Home » Warar »

Itoobiya oo Safaarad ka furatay Garoowe

iyo Qurbajooga reer Puntland oo Cambaareeyey Xasuuqii iyo Xadgudubkii Itoobiya ka geysatey Buuhoodle….

Xukuumadda Meles Zenawi ayaa maanta (May 29, 2010) waxay qunsuliyad ka furatay magaalada Garoowe ee caasumadda u ah maamulka goboleedka Puntland.

Waxaa furitaankii qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe goob joog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka DGPL Gen. C/samad Cali Shire oo sheegay in qunsuliyaddani ay hagaajin doonto xiriirka labada dhinac.

Waxaa sidoo kale oo goobta joogey qunsulka halkaas Itoobiya u fadhiyi doono oo magaciisa yahay “Asmalash” oo isaguna sheegay in uu sii hagaajin doono xiriirka labada dhinac ee Puntland iyo Itoobiya.

Xafladda laguma soo hadal qaadin dhibaatooyinka ay Itoobiya ku hayso shacabka Soomaaliyeed ee ay gumaysato ee dhulka Soomaalida ka maqan iyo dhibaatadii ba’nayd ee ka dhacday Buuhoodle.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhawaan dhibaato ba’an ka geystey Buuhoodle, halkaas oo warsaxafadeed cambaarayn kulul xambaarsan ay ka soo saareen ururka Qurbajooga reer Puntland (PDF), ayagoo sheegay : “Waxaa ururka Gollaha Qurba-joogta Puntland (Puntland Diaspora Forum) uu cambarayn tii ugu adkayd u soo jeedinayaa dhacdadii ay ciidama Itoobihyaanku sida sharci darradda ah ugu soo xadgudbeen Magaalada Buuhoodle halkaasi oo ay ku dileen tiro shacab ah oo ka badan 13 , gaadhsiiyeena dhaawacyo halis ah shacab kor u dhaafay 30 muwaadin oo Soomaaliyeed.”

Warsaxadfadeedka PDF waxa uu intaas raaciyey “PDF iyadoo dareensan khatarta amni ee soohdinta labada dal, ayaa hada waxaa aad wax loola yaabo ah ku soo xadgudbida ay ciidamada Itoobiyaanku ku soo xadgudbeen dhulka Soomaaliyeed iyo xasuuqa arxan daro ee ay halkaasi ka gaysteenba. Waxaan aaminsanahay in dhacdadaani ahayd danbi weyn iyo gabood fal sharci daro ah. Dhacdadaani maahayn markii ugu horaysan ee ay ciidamo Itoobiyaan ahi si sharci daro ah ugu soo xadgudbaan magaalooyin Soomaaliyeed, dhacdooyinkaan isdaba jooga ahina waa mid muujinaysa sida ay Itoobiyaanku wax ixtiraam iyo tixgeli ah u siinay Qaranimada iyo madaxbanaanida dadka iyo dhulka Soomaaliyeed.” Warsaxafadeedkaas ka akhri halkan.

Waxa kale oo Itoobiya ay xasuuq ba’an ka geystay Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

Dhanka kale Itoobiya waxay burburkii Soomaaliya kaddib qunsuliyad ka furatay Hargeysa.

Sidoo kale Itoobiya xilligii ay shacabka ku xasuuqeysay Muqdisho waxay calankeeda ka mudatey safaarad ay sheegtay in ay ka furatay Muqdisho oo ay xoog ku gashay.


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar…. GUJI…

Itoobiya waa dal deris la ah Soomaaliya oo cadaawad dheer ka dhaxayso, taas oo salka ku haysa dhul Soomaaliyeed iyo shacab ay Itoobiya gumaysato, ayagoo u halgamayey xorriyadooda laga soo bilaabo markii ay gumaystayaashii reer Yurub ay dhulkaas Soomaaliyeed u gacanta geliyeen Itoobiya.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab “Tripartite Accord” (Saddex-Geesoodle) waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya in la qaysado. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka Soomaali galbeed – waa saddex qaybood Italian Somaliland, British Somaliland iyo SoomaaliGalbeed . Waxaana lagu guulaystey in dhulkaas SomaliGalbeed loo bixiyo Ogaden si loo kala qoqobo shacabka qabiilku indhaha tiray oo meesha loogu arko qanbiil khaas ah oo meesha laga saaro kelmedda Soomaaliya. Arrintaas magaca OGADEN waxaa si cilmiyasan sannadkii 2003 wax uga qoray Xagar yare qormadiisii MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY !!!?

…………………………………………

Taariikhda Geeska Afrika:

Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo



Niilka Buluuga iyo Niilka Cad
Sawirka: Wikipead

Hadalkii Xusni Mubaarak ee January 4, 2007: Waan Fahmi karaa sababta ay Itoobiya uguduushay Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Masar, Hosni Mubarak, ayaa yiri “waan fahmi karaa sababta ay Itoobiya ugu duushey Soomaaliya”. Waxa uu hadalkaas yiri maalin Khamiis ah, Janaayo 4, 2007, mar uu magaalada xeebta ah badda cas ku taal ee Sharm el-Sheikh ee Masar kula kulmay wasiirka Arrimaha dibada ee Itoobiya Seyoum Mesfin, isla mar ahaantaasna dhambaal ka helay ra’iisul wasaaraha Itoobiya la sheegay in ay ku qornayn warbixin uu Zenawi kagahadlay xaladda ku soo siyaadey Soomaaliya. Jariidada ka soo baxda Shiinaha ee Xinhua oo arrintaas ka hadleysey waxay qortay cinwaanka: “Mubarak expresses understanding on Ethiopian intervention in Somalia”. Haddaba xeel dheerayaasha Soomaaliyeed waxay muujiyeen sababta uu Mubaarak hadalkaas u yiri in ay salka ku hayso biyaha webiga Niilka.

Waxaa jira heshiis sannadkii 1929 dhex maray dalka Masar iyo Boqortooyadii Ingriiska (oo ku hadleysey codka Sudan maadaama ay xilligaas gumaysaneysey), heshiiskaas oo loo yaqaan “1929 Nile Treaty” waxa uu dalka Masar siinayey xuquuqda ugu badan ee adeegsiga biyaha webiga Nile. Waxaana heshiiskaas markale dib loo eegay sannadkii 1959 (waxaana sidaas dalbatay Sudan). Heshiisyadaas wax tixgelin ah lama siin Ethiopia oo qiyaastii ilaa 80% biyaha webiga Blue Nile ay ka soo bilowdaan [Webiga Niil ee uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha dalka Masar waxa biyihiisu ka yimaadaan labada webi ee Niilka Cad “White Nile” oo ka soo bilowda Harada Victoria ee ay wadaagaan Kenya, Tanzania iyo Uganda, iyo Webiga Niilka Buluugga “Blue Nile” oo kasoo bilowda Harada “Lake Tana” oo ku taal Ethiopia, waxaana webigaas dhanka Ethiopia looga yaqaan “Abay” ama “Giyon”. Labada webi ee Niilka-Cad iyo Niilka-Buluuga waxay ku kulmaan bartamaha magalada Khartuum ee dalka Suudaan, markaas ayey noqdaan Niilka waraabiya beeraha dalka Masar oo ay dagaalka ka xigto haddii biyahaas ay Ethiopia ka faa’iidaysato iyadoo aan Masar lagala tashan ]. Sidaas darteed Ethiopia looma ogola in ay mashaariic horumarin ah ka fuliso Webiga Blue Nile ee dalkeeda ka soo bilowda, haddii ay sidaas samayso dalalka Sudan iyo Masar ayaa soo weeraraya Ethiopia oo ah dalal aad u xoog weyn. Markaas waa in Itoobiya hesho meel kale oo ay horumar ku samayso si ay dadkeeda oo hadda kor u dhaafay 75 million u helaan cunto ku filan. Haddaba meesha ugu dhow ayaa noqotay dhulka baaxadda weyn ee Soomaaliya maadaama tirada Soomaalidu ay yihiin 9 million oo keliya ayna haystaan dhul ballaaran oo ay maraan Webiyada Jubba iyo Shabeelle iyo xeeb aad u dheer, sidaasna dadka tirada badan ee reer Itoobiya la soo dejiyo dhulkaas barwaaqada ah. (Itooobiya waa gashay Soomaaliya iyadoo gaareyy Kismaayo iyo Muqdisho, laakiin faraha ayey kaga gubatey waxaana looga saaray xooga shacabka Soomaaliyeed oo diidan gumeysiga.)

Waatan beryahan (2010) uu muranku ka taagan tahay biyaha webiga Niil ilaa meel kale oo loo ciirsado ma jirto’e.

Talyaaniga: Xukuumadii Gumeysatey Itoobiya Shanta sano (1936-1941)

Dalalka Afrika waxay soo mareen xilli ay hoos galeen gumeystayaashii reer Yurub, arrintaas Itoobiya kama badbaadin, waxayna ahayd Talyaaniga dawladdii Itoobiya gumeysiga ku haysatey muddo shan sano ah (1936-1941). Dad badan ayaa is weydiiya: Maxaa loo yiraahdaa Itoobiya waa dalka keliya ee aan Afrika laga gumeysan. Arrintaas xeeldheerayaal Soomaaliyeed waxay kaga jawaabeen: Gumeystayaashii reer Yurub waxay db u gocdeen warqad uu Boqor Menelek u diray dawladaha reer Yurub 1891, warqaddaas oo Muujisay in “markii quwadihii Masiixiyiintu ay u soo hiilin waayeen Itoobiya in xeebta ay ka qabsadeen Muslimiin”. Taas ayaa loo malaynayaa in ay dhalisay in Itoobiya lagu abaal mariyey laba arrimood oo ah: In la siiyo dhul Muslimiintu leeyihiin si ay gumeysto, iyo in aan taariikhda buugaagta reer Yurub lagu qorin in la Itoobiya uu Talyaanigu gumeystey, oo marka laga hadlayo xilligii uu Talyaanigu Gumeystey Itoobiya ee shanta sano ahayd in la yiraahdo waa: shan sano oo militari faashiiste ah haystey Itoobiya. Sababtaas ayaa keenta in buugaagta Itoobiya lagu qoro, haddiiba la qoro taraiikhdaas, sidan: “five-year military occupation of Ethiopia by fascists”. Taas oo lagu xoojiyo oraahda ah: Itoobiya waxay ku faraxsan tahay in ay tahay dalka keliya ee Afrika ee aan la gumeysan: “Ethiopia proudly claims to be ‘the only African country that has never been colonized'”. Halkii xaqiiqada laga qori lahaa: Ethiopia was colonized by Italy for five years (1936-1941) – ama (Italy colonized Ethiopia for five years).

Waxaa wax aad loogu qoslo ah in buug ka mid ah kuwa taariikhda uu qoray sidan: “Brief History: The Ethiopian nation is something of a rarity in Africa – an independent country that has managed to avoid colanization by a western power (other than a five-year occupation by fascist Italy in the middle of the twentieth century)” – “Taas oo marka la tarjumo nuxur ahaan ah: “Itoobiya waa dal aysan gumaysan quwadihii reer galbeedku, marka laga reebo shan sano oo ay haysteen  faashiistihii Talyaaniga bartamihii qarnigii labaatanaad”. Sow taasi wax lagu qoslo maaha in la yiraahdo waa dal aan reer galbeedku qabsan, Marka laga reebo shan sano oo faashiiste haystey – laakiin akhristow xusuusnow faashiistuhu waxa uu ahaa reer galbeed – laakiin haddii taariikhda laguu wanaajinayo cudurdaar laguu waayi maayo.

Itoobiya iyo gumaystayaashii kale weligood kuma guulaysan in ay Soomaalida si rasmi ah u gumaystaan, balse waxaa Soomaalida gumaystay qabyaalada indhaha ka tuurtay oo kala qoqobtay, taas oo ilaa hadda loo adeegsado.

Gabagabadii, Waxa ka jira geeska afrika waa arrin ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ku baraarugaan ka hor inta aan laga masaxin khariidadda.

Let us rewrite Somalia history: “Brief HistoryThe Somalian nation is something of a rarity in Africa – an independent country that has managed to avoid colanization by a western power (other than a one-century occupation by Qabaliyah)”

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Itoobiya oo Safaarad ka furatay Garoowe "

  1. nuur says:

    A/C Koleey wax hada inagu cusub ma ahan in puntland aay ethiopia ka furato xafiis… dadka la yaaba taasi ma hada ayeey soo baraarugen… ethiopia waxeey si toos & si dadbanba u maamusha mamulada somali-land, puntlnad iyo dowlad isku sheega waxaadna ka dareemi kartaa nin walbo oo la doorto waxuu safarkiisa ugu horeyo uu tagaa addis abeba oo laga maamulo dhamaan somalida inteeda wax ma garatada ah mid mamul walba waxuu dhahaa ethiopia dad aan walaalo-nahay waaye… intee ku walaalownay waa yaabe goorma ayaan walaalownay seesa ku walaalownay … waa geeska africa ama africa dhamanteed wadanka ugu christiaka adeg ama ugu madhabka adeg anaga dal islaam ayeeynu nahay sidee ku walaalobi karnaa mise cabsi ayaa ka keeneyso dadka hadalas ku hadlo… PLZ aan ILAAH u bari dadkeena inta fikirka xun in ILAAHAY inoo soo hagajiyo oo somalianimada & ISlaam-nimada fahansiiyo… LONG live SOMALIA

  2. abdi says:

    Dibolomaasiyad tafaariiq ah in ay Itoobiya kula dhaqanto dalka somaliya waa guul ay gaartay . Somaliyeey waxaa halkaas idin dhigay is nacayb iyo qabyaalad marka yaan waxba la eedayn Itoobiya ee idinka naftiina eedeeya . Dowladda Puntland waxay xaq u leedahay in ay qofna u lug xirnaan waa in ay danteeda ka tashato .

  3. guled says:

    Garoowe Qunsuliyada laga furay ma,ah wax cusub waxay daba socota mida ka furan Hargeysa,maamul waliba oo lagu dhawaqo waa losamey
    nayaa,reer laan oo dhan waa mid sugeysa.

  4. Magan says:

    Aniga waxay ila tahay waxa ethiopia ay doonaysaa in qabiil walba oo soomaliah ay u aqoonsato inay dawladyihiin kadabna ay iyaga dhexdooda ay udeegsato sidii ay isugu mashquuli lahaayeen halkaana lagu ilaawo wax somalia la dhaho

  5. Mohamed says:

    ilaahay ha idinka abaal maaryo,daadaalka aad ugu jirtaan ilaalinta wixii ka haray Qaranimadii Somaaliyeed, iyo sid aan ilduuf lahayn ee markiiba aad tooshka ugu ifinaysaan dhacdooyinkaas foosha xun ee la maleegayo.

    Arrinta qunsuliyadda, marka laga reebo ujeedooyinka gurracan ee Ethopianku wataan, waxaa is weydiin leh maka war hayaan, mase lagala tashaday qolyahaan Muqdiso jooga,pratocol ahaan Gobol mala deal garayn karaa dawlad kale gaar ahaan hawlihii Wasaaradda arrimaha Dibaddu lahayd.

  6. Nuradin Omar says:

    walahi waa arrin aan ku wanaagsaneyn soomaalinimada waxaan horay u aaminsanaa oo aan maqli jiray in Dastuurka Puntland ay uu qorayo midnimada soomali ay tahay muqadas isla markanaa hawlaha ay dowlad gobaleedku ka shaqeeynayaan sidii soomaali la iskugu soo dumi lahaa.
    waxaan rumeeysanahay in ninkaas Xamashka uusan ka shaqeyn doonin wax horimar ah, waxaa cirka isku shareeri doono colada. waxaa sharfata iyo karaamadii laga luminayaa dad reer Puntland oo dhigooda u soo huray halgankii loo soo maray xuriyadda wadankeenna.

    waxaa dhab noqon doonto sirta ka danbeysay in puntland ay sameysato calan u gooni. waxaa aniga shaki iga jirin beri aad maqli doono Galmudug state oo ay Xabashadu safaarad ka furaneyso. waxaa noogu xigi doonto Hiraan iyo bay land oo ku biirayo kilinka shanaad ee soomaalida la gumeysto ee dalka Itoobiya.
    waxaan islaha puntland tusaalo fiican ayey u noqon doontaa gobolada kale sida hab maamul wanaaga ay gaareen reer puntland. laakin tusaalihii waxaa uu noqoday in Xabasho oo shalay dhulkeenni Buhoodle oo dhawacoodi iyo dhigoodi weli qubanayo in Safarad ay ka furtaan waxay niyad jab iyo uur ku taalo, kaaramo dil, meel ka dhac ku tahay ummada soomaaliyeed ee damiirka leh.

    waxaan leeyahay ninkaani ma fududeyn karo viso iyo wax la mid. waa sir doon qatar ku ah diinta iyo dalka, waana magac dil weyn uu ku yahay magaca soomaaliyeed.

    madaxda puntland ma waxay ka fikirayaan wiil ama oday visa helo? fayal uga lo xabash warqad meel la fadhiyo.

    maanta aduunyada waa xaafada oo kale ma diyaarad la,aan ayaa na hayso, maxaan maanta uga bahanahay itoobyaanka?

  7. abdirizak says:

    a/c/w hadaa waxaa qoraalka sare uu ka hadlayaa tariiqo badan oo hore u dhacay lakiin waxaa shaki iiga jirin sida hada looga hadlo sidii gobolka ogaden loogu wareejiyey itoobiya iyo marxaladaha uu soo maray looga hadlayo, loogana hadli doono sidii ay ula wareegtay soomalida u hartey, waxay shaki iiga jirin sheekooyinka raqiiska ah ee laysga warinaayo sida fiisa la bixin, danaha labada dad baa la ilaalin aysan xaqiiqdu aheyn xaqiidu ku dambeeyn meesha ogadeen maray in lawada maraayo, itoobiya waligeed wey taqaan inta maamul meel ka jiro ay la saaxiibto kana saxiixato waxyaabo badan oo danteeda ah hadan ay iclaamiso inay dalkeeda ay ka mid yihiin tusaale ahaan eretareeya, inay dib uaga xaroobaan waxay qaadatey 30 yrs, waxaase layabaa magaabnimada soomaliyeed halgankii dheeraa ee naf iyo maalba loo hurey ee looga soo horjeeday dawladii soomaaliyeed maxaa loo halgamaayey in itoobiyo loo ahaado adeegayaal shacabka dareen lawayaasha la hoos geeyo, laguna faraxsanaado loona sharxo inay siyaasad tahay, waxaase yaab ah intey itoobiya u dulqaadanayaa maxay ugu dulqaadan waayeen dowladoodii ay gantooda ku dumiyeen gabagabadii waa lagu jira gumeysiga,

  8. Walaahi wa arin horey ay uqaadey Puntland waayo maanta dowlad kama jirto wadanka umaduna inta badan wa iska xanuunsan tahay oo ethopia meel aaan ahayn caafimaad uma aadan oo wa og tihin dhinaca kenya dhib badan ba ka jira gelitaankeeda marka anigu shaqsiayan waxa ila tahay wa arin fiican oo dadka puntland waxa ay heli karaan visaha iyuago aan is dhibin diyaaradna ka raci karaan isla puntland sidaas darteed waxaa leeyahay reer puntlandow xaasid badan baad leedihin ee adkaysta nabadiina waxa imaan doonta in safaaradahaa yurub iyo afrikaankalena laga furo garooooooooowe…….

  9. waranle says:

    layaab malaha balse waxaa layaab iyo amakaag ah in land oo dhan itoobiya xafiisyo ka furato, tolow goormay soomaalidu XOR NOQON! Mahadsanidiin