Home » Warar »

Dareewalkii Sheikh Shariif oo ahaa Askari udhashay Ugand oo la diley

Dareewalkii madaxweynaha DFKMG ayaa lagu diley Madfac lagu weerarey Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho June 3, 2010, markaas oo uu ka soo laabtay garoonka diyaaradaha oo uu geeyey Sheikh Shariif oo halkaas ka dhoofayey.

Askarigaas iyo askari kale oo aan la magcaabin waxay dhinteen kaddib markii uu hoobiye kusoo dhacay gaariga ayagoo ku dhex jira.

Jariidadda Newvision waxay qortay in militariga Uganda ay qoyskii uu askarigaasi ka dhintay ay siiyeen Hal (1) million oo Shillings iyo SH300,000 oo lagu dhisay qabriga.

Askarigaas oo magaciisu ahaa Eriya Kabuye, oo ahaa 33-jir, waxaa lagu aasay  Uganda sida ay qortay Jariidadda Newvision, caddadkeedii Axaddii (June 13, 2010).

Qiyaastii 38 askari ayaa ilaa hadda laga diley askarta AMISOM oo marki ugu horeysey Muqdisho la geeyey March 2007, kuwaas oo 19 ka mid ah ay  u dhasheen Uganda.

Source: http://www.newvision.co.ug/D/8/13/722672

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.