Home » Warar »

Dufcadii 36 arday ka qalin jabisay dugsiga barashada cilmiga cumputerka ee socomin

Xaflada balaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana shaaadooyin lagu gudoonsiinayey Dufcadii 36aad ee arday ka qalin jabisay tan iyo 1997dii Dugsiga barashada Cumputerka ee Socomin oo ka dhacaday gudaha Magaalada Muqdisho .

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Xaflada qalain jabinta dufcadii 3aad ee Somali Computer instate ee socomin 2010-2011 waqti koba wax ku baro ka dibna shaqo hel .waxaana tirada guud noqoneysaa 16418 intii uu jirey

Xafladaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka ,macalminta ,waalidiinta ardayda ,mas’uuliyiin ak socotay jaamacada somaliya ,mas’uuliyiinka tirsan shirkada Isgaarsiinta ee nationlink ,saxafiyiin,

Aqoonyahano ,waxgarad ka kala socday qeybha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay

Waxaa holka xafladu ka dhacaysay so buux dhafiyey Ardaydii hore uga qalin jabisay socomin oo hada shirkada qaar kood fursad shaqo ka helay ,macalimiin ka ka dhigi jirtay mas’uuliyiinta qeybaha kala duwan ee wax barasahda iyo dalahadaha ka howlgala dalka somaliya waxaana ka mid ahaa arday socomin wax ka baratay oo hada iyagu macalimiin ka noqday
Maxamed Deeq Axmed Jimcaale oo horey uga mid ahaa ardayda wax ka barata socomin oo hada ah madaxa malimiinta ugu sareeyo ayaa soo hadal qaaday heerka waxbarashdiida ay ayeyd xiligii uu bilaabay in uu socomin wax ka barto iyo hada oo yahay madaxa amcalimiinta isbedelka ku yimid aqoontiisa iyo dadaalka uu muujiyey isaga oo ugu baqay ardayda in ay wax barashadooda sii wataan .

Sidoo kale C/fataax Abshir Ciise oo xaflada ka hadlay ayaa ku macneeyey Cuputerku in uu Isku xiraha howlaha dunida oo dhan wuxuuna ardayda ku booriyey in ay cilmiga iyo Aqoonta ku daraan alle ka cabsi isaga oo ugu danbeyntiina baaq iyo salaam u direy ardayda sidii ay uga faaiidaysan lahaayeen waqtiga waxaana wax ka dhiga amchadka socomin 9 macalin oo aqoontoodu tahay heer jaamacadeed iyo wax u dhigma

Macalin Nuur Xaashi Muumin wuxuu shegay in ay ardaydu barteen maadooyinka kala ah hardware ,software iyo networking wuxuuna inta ku daray in ay dhiganayeen Mudo lix bilood ah .

Ardaydaan ayaa wax ku barta xili ay heyso daruufo adag iyo amaan daro iyaga oo laga yaabo qaar ka mid ah intii ay u socdeen goobahoodi wax barasho ay waxyeelo ka soo gaarto wadooyinka ay marayaan ama la yiraahdo jidkii manta wuu xiran yahay .

Sidoo kale waxaa goobta xafladu ka dhacaysay ka hadlay Dr Yaxye Cali Ibraahin oo ahaa madaxa guud ee jaamcada Somaliya isaga oo ku dheeraday wax ka sheegida faaiidada ay leedahay aqoontu iyo in wax la barto wuxuuna hambalyo u direy Mahadcelin u diray waalidiinta ardayda ,macalimiinta dadaalkii ay u gelaan in ay ubadkooda wax baraan “waa muhiin aqoontu maan dhamaato “waxaa wax loo bartaa sidii aad ugu shaqeysan laheyd .

Ustaad mahad Cabdulaahi Maxamed oo ahaa Ku xigeenka qeybta iib geynta ee Shirkada isgaarsiinta ee nationlink oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadashay xaflada ayaa sheegay in shirakdoodu fursada shaqo siiso ardayda aqoontooda gaarsiiya heer jaamacadeed gaar ahaan kuwa ka qaata shahaada IT wuxuuna sheegay in Machadka Somali Computer institute Socomin uu aad agtooda qiimo uga leeyahay wuxuuna xusay in aysan sineyn qof wax bartay iyo qof aan wax baran isaga oo hambalyo u diray intii ka qeybqaadaya barnaamijka wax barashada ee Socomin dhankalana wuxuu ugu baaqay ardaydaan in ay sii wataan wax barashadooda oo uu shegay hada in ay bilow tahay loona baahan yahay in ay halka aka sii wataan cilmiga kala duwan ee barashada Cumputerka .

Goobta hafladu ka dhaceysay ayaa lagu soo bandhigay waqtiya nasiib ardayda su’aalo lagu weydiinayey isla markaana lagu gudoonsiinayey carka hadalka oo ay ku jirto $2 waxaana bixinayey shirkada isgaarsiinta ee nation link oo iyadu soo gudbinta barnaamijkaan la amtan aheyd Machadka Somali Computer institute Socomin

Machadka Somali Computer institute Socomin oo ilaa markii la unkay ay ka qalin jabiyeen ardo garaysa 16418 ayaa xafladaan ay oo 64 arday k aqalin jabinayeen waxaa ka horey mid la mid aheyd oo dhacaday degaanka loo barakacay ee ceelasha biyaha taasi oo ay ka qalin jabiyeen in ka badan 150 arday tani oo tirade guud ka dhigaysa 16418 arday isla markaana dhameysatay barnaamijyada kala duwan ee cilmiga barashada cumputerka sida iyaga oo qaatay mudo 4 Bilood ah madada hardware .software halka laba biloodna ay qaateen maadada isku xirka ee networking sida uu ii sheegay Axmed Xasan cali ( rijaal ) oo ka mid ahaa ardaydii manta shahaadooyinka lagu gudoonsiiyey magadasha ay xafladu ka dhacaysay .

Rijaal oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ujeeda ugu weyn ee uu Socomin u galay ay aheyd sidii uu sare ugu qaadi lahaa aqoontiisa xaga cumputerka ah uuna u heli lahaa shahaado al aqoon san yahay si uu C .F _giisa ugu darsado wuxuuna sheegay in uu wax badan ka soo kororsaday lixdii bilood ee uu ka midka ahaa ardayda wax barata dugisga tabaabrka cumputerka ee socomin .

Xafladaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Machadka socomin iyo shirkada isgaarsiinta ee nation link waxaana lagu soo bandhigay Qudbado ku soobasan faafiidada ay aqoontu u leedahay Bulshada sidoo kale waxaa lagu soo bandhiga riwaayad halku dhigeedu uu ahaa Tlo iyo Tusaale oo ay jilayeen qaar ka mid ah ardaydii shahaadooyinka la gudoonsiinayey .
Qaar ka mid ah mas’uuliyiintii xaflada ka soo qeybgashay ayaa goobta soo jeediyey qudbado kala duwan oo dhamaantood tilamaamay faaiidada ay waxbarashu u leedahay Bulshada caalamka waxayna sheegeen in qofka inta ay aqoontiisa la egtahay kagu qiimeeyo Aduunyada oo dhan

Madaxa Machadka Somali Computer institute Socomin Macalin Nuur Xaashi Muumin oo shegay in ay xaflada manta ay isugu yimaadeen tahay mirihii ay beeranayeen mudo lix bilood ah faaiidadii ka soo abxday oo noqotay in ardayda la gudoonsiiyo shahaada qalin jabinta barashada cilmiga Cumbuterka ka dib markii ay dhameysteen qeybaha ka duwan ee Barnaamijyada Cumputerka laga barto Machadka Socomin wuxuuna ugu baaqay in ay sii wataan waxbarashadooda ayna si baraan walaalahoda aan fursada u helin .

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dufcadii 36 arday ka qalin jabisay dugsiga barashada cilmiga cumputerka ee socomin "

  1. Magan says:

    Waxaan Bahda somalitalk ugu mahadinayaa qoraaladooda ka hadlaya xaalada wadanka xag siyaasad iyo xag walba.
    Waxaa wax lagu daydo ah nimanka iyaddoo wadanku duruuftaas marayo kharash geliyay inay dhalinyaradooda wax baraan oo ka badbaadiyaan inay baddaha ku dhamaadaan ama dagaalada sokeeye galaan .
    waxaa kale oo wax lagu daydo ah kuwa haya ama daryeelaya odayaasheenii iyo islaamaheenii gaboobay ama caruurta agoonta ah oo aanan ilaah mahee cidkale ugargaaraynin.
    waxaan dhihi lahaa maanta oo kale keena jilicsan aanu u gargaarno oo aan iska dayno qabiilaysiga bilaa micnaha aanu isku laynaynayno .
    Runtii shacabku aad iyo aad ayuu u daalay. Mana muuqdaan madax u danqanaysa oo ka danqanaysa dhibaatada ku dhacaysa shabka.