Home » Warar »

Sheekh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid oo la sheegay in khilaafkoodu sii xoogeysay…

iyo Qarax Miino oo lala beegsaday Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan DF
iyo Cumar C/rashiid oo tacsi u diray qoyskii marxuum S/Guuto Axmed Maxamed Macow …

…………………

Sheekh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid oo la sheegay in khilaafkoodu sii xoogeysay kadib markii Madaxweyne Shariif ku yiri…….

Muqdisho: Waxaa lagu waramey in uu sii xoogeystay khilaaf u dhaxeeyey Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif iyo Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake kadib markii uu Madaxweynuhu ku amray in uu soo gudbiyo istiqaaladdiisa Iscasilaada balse Cumar Cabdirashiid arrintaasi gaashaanka ayuu u daruuray, iyadoo Cumar Cabdirashiid uu ku yiri Madaxweynaha “waxay xukuumaddu kalsoonida weydiisan doontaa Baarlamaanka, wixii ka soo baxay natiijadaana ayaana qaadan doonaa”.

Warar aan ka helney Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegaya in labada mas’uul uu midba midka kale uu doonaya in uu ka tuuro xilka waxaana lagu waramey in maalmhii la soo dhaafey uusan wax xiriir dhex marin , sidoo kale ayaa waxaa Cumar Cabdi rashiid lagu eedeeyey in uu amarkeeda uu lahaa Dagaalkii dhawaan dhexmarey Ciidamada Amisom iyo kooxaha ka soo horjeeda Dowlada waxaana Dagaalkaas khasaaro ka soo gaartey Ciidamada Amisom.

Dhawaan ayay ahayd marikii Sheekh Shariif uu eryay Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid hase yeeshee cadaadis ka yimid dhinaca dibadda ayaa sababay in Madaxweynuhu uu ka laabto go’aankiisii hore waxa uuna amray in xukuumaddu sii shaqeyso isagoo sheegay Madaxweyne Shariif in lagu jiro waqti aad xasaasi u ah.

Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa qaar ka mid ah golihiisa wasiiradda iska hor yimaadeen taas oo sababtay in xukuumadda ay iska casilaan ilaa iyo saddex wasiir iyadoo laga yaabo in maalmaha soo socda iyana ay iscasilaan qaar ka mid ah xukuumadda maadaama ay Ra’isul Wasaaraha ku eedeeyeen in uu yahay nin aan dooneyn in ay hano qaado dowlad Soomaaliyeed.

Cumar Cabdirashiid ayaa xilka Ra’isul Wasaarenimo waxa uu ku helay markii beesha caalamka ay ku tartarsiisay Madaxweyne Shariif in uu Ra’isul Wasaare ka dhigto Cumar Cabdirashiid oo ahaa nin ay si aad ah isugu dhow yihiin Hay’adda Samafalka isla markaana xiriir la leh Qaramada Midoobey.

Dowladda Federaalka ayaa waxaa soo wajahay isqabqabsi iyadoo dhawaan la soo afjaray khilaaf ka taagnaa hogaanka sare ee Golaha Baarlamaanka hase yeeshee waxaa weli qeelinaya ku xigeenkii koowaad ee Baalramaanka Prof. Dhalxa oo isagu ku tilmaamay doorashadii dhawaan dhacday mid sharci daro ah.

Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha DFKMG Sheekh Sahriif iyo Cumar Cabdirashiid ayaa sida ay warar aanu helnay sheegayaan lagu wadaa in ay soo kala dhex galaan qaar ka mid ah wadamada xiriirka la leh Dowladda Federaalka, balse July 1-deeda waxaa xilka ka degi doona Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo isagu ah maskaxdii ka dambeysay in la dhiso dowladda uu haatan madaxda ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

TACSI: Lataliyahii xagga sharciga ee ra’iisul wasaaraha DFKMG

Ra’iisul wasaaraha DFKMG oo Tacsi u diray Qoyskii uu kageeriyoodey Marxuum S/Guuto Axmed Maxamed Macow oo saaka ku geeriyoodey Muqdisho. Marxuumku waxa uu ahaa lataliyaha xagga sharciga ee ra’iisul wasaaraha DFKMG… Akhri….

Qarax Miino oo lala beegsaday Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka

Saakay aroortii hore ayaa qarax aad u weyn waxaa laga maqlay Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi lala beegsaday Gaari Cabdi Bile ah oo marayey Albaabka hore ee Xaruntii Ciidamada Cirka ee Afisyooni waxaana la xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhinteen ilaa iyo 6 askari oo ciidamada Dowladda ka tirsan, isla markaana ay ku dhaawacmeen 10 kale oo ay ku jiraan dad rayid ah.

Markiiba waxaa goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka kuwaas oo xiray goobtii uu qaraxu ka dhacay, waxaana la sheegay in rasaas ay fureen ay ku dhaawacmeen labo qof oo rayid ah oo ay ku jiray wiil yar oo 11 jir ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qarax lala beegsado ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, iyadoo dhawaan qarax ka dhacay isgoyska Dahabka ay ku dhinteen dhowr qofood, waxaana qaraxaasi lala damacsanaa in lagu qaarajiyo dhowr wasiir oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka, waxa uuna Sheekh Yuusuf Indhacade sheegay in qaraxaasi laga soo abaabulay xarunta Madaxtoonyada sidoo kalana ma jiro cid sheegatay qaraxaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa noqotay meel ay ku soo badanayaan qaraxyada iyadoo horey caadi uga noqotay Magaalada dagaalada ka dahcay ee u dhexeeya dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, waxaana muuqata in maalinba maalinta ka dambeysay ay xaaladda magaaladu sii dareyso waxaana adkaaday isku socodkii dadka iyo gaadiidka.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Sheekh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid oo la sheegay in khilaafkoodu sii xoogeysay… "

  1. Magan says:

    Aniga waxay ila tahay in meeshan wax dawlad la dhaho in aanay jirin Maadaama aanan wax sharci iyo kala dambayn iyo waliba wadaniyad aanay ku jiri dadka madaxda noo ah . markaa waxaa fiicnaan lahayd in dhamaantood ay meesha u baneeyaan.soomaalida dhabta ah ee wadaniyaddu ku jirto ee doonaaya in shacabka gaajada iyo xasuuqa iyo hoyla’aanta,shaqo la’aanta,deganaansho la’aanta waxay u qabankaraan u qabta. Maanta oo kale waxaa loo baahan yahay nin naftiisa iyo maalkiisa u hura shacabkaas masaakiinta ah ee mudo 20 sanno ah aanan daganaasho helin.
    Maanta oo kale loo ma baahna niman danno shisheeye watta ama hungurigiissa gaarka ah watta . Markaa wallaalayaal waxaa fiican madax wayne iyo raisalwasaareba inaad meesha banaysaan.

  2. wa arin la sugayay khilaafka kooxda walad cabadala waxu dan uyahay shacabka somalida ah balse waxa ah wax ad lola yabo in wax sida ah oo an inaba ka xishonaynin xalada ay kujiran masuuliyin dad ku tilmaman masuulka cadiga kama sura gasho inu sharci jebiyo iyo inu la shaqaynkariwayo dadka masulka uu uyahay kooxdani haday sida inagu dhaafto marka khayr badan aya wadanka u imanaya waxana laga yaba in wadanku xornimo galo lakiin waxa kula talinaya bulshada somalida in logu duceyo in khilafkani ahado ki so ajarilaha hamiga kooxdan islamrkan ceel kuridilaha rajada beenta ah ee shisheyaha iyo cadowga ee ah in kooxdan calooshoda ushaqaystaya ah somalia metelaan