Liiska Xildhibaanada cusub ARS ay u qaybsatey
4.5-ka oo Dhameystiran
Magacyada Liiska Halkan Ka akhri ama
Halkan
Liiskan waa magacyada Xildhibaanada cusub ARS
ee lagu dhaarindoono 28/01/2009 caasimada
dalka Jabuuti, Guriga Ummada ee caasimada dalka
Jabuuti, inkastoo aan wali la shaacin xiliga
doorashada Madaxweynaha hadana hore waxaa loo
hadal hayey in 28/01/2009-da ay dhicidoonto.
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta saxaafada
la hadlaayey oo aan wax ka weydiiyey kulan
isbarsho ah oo ay isugu yimaadeen Xildhibaanada
Baarlamaanka Cusub ayuu ka sheegey in doorashada
Madaxweynaha ay tahay waxa ugu horeeya ee uu
qabanayo Baarlamaanka KMG ee Dowlada TNG-ga
cusub.
Shariif Xasan wuxuu keloo sheegey in xubnihii
75-ta aan wali la qaybin islamarkaana aan la soo
xulin magacyadooda.
Waxaase ku jira liiskan cusub magacyo hore uga
tirsanaan jirey Dowladii Carta iyo Xukuumada
FKMG xubin ka mid ah oo hada xilka Wasiirnimada
Haysa, arintan ayaa waxay qayb ka tahay
waxyaabaha ugu yaabka badan ee ay la yimaadaan
Beelaha Soomaaliyeed ee mudada 19-ka Sano u
dagaalamaya xilka qabashada jagada Madaxweynaha.
Magacyada Liiska Halkan Ka akhri ama
Halkan
Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk
Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com