faruurow faduul baa Berbera geysey). Mar haduu ruux xil qaado, eed iyo abaalba ma waayo (Nin durbaan tumay cilaaq dalbay). Qof kasta oo muwaadin ah ayaa il gaar ah ku fiirinaya, wuxuuna xaq u leeyahay in uu runta u sheego si loo turxaan bixiyo dhibta jirta. Shicibka Puntland lacag bay ku bixiyaan say ay u helaan dawlad wanaag. Hase yeeshee tolow, maamul kasta oo soo mara Puntland, midba midka ka dambaya waa ka sii liitaa. Ninkii ceelka ku dhacay oo waxkasta lagala daalay si loo soo bixiyo wuxuu yiri “Bal shaba-shaba ii tuma in aan soo boodo”. Hadaba bal in dadweynuhu dawlada wax u sheegaan, waxaanu dadweynaha bareynaa dawladoodu xubnaha ay ka kooban tahay waxa ay yihiin: aqoontooda, anshaxooda, waaya arignimadooda, xirfadaha ay leeyihiin, waxay ahaan jireen, dembiyada ay horay u soo galeen, meelaha ay ka soo shaqayn jireen iyo dhibaatada ay ka soo carareen. Aan hoosta ka calaamadinno, ujeedadayadu waa wax toosin. Hadii caadifad qabiil ku soo qaado, golaha wasiiradana aad nacfi ku qabto, waxaanu ku leenahay “Dawlada nagama aad xigto ee waran laq”.

Horhac:-

Dawlad walba Markey dhalato ama muddana joogto ayey magac la baxdaa. Dad badan oo aan kaftanka aqoon baa caroonaya hadii aan dawladihii hore ee musuq-maasuqa ama tii kacaanka oo isrog-rogtay oo dhawr goor laba kaclaysay wax laga sheego. Sawirada gacanta ee Amin Arts u daa xaqiiqda. Hashii caanaheeda side loo qaybsaday?

Dawladi waxay ka kooban tahay saddex hey’adood oo kala madax banaan oo isku tabar ah isna feera orda. Saddexda hey’adood way is dheeli tiraan. Midwalba midda kale ayey ka ilaalisaa in ay ku xad gudubto shicibka. Hadaba Puntland laba hey’adood ma laha awood (waa ku daayeen), waana hey’adda wakiilada beelaha (legislative branch) iyo hey’adda garsoorka maxkamadda ugu saraysa wadanka (judiciary branch). Hey’adda maxkamada sare hore ayaa dawladihii hore u soo curyaamiyeen. Hadba madaxweynihii yimaada ayaa kuwii hore hilfaha u qaada, kuwa hor lehna magacawda. Hadii la magacaabo xubnaha maxkamada sare waxaa laga rabaa in ay ogolaadaan ama diidaan golaha sarxi samaynta.

Hey’adda keliya ee awooda leh waa hey’adda fulinta (executive branch). Walowba ay hey’adda fulintu ka kooban tahay madaxweynaha, madaxweyne-ku-xigeenka, wasiirada iyo wasiira-ku-xigeenada. Hase yeeshee hey’adaana waxaa awoodii isku fuuqsaday madaxweynaha oo keliya. Sidaa darted waxaa dadweynuhu ku xantaan in Puntland ay tahay “Madaxweyne ka nool”. Hadii madaxweynuhu ka maqan yahay wadanka, dawladi kama jirto. Waxaa cajiib ah inta goor ee Somaliland soo weerartay xaduudaha Puntland, madaxweynaha markaas talada haya waa ka maqnaa wadanka.
Maqaalkani wuxuu si rasmi ah u qayaxayaa una lafa gurayaa wasiirada iyo wasiir-ku-xigeenada dawladda Puntland keliya (Cabinet members of Puntland).

Golaha Wasiirada Puntland.
Qaabka Wasaarad hawsha u fuliso

Si loo fuliyo hawlaha dawlad kasta waxaa jira wasaarado iyo hey’ado loo xilsaaray in ay qabtaan hawsha dawlada. Wasaarad walba ama hey’ad walba waxay u qaybsantaa qaybo, waaxyo, unugyo iwm. Qayb walbana waxaa hogaaminaya madax loo magacaabo. Badanaa wasiirka iyo wasiir ku xigeenada mooye, inta kale waxay ku gaaraan madaxnimada hawl qabad iyo karti uu muujiyo in uu xirfadaas mulkiyey iyo qofka madaxa looga dhigayo hufnaan uu soo muujiyey in uu aqoon dheeri ah u leeyahay.
Ceebi waxay ka dhacday Puntland oo agaasimayaasha waaxaha iyo unugyadu ay noqdeen jagooyin siyaasadeed iyo qabiil oo ku xirmay magacaabidda madaxweynaha. Maqaalka qaybtiisa shanaad waxaan ku muujineynaa in wasiirada iyo wasiir ku xigeenadu aanay awood u lahayn magacaabida maamulayaasha iyo agaasimayaasha ka hawl gala wasaaradohooda.

Tirada Wasaaradaha iyo Golaha Wasiirada

Markuu talada la wareegay, waxaa madaxweynuhu magacaabay wasiiro, wasiiro ku xegeeno iyo wasaarado dhan 22. (Dr. Ali Warsame-Puntland iyo Wasaaradeheeda.)
(http://www.somalitalk.com/2009/jan/wasiiro_puntland.html)
Hadaba tirade dadka la magacaabay waxay ahayd 39 wasiir iyo wasiir ku xigeen. Weli markaas lama magacaabin madaxda wasaaradaha laga dhigay Agaasin Guud (General Directorate). Walowba tayada madaxda la magacaabay ay liidatay, waxaa taas ka xoog weynaatahy tirade dadka loo magacaabay. Waxaa Dr. Nurudin wuxuu ka khajilay fartana ku fiiqay tirade gaareysa 39 wasiir iyo wasiir ku xigeen. Hase yeeshey booyow ! maxaa manta Dr. Nurudin oran lahaa marka tirade wasiirada iyo wasiir ku xigeenadu ay heehaabayaan tira ka badan 53? Walaal Dr. Nurudin, waxa weli la soo wadaa ka daran.Weli lama magacaabin wasiirka iyo wasiir ku xigeenada wasaarada dharka iyo macuunta, wasiir iyo dhowr wasiir ku xigeeno ee wasaarada Hargaha iyo Saamaha, sidoo kale wasaarada Qaxootiga Koonfurta Somaliya ka soo galay, Wasaaradda Guryaha uyo Dejinta Qurba Joogta, Wasaarada Daanyeerka, diindiinka iyo dumadaha. Nuurow kow iyo laba lama joogo. Waxaa jirta dhallin yaro badan ee dooneysa jago wasiir iyo wasiir ku xigeen. Hadaba ha nala so xiriiraan oo ha tagaan xawaalada Dahab Shiil, anaguna si dhaqso leh ayaan ugu soo xawileynaa jago wasiir iyo wasiir ku xigeen.

Qurba Joog Baa Carradii Qurmisay

Waa run in wasiirada dawlada Puntaland ay u badan yihiin qurba joogta (98% passport ajnebi wata ). Hase yeeshee maxaad ka taqaan wax qabadkooda? Xirfadooda? Waaya aragnimadooda? Aqoontooda? Hufnaantooda? Dembiyada ay horay u soo galeen? Anshaxooda? Dad la dhaqankooda? iyo aqoonta ay u leeyihiin jagooyinka loo dhiibay?
Dad weynuhu waxay u malayeen magacaabidda qurba joogta loo magacaabay jagooyinka wasaaradaha. Xaqiiqdu waxay tahay aqoonta ay leeyihiin in ay tahay sida loo isticmaalo mukhaadiraadka sida qaadka, khamriga, sigaarka, buuriga, nacasta (marijuana), xawaareyso (speed), crystal meth (dhammo), qaboojiso (crack cocaine). Waxaa intaa u sii dheer ayna ku xeel dheer yihiin haweenka iyo daawashada websiteyada xunxun ee internetka. Ha ka welwelin maqaalka qaybihiisa dambe waxaanu ku soo bandhigeynaa wasiirada iyo wasiir ku xigeenada caanka ku ah isticmaalka mukhaadiraadka iyo haweenka. Weligaa ma is weydiisay sababta ay dibadda ugu dhoofaan? Dhammidood ma Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa si qarsoodi loogu magacaabay? Mise mukhaadiraadkii baa qabtay? Ma la socotaa in mar kasta oo qof wadankii ku noqonayo ay u qaadaan mukhaadiraad? Ma la socotaa in ay ka warqabaan qofka ka soo baxaya wadamada dibadda oo ay kuwa qaraabada ay yihiin ay ka dalbadaan in ay ugu geeyaan qofka soo baxaya? War ninyohow war ma ogid. Sida ay u hayso xaraaradu waxaad ka garataa marka ay kaga hor yimaadaan garoonka diyaaradda (madaarka).

Waxaase yaab leh in madaxweynuhu ballan qaaday in wasiiradiisa iyo ku xigeenadiisu ay noqonayaan kuwa aan isticmaalin mukhaadiraad sigaar iyo qaadba ha ugu yaraadaane. Alla maxaa riwaayad la isu dhigayaa?

Yey Yihiin Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Wasiir-Ku-Xigeenada Puntland?

Sida dadka badankiisu og yahay wasiirada iyo ku xigeenadooda laga soo magacabay qurba joogta waxay u badan yihiin dad dembiyo fool xun ka soo galay ummadda xilligii colaada sokaye ee burburka Somaliya oo dhalisay qaxa loogu kala cararay wadamada qalaad.

Waxay dhamaantood yihiin dad qaxootinimo ku tegey qurbaha. Badankoodu baran waaye afafka qalaad ee lagaga hadlo wadamada ay ka heleen qaxootinimada. Waxaa taas daliil u ah Markey safar ku tagaan wadamada qalaad in mid walba uu soo wato nin ay isku beel yihiin oo uga tarjuma gaalada ay soo booqdeen. Ogowe waa wadamadii ay qaxootinimada ku tageen dadkoodi waxa looga tarjumayo. Hadii ay la kulmayaan dad madax ah ee ka tirsan wadanka ay booqanayaan, kuwa qaraabadooda ah ayaa u soo qora khudbada, hase yeeshee akhrinteeda ayaa dhib weyn ka qabsadaa. Bal anagaa yaab aragnay.

Dhibta ay ka Carareen:-

Waa niman badankoodu la qabsan waayeen jawiga una adkaysan waaye qabowga (difficulties in adoption and assimilation). Ma aha dad ku aflaxay wadanka ay qaxootinimada ay ku tageen, kama helin shaqooyin fiican qurbaha ay joogeen. Saas darted waxay isku hawleen sidii ay shaqo uga heli lahaayeen wadankii laga soo qaxay. Waa dad in muddo badan shaqo ka raadinayey dawladihii tan ka horeyey. Waayo badankoodu waxay ka shaqaynayeen shaqooyin ku meel gaar ah sida golayaasha hanuuninta qaxootiga-looguna magac daro ururada bulshada Somaliya (Beel walba mid gooni u ah bay leedahay, dawladana lacag kaga qaadataa), Shaqaale laxmul xalaalka dukaamada lagu iibsho, shaqaale warshadaha lagu qalo digaaga iyo turkiga – loona bixiya khubarada doora fiiqa, shaqaale xawaaladaha lacagta, xashiishada gadayaal, shaqaale nadiifinta suuliyada hey’adaha dawlada, kalkaaliyayaal nadaafada iyo xanaanada guryaha dadka gabooba iyo dadka madaxa ka buka, ilaalada iyo waardiyaha habeenkii intiisa dambe, cayr qaatayaal, dhanbaal geeyayaal, kamaryeeriyayaal, kalkaaliyayaal iyo iibiyayaal ka shaqaya dukaamada shidaalka gawaarida laga siiyo, iibiyayaasha mukhaadiraadka sida nacasta, qaaka iyo droogada, iibiyayaal caymiska gawaarida, geeyayaasha Pizzada, tagsiilayaal, wadayaasha baabuurta xamuulka, iwm.

Walowba shaqooyinka ay ka shaqaynayeen ay yihiin camal sharaf iyo amaan leh (hadii laga reebo cayr qaatayaasha), waxaa hubaal ah in aaney lahayn xirfadda, aqoonta, waaya aragnimada iyo wadaninimada loo baahan yahay in lagu maamulo wasaaradaha.

Jeclidaa Dheefta Dhib Yarida Lagu Helay:-

Magacaabidda loo magacaabay jago sare oo weliba ay hubaan in ay ka helayaan dakhli lacageed oo aad uga badan kii ay ku qaadanayeen wadamada ay qaxootinimada ay ka heleen iyo weliba ascaarta Somalia oo aad u hoosaysa iyo iyadoo laga bixinayo kharajka kirada guriga iyo gaariga. Taas waxaa u sii dheer in ay magac ku yeesheen beelahoodii maadaama ay qorteen askkar farabadan oo ilaalisa.

Waa marka hore oo waa ay ka raysteen wadamadii ay qaxootinimada ay ka heleen. Diiftii baa ka hadhay oo jirkoodii baa bedelmay. Sow ma aydaan arkin marka ay safarka idiinku yimaadaan. Fakhrigii ka har, dhabanadoodaa laga subkadaa.

Bal dadow ma is weydiiseen sababta ay 120 will oo qorya sita ay u ilaaliyaan wasiirada iyo wasiir xigeenada? Maxaa laga ilaaliyaa? Yey dembi ka galeen? Ma waxay teknikalska u wataan in ay shicibka Puntland kula diriraan? Bal adiguba xisaabi markaad 53 xubnood aad ku dhifato 120 will oo wasiir ama wasiir ku xigeen ilaaliya, iyo 5 teknikals qofkiiba. Ma is weydiisay sababta xaduuda Puntland loo soo weeraro adigoo maskaxda ku haya ciidanka ilaaliya wasiirada iyo wasiir ku xigeenada inta uu la’egyahay? Ogowe kuma aanaanu darin dhallinta ilaalisa madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka, wiilasha iyo qoyska madaxweynaha, raiisul baarlamaanka, madaxda ciidamada, madaxda he’yadaha wakaaladaha, xubnaha baarlamaanka ee awooda leh, issimada caanka ah, madaxda saldhigyada booliska, iwm. Maskaxda ku hay in kharajkooda laga bixiyo dakhliga Puntland. Hadaba xisaabtanka waxaan kaga hadleynaa maqaalka qaybtiisa saddexaad anago ku lifaaqayna difaaca dawlada Puntland.

Aqoon La’aan Waa Iftiin La’aan- “Camoolka Hagaya Camoolka kalow, Haadaanta Ha Ka Ridin”:-

Magacaabidda madaxweynaha uu ku magacaabay jagooyin wasiir iyo wasiir ku xigeen, micneheedu ma aha in ay aqoon u leeyihiin jagada magacaabay. Ma jiro mid ka mid ah oo aqoon u leh wasaarada loo magacaabay. Qofka loo magacaabo in uu hogaamiyo wasaarad waa in uu u leeyahay aqoon maamulka (administration), aqoon gaar ahna u leeyahay wasaarada loo magacaabay hawleheeda. Hadaba kalkaaliye ka shaqaynayey suuliyada guryaha lagu xanaanayo dadka gaboobay, oo aan qaadan shahaado dugsi sare, iskaba daa mid jaamacadeed muxuu ka garan karaa maamul iyo maaliyad wasaarad iyo mashaariicdeeda ku baxda? Ma jiraa wasiir ama wasiir ku xigeen keenay nuqulkiisa waxbarasho, hawlleed, waaya aragnimo iyo wuxuu qoray (Resume)?

Baaris weyn aanu ku samaynay inta ka soo baxday dugsi sare oo soo qaadatay shahaado jaamacadeed waxay noqdeen shan nin. Laba ka mid ah waxay shahaadada qaateen 2006 iyo 2007. Hase yeeshee shanta shahaadada leh iyagana shahaadadoodu shaqo kuma laha wasaaradaha loo dhiibay. Markaanu falan qaynay oo si cilmiyaysan u lafa gurney, waxaanu isku raacnay in ay ku haboonaan lahaayeen gooba kale.

Waryaa Ilaah yaqaan oo madaxweynaha la taliya? War yaa ku yirahda, wadanka sidaan ka daa? War yaa ku yiraahda qof aan aqoon u lahayn masuu’liyadda wasaaradaha in uu ka daayo magacaabidooda? Aqoon la’aantu dhib ma haateen hadii qofku shakhsiyad daacad wadaninimo ku dheehantahay lahaan lahaa. Hadaba yaa madaxweynaha ku dhaha, hadii aad qof wax yaqaan weydo, qof ummadda iyo wadanka u daacad ah jagada u dhiib?

Magacaabidda Wasiirrada iyo Ku Xigeenada:-

Sida xaqiiqdu tahay wasiir markii la magacaabayo waxaa jira qaab aduunku ka siman yahay hadii maamulku yahay mid demuqraadi ah. Magacaabidaa waxaa ansaxiya golaha xeer samaynta ama golaha shacabka (legislative branch). Waxayna soo akhristaan hawlaha, xirfada, aqoonta iyo waaya aragnimada qofka wasiirnimada ama wasiir ku xigeenimada loo magacaabay. Waxaa ay dalbadaan warqada dembi barista. Waxay helaan fukradaha uu horay u soo qoray oo muujinaya cabirka fikradihiisa; waxay soo helaan qofkaasi khudbado uu jeediyey oo ku salaysan fikradihiisa. Markaasbaa waxay guddi loo cayimay in ay ka soo baaraan degaan in ruuxaasi u qalmo iyo in aanu u qalmin jagada lagu magacaabay ay u fariistaan shir (Confirmation hearing). Warbaahintu way ka qayb gashaa oo dadweynaha ayey u soo bandhigtaa qofku in uu u qalmo iyo in kale.

Nasiib darro waa aqoon la’aanta xubnaha wakiilada beelaha u fadhiya golaha wakiilada beelaha “Parliament” lagu ansaxiyo wasiirada. Sidaa darted qofkii la soo magacaabo badanaaba lagama fariisto, mana jirto wax wareysi iyo akhrin ku saabsan ruuxa la magacaabay. Maamulada qaarkood golaha wakiilada beelaha lama hor keeno oo lagama ansaxiyo. Taa daliil waxaa u ah, wasiiro ka mid ahaa dawladii tan ka horaysay iyo kuwa ka mid ah dawladaan.

Maqaalkaan ujeedadiisu waa wax toosi, mana naga aha wax halaya. Maadaama la mamnuucay xorriyadda saxaafada oo koodii runta sheegaba la buka-bukayo, la saqiir-suujiyo, qaar la dilo, qaarna xabsiga loo taxaabo, ayaan damacnay in aan runta ka sheegno dhibaatada wadanka lagu hayo.

Waxaa bulshada ku jira, dad qabiilku sumayey oo qofkii runta sheegaba u arka cadow ka soo horjeeda beeshooda iyo maamulkooda. Hadaba kuuma diidanin in aad ina adeerkaa wasiirka ama wasiir ku xigeenka aad tageerto, hase yeeshe, inta goori-goor tahay la hadal ina adeerkaa oo ka dhaadhici in la idiinku bedelo ruux wax yaqaan oo dadnimo iyo wadan jacayl leh oo aan xollaha ummadda dhici hayn.

Waxaan ka codsanaynaa qurba joogta Puntland, aqoonyahanada, culumada diinta, saxaafada, indheer garadka, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo dhallin yaradaba in ay si caafimaad qabta uga doodaan arrintaan mucjisada ah. Taladayadu waxay tahay in maamulka wasaaradaha loo dhiibo dad aqoon u leh wasaaradda lagu magacaabayo, weliba ah dad daacad ah oo maamulka laga ilaaliyo tuugada xadaysa xoolaha ummadda.

Aqoon Yahanno Run Ah:-

Waxaanu ognahay in dadka aqoonta iyo xirfada u leh maamulidda wasaaradahaas, khibrada dheeri ah u leh horuumarinta arrimaha ijtimaaciga iyo dhaqaalaha ee qurba joogta ah ay haystaan shaqooyin ay ka qaataan mushaharooyin aad u badan. Sidaas darted aaney ogolaanayn shaqo iyo maamul Puntland, ayna ku bedelan hayn nabadda ay joogaan goob dadka micne la’aan si abaabulan loogu dilayo. Hadaba waxaanu ognahay siyaabo sahlan oo iyaga looga dhaadhicin karo in ay ogolaadaan ka qayb galka maamulka wasaaradaha iyo horuumarinta Puntland.

Aqoon, xirfad iyo karti keliya badanaa wax ma taraan sida aynu ku aragnay wadama qaarkood. Waxaa la arkay in badankoodu ay isticmaalaan xatooyo. Hadaba marka la magacaabayo maamule ama wasiir, wasiir ku xigeen waa in aan cilmigiisa iyo khibrada uu leeyahay keliya lagu qiimayn, ee dadnimadiisa, daacadnimadiisa, kartidiisa iyo aaminimadiisa lagu qiimayo. Hadaba dadka baahan ee doonaya in ay xoolaystaan ama shaqa doonka ah aynu ka digtoonaano. “Nin buka, nin baahan, caana barax ah looguma dhiibo.”

Qaybaha soo socda:-

Maqaalka qaybtiisa labaad waxaanu ku lafa gureynaa sababaha wasiir, wasiir ku xigeen kasta uu u wato 120 askari iyo shan teknikal, sababaha markii wasiir ama wasiir ku xigeen laga qaado jago loogu dhiibo mid isaga ina adeerkiis ah marka wasiirada iyo ku xigeenada la isku shaandhaynayo, sababaha madaxweynuhu u xushay dadka aan aqoonta lahayn oo uu wasiirada ka dhigay, sababaha loo soo weeraro xuduudada Puntland.

Waxaan filaynaa in maqaalkani shanta qaybood ah uu u noqdo maamulka Puntland, digniin ay hurdada kaga kacaan, in ay maskaxda ku qabtaan in dadka oo dhan indhaha u furan yihiin, dawladana iftiinku ku shidan yahay.

Hadaan wax laga bedelin qaabka ka jira Puntland waxaanu soo bandhigeynaa sir culus oo aan ku haboonayn in banaanka la soo dhigo oo dhibaato u keeni karta dad badan.

Dib u akhriya maamulaha taliska ballanadii uu qaaday oo aan midkoodna ka hirgelin.

Codkii Runta Qayaxan
Farjac@gmail.com

Qoraalada Farjac: https://somalitalk.com/tag/farjac/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

15 Jawaabood " Dawlada “Naas iyo Nikaax” ee Puntland. Qaybtii I. Qalinkii: Prof. Farjac "

  1. Ader says:

    Boowe Farjac waa iga Farjicisay bal Boowe goormad Professor noqotey. Boowe kan buuran waa beentiis.

  2. xaji sanka says:

    s/c marka hore waxaan salaamaya dhamaan dadka somaliyeed qaasatan dadka reer puntland.
    way fiican tahay in laga hadlo qaladka jira waayowaxbaa ku toosa lakin yaa mudan waaye jawaabta, waan lasoconaa waxii ka dhacay doorashadii puntland waxaana ahaa goobjoog Musharaxiinta qaarbaa loo qabay inay walan yihiin kadib markii la arkay fikirkoda ama waxaa la orankaraa la socdaan wacyiga jira, xataa ciyaalka u ma dhaqmo qaarkood sida ay u dhaqmayeen taasina waa xaqiiq ( hadalgayga gadaal uraaca )

  3. calooley says:

    farjac waa waayey madaxweyne marka yuu dadka caayin

  4. maxammuud says:

    hadii farjac uu ka afeeftay qormadiisa uuna idiin sheegay in ay tahay toosin maxaa keenay eedaynta profisorka aqoontiisa ayaa kufilan uuna ku meelmarayaa waana taagersanahay fikirkiisa saliimka ah

  5. maxammuud says:

    farjac waa nin dalku ubaahan yahay

  6. JAMA says:

    ASC, WALAAL WAY DHICI KARTAA FARJAC IN INYAR OO DADKAAS AH AY JIRAAN LAAKIIN HADII AAN NIRAAHNO DADKA QURBUHU WAA SIDAAS DAD UXUN HADEE ADIGU QURBAAD JOOGTAA LAMID BAANA TAHAY FAROOLE QURBUU KAYIMID QURBUUNA JOOGAY, LAAKIIN WALAALE SHAKI KUMA JIRO KAN WADAN JOOGA OO QABIILKA, QAADKA, MAAMUL XUMADA, EEXDA, IYO KALA DAMBAYN LA AANTA IN UU KA FIICAN YAHAY KAN QURBAHA JOOGAA OO WAX BARTAY OO DOONAYA MEESHUU UU ARKAY AMA UU JOOGAY SAY AHAYD IN UU KADHIGO DHULKII HALKA KAN WADAN JOOGAA UU SAN ARAG AMA NASIIB U HELIN IN UU YIMAADA AMA ARKO MAAMULKAAN AMA KALA DAMBAYN TAAN TAALA WADADMADAAN SIDA WEST GA USA,AMA CANADA, EU. MARKA WAXAAN DHIHI LAHAA FARJAC BAL DIB U YARA EEG FAKIRKA.ASC.

  7. waa sax fikirka mudane farjac waayo, dadka jawaabta ka bixiyey hadalka farjac waxaad u badan tihiin dad ku nool qurbaha, laakiin anigu waxaan joogaa dalka wax walba oo dhacaya waan la soconaa laakiin adinku waxaad dhagaysataan idaacad iyo website

  8. dahir says:

    prof. furjac waxaad tahay runtii nin geesi ah adoo kalana dalka iyo dadka ayaa kuu baahan lakiin xaqiiqda ayaa nin kasta o anfac dalka u leh in la xasdo

    waan kuugu taageersanahay in aad runta dadweynaha tusiso si ay u ogadaan maamulkooda dhiig miiratada ah

    viva farjac

  9. Professorka Ka daaya Cayda wax jira ayuu ka hadlaye midda kale sxb Yaxye waxad tiri maxad shaqo uga raadsan wayday Yurub. Proffessorku haddii uu damcay in uu dalkiisa u shaqeeyo oo uu wax ka badalo muxu ku falayaa in uu dal kale u shaqeeyo, mida kale waxa kala duwan in aad naftaada u shaqaysato iyo in aad dalkaaga u shaqayso.
    Ani fikir ahaan Qoraalka Farjac waa ila Saxsanyahay gaar ahaan wax qabadka Wasiiradda iyo Askarta Badan ee ilaalisa iyo Hubka ay sitaan.
    Proffesore waxaanu kaa sugaynaa Qeybta Labaad ee Qoraalkaaga.

  10. Danjire Daljire says:

    Dadka goobta wax ku qoray weli ma baran sida afka somaliga loo qoro. Zlalan m aha waa salaan. Fegrad ma aha ee waa Fikrad. Waxay ku qorantahay Comments/ Fikradaha akhristayaasha-faalada. Qof aan wax qori oqoon in loo jawaabo ma aha.
    Professorku wuxuu o qoray maqaalka dad wax garad ah, wuuna ka afeeftay dadka caadifada qabiilku soo qaadayo oo difaacidoona ilma adeertood. Hase yeeshee muxuu halayey hadii uu iaga celiyey waraabaha dibadda ka timid ee doonaya waraabaha gudaha in uu laqo. Laba waraabe waxaa ii roon kan aan dalandooli hayn markii dhibi timaado. Idinkuse ma waxaad daafaceysiin hormuudka beesheena, mise qurba ka timaadada wax biliqaysaneysa? Waxbaan meesha ka gartaye kulligeen ma isku beel baynu ka soo jeednaa? Burcadland inagaa iska leh. odayguna qurba joogta waxay yihiin buu noo sheegay.

  11. Cabdalla says:

    Salamu Calaykum. Farjacow waxaad sheegayso waxbadan ayaa kajira, dadka badankiis intii aan caamo ahayna way la socdaan, oo waaba sababta uusan qofka waxgaradka ah wakhti badan iskaga luminayn dheesha kasocota Soomaliya oo idil. Laakin hadana sidaas oo ay tahay waxaad hadalka u dhigi kartay si ka qurux badan sidaad udhigtay oo ay ku dheehan tahay dhiranaansho leh sharaf, diblomaasiyad iyo tixgelin dareenka shacabwaynaha (courage and consideration) taasoo ku sahli lahayd inay dad badan ku rumaystaan. Laakin nasiib xumo waxaad u muuqataa nin ay rag wax kadhaxeeyaan, ciil badan qaba, tabar la’aan meel dhigtay, doorashadii kusoo guuldaraystay oo xattaa shacabkii u caraysan, muddo qurbo joogay, kadibna kusoo wareeray Puntland iyo habdhaqanka shacabka Soomaliyeed ee masaakinta ah ee iska yara xayraansan, hogaan la’aanta haysa awgeed.

    Marka Farjacow adiga iyo inta kale ee horumarka jecel, hadana ku ah (frustrated) siyaasadda gurracan ee Puntland ama Soomaliya iyo aqoon yaridda shacabka, waxan idunkula talin lahaa xiliga summer-ka lagu jiro ee carigu qurxoon yahay, dadka badankiina iska faraxsan yihiin, inaad xilli aroor ah fariisato meel doog leh iyo biyo yara oo shimbiro marmarayaan, kadibna aad mustaqbal dheer iyo hammi wayn oo qaadan kara 20 sano soo qorshayso sidii dadka iyo dalka wax looga badali lahaa, laakin hadaad Internettka ka cayntanto, waxaad u muuqnaysaa sidii nin gaajaysan oo wax laga boobay oo afkana dufan u marsan yahay, dukhsi badana kusoo shumuumay oo cidna rabin inay ag istaagto, iskaba daa in wax laga rumaystee.

    Koleey nin waxgaranaya ayaad tahay’e, waxgaradkaaga iyo aqoontaada si kafiican sidaan u isticmaal.
    Wassalam
    Cabddalla

  12. farjac wejigiisa waxa ka muuqda had iyo jeer qosol caruureed iyo in uu yahay shactiroole,waxan odhan lahaa booskii aw kuuk ay aa kuu fiican in aaad raadsato.
    puntland dhawaan iyadaa iskeed isaga baaba aysa waayo khayaal bay ku nooshay oo had iyo jeer koonfur oon rabin bay daba orodaa.
    kofurna in ay kudaafad tahay waynu ognahay oonayjid iyo ceeltoona u baxayn ilaahay haw naxariisto,

  13. Dhacle says:

    KKKKKKKK sxb farjac xaal qaado, Puntland waa dalkaagii meeshaad wax ka dhisi lahayd ayaad bilowdey inaan cay websites-ka uga buuxiso… ogow waa lagula xisaabtami doono kolkaad dalka timaado, inta ka horeyso Jaantaa Bannaan!!!!!!!!!!!!

  14. Yahye says:

    Zalaan , All .. waar markii lagaaga adkaaday Kursiga Madaxtinimada Punt Land, ayaad dhaliil la bun buuniyey soo qoreysaa, waa yaab.
    Professoor- xaal qaado , Hadii aad Professor tahay Hunguri kaaga galeen Punt Land-ta teeda haysata ! oo isku hays haystaan siyaasiyiinta u dhashay ee aan u soo qaxin sidiina Waqooyiga Ameerika & Europe.
    Hadii aad Professor tahay, waxaad shaqo ka raadsan lahayd Waddanka aad joogtid jaamacadahooda, meel aan waxba ka jirin uma soo cararteen.
    Somalida Magaca professor-nimada ah ay bililiqeysteen

  15. waayeel says:

    Fegradda Farjac waa mid yaab leh waa dhameeyey oo waxaan u qaadan waayey in runtii professorku qoray mana aha xaashaa lillaah in aan lee yahay waa run ku sug balse waxaad moodaa in caro badan oo uu qabo profesorku ay ka lumisay xogtii uu ula ciil qabay in uu bulshada indhaha uga dhufto.

    Haddii habka maanta ka jiraa Puntland uu yahay “clanish based administration” oo Dirtoorka laftigiisu isu soo sharaxay kal hore oo kalsooni weydiistay baarlamaan lagu soo xulay qabiil tolow maxaa khaldan ama ku jaban haddii dawlada lagu dhiso qabiil iyo qancinta beelaha tan iyo inta laga gaarayo “one man one vote”.