Home » Warar »

Shirkadda Hormuud oo bixisey Abaalmarino Qaali ah ay ugu magacdartey Abaalmarinada GSM-Ka 2009

Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud oo aalaba uga barateen in ay qanciso Macaamiisheeda farabadan ayaa maanta Xarunteeda labaad ee deegaanka ceelasha biyaha waxay ku qabatey Xaflad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyey waxaana xafladaas loogu magacdarey Abaal Marinta GSM-ka Hormuud ee sannadkii 2009 waxaana ka soo qaybgaley Macaamiisheeda kal dawan , Masuuliyiinta Shirkadda iyo marti Sharaf kale waxaana ugu horeyntii wacdi diini ah ka soo jeediyey Xaaj Aadan Ciise oo isaga ku dheeraadey sida ummada loogu baahan yahay ku xirnaanta Eebbe iyo sidii qofka isu toosin lahaa

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Waxaa halkaa warbixin ka soo jeediyey Ing Yaasiin Xasan Yuusuf oo ka mid ah Masuuliyiinta Qaybta Suuqgeynta ee Shirkadda Hormuud wuxuuna sheegey in shirkadda Markasta aya u taagan tahay sidii ay ku qancin lahay Macaamiisheeda , isagooo sheegey in abaalmarindaan ay tahay sidii bulshsda loogu dhiiri gelin lahaa in ay sii laba laabaan Howsha ay bulshada u hayaan

Waxaa xafladaas ka Hadley Aadan Maxamed oo shirkadda u qaabilsan dhinaca laamaha wuxuuna sheegey in shirkadda markasta ay jeceshahay in ay dhiirigeliso Macaamiisheeda wuxuuna sheegey in abaalmarinada noocaan ah ay laba laabi doonto waqtiyada soo socda

Waxaa kaloo Munaasabaad ka Hadley Bashir Cabdulaahi Sahal oo isna ka mid ah Masuuliyiinta Shirkadda wuxuuna u mahadceliyey intii isku soo dubaridey Xafladaan, wuxuu kaloo uu sheegey in wixii hadda ka dambeeyey sannadkasta ay joogto noqon doonto bixinta abaalmarinda Shirkadda Hormuud wuxuuna sheegey in shirkadda ay jeceshahay in bulshada oo dhan gaarsiiyaan Abaalmarinada maadaama ay yihiin macaamiisheeda isagoo sheegey sannadka dambe haddii Eebbe yiraahdo ay intaa ka balaarin doonaan Abaalmarinada Shirkadu Bixiso

Waxaa Xafladaas kal Hadley Cabaas Axmed Diiiriyey oo isna ka mid Mauuliyiinta sare ee Shirkadda Hormuud ayaa isna sheegey in shirkadda mar kasta ay u taagan tahay in wanaajiso xiriirka ay la leedahay Bulshada wuxuuna sheegey in n muddo dheer aysan shirkadda bixin Abaalmarinadii looga bartey isagoo ku sifeeyey xaaladaha adag ee dalka ka jira wuxuuna sheegey in xiligaan ka dambeeya ay dib u soo celin doonaa Abaalmarinadii ay shirkadu bixin jirtey

` Waxaa kaloo munaasabadaas ka Hadley Xasan Gacal Calasow oo shirkadda u qaabilsan Deegaanka kaaraan wuxuuna ugu horeyntii u mahadceliyey in isku soo howshey, Howshaan oo uu sheegey in tahay Howl Bulshada u horseedeysa in ay kor u qaadaan la macaamilka shirkadda Hormuud oo uu sheegey in ay tahay shirkad aad u daneyneysa in ay qanciso macaamiisheeda

Masuuliyiinta Shirkadda Hormuud ayaa mid u siisey dadkii loogu talagaley Abaalmariida waxaana la siiyey Xarumo , Branch-jiyo , Dukaamo waxaana u weheliyey Shahadooyin la siinayey dadkii muujiyey Howlkarnida waxayna Xafladaas kuu soo gabagabowdey sidii loogu talagaley

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Ninkii Diley Wiil uu Dhaley Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo la Xukumey

Maxkamad ku taala magaalada London ee Cariga Ingriiska ayaa shalay ku xukuntay Abdul Khan, xabsi daa’in kadib markii lagu helay dambi ah inuu tooreey ku dilay wiil uu dhalay Raiisal wasaarihii hore ee Soomaaliya; Maxamed Xawaadle Madar.

Marxuumka; oo la oran jirey Kuul Maxamed Xawaadle ayaa waqtiga la dilayay waxa uu gaarigiisa shidaal kaga shubanayay goob shidaal oo ku taala waqooyi Galbeed London waxa uuna u socday inuu bad baadiyo saaxiibkiis oo ay tuugo weerartay.

Garsooraha dacwada dhagaysanayay ayaa sheegay in Abdul Khan; 19 jir ah soo galooti ka yimid wadanka Afghanistan inuu toori wadnaha ka galiyay Kuul Maxamed Xawaadle oo 20 jir ahaa kaasi oo dhaawacii toorida u dhintay 19/02/2009.

Xiligaasi uu falka dhacayay ayaa waxaa marxuunka la socday saaxiibkiis; Abdiwahab Guile oo isagaba Toori laga galiyay Barida.

Marxuumka ayaa ahaa arday Collage, waxaana dambiile Abdul Khan oo xabsiga ku jiri doonaa ugu yaraan 21 sano.

Reerka Marxuumka ayaa soo dhaweeyey Xukunkaas oo ku tilmaamey mid Cadaalad mana aha markii ugu horeysey oo wiil soomaaliyeed lagu dilo carga Ingriiska waxaana xabsiyada dalkas ku jira Dabiilayaal falal noocaan ah oo kale geystey.

Akhri: https://somalitalk.com/tag/qurbe/ 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.