Home » Warar »

Ururka Mu’tamarka Islaamka oo sheegey in sii laba laabi doonaan kaalmadii ay siin jireen Shacabka soomaaliyeed

Waxaa maalmahan Magaalada Muqdisho joogey wafdi ka socdey Ururka Mu’tamarka Islaamka  kuwaas oo kulamo la yeeshey Dowladda Federaalka iyo qaybha kala ee bulashada iyadoo intii aysan ka dhoofin Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayey halkaas ku qabteen Shir jaraaiid waxayna sheegeen in ururkooda gacansiin doonaan bulashada soomaaliyeed oo xiligaan ku jirta dhibaato aad u baahsan , wuxuu kaloo uu sheegey ururuka in intii uu jirey ama la dhisey ay soomaaliya ka qabteen howlo biniaadanimo , kuwo waxbarasho , iyagoo sheegey in kaalmadii ay sii jireen ay sii laba jibaareen maadaama uu dalka uu ku jiro daruufo aad u adag  waxayna shacabka soomaaliyeed ugu baaqeen in ay u soo jeestaan sidii ay u dhisi la haayeen dalkooda , isla markaan u dhameyn lahaayeen dagaalada aan lagu faaiideyn

Ururka Mu’tamar Islaami ayaa sheegay in ay xafiis ka furan doonaan Magaalada Muqdisho ayagoo sheegey in arrintaas kala kaashan doonaan  wasaaradda Banii’aadamnimada Xukuumadda Soomaaliya

Wafdi ballaaran oo ka socdo Ururka Mu’tamar Islaam ayaa waxayna kulamo la qaateen Wasiirka Banii’aadamnimada Soomaaliya, sidoo kale waxay salaam sharaf ugu tageen Madaxweynaha Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed.halkaas oo ay isku dhaafsadeen  hadalo la xiriira sidii uu iskaashi u dhex mari lahaa Dowlada iyo ururka

Wasiirka Bani’aadamnimada Soomaaliya Maxamud Cabdi Garweyne ayaa xaqiijiyay in wafdigaan ay dhawaan  Muqdisho ka furi doonaan Xafiis arrimaha Soomaaliya Qaabilsan, kaas oo ka qeyb qaadan doona xalka loo raadinayo dalka Soomaaliya.isagoo sheegey in xafiiskaas uu wax weyn ka tari doono xaalada soomaaliya
 Sidoo kale waxa wafdigaan ka mid ahaa Ururka Bisha Cas ee dalka Qadar iyo Urur kale oo ka howl gala dalka Turkiga. Waxayna soo kormeereen Goobo fara badan oo ku yaal Magaalada Muqdisho iyagoo u kuurgalayey xaaladaha ay ku sugan yihiin

Wasiirka Banii’aadamnimada Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Tallaabadan xafiidka uu Muqdisho uga furanayo Ururka Mu’tamar ISlaam, wuxuuna dhaleeceeyay Ha’adaha kale ee Dalalka deriska ah ka qortay Kumanaanka Shaqaalaha ah ee ku dhameynaya Dhaqaalihii loo qoondeeyay Soomaaliya, isagoo ugu baaqay in ay u soo guuraan dalka Soomaaliya marxalad kastana la qeybsadaan.
 
W/D Amiin Yuusuf  Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ururka Mu’tamarka Islaamka oo sheegey in sii laba laabi doonaan kaalmadii ay siin jireen Shacabka soomaaliyeed "

  1. Muse says:

    Ururka Mu’tamarka Islaamka, Ururka Mu’tamarka Islaamka, Ururka Mu’tamarka Islaamka, waa maqli jirey, xaggee jiri jireen 20kii sano ee aan dhibaateysnayn, dhaqaalaha ay sheegeen yeysiin jireen???????? Ma mashruuc ayaa soomaliya ka soo galay?????? bal aan aragno, ururka iyo ciddey xoojiyaan??????????