Home » Warar »

Prof. Ibbi oo sheegay in aysan jirin xiligan Kaluumaysi Sharci daro ah oo ka socda Biyaha Soomaaliya..

“Sheikh Shariifna waxaa la tusay Satellite markii uu tegey Yurub” ayuu yiri…

Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibraahim (Ibbi) oo ah Wasiirka kalluumaysiga iyo kheyraadka badda, ahna ra’iisul wasaare xigeen xukuumadda FKMG ah ayaa sheegtay “in aysan jirin kaluumaysi sharci daro ah oo ka soconaya xeebaha Soomaaliya.” Isagoo intaas raaciyey in “Maraakiibta ilaalada u joogta Biyaha Soomaaliya ay wax badan ka qabteen arrintaasi.” Waxa uu intaas sii raaciyey in “Sh. Shariif Sh. Axmed uu soo arkay mar uu tagay dalka Ingiriiska Qalabka Satalaytka ee lagula socdo dhaqdhaqaaqa ka jira biyaha Soomaaliya, kaasoo muujinaayay in aysan jirin wax kaluumaysi ah oo ka socda badda Soomaaliya.” (WARKA OO DHAN / RIIX HALKAN)

Waxaa xusid mudan in Shirkii Istanbul ee 21-23 May 2010 loogu qabtay Soomaalida, qoraaladii ay Qarammada Midoobay ku soo bandhigay waxaa ku xusnaa in Soomaaliya ay Kalluumaysiga sannad kasta kaga khasaarto US$95 million oo ah kalluunka sida sharci darrada ah looga guranayo badda Soomaaliya. Qoraalku wuxu uu qornaa sidan: “It is also an area that suffers heavily from Illegal, Unreported and Unregulated (IUU) fishing, particularly for tuna but also for inshore species. It has been estimated that about US$ 95 million in export revenue each year is lost due to IUU activities.”- Prof. Ibbi ma uusan xusin arrintaas.

Jariidadda Daily Nation ee ka soo baxda Kenya oo caddadkeedii Maanta (June 13, 2010) soo xignaysay hadalka Wasiirka Kalluumaysiga DFKMG ayaa qormadeedii waxay ku gababaysay : “Hadalka rasmiga ah (ee ka soo baxay DFKMG) waxa uu yimid xilli ay dad badani aaminsan yihiin in Xoogagga Ciidamada Caalamiga ah ee ka socda Dalalka US, EU, Russia, South Korea iyo kuwo kale in la dagaalanka “Burcad Badeeda” ay ugu hoos qarsoon tahay qorshe ay ku difaacayaan kalluumaysiga sharci darada ah ee badda Soomaaliya. WARKA OO DHAN KA AKHRI HALKAN.

Warbixinta Warka Prof Ibbi oo dhamaystiran ka akhri Halkan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Prof. Ibbi oo sheegay in aysan jirin xiligan Kaluumaysi Sharci daro ah oo ka socda Biyaha Soomaaliya.. "

  1. Makoma says:

    “Sheikh Shariifna waxaa la tusay Satellite markii uu tegey Yurub” oo lagula socdo dhaqdhaqaaqa ka jira biyaha ama badahenna. waxaa yiri IBBI” heheehee Bal adba!!!!! Satellaayt… badde la tusey??!! ma laha badda kosta rika ayaa la tusey!!! ma kala yaqaan labada badood tan kosta rika iyo teenna !!!!?
    Somaliyaa ba’dey,rabiyoow noo gargaar, mar haddii kuwii gaari dameerka wadey, kuwii miyiga geela ku raacayey,kuwii BOOGAHA ciyaartoyda dhayi jirey, kuwii ADAN MADOOBE,IYO SHEEKH SHARIIF oo kale dugsi qur’aanka carrurta wax u dhigi lahaa iyo darawaliintii LLPP iyo JEENYO ay hogaanka siyaasadda waddanka noo hayaan soo waddankeena waddan ba’ay ma aha . ceebta na haysato, Ilaahow na astur dunida ama bulshada addunka waan la qabsan la’nahay. waxay noogu yeeraan ” FAILED STATE”
    NACAM waan ka harney bulshada addunka ,kuwa aan soo sheegey baa na horboodayo Ilaahow adaa Kariim ah waxaanu kaa baryeynaa kuwo naga qabta kuwan noo soo dir. madad madad madad yaa rasuulaa allah madad.
    Mr Kisima Makoma.

  2. horta ibbi ma aha professor ee yaan loogu yeerin professor, waa waxa dalka halaagey in la iska qaato heerka professernimo,,generalnimo,doktornimo,iwm.midda kale haddiba uu hadalka ibbi yiri uu jiro, waaxaanu ugu mahad celinaynaa NIMKA LOOGU YEERO BURCAD BADEED, oo ah rag geesiyaal ah oo naftood u hurey wixii ka soo ag dhowaada badaheena.ibbi cilmiga badda ma yaqaan,dhul xeebeedka somalidana waxba kama oga, shaqadiisii horena waxay ahayd dhaawaca ciyaartoyda oo uu dhayo ama daaweeyo , waxaan dhihi karnaa farmayeeriga ciyaartoyda.
    wuxuu ku fiican yahay aamusnaanta.
    deo.

  3. JAMA says:

    Jaalle Ibbi , Waxay ila tahay bad aad tagto in ay kuugu dambaysay berigii aad qolyaha shirkada kula ahayd doonta .
    Tan iyo intii jagadaan laguu magacaabay ma maqlin ibbi ayaa shaqo u tegay Xaafuun , Eyl , Garacad , Xarar dheere ilaa Buur gaabo .
    Fadhlan noo soo bandhig waxa aad qabatay tan iyo markii jagadaan laguu magacaabay ? .

  4. abdirisaq says:

    Professor Ibbi bi kulli ixtiraam bal waxaan ku weydiin lahaa dawladdii dhexe ee Somalia waxay lahayd ciidan bad oo kontroola badda waxa soo gala xadkeenna iyo waxa ka baxaya ayaga oo adeegsanaya marakiibti ciidanka,doomihi dheereeyey iyo dayuuradihi fududaa ee is daba mari jirey min bernera iyo seylac ilaa kismaayo iyo raaska ee bal adigu maxcaad haystaa oo adiga masuul qaran oo magaci dawladda Somaliya ku hdalaya aad ku caddaynaysaa runnimada warkaaga.
    Haddaadse ogaan kartid markab kasta oo xadka somaliya jooga iyo waxa uu qabanayo maxaad ugu oggolaatey in burcad badeeddu inay dhacaan doomaeenna markay maraakiibti kale soo dhameeyeen.

  5. hadi ay arintasi jirto wa in si wayn somalidu ugu mahad celisa ciidanka ilaalada xeebaha somalia wa halgamayasha dadka qar budhacad kushegane iyaga ya guusha wayn surta geliyay si kastba ha ku surta gashane xata hadi ay rer galbedka mesha joga ilaashan bada maysan yimaden hadan hawl galada ciidankenu jirin

  6. ahmed says:

    Mr Ibbi ma markii uu heshiish dhinaca kaalumeysiga ah la soo galay Yaman ayuu yiri soomaliya kama jirto kaalumaysi sharci daro ah? Annigu waxaan u arkaa hadalkiisa nin raba inuu danhiisa khaas ahaaneed fushado.