Home » Faallo »

Dib usoo laabashada Turkey, riyo u muuqata in ey rumoobeyso (W/Q Axmed Caadle)

Bismillaah, 1928 markii laga saaray dastuurka turkiga qodobkii qorayay “The Religion of the State is Islam” diinta wadanka waa islaamka, islamarkaana lagu dhawaaqay in nidaamka jamhuuriyada uu yaha calmaani (Secular), waxey caalamka islaamka u aheyd waayo xanuun badan, aniga waxaanba u arkaa in ey kaxanuun badneyd jabkii muslimiinta kasoo gaaray burburkii dowladii Andalos, waxaana sidaa uleeyahay maadaama turkiya ey aheyd dowlad islaami xoog leh tii ugu dambeysay, islamarkaana ey hogaamineysay khilaafah islaamiyah tii ugu dambeyay.

Turkiya kuma eysan ekeysan katagida kudhaqanka islaamka, balse waxey kamid noqotay wadamada ugu colaadiska badan shacaa’irta islaamka, waxaa laga mamnuucay goobaha waxbarashada iyo bulshada in lagu xirto xijaabka, waxaa lamamnuucay fidinta islaamka, xataa waxaa lamamnuucay in luqada carabiga lagu aadaamo, inkastoo marki dambe la’ogolaaday, turkiya waxey si macangagnima ah ugu shaqeynjirtay nidaamkaas wixi kahoreeyay qarnigan, balse 2003 wixi kadambeeyay waxaa ladareemi karaa isbadal iyo in turkigu u xiisay hogaaminta caalamka islaamka mar labaad.

August 14, 2001, waxaa dalka turkiga looga dhawaaqay xisbi u janjeera dhanka islaamka oo lagu magacaabo Xisbiga Cadaalada Iyo Horomarinta (Justice and Development Party), lagayaabee in xataa dadka aas aasay xisbiga eysan kufikireynin in hal sano gudihiis ey gaarayaan horomar balaaran ilaa heer ey lawareegaan hogaanka ugu sareeya dalka. Doorashadii November 2002 waxey kadhigneed in dadka reer turkey af cad ku dhahayaan “ waxaan uxiisanay magac islaam”, waxey cod aqlabiyad ah ugu shubeen xisbigan sanad jirka ah ee lagu sheegay in uu islaamka u janjeero, arintaa oo u gogol xaartay in ra’iisul wasaaraha xilka haya ee Rajab Dayib Erdogan uu hogaanka u qabto dalka Turkey.

Muda dheer kadib waxaa mar qura aqalka madaxtooyada lagu arkay haweeney ra’iisul wadaare qabo oo xiran qamaar, taa waxey muujisay in xijaabki iskuulada laga diidayay uu si lama filaan ah kugalay hoygii dalka oo idil laga maamulayay, arintaa waxey siday fariin cad oo muujineyso in wax uun turkey iskabadalayaan.

January 2009, shirkii Davos, Switzerland waxaa kadhacday dood natiijadii kasoo baxday cid waliba lama filaan kunoqotay, doodaa waxey dhex martay ra’isul wasaaraha turkiga Erdogan iyo madaxweynaha dowlada aan dhulka qabin ee Israel Shimon Peres, dooda ayaa waxey kusaabsaneyd dagaalkii xad gudubka ahaa ee Israel kubaabi’isay muslimiinta Gaza ee reer falastiin, Shimon Peres ayaa waxey kunoqotay fajaciso markii uu arkay Rajab Dayib oo farta kusoo fiiqaya asagoo dhahay “Mr. Peres wuxuu u hadlay kor si uu uqariyo dambiyadiisa waxaan aad uga xumahay dadka kuu sacab tumay, waxaa dishay dad, arintaana waa wax xun” oday Peres ayaa indho calool xumo leh ku eegay Erdogan. hadaladii arintaa laga yiri waxaan kaxasuustaa hadal kasoo baxay dowlada France oo kamid aheyd dowladihii udoodi jiray in turkey sitooso loogu daro midawga yurub, France ayaa waxey tiri “ waxaa cad in turkigu uu kabeeyrayo wadadii calmaaniyada”.

Waxaad moodaa in dowlada France eysan kuqaldaneyn arintaa oo wixi kadambeeyay maalinkaas waxaa isbadalay lahjadii turkey ey u isticmaali jirtay Israel, waxaa aad ujilacday siyaasadii turkiga ee caalamka islaamka, turkiga waxey toos ugarab istaagtay qadiyado aan hora loogu baran, waxaa kamida qadiyada falastiin ee ey carabu dayacday.

Doomaha Xuriyada (Freedom Flotilla):

Gobalka Gaza ee dhulka filastiin wuxuu go’doonsanyahay dhowr sano, raashin iyo macaawino aanan cadawga Israel gacantiisa marin looma gudbiyo dadkaas xaqa laga galay ee reer filastiin, dadku waxey udhintaan baahi iyo jiro, caraboo idilna waxey habeen iyo maalin lasoo taagantahay (al mubaadara al carabiyah), Dowlada masar oo kamida dowladaha ugu tunka weyn carabta iyo guud ahaan islaamka waxey xuduud lawadaagtaa gobolka lago’doomiyay ee Gaza, uma ogola hal falastiini in uu xadka kasoo talaabo, sidoo kalane waxyaabaha ey dadkaa ubaahanyihiin uma gudbiso, arintaa oo ilaa iyo hada sharaxaad loo la’yahay.

Usduulkan lamagac baxay XURIYADA wuxuu kasoo dhaqaajiyay Turkey, wuxuu ka koobanyahay dhowr doomood oo sida dawo, raashin iyo nafaqo, hadafkiisu waa in uu jabiyaa go’doonka halka dhinac ah ee lagu hayo reer Gaza, aqristow waxaa lagayaabaa in aad isweydiiso maxaa sababay in dawo lagasoo qaado turkey oo dhowr bad lasoo marsiiyo?, aaway macbarkii Rafax ee u dhaxeeyay masar iyo Gaza?, waxaa adag in lahelo jawaab wax qancisaa, balse su’aashaasu waa mid wareerisa qof waliba oo kufikira.

May 31, 2010, maalinimadii isniinta ayey aheyd markii doomaha dagaalka ee Yahuudu weerareen maraakiibtan dulmi diidka ah ee kasoo shiraacday Turkey, waxey weerartay inta eysan soo gaarin biyaha falastiin, waxey kudishay dhowr qofood, inta kalane waa ey qafaaleen, taa oo ey siyaasiyiintu kufasireen guuldaro siyaasadee oo ey Israel lugta lagashay.

Turkey inkasto oo ey ku guuldareysatay in ey Gaza si nabada ku takto, hadana waxey awooday in ey sameyso wax ey samey waayeen carabta dhiiga iyo dhulka lawadaaga falastiin.

Hadaba su’aashu waxey tahay isbadalkan dhanka suuban u janjeera ee turkey-ga halkuu gaari karaa?, Malaga yaabaa in turkey uu kusoo laabto hogaaminta Islaamka?, Malaga yaabaa in Turkey ey kamiro dhaliso qadiyada reer falastiin ee guracan?, malaga yaabaa?, waayaha ayaa cadeyn doona waxa dahsoon.

Wassalaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatuh.

W/Q Axmed Caadle
Caadle2@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Dib usoo laabashada Turkey, riyo u muuqata in ey rumoobeyso (W/Q Axmed Caadle) "

  1. As/cl
    Waa farxad weyn in islaamka uu fidayo waxaana usheegaa in gaalada & gaala raacyaasha ay dhammaatay amaba ay sii dhammaaneysaa

  2. hamda says:

    ILAAH AJAR AKA SIIYO TURKIDA XAQA AY KU DHAQMAYAAN DADKOODA DHINTAYNA JANATU FARDOWSA ALAHA KU SOO DHAWEEYO. AMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN.

  3. mohamed AMIR says:

    WAAN KU TAAGERSANAHAY QAD YADA ama go anka reer turkey insha allah wey gaareysaa danteda ah iney garsiiso kalmo reer falastin allahu akhbar aduunkaane wuu sii hor maray wa last time qofwalbo og