Home » Warar »

Qaadka malaga Mamnuucii Doonaa Dalka Ingiriiska?

Boqolkiiba 80% furriinka Soomaalida UK waxa uu la xiriiraa Qaadka….

10,000 tannes oo Daroogada Qaadka ayaa sannad kasta la  geeyaa UK… Waxaana lagu baaqay in Qaadka laga mamnuuca UK….

Qaadka iyo Dhibaatada uu ku hayo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Ingriiska..

Telefeshanka SkyNews ee dalka Ingriiska ayaa soo bandhigay dhibaatooyinka dhaqan-bulsho ee Qaadku ku hayo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingriiska, halkaas oo boqolaal jawaab oo qaad ah la geeyo maalin kasta.

SkyNews oo warkiisa ku bilaabaya “Tani waa warbixin ku saabsan daroogo burburinaysa Jaaliyad”, ayaa Video si qarsoodi ah uga duubtay Daroogada Qaadka ee la keeno Ingriiska.

Warbixinta TV-gu waxay sheegtay in 10 sano ka hor qaadka la soo gelin jirey dalka UK uu ahaa 10 tannes sannadkiiba. Laakiin hadda caddadka Qaadka ah ee la soo geliyo UK uu aad kor ugu kacay oo uu gaaray 10,000 tonnes sannad kasta (TOBAN KUN OO TAN).

Waxa kale oo TV-gu waraysay hooyooyin Soomaaliyeed oo raggoodii ku waayey qaadka, kaddib markii ay noqdeen wax-ma-tarayaal maalintii hurda, habeenkiina ka maqan guryaha oo qaad ku soo dhaxa oo ka warhayn carruurtooda iyo reerahooda, oo ku illaaway daroogada maanka dooriya ee Qaadka ee ay calashanayaan.

SkyNews waxa uu waxa uu waryastay hooyooyin Soomaaliyeed, sida Caasha oo ninkeedii ay kala tageen Qaadka awgiis iyo Saafiyo oo walaalkeed uu cusbitaal u galay qaadka awgiis.

“80% furriinku waxa uu la xiriiraa Qaadka. Raggii maalintii oo dhan waa hurdaan. Habeenkiina waa baxaan ayagoo guriga bannaanka kaga maqan, ayagoo qaa-cunid ku maqan. Dumarkiina ma awoodaan in ay isku wadaan korinta carruurta iyo in ay shaqeeyaan… Dhammaan raggii sidaas ayaan ku weyney” ayey yiraahdeen hooyooyinka uu waraystay TV-gu. Halkaas waxaa ka cad in Qaadku yahay waxa ugu weyn ee burburiya qoysaska Soomaaliyeed, ayna sababta leeyihiin ragga Soomaaliyeed ee qaadka cunaya.

Nin Soomaaliyeed oo ku dhaqan London oo magaciisu yahay Abuukar Cawaale oo sheegay in uu markii hore qaadka aad u cuni jirey ayaa SkyNews waxa uu sheegay in “Darooqada Qaadku uu fara ba’an oo burburin ah ku hayo bulshada Soomaalida ku dhaqan UK, ayna tahay in qaadka laga mamnuuco UK.” Waxana uu intaas ku daray in sannadkii hore ay magaalada London ku dhinteen 16 dhallinyaro ah arrimo la xiriira qaadka, ayuu yiri.

Daroogada Qaadku waa ka mamnuuc Woqooyiga Ameerika (Canada iyo Maraykanka). Sidoo kale waxa uu mamnuuc ka yahay dalal ku yaal Yurub, laakiin mamnuuc kama aha dalka Ingriiska, halkaas oo uu fara ba’an oo xagga caafimaadka, dhaqanaka, dhaqaalaha iyo bulshadaba ku hayo Soomaalida ku dhaqan maadaama maalin kasta Jawaano qaad ah looga soo daabulo Itoobiya iyo Kenya.

Warbixinta TV-ga waxa ay xustay dhibaatooyinka xagga caafimaad ee qaadka sida cudurada ku dhaaca dhimirka iyo dhibaatooyin kale oo uu Qaadku u keeno qofka cuna.

Cilmi baaris ku saabsan qaadka oo ay Dawladda Ingriisku samaysay sannadkii hore ayaa lagu wadaa la soo bandhigo dabayaaqada sannadka. Waxaa jira Cadaadis ka socda dalka Ingriiska oo ay dawladda UK si xeel dheer u eegeyso dhibaatada bulsho ee qaadku u geysto bulshada. Ayadoo Qaar kamid ah bulshadu ay ku baaqeen  in qaadka laga mamnuuco oo laga xakameeyo dalka UK, maadaama uu dhibaato baaxad weyn oo caafimaad, dhaqan iyo mid bulsho ku hayo mujtamaca.

VIDEO-ga ka daawo Hoos:

ISHA VIDEO-ga: Ama Ka Daawo Halkan… | Isha: SkyNews: Call For New Controls On Legal Drug Khat


“Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN

“Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012…” Warbixin Qarammada Midoobay..

Cilmi baaris aad u qoto dheer oo Qarammada Midoobay ku samaysay dadka Soomaaliyeed ee qaba cudurka HIV/AIDS ayaa soo bandhigtey akhbaar aad u argagax badan oo muujinaysa sida cudurkaasi uu xawliga ugu dhex fidayo shacabka Soomaaliyeed (Boosaaso, Hargeysa, Muqdisho, Garoowe, Berbera, Galkacyo, Jawhar iwm).

Cilmi baaristaas oo ka kooban 64 bog oo la faafiyey May 13, 2010, waxay jaaha saartay Woqooyi-Galbeed (Somaliland), Woqooyi-bari (Puntland) iyo Koonfurta-dhexe ee Soomaaliya.Halkan ka akhri Tarjumada warbixinta

Tarjumadii SomaliTalk ee warbixinta ka akhri Halkan RIIX

Somalia Failed State: READ HERE

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Qaadka malaga Mamnuucii Doonaa Dalka Ingiriiska? "

  1. Mohamed Haji says:

    Qaadka in uu ka mid yahay mushkiladaha iyo cudurada bulshadeena kuwo xun shaki ku ma jiro, hase ahaatee, waxaa jir xiriir aad uwe yn oo ka dhaxeeya mehrad la’aanta iyo cunista/iibinta qaadka. dad badan ayaa ku tiirsan, haddii ay ahaan lahayd kuwo tamarta ka raadiya iyo kuwo quudka ka raadiya. Haddii la mamnuuco qaadka maanta waxaa ka iman kara yadadiilois baddal san, sidoo kale waxaa suura gal ah in Maandooriye-yaal kale booskoodo galo, ha noqdo ganaacsi ama isticmaal.

    ~~~Hala mamnuuco Qaadka~~

  2. jamaal says:

    Boqolkiiba 80 waa tiro badan. Laakiin yaa huba inay sheekadu qaad tahay? Naagaha marka dawladdu lacag siiso waxay iska fogeeyaan nimanka si ay lacagta carruurta kelligood u qaataan ileyn iyagaa ku soo dhibtoodey oo ninku hawl saas ah ma qaban. Markaa naagaha yurub iyo ameerika waxay noqdeen sidii maamul goboleedyadii oo canshuurtii dawladda iska qaatey. ma rabaan niman iyo kharashkkoda. waa taas tan keentay furriinka badan. Qaad waxab kama quseeyaan waa mar-marsiinyo. Hadhow maraka soomaali badan la xiro baa la ooyi doonaa sida maraykan iyo kanada.