Home » Warar »

Deegaanka Gidheys oo Dugsi Hoose Dhexe laga hirgeliyay

Xafalad xariga looga jarayey dugsiga Hoose Dhexe ee deegaanka Gidheys ayaa, lagu qabtay isla magaalada gidheys.

Xafladdaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta maamulka Ximan iyo Xeeb oo uu horkacayo Madaxweynaha maamulka mudane Maxamed C/llaahi Aadan “Tiiceey”, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo ururada Bulshada.

Madaxweyne Tiicey ayaa xariga ka jaray dugsigaa oo ay hirgelisay hay’adda SSWC, waxaana loogu talo galay ardayda heerka hoose iyo dhexe ee deegaankaa ku nool.

Madaxweynaha oo halkaa ka hadlay ayaa SSWC uga mahadceliyay dadaalkeeda ku aaddan ka qaybqaadashada horumarinta deegaanka, isagoo sheegay in SSWC ay tahay hay’ad waxtar wanaagsan u samaysay deegaan ka maamulka Ximan iyo Xeeb.

Dhinaca kale masuuliyiin ka socotay hay’adda SSWC oo iyagana halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay gacan ka gaystaan horumarinta deegaanka, waxayna sheegeen in gacansiinta ay ka heleen dadka deegaanka ay uu fududaysay hirgelinya mashruucaan iskuulka lagu hirgeliyay.

Xafaladdaa oo si heer sare ah ku soo gebgebowday, waxaa kaloo ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Ku xigeenka Madaxweynaha Sh. C/raxmaan C/llaahi Shaati Cadde, Guddoomiyaha Gobolka Ximan Dr Cabdi Cilmi Guuleed, Ku Xigeenkiisa C/llahi Cumar Geeseey, Guddoomiye ku xigeenka Degmada Cadaado C/llaahi Macallin Cabdi iyo marti sharaf kale

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Deegaanka Gidheys oo Dugsi Hoose Dhexe laga hirgeliyay "

  1. rashid says:

    mamulkaas ximan iyo xeeb ilaahey ha ka badbaadiyo wadaada qoryaha wata oo in ay wax uun baabiyaan maha aan wax dhiseyn.

  2. Ilaahaybaa mahad leh intaa dabadeedna waxaan u mahad celinyaa warbaahintaan madaxa banaan ee war kaan soo tabisay. Waa akhbaar lugu farxo oo runtii ku dayasho mudan, baryahaan dambe waxaa jiray isbadal xagga fikriga ah oo ku soo kordhay mujtamaca Afsomaliga ku hadla oo ah bal inay wax bartaan.

    Gaban gabadii waxaan leeyahay aan ku tartano waxbarashadda sidaad aragtaanba dhankii kale lugu kala bixi waaye.

  3. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib. runtii waa Tilaabo horay loo qaaday oo aad looga farxo arrimaha noocan oo kale, waa in dalka iyo dadka loo shaqeeyaa, meel leyska dhigaa Qoriga, taasoo aan filayo in ay ku jirto danta dadka iyo dalkaba, waan idinku amaanayaa Somalitalk qorista maqaalada noocan oo kale, halkaa ka sii wada Saxaafadda Xalaasha ah ee dalka lagu horumarinayo.

    Wabillaahi Towfiiq