Home » Warar »

Kampala: kulan looga hadlayay sidii wax loogu qaban lahaa Arday Soomaaliyeed oo waxkabarta Jaamacadaha Uganda

Kulankaasi oo soo qaban qaabiyeen Gudiyada Ardayda Soomaaliyeed ee dhigta jamacadaha kampala ayaa looga arinsanayay sidii wax looga qaban lahaa mushkiladda soo wajahday Ardayda soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacadaha Dalka Uganda.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad

Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga Ardayda Soomaaliyeed jaamacadaha c/fataax maxamuud Geedi oo sheegay in uu ku faraxsan yahay kulanka ay yeesheen Ardayda soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha Uganda iyo Ganacsatada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kampala, isagoo raaciyay in ay jiraan Arday fara badan oo aanan dhameeystiri karin hanaanka geedi socod ee waxbarashadooda loona baahan yahay in ay ganacsatada soomaaliyeed ay daboolaan baahidaasi taagan ee dhinac dhaqaalaha ah.

Sidoo kale waxaa ka hadlay kulankaasi Daahir Xoog oo ka mid ahaa ganacsatadii soomaaliyeed gaar ahaan shirkadda Xawaaladda Qaran kulankaasi ka qayb galay kaasoo sheegay in ay ka qayb qaadan doonaan doorka kaga aadan taakuleeynta Ardayda soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Uganda oo ah mid waajib ah, ayuu yiri.

Gabagagabadii kulanka waxaa ka hadlay qaar ka mid ah ardaydii ka qayb gashay kulankaasi oo sheegay in loo baahan yahay in la dhiiri geliyo waxbarshada Ardayda soomaaliyeed si looga gudbo adeegsiga dagaalada iyo qaybna ka ah nabbad ku soo dabaalid Dalka soomaaliya iyagoo sheegay in xiriir fiican ay leeyihiiin Arday waxkabarata dalalka sudaan iyo yemen.

Dalka Uganda waxaa wax ka bartaan Arday lagu qiyaasay 500 Araday oo Soomaali ah.

Waxaa soo diyaarisay
Weriye [GACMO DHEERE]
oo ku sugan dalka Uganda.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.