Home » Faallo »

Habka Ugu Sahlan ee Is-Hormarinta Qofeed | Cabdikamaal

Hordhac

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh,nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Qoraalkan oo taxane ahandoona haduu Alle idmo, kuna saabsanaandoona “Habka ugu sahlan ee  is-hormarinta qofeed”. Sababaha igu kalifay in aan wax ka qoro mowduucan ayaa ah, kadib marki aan u kuur galay qoraalada loogu faa’iideeyo bahweeynta soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa is-hormarinta ku salaysan, ayaan arkay in eey aad u yaryihin shacabkuna u baahanyahay in badan oo wacyi galin ah. Sidoo kale waxaa badatay kuwo ku wajahan dhanka siyaasadda. Waxaa kaloo soo badanaya da’ yarta rabta inay ku tilaabsato mustaqbal fiican, una baahan hagid joogta ah iyo tusaaleyn wacan. Sidoo kale, in badan oo bulshadda ka tirsan ayaa si joogta ah u isticmaasha internetka, akhriyana qoraaladda lasoo qoro. Intaas iyo in kasii badan ayaa igu dhiira galisey in aan wax ka idhaahdo/qoro mowduucaan kaas oo aan ugu tala galay in aan kaga qeyb qaato dhiira galinta cid kasta oo daneyneysa in eey is hormariso.

Qeybta 1-aad ee maanta aan rabo in aan usoo gudbiyo akhristayaasha waxay tahay: Waa maxay is-hormarin qofeed? Maxayse tahay muhiimadda ay leedahay? Waa maxayse tiirarka ay ku qotonto ama ku taagantahay?

Muddo dheer oo aan u kuur galay hormarinta qofka (Personal development) iyo hormarinta maamulka (Administration development), waxaa iiga soo baxday in macnaha rasmiga ah ee hormarinta qofeed aysan laheyn qeexid laysku waafaqsan yahay ama heshiis lagu wada yahay. Qoraa kastana si buu  u qeexaa, in kastoo isku dayo badan ay sameeyeen khubaradda maamulka, tababarayaasha, iyo kuwa xiiseeya Is-hormarinta qofeed, ayey ku sheegeen sida tan: Is-hormarinta qofeed: waa hannaan shareecada islaamka waafaqsan,  qofkuna ku hormarinayo ama ku raadinayo xirfad, cilmi, dhaqaale, hab-dhaqan toosan, iyo xeriir bulsho, taas oo gaarsiinaysa inuu dareemo raali ahaansho(personal satisfaction) iyo nabad gudaha ah, kuna kaalmeyneysa inuu diiradda saaro sida uu ugaari lahaa hadafyadiisa nololeed, iyo sida uu ugu guulaysan lahaa culaysyada soo wajaha, ee hakinaya horusocodkiisa.

Qeexitaankaan wuxuu ku dhisan yahay qodobo muhiim ah oo kala ah:

Hadafka/Yoolka guud ee qofka muslimka ahi uu nolosha ka leeyahay ayaa waxeey tahay in uu gaaro  raali ahaanshaha Alle, galana Janadiisa. Sidaa daraadeed, waa inuu udhaqmaa qofku hab gaarsiinkara Yoolkaa, una camal falaa si uu u gaaro hadafkaas. Intaas waxaa dheer dhamaan Ahdaafta kale waxay kaalmeynayaan hadafkaas nololeed ee guud. Tusaale ahaan Ahdaafta kale ee qofka waxaa ka mid ah inuu hanti tabco. Hadaba waa in lagu tabcaa wado Xalaal ah si ay u kaalmeeyso hadafka guud ee nolosha.

Isku soo wada duuboo Is-hormarinta waa in ay tahay mid ku salaysan ama waafaqsan diinta Islaamka. Qofka loogama baahna inuu ka raadiyo Is-hormarintiisa waxyaabo aan waa faqsaneeyn shareecadda Islaamka. Is-horamrinta waxaa sal u ah xoojinta sidii uu u dahiri lahaa qofku nafsadiisa si uu u gaaro dhameystirnaanta Iimaanka ama sare ugu qaado. isla markaana uu ka fogaado wax kasta oo hoos u dhigaya Iimaankiisa. Sidoo kale Is-hormarintu kuma xirna da’ ama xili go’an, ee waa hawl joogta ah oo looga baahanyahay qofka. Isla markaana uu ku dadaalo wax kasta oo ka qeyb qaadanaya hormarkiisa, ha ahaato Cibaado fara badan, cilmi kororsi, abuuris xeriir fiican oo bulshada dhexdeeda ah.

Muhiimadda ay leedahay Is-hormarintu waxa ka mid ah:

  • Ugu horeyn ma jiraan aduunkaan wax sugan, ee isbedel joogta ah ayaynu ku jirnaa, sidaa darteed waxaa loo baahanyahay sidii loola qabsan lahaa isbadaladaas, uuna qofku si joogta ah  isu hormarinlahaa si uusan uga harin Tareenka nolosha.
  • Waxaa kaloo jirta baahi joogta ah oo ah dhinaca xirfada iyo macluumaadka intaba, qof kastana wuxuu  u baahan yahay si joogta ah inuu u baadi goobo.
  • Suuqyadda shaqadda ma naxariistaan ee waxay u baahanyihiin xirfado cusub iyo macluumaad dheeri ah. Hadii aadan aheyn qof si joogta ah isku hormariya, tartanka shaqadda waad ka hareysaa, wayna kugu adkaaneysaa in aad la qabsatid shaqadda.
  • Culaysyadda nolosha soo wajaha weey badan yihiin sidaa daraadeed waxaad u baahan tahay in aad markasta baratid tabaha iyo sidii aad ula dhaqmi laheed ama uga gudbi laheed Culeeysyadaas.


Tiirarka eey ku taagan tahay Is-hormarinta

Wax kasta sal iyo asaas ayey leeyihiin, hadaba halkan waxaan si kooban ugu sharxi doonaa Shanta Tiir ee Is-hormarintu ku taagantahay. Waxayna kala yihiin sidan hoos ku qoran:

  1. Waa in aad istaqaano

Qofku waa in uu isweydiiyaa kumaa tahay? Maxeyse tahay awoodaada iyo xirfadda aad leedahay? Hadii uusan qofku su’aalahaas jawaab rasmi ah u helin, waxaa ku adkaan doonta inuu Is-hormariyo.

  1. 2. Waa in eey kuu cadahay waxa aad ka damacsantahay noloshaada.

Waxaa loola jeedaa qofku waa in uu leeyahay qoraal cad oo cadeynaya hadafka uu leeyahay kuwo dhow (Short term goals) iyo kuwo fogba (Long term goals). Hadafyada fogi waa kuwa lagu higsado gaaritankooda mudo ka badan sanad sida in uu qaato degree jaamacadeed iwm. Hadafyada dhawi waa kuwa lagu higsado  gaaritaankooda mudo sand ama ka yar ah,waxeeyna u adeegaan sidii lagu gaari lahaa hadafyada fog sida barasho loqadeed iwm. Taasi macnaheedu waa in qofku leeyahay meel uu ka duulayo, ogyahayna meesha uu u socdo, laakiin hadii uusan ogeyn meesha uu u socdo iyo meesha uu hada joogo waxaa cad in uu ku fashilmayo is-hormarintiisa.

  1. 3. Waa in aad taqaanid sida aad ula dhaqmi laheyd naftaada iyo dadka kale intaba

Waa in aad taqaanid waxa aad ka rabtid ama ka damacsantahay nafsadaada iyo tan dadka kaleba, aadna ka dhaadhicin kartid waxa aad damacsantahay, weydiin kartidna waxa aadan fahmin, adigoo adeegsanaya qaabka iyo sida ugu wacan ee lagula xeriiro dadka kale. Hadaba waa lama huraan in aad hormarisid xirfadaha kaa kaalmeynaya xeriirka iyo bulshanimadda, isla markaana aad ogaatid in ay lama huraantahay in aad xeriir fiican la yeelatid dadka kale, ogowna waxa kula saxani, qof kale waa ay la qaldanaan karaan. Tusaale ahaan 20 qofood hadii aad weydiisid “Maxaa la dhahaa GUUL?” mid kasta sib uyuu kuugu sheegayaa  taasoo ah sida uu u arko inay tahay guusha macnaheeda. Sidaa darted waa in aad taqaanaa sida aad ula dhaqmi laheyd naftaada iyo tan dadka kale intaba.

  1. 4. Waa in aad leedahay xirfad aad kaga faa’iideysankartid hantidaada

Waxaa loola jeedaa in aad leedahay hanti aad uga maarmi kartid in aad dad kale  wax weydiisatid.Soomaalida ayaa tiraahda “Bukto badan iyo Baryo badan waa la isku nacaa” Taasi waxay kugu dhiiri galinaysaa in aad abuuratid illo dhaqaaleed. Maxaa yeelay hadii aadan heysan lacag aad isku hormarisid ama aad isku maal galisid Is-hormarintu wey adag tahay in ay sidii la rabay noqoto.

  1. 5. Waa in aad leedahay Xirfado aad wax isku bari kartid

Tani waxay tilmaameysaa awooda aad u leedahay in aad si fudud ama dhaqso ah ku heli kartid kuna kobcin kartid macluumaadka iyo cilmigaagaba, adigoo adeegsanaya marba xirfadda aad u baahantahay ee kaa kaalmeyneysa waxa aad ubaahantahay. Tusaale ahaan maanta oo caalamkii uu noqday tuulo oo kale (Global village), oo macluumaad kasta aad ku heli kartid muddo kooban, bal kawaran  hadii aadan aqoonin sida loo adeegsado internet-ka. Sidaa daraadeed waa in aad abuurtaa amaba kordhisaa xirfadaha kugu saacidaya kororsiga cilmiga.

Shantaan tiir ee aan soo sheegay, ayaa u ah jiridka ay ku taagantahay Is-hormarinta, la’aantoodna ay adagtahay inuu qofku Is-hormariyo.

Gabagabo iyo Gunaanad

Qormadeenan 1-aad waxaan si kooban uga hadalnay “waa maxay Is-hormarinta qofeed? Muhiimadda eey leedahay iyo Tiirarka eey ku qotonto. Kulankeena xiga ayaan kusii lafo guri doonaa qeybaha kale ee mawduucaan. isku daygaan aan sameeyey ee ku aadan sida aan ugu faa’iideyn lahaa qofkasta oo jecel inuu Is-hormariyo. Wixii sixid qaladaad, tusaaleyn ama  talo ahba adoo mahadsan fadlan iigu soo gudbi cinwaanadeydan hoose.

Mahadcelin

Waxaan halkan uga mahadcelinayaa saxiibkeey Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”, Maxamed Amiin Cabdi Cismaan iyo Axmad Garaad.

W/D: Cabdikamaal Maxammed Sheekh C/laahi
Master of Management-candidate
Graduate School of Management

International Islamic university, Malaysia

Mobile : 0060173565278

Email:kmlsom@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

16 Jawaabood " Habka Ugu Sahlan ee Is-Hormarinta Qofeed | Cabdikamaal "

  1. Mash Allah!

    Aad baan ula dhacay qormadan. Waa mid ku wajahan bahda waxbaranaysa ee rabta in la hago. Waxaan rajaynayaa inaad qormadan sii wadi doontid.

    Allaha ku xifdiyo oo ku barakeeyo.

    Yuusufbile

  2. aad iyo aad ayuu umahadasanyahay qoraagu waa mowduuc loo baahnaaa in laga hadlo oo munaasaba xiligan

  3. waad ku mahadsantahay qoraalkaan aadka u habeysan

  4. aad iyo aaad baad u mahad san tahay

  5. A.dheere says:

    bismi-allah, eebe ayaa mahad oo dhan leh, nabadgelyo iyo naxariisna nebigena suban csw.
    marka hore cabdikamaal arin fican oo waxtar leh ayad ummada somaliyed usoo gudbisey qofkii wax ku qaadanaya oo ka faidaysanaya aqoontan
    waxad isoo xususisay xili 2003 aan wax ka baran jirey college ku yaal dalka holland maado la yirahdo ( assertiviteit en bekwaamheid (assertiveness and job-ability) afka somaligana ku noqonaysa barashada qofku barto naftiisa ama isu hormarin laha, habla-dhaqanka dadka iyo arimaha shaqada oo dhan shaqale iyo shaqodone labadaba. eebe mahadii waa tan iisuurto gelisey inan naftayda u jaheeyo shaqo, waxbarasho iyo reer dhisid aan markii hore go.aan adag ka qadan jirin lakin iska ahayd uun just day dream ama riyo, waana tan aan kaga maarmay ama uga kaaftomay marfash iyo golaha dan la.anta. ugu danbayntii qoragu aad buu mahadsan yahay waana ku dhiiri-gelinaya hawshan, arinta kale somalidu u bahan tahay waa inay ku xisabtaman goor-sheegta ama saacada waayo noloshu waa saacad hadii adan goyn iyada aya ku goynaysa.
    waxan sugnaba waa qoralada danbe aqonyahan cabdikamaal
    guul iyo gobanimo to all my people somalians.

  6. Adam Blue says:

    Ilaahay ayaa mahadaa iska leh waa marka xigtee c/kamaal aad ayuu ugu mahadsanyahay dhambaalkan xambaarsan is horumarinta qofeed (personal development) waana mawduuc dhinac walba taabanaya xag diini iyo xag cilmi ahaaneedba…

    Mahadsanid

  7. a,shakur says:

    asc.w.w.
    maanshaa allaah alle haku xafdiyo kamaal, wanaag baad bilawday iinshaa allaah inaad dhamaystirto ayaan alle kaaga rajaynaynaa , aadbaa loogu riyaaqay moowluucad , dhamaystir wanaagsan iinshaa allaah, .
    intaa ka dib waxaan kaa codsanaynaa inaad , noo so bayaaniso qaybta labaad oo aad noogu kala dhigdhigto, sidaad qaybtii horeba ukala dhigdhigtay iinshaa allaah , miizaanka xasanaadka alle hakuugu daro, w.w.w.

  8. C/xakiim says:

    Waad mahadsantahay sxb,

    Qoraalku waa mid qiimo badan laakiin markaad dhamayso isju day in aad buug ka samayso waayo buugta soomaaliga ku qoran ee maamulka aad ayey u yaryihiin ama ma jiraan.

    Salaam

  9. ASALAAMU CALAYKUM…Si gaar ah ayaan kuusalaamayaa faalle qore:cabdikamaal,inkastoo aan akhriyey faallooyin lagu soo qoray webkan aabbaha cilmiga ah ee somalitalk,runtii faalladan waxaan u arkay mid aan dastuur kadhigan karo,waanba kadhacsanaa in lays horumarinkaro,. waayo,faallo siyaasadeed ayuunbaa sxb idawakhisay , horumarka wadanka iyo sheeko laalaa ayuunbaan kadhamaan waayey.laakiin hadda waxay tani ii noqotay,mid waxbadan ixasuusisay iyo hami badan oo aan horay urajaynayey in aan kudhaqaaqo.sxb cabdikamaal,dhaqanka qorayaasha ayaa ah in ay faallo yidhaahdaan waxaanu idiinku soo tebinaynaa si joogta ah,haddana markay meel macaan marinayaan ayuunbaa lawaayaa, taa kadigtoonow ilaa aad ka odhan doonid dhamaad iyo laba dhibcood sii wad.. markaad soo bandhigidda qoraaladan aad isdayaalka kusuntatay sxb halkaa hanooga tegine,bal xoogaa xagga cilmiga iyo sidii suuragal utahay iyo sidii qofku noloshiisa umaarayn lahaana bal falageeda qabo annagana taagero ayaan kuu muujinaynaa..alle hakaa abaal mariyo,camalkaaga ula niyood in aad dar alle usoo gudbinayso,ee aanay kaa ahayn anna waa ikane iyo waan qori karaa wax…annana alle hana waafajiyo sida ugu wanaagsan ee aanu uga faaiidaysanayno!!!!
    by:cabdiraxmaan ismaaciil digeed

  10. Aw jaamac says:

    Waa qoraal aad iisoo jiitay, waadna ku mahadsantahay saxiib C/kamal. halkaasna nooga sii wad

  11. Anas says:

    Salaam

    Waxaan marka hore u mahadcelinayaa qoraaga Mr. Abdikamal sida wanaagsan ee uu u soo bandhigay mowduucaan “Personal Development”.

    Mida kale, waxaan kula talin lahaa in uu xooga saaro mowduucyada ku aadan xagga ardeyda Soomaaliyeed ee daneyneysa sidii ay isku horimarin lahaayeen kuna guulaysan lahaayeen hadafkooda.

    Mahadsanid

  12. xaawo says:

    Lool, Waxaan kaa sugnaaba waa qeybaha kale, runtii qoraalkaan wuxuu idareensiiyay in aan horay usii socdo, waxaanse la yaabay sida cilmiyeeysan ee uu qoran yahay maqaalka iyo sida uu isku raac raacayo, asagoo qeyb qeyb uwada socda.

  13. Mahad oo dhan ilaah ayaa leh salaan iyo naxariisna ilaah ha gaarsiiyo nabigeeena .. akhil xabeeb Abdikamal Maxamed Sheikh Cabdullahi aad iyo aad ayaad ugu mahad san tahy qoraalkan qiimaha badan ee aad soo diyaarisay runtii waxaan dhihi karaa waa mid muhiim u ah dhamaan shacabka soomaaliyeed kuwa wax qora ama kuwa wax akhriya .. waad ku mahad san tahay ilaah dartiisna ha ka dhigo camalka aad qabtay ajarna ilaah ka kaa siiyo walaal
    mahad sanid

    walaalkaa
    Mohamed Mombasa

  14. Siidii says:

    Kheyr badan allaha kaa siiyo walaal.

  15. cadde nuur says:

    qoraalkan ama faladan waa faala aad mhiim u ah loona baahanyahay inuu qoraagu noo sii wado si aan wax yaabo badan oo naga maqan ooga faaideysano waxuuna qoraagu saldhig ooga dhugay warbiintiisa shereecada islaanmka waa arin muhiim ah oo aan ooga mahad celineeno qoraaga

  16. yusuf says:

    Waa mowduuc loo baahnaa, allaha ajir badan kaa siiyo, aad ayaan ooga faa’iideysanay, dhab ahaantii wali ma arkin mowduuc soomaali ku qoran oo sidaan u hadlaya