Home » Warar »

Shariif Xasan oo Shaaca ka qaaday in uu sharaxan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka

Guddoomiyihii Saxiixay in Itoobiya soo gasho Soomaaliya oo markale isu sharaxay Guddoomiye Baarlamaanka DFKMG…

Sariif Xasan Sheikh Aadan ayaa maanta (May 26, 2010) si rasmi ah shaaca uga qaaday in uu markale u sharaxan yahay guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG,  isagoo iska casilay xilkii wasiirka maaliyadda DFKMG. Waxa uu si rasmi ah u cadeeyey in uu sharaxan yahay waraysi uu siiyey Idaacadda Codka Maraykanka. Ka dhegeyso VOA Halkan.

Shariif Xasan waxa uu ahaa guddoomiyaha baarlamaanka xilligii baarlamaankii Baydhabo ay ansixiyeen in ciidamada gumeysiga Itoobiya ay soo galaan Soomaaliya.  (Si weyn ayaa loo xasuustaa dhibaatadii ay ciidamadaasi u geysteen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Muqdisho.)

Guddoomiye cusub in loo doorto baarlamaanka DFKMG waxay timid kaddib markii uu xilka guddoomiyaha Baarlamaanka iska casilay (ama laga casilay) Sheikh Aadan Madoobe, arrintaas oo sababteedu ahayd khilaaf soo kala dhexgalay madaxda sare ee DFKMG (Madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.)

Khilaafkaas oo ilo wargal ah ay sheegeen in uu salka ku hayo xukuumadda oo aan doonayn in lagula xisaabtamo wax qabadkeedii iyo wixii lacago ahaa ee soo galay iyo meesha ay ku baxeen laga soo bilaabo markii xukuumadda lagu soo doortay Jabuuti ilaa hadda. Gaar ahaan xisaabtanka waxaa ugu horayn lahaa wasaaradda Maaliyadda ee uu Shariif Xasan hadda iska casilay – wasaaradaas oo heshiis lacag lagu soo daabacayo la gashay Suudaan.

Baarlamaanka iyo Xukuumadda FKMG…

Baarlamaanka Federaalka ee KMG waxaa markiisii hore lagu soo dhisay shir muddo ka socdey Eldoret/Nairobi, waxaa xilligaas tiradoodu waxay ahayd 275 xildhibaan, August 22, 2004 ayaa baarlamaankaas lagu dhaariyey Nairobi, waxayna xildhibaanadaasi Sept 15, 2004 guddoomiye u doorteen Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Kulamadii ugu horeeyey ee baarlamaanka oo ku shiray Nairobi waxay isla dhaceen feer iyo kuraas, arrintaas oo salka ku haysay in ciidamada la keenayo dalka aysan ka mid noqon kuwa safka hore (deriska la ah Soomaaliya).

Baarlamaanku markii uu uguuray Baydhabo ayaa markale la soo abaabulay sidii cod loogu qaadi lahaa in ciidamada safka hore la keeno Soomaaliya arrintaas oo ay shacabka Soomaaliyeed aad uga soo hor jeedeeen. Baarlamaanka baydhabo si xeeladaysan ayey ugu codeeyeen in arrintaas la ansixiyo.

14kii Juune 2006 ayaa Shariif Xasan Sh. Aadan oo ahaa guddoomiyaha baarlamaanka FKMG waxa uu qalinka ku duugey in Soomaaliya ay imaan karaan ciidamada “safka hore” ay ka mid tahay Itoobiya oo dhul Soomaaliyeed  gumaystada ay soo geli karaan Soomaaliya.

Sidaas ayaa Muqdisho waxaa ku galay ciidamada gumaysiga Itoobiya ayagoo ku doodayay in ay haystaan saxiixa guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG.

Warqaddii uu saxiixay Shariif Xasan waa tan.

January 17, 2007  ayaa Baarlamaanka Baydhabo ee DFKMG waxay yeesheen kulan ay soo xaadireen 192 xildhibaan waxaa 183 ka mid ahi ay kalsoonida kala laabteen gudoomiyahii baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, halka 9 ka mid ah xildhibaanadu ay arrintaas diideen, waxaana kulankaas shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore. Laakiin Shariif Xasan Sh. Aadan arrintaas ganafka ayuu ku dhuftay isagoo diidey go’aankaas baarlamaanku aqlabiyadda xilka kaga xayuubiyeen.

Waxaa markaas guddoomiye baarlamaan loo doortay Sheikh Aadan Madoobe.

Januray 28, 2009 ayaa magaalada Jabuuti waxaa lagu kordhiyey tiradii xildhibaanada DFKMG ayadoo la isku daray xildhibaanadii hore (275) iyo 275 xildhibaan oo lagu soo kordhiyey, kuwaas oo ka socdey Isbahaysigii “ARS”, sidaasna tiradii xildhibaanada laga dhigay 550 xildhibaan.

Baarlamaanku waxa uu u guuray Muqdisho. Guddoomiye waxaa sii ahaa Sheikh Aadan Madoobe. Waxyaabahii ugu weynaa ee soo wajahay baarlamaanka Muqdisho waxaa ka mid ahaa in ay ka hor tageen heshiis ay xukuumaddu la soo gashay Kenya oo ku saabsanaa badda Soomaaliya. Augoosto 1, 2009 ayaa baarlamaanku si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in heshiiskaasi uu ahaa waxba kama jiraan. Markii dambe qaramadda midoobay waxay aqbashay go’aankaas baarlamaanka, heshiiskaasna ka dhigtay mid aan la cuskan karin oo ah NULL & VOID.

Sheikh Aadan Madoobe inkasta oo uu muddo ka cagajiidey in uu cod u qaado heshiiska Is-afgarad, laakiin markii dambe baarlamaanka ayaa cadaaddis ku saaray in uu cod u qaado. Kulankaas ayaa baarlamaanku ku xirmay ilaa laga soo gaarayey bartamihii bishan May 2010, markaas oo kulankii xigey ay baarlamaanku yeesheen oo la sheegay in xilkii ay ka qaadeen Aaden Madoobe.

Laakiin Sheikh Aadan Madoobe waxa uu  sheegay in uu iskiis isu casilay May 16, 2010. Arrintaas oo ay ka horeysay in  guddoomiyahu uu sheegay in la kala diray xukuumaddii Cumar C/rashiid, ra’iisul wasaaraha DFKMG uu arrintaas diidey. Waxaa ku xigey in Sheikh Shariif sheegay in xukuumaddii la kala diray oo uu soo magacaabi doono ra’iisul wasaare, arrintaas oo Cumar C/rashiid uu ku gacan sayray. Waxaa durbadiiba go’aankaas Sheikh Shariif ku taageeray Walad Cabdalla oo isla markaas kula taliyey Sheikh Aadan madoobe in uu ku soo biiro golaha wasiirada ee la magcaabi doono. Laakiin markii Cumar C/rashiis sheegay in madaxweynahu uusan sharci u haysan uu xilka kaga qaadoo ayaa  Sheikh Shariif ka laabtay go’aankaas in xukuumadda la kala diray (inkasta oo wararka soo baxay aay sheegayaan in khilaafkaasi aan la xallin).

Waxaa jira warar kale oo laga helayo ila wargal ah oo tibaaxaya in xukuumadda DFKMG ee Sheikh Shariif aysan ka quusan in ay meel mariso heshiiskii ay la gashay Kenya, sida keliya oo arrintaas ay ugu suurta galaysaana ay rumaysan yihiin in ay tahay in baarlamaanka loo doorto guddoomiye arrintaas hirgelinaya. Waxaa xusid mudan in Wasiirka Xannaanada Xoolaha DFKMG uu shirkii Istanbul (May 21-23, 2010) ka sheegay  sidan: “Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika (3333) km, sidaas daraadeed waxay leedahay aag ganacsi oo aad muhiim ugu ah” laakiin aan cabirnayn (Waa Aagga Ganacsiga badaha ee loo yaqaan Exclusive Zone (EEZ)) – Wasiirku waxa uu hadalka ku xoojiyey “Aaggaas EEZ (ee badda Soomaaliya) looma cabirin si rasmi ah oo waafaqsan xeerka badaha Adduunka ee QM.”

Isku soo duub oo baarlamaanka Muqdisho waxa uu u muuqdaa mid aad uga duwan kii hirgeliyey in ciidamada gumeysiga Itoobiya soo galaan dalka. Waa baarlamaanka is hortaagey qorshahii xukuumadda ee ahaa in heshiiskii uu garwadeenka ka ahaa Walad Cabdalla ee la doonayey in baylah lagu geliyo badda Soomaaliya. Waxaa hadda looga fadhiyaa in ay doortaan guddoomiye daacad ka ah arrimahaas, oo aan ku jirin wax tuhun ah.

.. Dhul-badeedka Soomaaliyeed Wuu Leeyahay Soohdin Cabbiran

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Shariif Xasan oo Shaaca ka qaaday in uu sharaxan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka "

  1. Xassan Yare says:

    Golaha Baarlamaanka illaa iyo hadda qadarin bey mudanyihiin markii la eego qebtii aay ka qaateen arrimaha badda.

    Laakiin hadda haddii aay ku doortaan lacagta uu farraqayo Shariifow..

    golaha baarlamaanku waxuu isku badali doonaa GOLIHII SACABKA .