Home » Faallo »

Dhimashada Al-Ictisaam Waa Dhimashada Culumada | Qore: Saahid

 ( RADINTA IBRAAHIM MIICAAD AKA ABUBAKAR ZAYLACI ).

HORUDHAC :

Maqaal af carabi ku soo baxay oo uu qoray sida la yiri Ibaraahim Miicaad oo isku qariya magaca Abubakar AL-Zaylaci iskuna tilmaamay Culumada AL-shabaab ayuu ku aflagaadeeyey Culumaddii Soomaaliyeed miidoodii oo uu ku tilmaamay xarakatu AL-ictisaam, asagoo radinaaya shirweynihii ay ku yeesheen Magaalladda Garoowe 21/04/2010 iyo Baaqii ay ka soo saareen ee ku saabsaneyd Dacwadooda .

Baaqaas halkaan ka akhri asagoo Afka Carabiga ah:

Sidoo kale Maqaalkiisii halkaan ka akhri asagoo Carabi ah :

Godane iyo Ibraahim miicaad oo labaduba ka soo jeedda gobolka Waqooyi galbeed baa lagu tilmaamaa in ay yihiin Culumada AL-shabaab ugu cilmiga badan se halkaan baan ku arki doonaa Cilmigoodu meesha uu gaarsiisan yahay.

waxaan kala saareynaa culumada saxa ah iyo kuwa sheeganaaya sida godane iyo ibraahim miicaad .

Waa maxay Caalim Rabbaani ah ???

Culumada Salafku waxay ku sharxaan Caalimka Rabaaniga ah in uu isku darsaday inuu Cilmiga Diinta Islaamka barto oo uu ku Camal falo haddana uu dadka u sii gudbiyo. Ruuxa Diinta barta se aan ku camal falin Rabbaani laguna tilmaami karo ee wuxuu noqon qof la nool Cilmi aan anfac lahayn, Allaah ayaan ka magangalnee, Cilmiga aan naafica ahaynna waa Cilmigii uu Nabigu Allaah ka magan galijiray. Ruuxa cilmiga barta ee haddana ku camal fala se aan dadka gaarsiinin isagana Rabbaani laguma tilmaami karo, sida ay Aayadda Quraanka ah sheegayso: (Allaah wuxuu Culumada farayaa in ay noqdaan Rabbaaniyiin dadka cilmiga bara, haddana iyaguna barta) 3:79.

Haddaba Caalimka Rabbaaniga ahi waa kan seddexdaas shardi buuxiya oo isagu horta noqda mid Cilmiga barta kuna Camal fala, haddana dadka sii bara. Wuxuu Allaah Ruuxaas oo kale ku ammaanay Aayadan: (Yaa ka hadal wanaagsan Ruux Allaah dartiis dadka ugu yeera, Camal wanaagsanna Sameeya, haddana yiraahda waxaan ahay Ruux Muslimiinta ka mid ah) 41:33. ??? .

Fatwaddii Abuu Zubeer ( Godane) :

Amiirka AL-shabaab oo lagu magacaabo Axmed cabdi Godane, iskuna qariya magaca Abuu Zubeer Mansuur ayaa Cajal uu soo diray asagoo iska dhigaaya sida Usaama bin ladin oo seddexdii biloodba mar soo hadla.

Godane ayaa ka hadlaayey Culumaddii 50 ku dhawaadka aheyd ee Xamar shirka ku qabtay Feb,2009 ee soo saaray Qoddabadii 9aad ka ahaa ay ku dhexdhexaadinayeen Dawladda & Dagaal ogayaasha ka soo horjeeda. ee AL-shabaab & Xisbul Islaam.

Wuxuu yiri Godane asagoo Daliilsanaaya Aayad Quraan ah Allaah waxa uu yiri SW:

( Waxay Yuhuud iyo Nasaaro ka sameysteen wadaadadooda iyo Ruhbaantooda Rabiyaal Allaah ka soo haray,sidoo kalena waxay Nabi Ciise ka sameysteen Rabbi,lamana farin in ay caabudaan mooyee ilaah kaliyah,Ilaahaasoow uusan jirin ilaah kale asaga mooyee, Allaah baa ka hufan waxay ugu Shariik yeelayaan ) 10:31

Wuxuu Godane Aayaddaas u daliilsaday in aan la raacin wadaadada Xamar ku shiray ee Qoddobadda soo saaray,Haddii kale waxaad noqoneysaan sidii Yuhuud iyo Nasaaro ay Wadaadadooda Rabiyaal uga dhigteen.

Bal Akhristoow arag Wajhul Istidlaalka(1) uu Aayaddii Quraanka aheyd ku luqun jibaadhay !!! waakaas Caalimkii weynaa ee Al-shabaab, Maxaa Xaqa ka danbeeya dhumis mooyee !!! Subxaanallaah.

Sidoo kale ayuu Ibraahim Miicaad Qoray Buhtaan iyo Been Abuur uu Culumada Soomaaliyeed ku Caayaayo oo uu u baxshay ( Mowdkii AL-ictisaam) !!!!

Waxaan leeyahay waa sax haddii ay Al-ictisaam dhintaan Allaah ma Saamaxee waxaa dhaceysa in uu Cilmigiina la dhinto, markaasna ay dadku Madax ka Sameystaan Godane & miicaad markaasna ay u fatwoodaan mid Qalad ah sidii taan soo marnay markaas ayey lumaan dadkana lumiyaan Sidii Yiri Nabi Mohamed NNKH Xadiiskiisii Caanka ahaa:

( Allaah Cilmiga Dadka kama siibo ee Cilmiga wuxuu ku Qaadaa Mowdka Culumada, markaas ayey dadku Sameystaan madax Jaahiliin ah markaas ayey u fatwoodaan mid qalad ah markaas ayey Lumaan dadkana lumiyaan) ama sidaas oo kale ayuu yiri.

wuxuu Culumada ku eedeeyey been abuur in aysan dadka fasahaadka ka reebin oo aysan Caqli u saaxiib aheyn sida Aayadda Quraanka ah sheegeyso :

( maxay u ahaan waayeen quruumihii hore dad Caqli u saaxiib ah oo dadka ka reeba fasahaadka dhulka …. ) 11:116

wuxuu Culumada ku eedeynayaa in ay dhaheen Dagaalka Soomaaliya ka jira waa fidno ee Jihaad maahan, ee wallaalaha is dagaalamaya ha la kala cesho.

Warkaas ay Culumadu ka soo saareen Baaqii Garoowe ayuu ka ooyayaa.

Wuxuu kaloo yiri waxay u tanaasuleen Maamulka Puntland & Soomaaliland oo ay rabaan in ay Nabad kula noolaadaan,maxay sameyn lahaayeen Miicaadoow ???? ma waxaad rabtay in Dhulka Fasahaadiyaan oo nabadda ka jirta aad ka dhigtaan sidaad u fasahaadiseen Koonfurta ??? maxay Khalad ah ay galeen ???miyeysan dadka Diinta barin miyeysan tafaasiirta & Axaadiista iyo Fiqhigaba dadka barin ????.

Haddaad Baaqaas akhriso waxay ku soo koobeen caqiidadii Ahlu Sunnah wal jamaaca iyo jidkeey mareen salafkii saalixa ahaa, ma taas baad ka ooyeysaa miicaadoow !!!

Bidcatul Shuyuukhu Jihaad :

Alshabaab waxaa macalimiin u ah Usama & Ayman ??? waxayna soo saareen wax la yiraahdo Ruux aan Jihaad ku jirin Shiikhba ma ahan????

waxay isla maraan ruuxaan jihaadin shiikh ma ahan??? maba og in Diin Baristu tahay jihaad midka ugu weyn sida rabi ku yiri suuratul Towbah:

( mana aha in ay mu’miniinta oo dhan ay dagaal u baxaan,ee ma koox kastaba qaar ka baxdo si ay diinta u bartaan oo ugu xeel dheeraadaan una digaan dadkooda marka ay soo noqdaan waxay u dhaw yihiin in ay digtoonaadaan) 9:122

Ayadaas asagoo sharxaaya Caalimka weyn ee Khadiib AL-Baqdaadi wuxuu yiri waxay tilmaamaysaa in ay muslimiintu u qeybsan yihiin Culumo dadka diintooda barta iyo kuwa dagaalama oo cadwga Muslimiinta ka difaac, mid kastana hawshiisa ayuu ka soo baxayaa, se ugu danbeynta waxaa loo wada noqonayaa kuwa culumada ah oo xataa jihaadka kuwa ku jira ay fiqhiga jihaadka ula soo noqonayaan.

Waxaa kaloo la sheegaa Caalimkii weynnaa ee Maxamed ibnu xasan AL-shaybaani ardaygii Abuu Xaniifa kuligood Allaah ha u naxariistee oo reer Baqdaad ahaa in uusan waligiis jihaad u bixin ee waqtigiisa uu wax barid ku dhameystay, haddana wuxuu qoray kitaabkiisa weyn ee ( Al-Siyar) oo uu jihaadka iyo fiqhigiisa uu ku bayaanshay.

Marka xaggeey ka keeneen AL-shabaab iyo culumadoodu Ruux aan jihaad galin shiikhba ma ahan ,ama Jihaadka waxba lagama weydiinaayo.

Taas waa bidco cusub oo ay la soo baxaaeen Bidcatu Shuyuukh Al-Jihaad(2).

Baraavo Fu,aad Shongole :

Maxaa ku baray fu,aad shongole xaakimka weyn ee AL-shabaab ???j

waa ninkii uu sheegaayey macallinkiisa Shiikh Shariif Dhawiil markii uu Shiikh Umal weydiiyey : Shariif Ardeygaagii hebel(3) ayaa ah xaakimka ugu weyn alshabaab baa la yiri ??? markaas ayuu istirjaacsaday shariif Dhawiil oo yiri ( inaa lilahi wa inaa ileyhi raajucuun ) macnaa macallin kasta Ardeygiisa cilmigiisa waa yaqaanaa marka kaas xaakim uma suubado.

Fu,aad Shongolo Culumada AL-ictisaam wuxuu ku tilmaamay ( murji’ah) Baravo Shongole waxaad kala taqaanaa farqiga u dhaxeeya Khawaarij & Murji’ah !!!! Se ma kala taqaanid in labadooda uu u dhaxeeyo fikirka Ahlu sunnah iyo wal jamaaca(4) waana tan ay wataan Culumada AL-ictisaam ee Baaqooda Akhri bil Axsaanag .

AL-Ictisaam sidey Jihaadka u Arkaan ????

Sida ay baaqa ku xuseen jamacadaan jihaadkii saxa ahaa ayey ka hadleen iyo in loo baahan yahay in uu Imaam sharci ah ku dhawaaqo.

waa kuwan arrimaha ay al-Qaacidda & Al-shabaab ay ka ooyayaan.

waxay Al-ictisaam Baaqoodii ka mid ahaa qoddobadan ooy jihaadka kaga hadlayaan :

18: Jihaadku waa farad ilaa yowmul Qiyaamo ,Ruuxii aan jihaadin ama aan naftiisa jihaad ugu sheekaynin wuxuu ku dhintaa qeyb Nifaaq ah.

19: Waxaan u aragnaa in heshiiska iyo baaq nabadeedka iyo xulufaysiga ay ka dhex dhici karto Muslimiinta iyo Gaalada dhexdooda , Muslimiintuna waa in ay dantooda ka fakeraan iyo wixii xoojinaaya iyo waxa dhiigooda badbaadinaaya & maalkooda.

20: Waxaan u aragnaa in ayasan jamaacad dacwo u taagan aysan jihaad dadka ugu yeerin karin, Xuduudna aysan dadka kufulin karin sida gacmo goynta iyo lug goynta , mana kula diriri karaan kii fikradoodaas ku khilaafa .(5).

Culumadeena Soomaaliyeed:

Allaah ha noo daayo waxaan qabnaa Culumo Rabaaniyiin ah, ayagoo lala qabo in ay xarako kala duwan ay kala yihiin sida Salifiyah labadeeda nooc,Akhwaan ama Islaax, majmac ama Aalu Shiikh,Tabliiq iwm.

Allaah ha noo daayo Shariif C/nuur,Shiikh Cumar faaruuq,Shiikh Muriidi ababakar, Shiikh Cali Warsame, shiikh C/qaadir Gacamay,Shiikh Umal,Shiikh Shibile,Shiikh mohamed Idris,Shiikh Dr. Bashiir Salaad, Shiikh Mohamud Ciise,Shiikh Macallin Mohamud,Shiikh C/naasir lascanoodiyi, Shiikh Mustafa Haaruun, Shiikh mohamed dirir Cumar,Shiikh Dr. Axmed C/raxmaan, Shiikh Cali mowliid,Shiikh C/raxmaan Shiikh Cumar, Shiikh Dr. Axmed Daahir Awees, Shiikh mohamed cabdi Daahir, Shiikh C/qaadir Cukaasha,Shiikh Mohamed Garyare, Shiikh Nuur Baarood,Shiikh Dr. Dasuuqi, Shiikh Dr. Cali Shiikh, Shiikh mohamed Shiikh Ibraahim Suuleey,Shiikh Ceynte, Quraa’unaa Al-shiikheyn Shiikh C/Rashiid & Shiikh C/xakiim Abnaa Shiikh Cali Suufi Allaah ha noo xifdiyee kuligood.

Culumadaasi waxay isku Raaceen Afar Qodob oo Muhiim ah:

1) Soomaaliya waxa ka socdaayi in ay fidno tahay aysan aheyn Jihaad ahayn.

2)Dadka Muslimiinta ah dhiigoodu in uu xaraam yahay ( xurmatu Dimaa’u muslim).

3)Dadka Soomaaliyeed in ay Muslimiin yihiin oo aan la Gaaleysiin karin.

4) in Soomaaliya ay madax Banaan tahay oon Debedda laga maamuli karin,

Dhibaato la Xariirta Jihaad Caalami ahna aan gudaheeda loo soo rari karin.

Qoddobadaas Afarta ah ayeyna Al-shabaab Culumada ku radinayaan ooy la ooyayaan, waana qoddobo haddii la raaco dhiiga Muslimiinta ee Soomaaliya ka qubanaaya iyo qaxa baahsan ee shacabka lagu hayo lagu badbaadin karo.

Maqaalkaygiina waxaan ku soo gabagabeynayaa Haddii ay Al-ictisaam iyo xarakooyinka kaleba naga dhintaan sida ay Rabaan Al-shabaab in ay tahay Mowdkii Culumada Allah taas ma saamaxee , markaasna ay na maamulaan Ruweybidhadha godane,ibraahim Miicaad, Baravo Shongole iwm.

fii amaani laah

Shiikh Sahid mohamed yusuf

USA,VA

sahidyusuf@yahoo.com

1)Wajhul istidlaal waxaa la dhahaa marakaad Aayad quraan ah iyo xadiis Nabigu yiri daliilsaneyso waa in uu daliilku waafaqaa waxa aad u daliilsaneyso ,se haddii aad suuratul wal casri aad dhahdo waxay ka hadleysaa edbinta carruurta istidlaalkaagu waa qaldan yahay sida Godane oo kale.

2) Bidcatul shuyuukh aljihaad waxaa noo sheegay Dr. Fadal oo jamaacadda Al-qaacidda ka tirsanaan jiray se iskaga baxay kitaabkiisa uu ku radiyey ayuuna ku sheegay : ((MUDAKARATUL ALTACRIYAH MINAL TABRI’AH ) oo isku dayi doono in aan maqaal ku soo koobo insh allaah.

3) Ninka labada shiikh iska wareysanayaan baan u qaatay Baravo Fuaad shongole se ayagu magaciisa ma xusin.

4) Ahlu sunaha aan ka hadleyno waa kuwii Salafu Saalax ee ma ahan suufiyadda maalmahaan magaca bililiqeysatay.

5) Jamaacadaas waa alshabaab taas bayna ka xanaaqeen ibraahim Miicad & Baravo shongole.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Dhimashada Al-Ictisaam Waa Dhimashada Culumada | Qore: Saahid "

  1. waa yaab says:

    asalamuclaykm waxaan layabay nimankaan aad culumda ku sheegteen sow iyagii gaalada ku sheegayay maahan dowladaan hada jirta iyo baarlamankeeda markuu c/laahi yuusuf madaxda ka ahaa goormay islaameen wasiiradu iyo xubnaha baarlamaanku mise shariif oo ahaa sidaad sheegan jirteen hogaamiyaha mujaahidiinta ayaa markuu asna sameeyay wuxuu sameeyay c/laahi bay dooladii khaliifa islaamiya isu badashay tankale al shabaab dhulka kama soo bixin ee waa ardadii aad cabsiiseen fikirkiina khaldan idinkuna waa laydin ku yaqaan markay dhanaanaato in aad uga bax daan dhalin yarada ee iska taaya tanaaqudka iyo wax is dabamarintee meel ha la iidiinku yimaaado

  2. Dr.mahadale says:

    A.c aad iyo aad ayuu mahadsanyahey walaalka soo qorey maqaalkaan quruxda badan ee sida wanaagsan ugu bayaaniyey waxa ay al shabaab yihiin. alshabaab waxey banaysteen dhiiga dadka muslimiinta ah ee soomaaliyeed ayankoo diiday fatwadii culumadii waa wayneyd ee soomaaliyeed

  3. Abu fatima says:

    Wax layaableh waxaa ah in ninwalbaba wax baan qorayaa yiraahdo waxaase kasii yaab badan ninbaa rabay inuu caayo rag walaalihiisa waxaase cadaatay inuu naftiisa caa yaayo waayo maba uu fahmin wuxuu soo qoraayo waxaana kusoo koobayaa (5) :qodob
    Waa tan koobaade qofmagicii uu labaxay in lagu ceebiyaa waa jahliga nooca ugu xun waxaana layiraa jahli marakab qof qof magaciisaba kula doodaaya markhaatiga qoraalkiisa laga qaadanayaa waa inuu yahay dayaac akhrintiisu
    Waa tan kale caalimka rabaanigaa astaan miyuu uyahay qofmagiciis ama urur magiciis mise wuxuu astaan u yahay cilmi camal iyo cabsi alle caalimka kuhaya jihaad majiro soomaaliya ayadoo wuu cayni noqday markii ay gaaladu rideen imaaradii islaamka oo axmed guray iyo wixii kadambeeyey maantana oranaaya walaahi gaalka ugaandhayskaa ladagaalankiisa iyo dilkiisa jano inaan lagu galayn ee waa xarbu fitan caalim rabaaniya ninka kusheegayaa waa uun laba midkood qof been sheegaaya ama xasad labaduba waaastaanta ducafada asxaabu hinaasa
    Waa tankalee raga uu maagay rag kawaa wayn oo culumo ah oo waliba ictisaam kamida ayaa duray bayaankii garoowe oo Sh Jaamac cabdi salaam iyo Sh xasan daahir iyo raga lamid ihi iyana ma juhaal magacooda qarinyaa
    Waa tankalee lamaba yiraahdo caalim sheekhu haduusan kudhaqmayn cilmigiisa waxaabase kasii daran waajibaadka shiikha kataga waaba faasiq ayey culumada salafku dhihi jireen jihaadka caynigaa qofka katagaana waa faasiq anigu marka culumada dhihi maayo waa fusaaq waxaanse sheegayaa in culumadii salafku kutilmaami jireen faasiq inuu yahay waajibaadka ninkii katagaa

  4. wax oge says:

    nin USA qol mukayif ah ku jira oo aduunyo intaasoo badood gadaashood risqi daraadiis u maray dad mujaahidiin ah oo ilaahay inay u runsheegaan raba oo gaaloo dhanna wada goobayso wax ka sheegayo kolay asagay jirtaa ee ninkii wax ka dhagaysan lahaa baa la rabaa

  5. ASC dhamaan wwaan salaamay islaamka gaar ahaan somaalida waxaan leeyahay culimada somaliyeed faraha halaga qaado. ururka al ictisaam waa urur ay ku mideysanaayeen rag aqyaara waxey ku qaldameena waxay u ahaatay sheydaan waxey saxeena waan ku taageereynaa JIHAADKA CAALAMKA KA SOCDA WAA JIHAAD QOF KA FARIISTA IYO QOF TAAGEERA MIDNA UMA JOOGSANAYO WAA JIHAAD XAQA . MIDA LABAAD SALAFIYA WAXAAD DHAGETYSATAAN SH.C\LAAHI LAKARI MARKA UU KA HADLAYO ALFURQAH WEBKA http://WWW.MAKTABADA.COM WIXII SALAF KA SOO HARAY WAXA UU KU SHEEGAY INEYB WADADA GAFEN LAAKIN WAXAAD WWEYDIISAAN SH.LAKARI WAAGII UU AL ITIXAAD KA TIRSANAA UU HORKACAYEY DAGAALKI GEDO , WAR MEESHAAN WAXAA LAGA WADA CARARAA WAA IRHAABI EE WADAAD MEEL KA HADLAY IYO MID SHEEGANAYA AQOONYAHAN MIDNA UMA ISTAAGAYO

  6. SCWXWB:
    Labada Saaxiib ee salaad iyo C/waaxid maqaalka waad garab marteen ee bal nuxurkiisa dhugta oo fiiro kale ku celiya.
    Waxaad labadiinuba ku khaldan tihiin in Culumada soomaaliyeed aan soo taxay aan ka afeeftay in ay kala xarakaat yihiin se aan waliba u Aqoonsan nahay in ay Culumo yihiin marka khlilaafkooda farciga ah haddaad ka hadashaan waad ku khaldan tihiin, maxaa yeelay faraca oo la isku khilaafaayi waa Raxmad iyo taysiir ee la socda.
    midda kale Culumada Al-Ictisaam haddii ay Dagaaladii hore ay galeen ku cibro qaateen maanta wey ku saxan yihiin in aan Muslimiin Dhiigooda lagu banaysan ta’wiil Khalad ah oo Jihaad lagu sheegay !!!! Midda kale waxaad isla qabtaan Amaanta Al-shabaab se awaay naxariistii Diinta iyo Naseexaddii xaggey ka martay haddii maanta aan masaajid ku kaadiyo waxaan hubaa Al-shabaab in ay igu xukumi lahaayeen Dil , ayadoo lala qabo Daliilkii camalkii Rasuulka ee ninkii Reer Baadiyaha ahaa iska daayo oo biyo ku shuba yiri .
    Xukunka xadka ah ay fuliyaanna waa sidaas oo kale ilaa hadda Markhaati dadka la dilay lagu soo oogay ma hayno ogaantay !!!waxaan haynaa wuu Qirtay ,Wey Qiratay, sahal xuduudii oo dhanba ( Al-Iqraaru waa xujatun Qaadica )aaway Xadiiskii Asalka u ahaa Xuduuda sidii uu nabigu yiri NNKH ( Idrarul Xuduuda Bil Shubihaat ) aaway Qisadii Caamu Majaaca ee Cumar bin Khidaab !!! labadaas nas waxaan u Dardaarmayaa Baravo Shongole’ oo ah Xaakimka weyn ee Al-shabaab.

  7. C/Waaxid says:

    Asalaamu calaykum.

    ALLAAHU AKBAR

    Ma maantaa Ictisaam iyo Salafiyo Jadiida hal koox isku noqdeen? Maxaad noo waaleyseen markii 1995 masaajidka sixth Street ee Nayroobi Ictisaamka iyo Salafiyo isku heysteen: Imaam la’aan ma la jihaadi karaa?

    Maxaadse ka dhahaysaan markii culumada ugu waaweyn ee Ictisaam lahaayeen 1996-kii lacag haloo aruuriyo dagaalkii Luuq ku dhexmaray Al-Itixiaad iyo Tigree iyo Tigree-raac?

    Miyeyna nimanka Maraykan jooga ee Ictisaam ku jirin Al-Itixaadkii Luuq joogay?

    Dadka ma xoolaad u maleyseen meeshii la rabo loo duwi karo?

    Teeda kale goormaa da’ weynaantu keentay in lagu kala aqoon bato? Yaase ku yiri: macallinkaaga kama aqoon badan kartid? Mise maba daalacan in Nabigu (SCW) Xajkii sagootiska ku sheegay inay dhici karto in qof khudbadiisa dhegeysanayey u gudbin karo qof kale oo ka meeleyn og? Ogoow dadka khudbada dhegeysanayey waa saxaabadadii (RC). Imisa sheekh ka aqoon badnaa sheekhyadii wax soo baray. Ka warran Imaamu Bukhaari? Imaamu Shaafici?

    Horta Shabaabka iyo Salafiyo Jadiida mid baa saxsan maxaa yeelay Ictisaamku markii hore Salafiyo bey ku khilaafeen waxay hadda sheegayaan. Hadday Shabaab saxsan yihiinna Ictisaam waa ka baxeen khadka. Teeda kale waxaa la rabaa in Ictisaam raalligelin siiyaan ummadda Soomaaliyeed ileyn iyagaa Al-Itixaad ahaa oo dagaal ku jiree. Markaan leeyahay Al-Ictisaam kama wado in mid kasta oo ka mid ah dagaalladii Al-Itixaad raalli ka ahaa laakiin intooda badan waa taageereen. Markaas kaddib waxay rabaan ha sheegeen.

    Muslimka marka laga hadlayo, waxaa ugu saxsan oo waddada saxda ah ku taagan kuwa gaaladu ugu neceb tahay. Ilaahay hortiis, gaaladu Ash-Shabaab bey u neceb tahay dadka Soomaaliyeed.

    Asalaamu calaykum

  8. M salad says:

    Asc walalka waxan ugu nasixeynaya in uu gorsoro asaga naftisana uu ku dabaqo wajhul istitlalka run ahanti aniga ma ahi ragad is heysan ictisam waxey so saren fatwo waxeyna isku maga caben culimad somaliya wana bililiqo loo geystay magaca culimad kala duwan tan labad jihadka marki dhulka muslimin lagu so dulo wa fardul ceyn waxad na ku mithalisay in kii dalibiga ahaa oo ad tiri cilmi ayay ictisam aqrinayen waxad kalo layab leh in aad jihad fardu ceyn ah aad u shardisin imaam hakenan hal qowl oo culimadi hore ah imaam axmed bin xanbal bana arintas aad u fahfahiyay wuxuna ku tilmamay wadada arinas amin san iney yihin qucad juhalo culama u suu,culmada islamka waxay ka hadlen in hadi niman buqat ah ay magalo qabsan ay xugun ka fuliyan u xukun koda an saxayo arinta kale 1998 doodi ka dhacday hargeza oo dhaxmartay godane iyo mid jadidiyo ah uu sheikh cali war same dhax dhaxadka ka ahaa mowduci takfirka aha uu yiri mid walba ibnu teymiya ayu so dalil sanaya waxa hadalkisa is burinayo wa ibnu teymiya wana qalad an hortisna cidi oran,tankale ictisam wagi garowe ay jogen 2008 iftadodi ayka diyariyen garowe ay ka cabsaden iney garowe ka dhahan itobiya halagu jihado ilaa dhusa mareb kaga dhawaqen maxa yelay putland itobiya ayey ka amar qadata waxan kalo qoraga weydin laha culimad ad mesha ku so qortay sida qarkod qarka kale u radiyen waxad mel iskugu kentay dab iyo bazin lakin waxa ayka siman yihin waa qucad nimo maxa yelay itobiya in lala dagalo iyo amisom maxa farqi ah oo u dhaxeya shirkodi xamar waxay yirah den dasturka waxyaba yar baa galnimo ah, lakin waxan lenahay sharci dajiya yasha haday u codeyan in qamrada qofki caba afartan karbash lagu dhufta sida sharecadu qabto aysan shareco ahayn maxayelay masdarka laga soo qatay baan ahayn mid ilahi ah ee wa wixi la isku raco arinta xududaha islamka lagu kala goynayo jabuti hadad tagto ad ajnabi katahay ama gaariso ayey ic tibaariyen waxan ku leyhay mujahidinta caydoda iska ilaali ninka la yirahdo zaylici waxa uu 1983 ka dagalam

  9. ostan says:

    scwxwb:
    waxaa la isku raacsan yahay waa in alshabaab aysan culumada soomaaliyeed u hogaamsaneyn,sababta oon garan la,aa baa Qoruhu si cad iigu bayaanshay markuu ka hadlaayey bidcada ay la soo baxayn ee Bidcatul shuyuukh Al-jihaad.