Home » Warar »

Imtixaankii usocday Ardeyda Jaamacadda Muqdisho oo soo Gabagaboobay

Ardada waxkabarata jaamacada muqdisho kuliyadaheeda kala gedisan ayaa waxaa usoo gabagaboobay imtixaankii ugu danbeeyey ee simisterka labaad sanad waxbarashadeedka 2009-2010 ee jaamacada muqdisho.

Halkan ka daawo sawirada Ardayda oo imtixaanka ku jira

Imtixaankan oo socday muddo 10 cisho ah ayaa waxa uu soogaba gaboobay June 07, 2010.

Madaxa qeybta imtixaanaadka jaamacada muqdisho Dr-maxamed xasan nuur ayaa waxa uu sheegay in uu maanta (June 7 , 2010) usoo gabagaboobay imtixaanaadkii mudada 10 tobanka cisha ee usocday, waxuuna sheegay in ay ugu dhamaatay si,guul ah wuxuuna ilaah ugu mahadceliyey sida uu ugu fududeeyey.

Dufcadaan imtixaanaadka ka qalinjebisay ayaa hayad dufcadii 10 aad waxayna imtixaanka ugu soogabagaboobay si, guul leh.

Dhanka kale waxaa hambalyo ku aadan dhameystirka ama gabagabeynta imtixaanaadka ujeediyey gudoomiyaha jaamacada muqdisho Dr-cali sh axmed abuubakar wuxuuna urajeeyey guul iyo inay siiwataan waxbarashadooda.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Imtixaankiina waxa uu ku soogabagaboobay jawi aad uwanaagsan.

C/naasir yuusuf macalin (ganeey)

Qeybta warfaafinta jaamacada muqdisho

Muqdisho-somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Imtixaankii usocday Ardeyda Jaamacadda Muqdisho oo soo Gabagaboobay "

  1. abdihakim says:

    Asalaamu calaykum wr.wb
    salaan kadib waxaan halkaan uga hanbalyaynayaa jaamacada mugadisho dadaalka weyn ee marwalba ugu jirto sida ay umadaan jahliga uu dilowday sidii ay nuga saari lahayd waxaana lee yahay jazaakumullaahu khayran walaalka aasaasay jaamacadaan iyo dhamaan walaalaha ku garab istaagay sidii ay uhirgeli lahayd waana aragnaa miraha jaamacada waxayna ku tusinaysaa waxkasta oo laga runsheego ikhlaas ahaan inuu ALLE run ubadalaayo umadeena maanta waxay dhibaatada uga bixi kartaa waa inay ALLE utoobadkeento dhanka waxbarashadana ay ujiheesato marka uu qofka waxbarto waa uu kala garankaraa waxa sahan iyo waxa qaldan marlabaad waxaan dhamaan umada soomaaliyeed ku baraarujin lahaa in loo soo jeesto waxbarashada ubadkeena aan ku barbaarino waxbarasho qofkasta oo waxbartana cagihiisa ayuu ku istaagi karaa meelkasta oo uu aduunyada ka tago wabillaahi tawfiiq.