Ciidamada AMISOM oo la sheegay in ay nabad ilaalin u yimaadeen Soomaaliya waxay wadaan weli xasuuqa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Magaalada Muqdisho, waxaana Xasuuqii ugu dambeeyey ka gaysteen wadada Makka Almukarama gaar ahaan halka ay ka degan yihiin shaqaalaha kadib markii gaari caasi ah oo ka yimid Suuqa Bakaaraha kuna sii jeeday Degmada Afgooye ay rasaas la beegsadeen, waxaana halkaasi ku dhintay afar qofood oo labo ka mid ah ay ahaayeen Haween, waxaana ku dhaawacmay lix qofood oo kale.
Ciidanka ma aysan sameynin wax gurmad ah dadka qaarkii waxay sheegeen in halkaasi ay ku dhiig baxeen, waxaana markii dambe u soo gurmaday dadkii halkaas wax ku noqday qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed waxaana dadkii
ku dhaawacmay loo qaaday Isbitaalka Madiina iyadoo afarta qof ee dhimatay saddex ka mid ah markiiba la gartay halka haweenay la garan waayey.
Dadka Shacabka ah ee saarnaa gaariga oo markii hore ka soo cararay madaafiicdii lagu garaacayey suuqa bakaaraha ayaa dhacdadaani ku qabsatay halka ay degan yihiin ciidamada AMISOM ee guriga Shaqaalaha.
2-dii bishii Feebaraayo 2009-kii ayaa isla goobtaasi waxaa ka dhacay xasuuq aad u balaaran oo ay ciidamada AMISOM u gaysteen dad rayid ahaa oo saarnaa labo Gaari ka mid ka ahaa gawaarida dadweynaha qaada, waxaana halkaasi ku geeriyooday ilaa iyo afartan qofood, xasuuqaasna Dowladda wax jawaab ah kama aysan bixin, labo bilood kadib ayaa haddana isla goobtaasi waxaa ka dhacay xasuuq kale kadib markii ciidamada AMISOM ay si ulakac ah rasaas ugu fureen gaari kuwa dadweynaha qaada, waxaana halkaasi ku dhintay ilaa yo dhowr iyo labaatan qofoood, midda ugu darani waxay tahay in marka ay marayaan Ciidamada AMISOM wadamada makka Almukuramaha waxay rasaa ay ku baneysanayaan wadada ku furaan shacabka halkaasi maraya, waxaana la xaqiijiyey in mar kasta qof ama labo ay ku dhintaan ama ay ku dhaawacmaan rasaastaas.
FG. Sawirkani waxa uu muujinayey ugu yaraan 7 qof oo meyd ah, waxaan daaha u saaray anagoo qadarinayna xurmada Bini’aadamaka.
Sidoo kale Ciidamada AMISOM mar kasta oo uu dagaal dhaco waxay hubkooda culus ay ku ridaan goobaha ay ku degan yihiin dadka rayidka ah gaar ahaan waxay bartilmaameed ka dhigtaan suuqa Bakaaraha oo ah suuqa gacansi oo ay bulshadu ku badan tahay, waxaana maalin walba ku dhinta dad fara badan oo aan waxba galabsan waxaana ku dhaawacma dad kale oo tiro badan oo dhaawacyadii soo gaaraay haatan qaarkood kula ildaran yihiin isbitaalada Magaalada Muqdisho.
Shacabka Soomaaliyeed markay sheekeysanayaan ayaa waxa ay ammaanaan ciidamada Burundi oo ay ku timaamaan in ay ka roon yihiin ciidamada Uganda, waxayna taas ay sabab uga dhigeen marka ay marayaan goobaha ay ku kala sugan yihiin ciidamadaasi sida ay ula dhaqmaan.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Warbixintii UN soo saartay May 11, 2010 ee ku saabsan Soomaaliya
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.