Home » Warar »

Lamaanihii Ingiriiska ee afduubka lagu haystay oo lagu wado in xoriyadooda dib u helaan maalmaha soo socda

Wararka naga soo gaaraya Degmada Xarardheere ayaa waxay sheegayaan in uu gebagebo marayo wada hadal u dhexeeyey Ragga afduubka ku haysta Lamaanaha Ingiriiska Paul iyo Rachel Chandler iyo Koox kale oo iyana ku hawlaneyd sidii lagu sii deyn lahaa, waxaana arrintaasi soo dedejiyey markii mid ka mid ah Ururada Islaamiga ah ee ka dirira Soomaaliya oo lagu magacaabo Xisbul Islaam ay la wareegeen degmada Xarardheere.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in shalay la damacsanaa in la sii daayo lamaanahaasi balse ay dib u dhaceen, iyadoo kooxaha haysta lamaanayaashaasi ay ogolaadeen in ay qaataan lacag madax furasho ah oo gaareysa Malyan iyo Shan Boqol oo Doolar, waxaana deegaanka Xarardheere ku sugan rag dhexdhexaadinaya labada dhinac waxaana dib u dhacaas keeney markii ay shakiyeen kooxaha haysta lamaanayaashaas oo iyaga ka cabsadey in gacantooda laga baxsho , iyadoo xitaa la sheegey in ay soo dhaweeyeen lamaanayaashaas kana soo saareen goobtii ay hore ugu haysteen , waxaana lagu waramey in ay dib ula laabteen meeshii ay ka keeneen waxaana weli socda dadaalka lagu siideynayo labadaas qof

Kooxaha haysta lamaanayaashaas ayaa haatan waxaa ka muuqata dabacsanaan aad u weyn waxayna qaar ka mid raga haysta ay doonayaan in deg deg lagu sii daayo iyagoo ka cabsi qaba in xaalada isbesho halkaana ay ku waayaan lacagtii iyo lamaanayaashii maadaama sannadkii hore laba sarkaal oo u dhashey faransiis oo laga afduubey Hotel saxafi kooxihii soo afduubey gacantooda lagala wareegey iyadoo markii dambe mid ka mid la sheegey in uu baxsadey halka kii kale la’yahay geeri iyo nolol halkii uu ku dambeeyey

Lamaanayaashaan oo mudo dhowr bilood ah lagu haystay deegaano ku dhow Xarardheere ayaa waxaa qaylo dhaan aad u weyn ka muujiyey shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska oo iyagu sheegay in ay bixin doonaan lacagaha madax furashada ah ee ay doonayaan kooxda haysta Lamaanaha Ingiriiska ah, waxaana la sheegay in intii la haystay ay la kulmeen dhibaatooyin fara badan.

Deegaanka Xarardheere ayaa haatan u muuqda mid ay ka haajiri doonaan dhamaan kooxaha Burca Badeeda ah kadib markii ay deegaankaasi ay gacanta ku dhigeen ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam, waxaana la sheegay in Burcad Badeedu ay intooda badan u gurteen deegaanada lagu magacaabo Ceel-Huur iyo Huboyo, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in halkaasi ay ka sii haajiri doonaan ay kicitimi doonaan deegaano ku yaala Maamulka Puntland.

Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Lamaanihii Ingiriiska ee afduubka lagu haystay oo lagu wado in xoriyadooda dib u helaan maalmaha soo socda "

  1. muslimah says:

    asalaam caleykum warahtullaahi wabarakaatuh
    @Xaawo…..halkaan ka akhri more about Erateria….
    http://en.wikipedia.org/wiki/Eritrea#Religion///Haddi kale Google magacaa Erateria , kadib waxaad ka akhrisaa WIKIPEDIA..

    wa asalaam aleykum warahmatullaahi wabarakaatuh.

  2. xaawo says:

    aslaalmacalykum walaal anigu waxaa aan ahay gabar waxaan,joogaa miyaapolis walaal waxaa,aaan,rabaa in aad iisheegtida waxaan maqalaa dawalad layiraado ERATAREEY walaal eeratareeya ma;soomaali baa man musliim miyaa walaal ha’ilyaabin mudo20sano ah waakamaqanaa soomaaliya walaal THANK,YOU

  3. QORAAL SAXIIX.

    As Salaam caleykum waraxamtullaahi wabarakaatuh/
    Waxaa mar walba haboon in Allah Subxaanahu wa Tacaala laga baqo lana xasuusto Xisaabta maalintaa Qiyaamaha,Dakaa aad afduubteen oo waxna galabsanin ,ogaada in Allah Subxaanahu wa Tacaala idin jeedo oo idin maqla meel kastaba aad joogtaan,xunaanta aad dadka kale ku sameyneysaan waa la idin suaali doona Insha Allah,, ee dadkaas si daaya, iyo wixii xaaraan ah oo gacantiina ku haystaan oo cafis iyo wanaagana ku dadaala intay goor goortahay lacagtaa aad mar walba dalbaneysaan ee madax furasho ah, oo marna idin deeqin, ogaada waa lacag xaaraan ah, ee xaaraanta iyo xaqdarada dhaafa oo Alle iyo diintiisa ku noqda intay goor goortahay.malaaigta garbihiina fadhiya oo kala qoraan waxaa aad ku dhaqaaqdan,
    wabillaahi tawfiiq.
    wa asalaam caleykum waraxantullaahi wabarakaatuh