Kulankii baarlamaanka DFKMG oo la baajiyey maadaama uu Shariif Xasan sheegtay in uu yahay sii hayaha xilka Madaxweynaha DFKMG…..
Muqdisho (Axad, May 30, 2010): Shariif Xasan ayaa baajiyey kulankii uu yeelan lahaa baarlamaanka DFKMG, taas oo lagu macneeyey in hadda uu Shariif Xasan yahay sii hayaha xilka madaxweynaha DFKMG, maadaama uu shalay dalka ka dhoofay Shariif Axmed oo markii ugu horeysey safar uusan Shariif Xasan la socon ku maraya Yurub.
Haddaba qaar ka mid ah xildhibaanada DFKMG iyo sharci yaqaanno Soomaaliyeed ayaa is weydiiyey arrintaas (in xilka uu sii hayo Shariif Xasan ayadoo uu dalka joogo ra’iisul wasaarahii) sida ay ku noqon karto sharci ahaan, qaanuun ahaan iyo xeer ahaanba.
Marka la eego qaab dhismeedka DFKMG waxay ka kooban tahay saddex qaybood: xukuumad, baarlamaan iyo maxkamadda sare. Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarahu waxay ka wada tirsan yihiin xukuumadda qaybteeda executive loo yaqaan, kuwaas oo ka madax bannaan baarlamaanka iyo maxkamadda sare. Sidaas daraadeed inta madaxweynuhu uu xilka hayo (oo uusan xilka banayn) waa ka madaxbannaan yahay baarlamaanka.
Xilka madaxweynaha waxaa kamid ah: Sida uu dhigayo Qodobka 39aad ee Axdiga DFKMG, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waa: a) Madaxa Dowladda, b) Taliyaha Guud ee Cidamada Qalabka Sida, c) Astaanta Midnimada qaranka.
Xildhibaan ayaa yiri haddii waxa kale oo dhan la iska daayo, xaggee laga marayaa qodobka dhigaya in madaxweynuhu yahay Taliyaha ciidanka ama (Taliyaha Guud ee Cidamada Qalabka Sida). Taas oo macnaheedu yahay in madaxweynuhu yahay kan amarka siinkara in ciidamadu dagaal geli karaan, sidee guddoomiye baarlamaan oo ah golaha shacabka uu u dagaal gelin karaa ciidan, ayuu yiri, sideede guddoomiyaha barlamaanku u maamulo karaa xukuumadda ayadoo ra’iisul wasaarahii joogo. Isagoo hadalka ku adkeeyey “waayo hadduu sheegto ku simaha xilka madaxweynaha waxaa weeye in uu xukuumadda sii maamulo, taas oo ah shaqadii ra’iisul wasaaraha.”
Qodobka uu Shariif Xasan cuskanayo ayaa la xiriira qodob ku saabsan haddii madaxweynuhu uu xilka banneeyo markaas si kumeel gaar ah uu xilka u sii hayn karo guddoomiyaha baarlamaanka inta laga soo dooranayo madaxweyne. Qodobkaasi ma khuseeyo inta madaxweynuhu uu xilka hayo. Waxa kale oo qodobkaasi uusan khusayn haddii madaxweynuhu safro.
Qodobkaas oo ah qodobka 45aad ee Axdiga DFKMG waxa uu u qoran yahay sidan: “Haddii xafiiska madaxeynuhu banaanaado sababo la xiriira; is-casilid, geeri ama xil gudasho la’aan joogto ah darteed, Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si dhaqso ah ula wareegayaa waajibaadka Madaxweynaha, Golaha Shacabkuna wuxuu ku kulmayaa soddon (30) maalmood gudahood si ay u soo doortaan Madaxweyne cusub.”
Qodobkaas waxaa loo sameeyey in aan xukuumaddu burburin ama la isku qabsan xilka madaxweynaha hadduu xilka banneeyo, waayo haddii madaxweynuhu xilka banneeyo waxaa lagabaqayey in la isu qabsado habkii 4.5 ee xukuumaddan lagu soo dhisay. Si taas looga taxadaro ayaa loo yiri guddoomiyuhu hala wareego inta madaxweyne la dooranayo si aan la isugu dhicin, lagumana darin inta uu xilka hayo ama marka uu safar galo, ayuu yiri aqoonyahan Soomaaliyeed.
Waxa kale oo ka dhex jira xildhibaanada DFKMG arrin ay aad u hadal hayaan oo ah in doorashadii Shariif Xasan ee uu ku noqday guddoomiyaha baarlamaanka ay waafaqsanayn dastuurka DFKMG iyo in kale, ayagoo cuskanaya go’aan hore uga soo baxay Maxkamadda Sare iyo dhaarintii Shariif Xasan uusan dhaarin xeer ilaaliyaha guud ee DFKMG.
Baarlamaanka DFKMG ayaa waxaa u yaal mooshino badan oo ay ahayd in ay ka doodaan sida in toos loola xisaabtamo intii ku lug lahayd heshiiskii Isfahamka badda ee ku jirta Dawladda Federaalka kumeelgaarka ah, heshiiskaas oo sida meelo badan lagu caddeeyey uu qayb weyn ku lahaa Shariif Xasan oo hadda noqday guddoomiyaha baarlamaanka.
Nin xigmad badan ayaa yiri: Haddiiba la yiraahdo Shariif Xasan hasii hayo xilka markasta oo madaxweynuhu dhoofo, maadaama inta uu dalka joogo uu dhoofku ka badan yahay sow halkaas lagama fili doono in aan baarlamaanku shaqayn oo markasta lama xiri doono markii uu madaxweynuhu garoonka sii dhaafoba.
Tixraac: Dastuuradii hore ee Soomaaliya:
- 1960 (Muqdisho): https://somalitalk.com/dastuur/1960.html
- 1979 (Muqdisho): https://somalitalk.com/dastuur/dastuurkii_1979.pdf
- 2000 (Carta): https://somalitalk.com/dastuur/dastuur2000.pdf
- 2004 (Edoret): https://somalitalk.com/dastuur/tfg.pdf
- 2007 (Baydhabo – Tarjumaada Dastuurkii 1960): https://somalitalk.com/dastuur/1960_Charter_in_Somali.pdf
Talyaaniga: Xukuumadii Gumeysatey Itoobiya Shanta sano (1936-1941)
Dalalka Afrika waxay soo mareen xilli ay hoos galeen gumeystayaashii reer Yurub, arrintaas Itoobiya kama badbaadin, waxayna ahayd Talyaaniga dawladdii Itoobiya gumeysiga ku haysatey muddo shan sano ah (1936-1941). Dad badan ayaa is weydiiya: Maxaa loo yiraahdaa Itoobiya waa dalka keliya ee aan Afrika laga gumeysan. Arrintaas xeeldheerayaal Soomaaliyeed waxay kaga jawaabeen: Gumeystayaashii reer Yurub waxay db u gocdeen warqad uu Boqor Menelek u diray dawladaha reer Yurub 1891, warqaddaas oo Muujisay in “markii quwadihii Masiixiyiintu ay u soo hiilin waayeen Itoobiya in xeebta ay ka qabsadeen Muslimiin”. Taas ayaa loo malaynayaa in ay dhalisay in Itoobiya lagu abaal mariyey laba arrimood oo ah: In la siiyo dhul Muslimiintu leeyihiin si ay gumeysto, iyo in aan taariikhda buugaagta reer Yurub lagu qorin in la Itoobiya uu Talyaanigu gumeystey, oo marka laga hadlayo xilligii uu Talyaanigu Gumeystey Itoobiya ee shanta sano ahayd in la yiraahdo waa: shan sano oo militari faashiiste ah haystey Itoobiya. Sababtaas ayaa keenta in buugaagta Itoobiya lagu qoro, haddiiba la qoro taraiikhdaas, sidan: “five-year military occupation of Ethiopia by fascists”. Taas oo lagu xoojiyo oraahda ah: Itoobiya waxay ku faraxsan tahay in ay tahay dalka keliya ee Afrika ee aan la gumeysan: “Ethiopia proudly claims to be ‘the only African country that has never been colonized’”. Halkii xaqiiqada laga qori lahaa: Ethiopia was colonized by Italy for five years (1936-1941) – ama (Italy colonized Ethiopia for five years).
Waxaa wax aad loogu qoslo ah in buug ka mid ah kuwa taariikhda uu qoray sidan: “Brief History: The Ethiopian nation is something of a rarity in Africa – an independent country that has managed to avoid colanization by a western power (other than a five-year occupation by fascist Italy in the middle of the twentieth century)” – “Taas oo marka la tarjumo nuxur ahaan ah: “Itoobiya waa dal aysan gumaysan quwadihii reer galbeedku, marka laga reebo shan sano oo ay haysteen faashiistihii Talyaaniga bartamihii qarnigii labaatanaad”. Sow taasi wax lagu qoslo maaha in la yiraahdo waa dal aan reer galbeedku qabsan, Marka laga reebo shan sano oo faashiiste haystey – laakiin akhristow xusuusnow faashiistuhu waxa uu ahaa reer galbeed – laakiin haddii taariikhda laguu wanaajinayo cudurdaar laguu waayi maayo.
Itoobiya iyo gumaystayaashii kale weligood kuma guulaysan in ay Soomaalida si rasmi ah u gumaystaan, balse waxaa Soomaalida gumaystay qabyaalada indhaha ka tuurtay oo kala qoqobtay, taas oo ilaa hadda loo adeegsado.
Gabagabadii, Waxa ka jira geeska afrika waa arrin ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ku baraarugaan ka hor inta aan laga masaxin khariidadda.
Let us rewrite Somalia history: “Brief History: The Somalian nation is something of a rarity in Africa – an independent country that has managed to avoid colanization by a western power (other than a one-century occupation by Qabaliyah)”
oo la macne ah: Taariikhdii Soomaaliya oo dib loo qoray: Soomaaliya waa qaran aad uga duwan Afrika – waa dal xor ah oo maareeyey in aysan gumaysan quwadiha reer galbeedku (marka laga reebo hal qarni oo ay haysatey qabyaaladdu.)
asc.w.w.. salaanta ka dib , ugu horayn qorayaasha somalitalk, guul ayaan alle idinkaga rajaynayaa, tan labaad waxaad mudantihiin inaysan taariiqda idin iloobin, waxyaabo badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin ayaad si hufan noogu muujiseen, dacidnimana ku dheehantahay, waa sidii laga doonayay aqoonyahan soomaaliyeed , wada,dii hagaagsanayd haysaan , iinshaa allaah waxaan uun idinleenahay sida noogu wada nuurka , alle qalbigiina iimaanka nuurkiisaha ku xoojiyee.w.w.w.
asc bog soomaali ah kan oogu tayada badan waa somalitalk xaqiiqdii
walhi walaalayaal qorayaasha somalitalk wax aan idiinku mahad celiyo garan maayo runtii waa ina haqabtirteen wax walbo oo ina qarsoon amaba mujrim inaga qariyo
marka taariikhda ayaan idin xusi doonta inshaa allaah
Asc wr wbr salaantaas islaamka ka dib waxaan aad ugu faraxsanahay in uu jiro website soomaaliyeed oo si daacad ah iyo wadaniyad ku dhaahan tahay u shaqayna oo mustaqbal soomaaliyeed u ifinaya shacbigan dhagaha xiran run ahaantii intii aan arkayey websiteyada soomaaliyeed ma,aanan arkin webtite dadka soomaaliyeed hurdada ay ku jiraan ka kicinaya una ifinaya dhagaraha gumaysiga oyo dadka damacu wado ee gayiga xataa dhul ka bixinaya sida aaad u dabagashaan waxaanan idin lee yahay howshaan allaha idinku garab galo waanan idin kugu hanbalyeynayaa dadaalkiinana halkaas ka sii wada wabillaahi towfiiq asc wr wbr