Home » Warar »

Warbixin dheeraad oo ku saabsan Xasuuqyada Ciidamada AMISOM ka geystaan Magaalada Muqdisho

Ciidamada AMISOM oo la sheegay in ay nabad ilaalin u yimaadeen Soomaaliya waxay wadaan weli xasuuqa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Magaalada Muqdisho, waxaana Xasuuqii ugu dambeeyey ka gaysteen wadada Makka Almukarama gaar ahaan halka ay ka degan yihiin shaqaalaha kadib markii gaari caasi ah oo ka yimid Suuqa Bakaaraha kuna sii jeeday Degmada Afgooye ay rasaas la beegsadeen, waxaana halkaasi ku dhintay afar qofood oo labo ka mid ah ay ahaayeen Haween, waxaana ku dhaawacmay lix qofood oo kale.

Ciidanka ma aysan sameynin wax gurmad ah dadka qaarkii waxay sheegeen in halkaasi ay ku dhiig baxeen, waxaana markii dambe u soo gurmaday dadkii halkaas wax ku noqday qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed waxaana dadkii

ku dhaawacmay loo qaaday Isbitaalka Madiina iyadoo afarta qof ee dhimatay saddex ka mid ah markiiba la gartay halka haweenay la garan waayey.

Dadka Shacabka ah ee saarnaa gaariga oo markii hore ka soo cararay madaafiicdii lagu garaacayey suuqa bakaaraha ayaa dhacdadaani ku qabsatay halka ay degan yihiin ciidamada AMISOM ee guriga Shaqaalaha.

2-dii bishii Feebaraayo 2009-kii ayaa isla goobtaasi waxaa ka dhacay xasuuq aad u balaaran oo ay ciidamada AMISOM u gaysteen dad rayid ahaa oo saarnaa labo Gaari ka mid ka ahaa gawaarida dadweynaha qaada, waxaana halkaasi ku geeriyooday ilaa iyo afartan qofood, xasuuqaasna Dowladda wax jawaab ah kama aysan bixin, labo bilood kadib ayaa haddana isla goobtaasi waxaa ka dhacay xasuuq kale kadib markii ciidamada AMISOM ay si ulakac ah rasaas ugu fureen gaari kuwa dadweynaha qaada, waxaana halkaasi ku dhintay ilaa yo dhowr iyo labaatan qofoood, midda ugu darani waxay tahay in marka ay marayaan Ciidamada AMISOM wadamada makka Almukuramaha waxay rasaa ay ku baneysanayaan wadada ku furaan shacabka halkaasi maraya, waxaana la xaqiijiyey in mar kasta qof ama labo ay ku dhintaan ama ay ku dhaawacmaan rasaastaas.

FG. Sawirkani waxa uu muujinayey ugu yaraan 7 qof oo meyd ah, waxaan daaha u saaray anagoo qadarinayna xurmada Bini’aadamaka.

Sidoo kale Ciidamada AMISOM mar kasta oo uu dagaal dhaco waxay hubkooda culus ay ku ridaan goobaha ay ku degan yihiin dadka rayidka ah gaar ahaan waxay bartilmaameed ka dhigtaan suuqa Bakaaraha oo ah suuqa gacansi oo ay bulshadu ku badan tahay, waxaana maalin walba ku dhinta dad fara badan oo aan waxba galabsan waxaana ku dhaawacma dad kale oo tiro badan oo dhaawacyadii soo gaaraay haatan qaarkood kula ildaran yihiin isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Shacabka Soomaaliyeed markay sheekeysanayaan ayaa waxa ay ammaanaan ciidamada Burundi oo ay ku timaamaan in ay ka roon yihiin ciidamada Uganda, waxayna taas ay sabab uga dhigeen marka ay marayaan goobaha ay ku kala sugan yihiin ciidamadaasi sida ay ula dhaqmaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Warbixintii UN soo saartay May 11, 2010 ee ku saabsan Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Warbixin dheeraad oo ku saabsan Xasuuqyada Ciidamada AMISOM ka geystaan Magaalada Muqdisho "

  1. maxamed somali says:

    slc marka hore dhaman inta soomliya jecel bacdu sallaan war anaga sidan is yeelnay cidna nama yeelin kale ee aan ogolaano in africanku gabdhanaga ku kufsadaan muqdisho odayaasha nadana dharbaaxeeyaan magaalo madaxdii soomaaliya shacabkanagan xasuuqaan,ilaahoow muxu soomali kale u ahaan wayey ninka maalin walba waxaas ku kacayo wallaahi in marhore kabtiisa la weeeyn lahaa oo la dhihi lahaa war ninki reer hebel madfaca cidaas buu rabaa in uu gumaado oo laayo ee aan iska qabano ee halagu duuulo,adeer anagaa isu xoog badan isku neceb xabada naduna waxeey dishaa somali kale kaliya ,marka aan ogolaano wax walba ee raga aan gabdho u geeyno marka ay madfaca klu qaraacaan sooqyada muqdisho . wsc wr wb..

  2. BUUR QARMO says:

    ASC.

    Marka hore diiran dhamaan Ummadda Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan, Salaan ka bid arintaan xasuuqa ay AMISOM Muqdisho ka wado muddo dheer ayaan Aniga aad iyo aad uga xumaa ama aan dareensanaa ! Laakiin dadka/Soomaalida (gaar ahaan Dadka Muqdisho intooda badan) way u qiil bixin jireen, Waxaad maqleysaa iyagoo ku doodaaya…

    “HADDII AAN HOOBIYE LAGU TUURI LAHEYN, DAD MEYSAN XASUUQEEN”

    Aniga aad iyo aad ayaan uga xanaaqi jiray marka aan maqlo doodaas oo kale waayo .. Waxaanba aaminsanahay in AMISOM ay yihiin Cadow uu Mareykanka iyo Faransiiska (GUMEYSTAASHU) ku adeeganayaan oo aan sinaba dan u heyn Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, OGOOW isla Gumeystayaashan ayey ahaayeen kuwii taageerada siiyay Xabashidii 2006 gumaadka noo gaystey.

    Ciidanka AMISOM waxay Dalkeena u jioogaan ujeedooyin gumeysi iyo gaaleysiin ku saleysan waxaana hubka iyo mushaarkaba siiya Gaallada Midowday oo sida aan wada oganahay cadow ku ah jiritaanka Ummadda/Qaranka Soomaaliyeed…. Waa ayaan daro in Soomaalida badankeedu sidaa wax u ogeyn.. Haddii ay ogyihiina ay ka door bidaan siyaasadda Jahliga ku dhisan ee ay Jabhadaha Qabiiladdu dalka ku dhaqan galiyeen sida “” XABASHI WAA WALAALAHEEN” oo si layaableh looga dhaqan galiyay GOBOLADDA WAQOOYIGA IYO WAQOOYI-BARI Dalkeena (Puntland iyo Somaliland).

    Muqdisho waxaa ka taagan masiibo aad u weyn, Maaliin kasta waxaa lagu xasuuqaa ugu yaraan 10 qof, waxaana xasuuqa %99 gaysta Ciidanka Calooshood-u-shaqeysatada ah ee la baxay AMISOM, Waxaan aad ula yaabaa sababta ay Wax-garadka Soomaaliyeed ee reer Muqdisho uga hadli waayeen ama uga dhiidhin la’ yihiin xaquuqa shacabka ay ku hayaan Ciidanka (adoonta ah) ee la baxay AMISOM .. WA LA YAAB!! .. Reer Muqdisho ma waxaa lagu qalday ..

    “Waxaan ogahay in Sh Shariif ayaan reer Muqdisho Madaxweyne Soomaaliyeed idiinkaga dhignay laakiin waxaa diidan kuwa hoobiyaha soo ridaaya !!” Ma intaas kaliya ayey ku ogalaadeen in caruurtooda iyo hooyooyinka la qixiyo oo Yool looga dhigo Madfaca AMISOM/Adoonka.

    Nasiib wanaag Maalmahaan waxaa soo ifbaxay in la dareemay Xasuuqa AMISOM maalin dhaweyd waxaa ka hadley Abwaanka Bacadle, Idaacado badan oo Soomaaliyeed oo ka hadlaaya waan arkey ..Alxamdu lilaah waxaan aad ugu faraxsanahay in Dadkeygu dareenkii ku soo noqdey, Maxaa yeelay markii hore dadka iyagoo raali ka ah ayaa la xasuuqaayey, kaliga si uu Shariif Madaxweyne u noqdo !! .

    Idaacadda Somalitalk aad ayaan ugu mahad celinayaa dareenka wadaninimo, iyo ilaalinta xaquuqda dadka Soomaaliyeed ee aad marwalba wax ka qortaan. Waxaan jeclaan lahaa inaad Dadka si wanaagsan ugu wacyi galisaan Xasuuqa xaq daradda ah ee ay AMISOM/Adoontaas Ummadeena ku hayaan.

    Waad mahadsan tihiin.
    Walaalkiis BUUR-QARMO.

  3. Bismilaahi ilaah ayaa mahad iska leh.waxaan u tacsiyeynayaa qoosaskii dhibka ay ka soo gaareen AMISOM kuwii laga geeriyooday iyo kuwa laga dhaawacan yahay sabra alle ayaa idin maqan waxaana jiraysa maalin lala xisaabtamo cadowga iyo cadow kal kaalka waxaan hubaa in kuwa isku sheegayo dowlad aysan fiyoobeen waayo qalbi fiyow qofkiisa ayaa damqada awal waxaan laheen madaxwaynahay ayaaba ugu macquulsan oo ah qof wax diinta ka garanayo runtaa waxaan wada ognahay in afmacaan uu nagu soo galay asagoo iska dhigayo qof jecel dalkiisa iyo dadkiisa iyo diintiisa waxaad tahay waalagu bartay sxb mar ayaad sumcad laheed hada waxaad ogtahay in dadkii ku jeclaa maalinkasta kaaraha amisom marba dhan loogu ridayo taariikhda ayaa ku xusaysa dib dambena laguuma aamino waxaan maqalnaa markasta oo aad baxaysid in dadka la duqeeyo waxaadna ogtahay subaxkasta meesha bulshada u badantahay in la duqeeyo sida bakaaraha iyo xaafadaha kale.waxaad ogtahay isbitaaladii in ay la buux dhaafeen dhaawac afgaduudow waxaad ogtahay hooyooyinkii ilmahadooda u hoyanayey in si bareer amisom ay u xabadaynayso intaas oo dhan waxay ku dhacday aamusnaantaada iyo kooxdaan huguri u jooga ah ee aad ugu magacdarteen baarlamaanka kuwa fiyoow maba ahan qaarka mid ah waxaan ogahay in kenya qamriga ku cabi jireen marka alle ayaa u maqan bulshadan uma baahna afgaduud iyo kooxdiisa awal waxaan ahaa dadka ku jecel oo ku taageersanaa balse maanta erayadaan waxaa iga keenayo damiir la aanta waxayna bulshada is waydiiyaan waxa afka kaliya kaa gaduudiyey runtii dhaartii ayaa ku qabatay iyo afkii aad bulshada kusoo jiidatay oo maanta aad la aamustay ogow waxkalena way kuu sii dhiman yihiin insha allaah hadaadan sidaan iska badalin kuwa kalena waxaan alle uga rajaynaynaa in calaamad cad oo bulshada ay aragto ku sawirmaan Asalaamu calaykum

  4. Maxamedyare says:

    Asc war walaalayaal sidaan xal maha dadkaan Africa laga keenay walaahi wax xal ah inooma wadaan ee keenii aan anaga iska weli weyno ayey u joogaan iney dilaan war waxaan oo kale wax loo adkeysan karo maha ee aan meesha ka kacno oo aan waxaad dugaaga ah iska qabano hadii la leeyahay Uganda ayaa wax nabad ah idin heyso waxaan tagay Kampala laba mar walaahi xamar ayaa ka nabad badan. Mida kale kuwaan dowlada lagu sheegaayo oo dantooda waxaan eheen aanan ka fikireynin walaahi aaqiro meel ay gali lahaayeen ayaa laga rabaa kuwaan diinta islaamka magacooda wadana waa la mid war dadka somalida ah wax xaquuq ah ma lehan miyaa maxaa dhibaataada baday dadkeena oo dantooda loo firin layahay walaali wadamadan gaalada ah aya dhaama oo nabad taalaa

  5. ceeldheer says:

    waa wax laga xumaado sida shacabka somaliyed lo xasooqo malin walbo,waxaa wax lala yaabo ah nimanka sheganayo inee yihiin dowlad hadana aana waxba ka qawaneyn,dhibatada shacabka lagu haayo,

    waxaan shacabka somaliyed u cadeyna in mesha wax dowlad la yirahdo esan ka jirin nimanka magaca dowlada wataan ee yihiin niman afhayeen u ah cadowga amison,

    amison somaliya uma jogto nabad ilaalin ee waxeey u jogtaa inee casimada ka ilaaliyan in eey islamiyinta qabsadaan,iyagooo ka dagaal tagayo in geeska africa awoodi islaamka ku soo noqoto,

    waxaan shacabka somaliyed ka codsanayaa inee fahman qadiyada dagaalka, oo ah islaam la dagaal,marka suahsa sheyda waxeeytahay ma waxaan la jirnaa galada shacabkeyna xasuqeyso badeynana malayga kala baxday suna ku shubtay, diintenana cadow ku ah,

    mise waxaan garana danteyna oo waxaan u dagalana diinteyna iyo dalkeyna,
    waxaa wax laga xumaado ah in ragi shacabka somaliyed 20 sano ka dhigay qaar lalaayo iyo qaar la qaxiyo inee manta yihiin xildhibano,

    somaliyey waa iga talo qabyalada ka taga waa dhabar go iiyna

  6. mohamed says:

    Waa belaayo Shaydaan nagu saliday, yeysan nabadna noo ilaaline dhiig kasta ha inaga qubtee aynu xoog ku saarno, kuwan dawladda sheeganayana waa intii ugu xumayd Soomaali, dilaal iyo malaal lacag doon ah, dhiig qubta iyo umad la xasuuqayo midna ma ka la jecla, kamaysan hadlin wilashii intaa la xirxiray badda lagu harqiyey, kamana hadlaan dad kale oo Muqdisho xasuuq loogu gaysto, waayo iyaga lacag iyo xoolo ka heli maayaan taas