Home » Warar »

Maxaa ka jira in uu Wadahadal u socda Xisbu-Islaam iyo Dowladda Feeraalka

Wasaarada Warfaafinta Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in dowLadda KMG ay wahadal kula jirto Saraakiil ka tirsan Ururka Xisbul Islaam Islamarkaana ay ku hanweyntahay in dowladda ka mid dhigto.

Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta Dowladda KMG C/risaaq Max’ed Qeylow oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin warar ku saabsan in Dowladda Soomaaliya dhawaanahaan wahadal kula jireen Saraakiil ka tirsan Xisbul Islaam.

C/risaaq Max’ed Qeylow ayaa waxa uu sheegay in dhawaanahaan wadahal ay u soconayeen Saraakiisha ugu firfircoon Ururka Xisbul Islaam iyo Dowladda, iyadoona sida uu sheegay dowladdu horay ugu guuleysatay in ay ku qanciso barnaamijka dib u heshiisiinta kadibna ay ka mid noqdaa Dowladda Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in hadda ay jiraan wadahadalo kale oo u soconaya Saraakiil ka tirsan Ururka Xisbul Islaam iyo dowlada KMG inkastoo uu ka gaabsaday in uu xuso Magacyadooda saraakiishaas.

Dhanka kale C/risaaq Qeylow ayaa waxaa uu been abuur ah ku tilmaamay warar sheegayay in ciidamo cusub oo ka tirsan dowlada ay soo gaareen Magaalada Muqdisho isagoo intaasi ku daray in haatan ciidamada dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan xoogagga hubeysan ee kasoo horjeeda Dowladda.

Ururuka Xisbu-Islaam ayaa gaashaanka ku dhuftey in ay wadahadal kula jiraan Dowladda Federaalka iyadoo Afhayeen u Hadley Xisbul Islaam uu wararkaa ku tilmaamey mid aan sal iyo raad lahayn wuxuu intaa ku darey in aysan marnaba Dhici Karin in ay wadahadal lagalaan wuxuu ugu yeerey Koox u adeegta Gaaladda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

W/D Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Maxaa ka jira in uu Wadahadal u socda Xisbu-Islaam iyo Dowladda Feeraalka "

  1. Xassan Yare says:

    Anigu waxaan la yaabanahay waxa ku kaliffaya Xisbul Islaam in aay hadda
    Jago ka doonato Dowladda fashilantay oo Wasiiradeedii kala carareen oo Raisulwasaarihii marna la eryayo, marna lasoo celinayo.
    Ma filayo in dadkaan jago doonka ah in aay yihiin siyaasiyiin ee waa XERTII
    GOBALLADA DHEXE oo qoriga AK la carareysa, illen hadda siyaasadda socota baa waxaay sal u tahay in uu jago helayo qofii sameesta koox AK la cararikarta.

  2. Isuqabe says:

    Waa maan gurracan iyo garasho jaan, ninka la baxay Abdishakur baan u jeedaa, wuxuu leeyahay Al-shabaab waa caadi iney gaalada la xaajoodaan gogosha walaalhoodna diidaan, waa aragtida cusub ee Islaamiyiinta, ‘Soomaalida xabbad baa naga dhexaysa gaaladana wada hadal’. cajiib cajiib.

  3. abdishakur says:

    haddii wadohadal lalagalo xisbulislaam waxay ay soo siyaadinayso maba jirto,meesha dawlad kama, jirto xisbuislaam meesha tabar & talo midna ku mahayo.Mrka aniga waxaa iga la wanaagsan inay wado hadlaan ciidamad gaalad ee muqdisho jooga & Ashabaab.