Home » Warar »

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo soo bandhigtay Qalab cusub oo lagu horumarinayo Isgaarsiinta dalka

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo u taagan in markasta Daboosho baahida isgaarsiineed ee Bulshada ayaa maanta soo bandhigtay qalab cusub oo isugu jira gaadiid ay ku rakiban yihiin Anteenooyinka guurguura (BTS) iyo Taleefoonnada gacanta oo lagu kaarikeynayo Qorraxda (Solar Mobile).

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Xaflad lagu qabtay xarunta Shirkadda Hormuud ee Ceelasha Biyaha ayaa lagu soo bandhigay qalabkan, iyadoo ay halkaas ka hadleen mas’uuliyiinta shirkadda oo sharraxaad ka bixinaya qalabka cusub oo ay sheegeen inay ugu talogaleen inay ku horumariyaan tayada Isgaarsiinta dalka.

“Shirkadda Horumuud waxay kusoo kordhisay Isgaarsiinta dalka qalab cusub oo ay ka mid yihiin gaadiidka ay ku rakiban yihiin Anteenooyinka guurguura iyo Mobile lagu kaarikeeyo qorraxda oo loogu talogalay dadka ku nool goobaha aan laga heli karin korontada” ayuu yiri Eng. Maxamed Xasan Gooni oo saxaafadda la hadlay.

Gaadiidka ay ku rakiban yihiin Anteenooyinka guurguura ayuu sheegay in loogu talogalay in lagu siiyo quwad Mobile-da xiliyada xilliyada ay suurogal noqon waydo in taleefoonka uu si dhaqso badan ku galo hawada.

“Baabuurtan Anteenooyinka guurguura wada waxaa loogu talogalay in la geeyo goobaha ay dadku isugu tagaan, si ay ugu fududeeyeen dadka Istimcaalaya Isgaarsiinta Hormuud inay si fudud ku wacan karaan meeshii ay doonaan dunda” ayuu yiri Eng. Cali Caddaawe oo isaguna ka hadlay xafladda.

Qalabkan ayaa la sheegay inay tagayaan goob walba oo ay ciriiri anteeno ka jirto, sida Suuqyada, Shirarka, Mudaaharaadyada iyo goob walba oo ay dad badan ku kulmaan, si ay u helaan fursado ay ku wici karaan dibadda iyo gudaha dalka.

Madaxa qaybta Suuq-geynta C/xakiin Xasan Iidow oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa ka warbixiyay qalabkan cusub, isagoo sheegay inay shirkaddu ugu talogashay inay ku horumariso Isgaarsiinta dalka, ayna go’aankan gaareen markii ay ogaadeen baahida ay dadku u qabaan.

“Taleefoonka Qorraxda lagu kaarikeeyo waxaan ugu talogalnay inay ka faa’iideystaan dadka ku sugan goobaha aadka uga fog korontada intii ay u lugeyn lahaayeen 60-km illaa 100-km si ay taleefoonkooda dab ugu helaan” ayuu yiri C/xakiin Xasan Iidow, isagoo sheegay in laga helo karo laamaha shirkadda Hormuud meel walba oo ay ku yaallaan uuna qofka ku iibsan karo 30-Dollar oo keliya.

C/xakiin wuxuu sheegay in taleefoonkan uu yahay mid ay shirkaddu si gaar ah u sameysatay uuna ku shaqeyn karo oo keliya SIM CARDS-ka shirkaddu ay bixiso, wuxuuna xusay inuu leeyahay FM-radiyo uuna ka tayo ahaan ka wanaagsan yahay taleefoonnada kale ee ganacsiga.

Eng. Yaasiin oo isaguna saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Shirkadda Hormuud ay qorsheynayso in mustaqbalka dhow ay qalab cusub oo casri ah kusoo kordhiso Isgaarsiinta dalka, sida Internet loo adeegsan karo GSM-ka oo aad u fudud.

Mas’uuliyiintii ka hadlay xaflada ayaa waxaa ka mid ahaa C/kariim Maxamed Kaariye oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud isagoo xusay in qalabkan cusub uu yahay midkii ugu horreeyay oo ay keenaan shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo soo bandhigtay Qalab cusub oo lagu horumarinayo Isgaarsiinta dalka "