Home » Maqaallo, SaahidYusuf »

Salafiyadu ma tacasubkii mad-habiga ahaa bay soo celinayaan ?! | Shiikh Saahid

 

( Qisadii ka dhacday Masaajidka Ibnu Tiimiyah ee OHAAYO, USA )

Horudhac :

Shiikh mohamed ibnu idris AL-shaafici wuxuu ahaa Caalimkii reer Qureeyshayd ee uu Nabigu sheegay in uu dhulka ka buuxin doono Cilmi,taasna waxay ku timid sida uu u mideeyey labaddii Dugsi ee hortiis jiray Dugsigii reer Ciraaq ee Qiyaaska ku dhisnaa ee uu hogaaminaayey Imaam Abuu Xaniifa RC iyo Dugsigii ahlu Xadiis ee Reer Xijaas ee uu hogaaminaayey Imaam Maalik RC .

Shiikh shaafici wuxuu la yimid Fiqhi ku dhisan afarta tiir ee usuusha Islaamka waa Quraanka,Sunnaha Nabiga, Ijmaaca iyo Qiyaasta.

Reer Ciraaq wuxuu ka badalay in ay Qiyaaska meeshiisa dhigaan oo ayadoo Nas Quraan ah ama xadiis ah ama ijmaac saxaabadu meesha yaalo in aan qiyaas lala soo boodin Ereygii caanka noqday ayuuna soo saaray ( laa Qiyaasa maca Nas) !!!!

Sidoo kale reer Ahlu Xadiis oon Qiyaaska fahamsaneyna wuu u bayaanshay in mas’allada Nas loo waayo in mas’allo la mid ah oo Diinta ku jirta looga qiyaas qaato Sida haddiiba Waalidka Uf haku oran lagu yiri looga Qiyaas qaadanaayo in aan la qaraacinna in aysan banaaneyn.

Wuxuu kaloo ahaa Imaam Shaafici Ruuxii ugu horeeyey ee Usuuli fiqhi dhidibada u taaga, Kaas oo ah Cilmi aad u Ballaaran oo aad u fududeeyey Barshada Diinta sida Amarku wuxuu keensadaa waajibnimo ilaa la helo wax( qariino)ah oo suno ka dhigaaya !!!!

Cilmiga Usuulu Fiqhiga wuxuu Muxadiskii weynaa ee C/raxmaan ibnu Mahdi Shiikh Shaafici ka codsaday in uu cilmigaas wax uga soo qoro, Markaas Baa Shiikh Shaafici alifay Risaaladiisa Caanka Noqotay ee ( AL-Risaala) oo uu u diray C/raxmaan ibnu Mahdi RC.

SHIIKH AADANOO WAA KUMA SHIIKH SHAAFICI:

Waxaan filayaa haddii aanan qaldaneyn mas’allad taariku salaadka uu Shiikh Aadan Daliilsaday waa tan madhabka Xanbaliyadda(1),

wuxuuna ka soo qaaday madaahibtii kale wax aan daliil haysan ama daliilkooda laga xoog badan yahay balse wuxuu afka ku taagay Shiikh shaafici oo uu yiri muxuu ahaa Shiikh Shaafici Saxaabi ma aheyn ,Taabicina ma aheyn ????

Bal su,aashaada ha kaaga jawaabo Shiikh Axmed bin Xanbal(2) oo aad mad-habtiisa u tacasubtay ahaana Ardeygii Shiikh Shaafici Dhamaantood Allaah ha u naxariisto!!!

1)Shiikh Axmed bin xanbal ayaa wiilkiisu weydiiyey Aabow yuu yahay mohamed bin idriiskaan aad markasta u duceyso,markaas buu ugu jawaabay waa Shiikh Shaafici oo dadka ula sinnaa Qoraxda sida ay dunida u tahay iyo Caafimaadka sida uu jirka u ayahay ??? labadaas wax yaalood ma laga maarmi karayaa, markaas ayuu yiri maya ,haddaba Shiikh Shaafici waa sidaas oo kale ayuu yiri.

2)Wuxuu kaloo yiri Shiikh Axmed bin Xanbal waxaan baaray Culumada Hadalkooda waxaana ku qiyaasay inta Cilmi aan u leeyahay Kitaabka Allaah iyo inta aan kulmiyey axaadiistii Rasuulka iyo athartii Saxaabadda dhanka xalaasha iyo Xaaraanta,waajibka iyo sunaha, xuduuda iyo Axkaamta, intaas oo dhanba waxaan helay in Shiikh Shaafici Allaah ha u naxariistee uu yahay kan ugu Raacista Badan,kan ugu xujo adag, kan ugu Qiyaas wanaagsan iyo waliba ugu tusaale waadaxsan.

3)Waxaaba intaas ka sii daran in uu Shiikh Axmed Bin Xanbal iyo waliba Culuma kale ay Qabaan in Xadiiskii Nabiga ee ahaa :

( Allaah kor ahaaye wuxuu ummadaan u soo baxshaa 100 kii sanaba Ruux Diinteeda u jadiidiya ) waxayna yiraahdeen:

Cumar bin C/aziiz ayaa ahaa mujadidkii 100 sano ee ugu horeysay , Boqolkii labaadna waxaa ahaa bay dhaheen Imaam Shaafici Raxmatulaahi caleyhi.

Haddaba waxaan la yaabayaa waxaas oo amaan ah uu Axmed bin Xanbal kaliya uu ka sheegaayo xaggey ka martay Shiikheena Ohaayo mise Arrinku waa sida loo yiraahdo Tukulush Timir gaari waayey waa Qaraar tahay buu dhahaa, ama aan reer xamar iska dhigo ( Geel kuul maxaas ka kasaa) !!!!

DULUCDA MAQAALKAYGA WAA ARRINKII KA DHACDAY MASJIDKA IBNU TIIMIYAH EE MAGAALADDA OHAAYO:(3)

Akhristahaygoow waxaa ka dhacay masjidkaas Bishaan april horaanteedii 2010, arrin la yaab leh oo fajiciso ku noqotay dadkii halkaas deganaa iyokuwo kale oo Idaacadaha kala xariiray???

Marxuum dhintay ayaa la keenay si loogui tukado se Imaamkii Masjidka ayaa makarafoonka qabsaday oo yiri ku tukan mayno ninkaan maxaayeelay wuxuu ahaa Taariku Salaad mana banaana in Taariku Salaad lagu tukado???

Reerkii Marxuunka ayaa arrinkaas ka xanaaqan oo aad uga carooday xaaskiisii iyo Gabdhihiisii oo wada xijaaban iyo wiilkiisii, meeshii Buuq baa ka dhacay sidaas buuna Imaamkii ku tagay, Se Nasiib wanaag ku xigeenkii Imaamka ayaa arrinkii xaliyey oo Marxuumkii ku tukaday.

MAXAY CULUMADU KA QABAAN TAARIKU SALAADKA MA GAALBAA MISE WAA MUSLIM ????

Sida uu Shiikh Shawkaani ku soo aroorinaayo kitaabkiisa Caanka ah ee [ Naylu Awdhaar ] (4)

[ Xadiiska caanka aha ee uu wariyey Jaabir bin C/llaahi R.c wuxuu yiri: ( wuxuu Nabigu yiri NNKH Ninka iyo Kufriga waxaa u dhaxeeya ka tagidda Salaada) waxaa xadiiskaas wariyey Muslim,Abuu daa’uud,Tarmadi iyo Ibnu maajih.

Xadiisku wuxuu ku tusinayaa in ka tagista Salaadu ay keensaneyso kufrinimo, Muslimiinta Dhexdoodana khilaaf ma ahaanin Ruuxxii Salaada ka taga asagoo inkirsan waajibnimadeeda wuu ku kufrinaya ilaa in uu yahay Ruux Diinta ku Cusub mooyee ama aan Muslimiinta ku dhex jirin muddo uu ku ogaado waajibnimadeeda mooyee, Haddiise uu ka tagiddiisu tahay caajisnimo asagoo lala qabo in uu aaminsan yahay waajibnimadeeda sida dad badan xaalkoodu yahay waayahaan (5)!!! Culumadu Arrinkooda waa isku Khilaafeen, waxay ku tageen Culumada inteeda Badan oo Salafkii ka mid ah iyo waliba Khalafkii uu ka mid yahay Imaam Maaliki iyo Imaam Shaafici in uusan Ruuxaasi kufrineynin ee uu faasiq noqonaayo, Qaar kale oo Salafkii ka mid ahina wey gaaleysiiyeen , waxaana taas laga wariyey Imaam Cali bin abii Daalib,waana Riwaayo ka mid ah imaam Axmed bin xanbal(6) sidoo kale waxaa yiri C/llaahi ibnu Mubaarak iyo Isxaaq ibnu Raahiweyhi iyo waliba qaar ka mid ah asxaabta Shaafici Sidoo kale. Abuu Xaniifa wuxuu qabaa iyo jamaaco ka mid ah ahlu Kuufa iyo Muzani Saxiibu Shaafici ma kufrinaayo lamana Dilaayo laakiin waa la tacziirinayaa waana la xirayaa inta uu ka tukanaayo.

Waxayna daliilsadeen Aayadda Quraanka ah ee oraneysa ( Allaah ma dhaafo in loo shariik yeelo se wixii ka soo hara wuu dhaafaa ) Nisaa 48.(7)

Waxay kaloo soo daliilsadeen Xadiiska Cubaada ibnu Saamit uu yiri waxaan Nabiga ka maqlay( shan salaadood oo Allaah dadka ku waajibiyey Ruuxii la yimaada ayaga asagoon waxna ka dayicin aanana xaqooda yareysaneynin Allaah agtiisa balan buu ku leeyahay in uu Jannada galiyo, Ruuxii se aan la imaanin Allaah agtiisa balan kuma laha, Haduu doono Allaah wuu cadaabayaa haddii uu doonana uu u danbi dhaafayaa) xadiiskaas waxaa wariyey Axmed,Abuu Daa’uud,Nisaa’i iyo Ibnu maajih .

Qawlkiisa :( haddii uu Rabo wuu cadaabayaa hadii uu rabana wuu u dhaafayaa) waxaan ku soo ogaanay baabka hore in kufrigu noocyo kala duwan uu yahay waxaana ka mid ah mid aan diideynin danbi dhaafka waana ka dhaca dadka muslimiinta ah ee ahlu qiblada ah taas oo shaaricu kufri ku tilmaamay kuna tusinaaya Ruux kasta oo salaada ka tagaayi in uusan xaq u yeelaneynin in uu naarta ku waaro.(8)

Haddaba Axaadiista Baabka waxaa lagu fasiri karayaa in Ruuxa Taariku Salaadka ahi uu mutaystay ciqaabta ruuxa kaafirka ah oo ah Dilitaan,ama Axaadiistaas waxaa lagu xanbaarayaa Ruuxa Xalaaleystay, ama wuxuu gaarsiin karayaa gaalnimo amaba ficilkiisu wuxuu la mid yahay gaalnimo se gaal ma ahan ] hadalkiisii wuu dhamaaday (9).

MUXUU YAHAY TACASUBKA MAD-HABIGA AH ????

Tacasubka mad-habiga ah waa adigoo aan soo wada aroorinin Culumadu waxay ka Qabto mas’allada Guud ahaan sida uu Shiikhu Shawkaani haatan u soo arooriyey oo kale waliba wuxuu soo qaadanayaa qolo kasta Daliilkeeda se halkaan kuma dhameystiri karno haatan, haddiise doodu sii socoto waan ku qasban nahay in aan Daliilada oo dhan keeno se haatan waxaan ku gaabsaneynaa aayaddaas iyo Xadiiskaas ay daliilsadaan Culumada inteeda badan ee Jamhuurka loo yaqaano sida afartii mad-habood xanbaliyadda uu Shiikh Aadan ku tagay mooyee Sedddexda kale waxay qabaan taariku Salaadku waa muslim Faasiq ah oo haddii uu rabo rabi cadaabi karo haddii uu doonana uu cafin karo mashii’o ayaa meesha soo gashay waana taas meesha ay Seddexda Mad-habood ka duulayaan, Gaalka waxaa waajib u ah in Naar la galiyo.

Tacasubka mad-habiga ah waa in aad qowlkaaga kaliya sheegto oo aadan soo wada aroorinin sida ay Culumadu iskugu Khilaafeen mas’allada ama aad tiraahdo tayda uun baa sax ah oo Raajix ah kuwa kale waa Aqwaal daciif ah sida uu Shiikh Aadan u leeyahay waxaan haystaa Aayad quraan ah,Xadiis Rasuul ,qowl Saxaabo !!! Bal ka waran Akhristoow soo Aayad ma ahan alnisa 48, Sow Xadiis ma ahan Xadiiska Cubaadah ibnu saamit ee taariku Salaadka Ma’shii’a arrinkiisa galinaaya, sidoo kale Cubaada sow Saxaabi ma ahan ama Mucaad iyo Abuu hurayrah sow saxaabo maahan markay warinayaan : ( Adoon ma jiro Shahaadada qiraaya laa ilaaha ilalaahu iyo in uu Nabi mohamed yahay Rasuulkii alle ilaa Allaah wuxuu ka xaaraantimeeyaa Naarta ??? markaas ayuu Mucaad yiri Rasuulkii Allow dadka ma ugu Bishaareeyaa ,markaas ayaa Rasuulku yiri markaas wey talo saaranayaan !!! Mucaad Xadiiskaas wuxuu sheegay markii uu Dhimanaayey asagoo ka baqanaaya in uu kheyr qariyey !!! Subxaanallaah Tukulush timir gaari waayey waa qaraar uu dhahaa, Geel kuul maxaas ka kasaa !!!!

Haddaba Waxaan maqaalkayga ku soo gabagabeynayaa Salafiyaddu ha iska deyso afar mas’allo oo khilaafi ah in ay Tooda uun dadka ku qasbaan,ama haddii aan si kale u iraahdo ma afar mas’llo ayuun baad ka soo qaadateen Mad-habtii wanaagsaneyd ee Shiikh Axmed bin xanbal ???!!!!

waa tan kowaad ma’sallada Taariku Salaadka, zakada dahabka la isku qurxiyo, safridda haweenta kaligeed,walaayadda gabadha !!! iwm.

Waxaan kaloo u sheegayaa in Jaamicadaha Sacuudiga ee Mad-habta Xanbaliyadda lagu dhigo ay la mid yihiin Durruustii Xerteenu ku akhrin jirtay masaajidka anzalooti,cali boolaay,maana boolyo,siigaale, Qoryooleey, baydhabo janaay, Baardheere,Kismaayo, Gaalkacyo, boosaabo,burco iyo Hargeysa iyo Boorame !!! kuwaas oo laga wada akhrin jiray safiinatul salaad, abuu shugaac, Muqni muxtaaj lil nawawi, ajruumi, qadru nidaa wa balu sidaa iwm.

Haddaba dhaqaalaha uun baa wax kala hormariya se Fiqhi Soomaali loo daa ileyn waxay haystaan fiqhi kii ugu adkaa mad-habta imaam Mohamed ibnu idris Al-Shaafici raxmatullaahi Caleyhi,

fii amaani laah

Shiikh Saahid mohamed yusuf

sahidyusuf @ yahoo.com

Al-mutakhsis fil xarakaat Alislaamiyah

USA,VA.

________

  • 1) kuwa badan oo salafiyiinta ka mid ah ayaan ogeyn in waxa ay daliilsanayaan ay tahay mad-habka xanaabilada.
  • 2) macrifatul sunan wal athaar li bayhaqi 118-126.
  • 3)kalo soco dhacdadaas barnaamijka wargalin ee 17 April .
  • 4)Naylu Awdhaar 308-319 or lambarka xadiiska 396-414.
  • 5)Shiikh showkaani AL-yamani oo joog qarnigii 12 ee hijriyadda ayaa oranaaya sida xaaladda dad badan ay ku sugan yihiin muslimiin aan tukanin.
  • 6)xataa Axmed bin xanbal wuxuu qabaa riwaayad uu shiikhiisa ku raacay oo aan gaalaheyn taariku salaadku laakiin waxaa la qaataa riwaayadiisa mashhuurka ah.waa arrin uu shiikh axmed uu caan ku yahay in uu riwaayooyin kala duwan oo iska hor imaanaaya uu leeyahay.
  • 7) Salaadu waxay ku jirtaa danbiyadda shirkiga ka soo haray !!! xadiis kale waa kiilahaa qiyaamaha waxaa la keenayaa ruux aan waligiis camal sameynin markaas ayaan janada la galinayaa li ajli laa ilaaha ilalaahu, mohamaedun Rasuulalaah.
  • 8)xadiiskaas wuxuu ku soo arooriyey bogga 310 ama lambarkiisu waa xadiiska 404.
  • 9) showkaani oo kaliyah ma ahan meel kastooy culumadu kaga hadasho mas’alladaha khilaafiga ah sidaas bay u soo guuriyaan se Shiikh Adan( ohaayo & saaxiibkiis Food)toodaa u cad !!! subxaanallaah !!!!

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Salafiyadu ma tacasubkii mad-habiga ahaa bay soo celinayaan ?! | Shiikh Saahid "

  1. Warfaa Ali says:

    Bismillah
    Waxaan rabaa in ann u mahad celiyo Sh Zahid sida wanaagsan Mas’aalada uu oga hadlay. Sida aan ka daawaday tv yada iyo waraysiga sheekhu bixiyay Alle khayr ha sii yee uu bixiyay wuxuu ku adkaystay mowqifkiisa.

    Marka in sida saxda al loo sheego oo qoraal laga sameeyo waxaba ku ma jabna. Haddii culimada qaladkooda aan loo sheegin dhibaatooyin badan ayaa ka imaan karo, Waxaad eegtaan sida Sh Albaani Allah ha u naxariistee culimada khaldan uu u saxi jiray asagoo adeegsaday af iyo qoraalba.

    Alle Ha na tuso jidka toosa,
    Warfaa

  2. Asc waraxmatullaahi tacaalaa ulligiin walaalahayga muslimiinta ahoow.
    walaalayaal in wax la is tuso ma xuma, in wax la iska dhaadhiciyana waa wanaag iyo horukac, balse walaalayaal qofna yuunan ku xad gudbin walaalkiisa muslimka ah. walaalayaal Shaafici raxmatullaahi tacaalaa calayhi waa shiikunaa Al Islaam, Xaniifana Raxmatullaahi calayhi waa sheekhunaa Al Islaam, Maalikna Raxmatullaahi calayhi waa Sheekhunaa Al Islaam, Xanbalna Raxmatullaahi calayhi waa sheekhunaa Al Islaam. hadaba walaalayaal isku ixtiraama madaahibteenna isku midka ah ee aanan wallaahi wax ka weyn cirbad caaradeed ku kala duwanayn. walaalayaal ha isku danbaabina ee xaqqa isu muujiya Rabina dhmaanteen ha inoo wada naxariisto tubta toosanna hana wada waafajiyo. walaalayaal runtii ma wacna inaan Islaamka firqooyin u kala sameyno, walaalayaal Islaamku waa mid mana kala qeybsamayo. walaayaal wallaahi waxaan ku qaboobayaa in laygu yeero Islaam keliya laakiin aan laygu yeerin firqu magaceed. walaalayaal asc waraxmah.

  3. Mohammed says:

    Asalaamu calaykum dhamaanteen walaalahayga muslimiinta ahaw, Maasha allaah Sh Saahid aad baad u mhadsan tahay sida qiimiga leh ee waqtigaaga qeyb ka mida aad ugu hurtay inaad qoraalkaan webka soo galiso, balse akhii fil islaam hal su’aal aan ku waydiiyo ka hor qoralkaan walaalkaa Aadan ma u soo nasteexaysay??

    Waad ogtahay culumadu dadka way ka dhaga nugul yihiin laga yaabi lahaa inuu hadalkaaga ku qancee.

  4. Boqor Faysal says:

    A.W.Wabarakatahu, Sheikh Saahid wad ku mahadsan tahay qoraalkaga lakiin waxaan rabaa in aan ku xasuusiyo qowl ka sugnaday Imaam Mohamed ibnu idris Al-Shaafici raxmatullaahi Caleyhi oo ahaa qofkii dadka dhexdooda wax igu yirahda ima nastexeeyn ee waa i fadexeyay, waxaan uga danleyahay waxaa ka fiicneyd inta aad Internetka soo galin laheyd in aad Sheekha goni ugu tagtiid maxa yelay diinta Islaamka waa diin nasteexo ah, mida kale wax dhib ah ma ahan hadii uu qofku ku qanco qowl uu isagu is yiri kaas ayaa xaqa u dhaw.

    Jazakallahu Kheyra.

  5. scwxwb :
    Yaabane subxaanallaah in aan is tus tus wax ku qoro se anigu waxaan sheegay oo kaliyah in aan mad-habna loo tacasubin oon la dhihin taydu waa sax tan dadka kalena waa khalad.
    Shiikh Aadan wuxuu qaatay Mad-habta xanbaliyadda dhib maleh waan ku ixtiraamayaa se Jamhuurka Culumada oo ah ( mad-habka Abuu Xaniifa,Maaliki iyo Shaaficiyadda ) ayaa qaba in Taariku Salaadku yahay Muslim Faasaq ah, marka taas lee ha Ixtiraamo Shiikh Aadan & dadka afkaartiisa u janjeedho. Haddiise aad aaminsan tahay in uu sanbariirixday oo shiikh Shaafici u gafay waa xaq in la ogeysiiyo zaladiisa !!! taasna waa xaq oo waa la sheegaa ee loomaqarsho Culimada.

  6. yaabane says:

    waxaan la yaabanahay ninkaan saahid ah ee meelkasta ku boodaya war nin yahoow inta yar ee Rabbi ku baray dadka haku xumeynin hana isu arkin nin wax walba yaqaan arrintuna yeeysan kaa noqonin is tus tus iyo ha lagu yiraah saahid baa saa yiri .markaston aqrinyo qoraalkaga qof unbaad ku wax yeeleysaa sidaana ma ahan si habboon kaga darane dadka aad wax ka sheegeyso waad ku jees jeesta ee nin yahow is qabo waad socotaaye ogow in ninka caalimka ah uu simbiriirixdo marar badan {zalatul caalimi} oo dad kaa sharaf iyo aqoon badnaa ayeey qaladad ka dhaceen .waxaan mar kale ku dhihi lahaa dib isu eeg .hadad magac raadis tahayna adunbaa ku dhamaan meel cidla ah

  7. C/Raxmaan says:

    Waad mahadsan tahay Sh.Saahid sida aad u caddaysay in muslimiintu si kala duwan wax u arki jireen iyagoo wada tixraacaya/cuskanaya Quraanka iyo Sunnada.Nasiib xumo dad badan oo salafiyada ka mid ah ayaa u haysta inuu qofku nacay Diinta hadduu iyaga ka mad-hab duwanaado,diintoo dhanna u haysta inta iyagu yaqaannaan.Dhibkani waa kan masuulka ka ah dhibaatada Soomaaliya maanta ka jirta ee kuma koobna arrintii Ohio.
    Wa Billaahi Tawfiiq

  8. Nadifa says:

    Sheekh zahid ilaahay ha kaa ajarsiiyo sida aad u bayaanisay. tan kale habkan oo kale way fiicantahay in laysu naqdiyo, waana radin iijaabi ah ama positive, uma arko qalad, mana filayo inaad sheekh aadan ku xadgudubtay balse waad saxday waana caddaysay imaamu shaafici wuxuu ahaa, isaga iska dhaafee ilmaha yaryar ee madaarista qur’aanka dhigta ayaa yaqaan booska uu shaafici ka joogay umadda iyo gudbinta diinta, taasna wax la isweydiiyo ama muran ka dhasho maahan, nacam mas’aali khilaafi ah muarn wuu ka dhalankaraa lakin sheekh shaafici warkiisa ma soconaayo lamana daliishan karo ama maahayn nin weyn sida saxaabi ama taabici warkaas war caqliga saliimka yeelayo maahan iska dhaaf in qof caalim sheeganaayo uu hadal noocaas ah ka soo fulee.

    Aniga markaan sheekh aadan warkiisa dhagahayga ku dhagaystay aad baan u yaabay, wuu ku qanci karaa mad-hab gooni ah ama mas’alo khilaafi ah lakin waan la yaabay xadka uu shaafici gaarsiiyay yacnii wax kasoo qaad kama dhigin.

    Allaaah ha na wada cafiyodiintiisana ha na fahamsiiyo xaqqal fahmi walmacrifah.

    waxaan ku gunaanaday (Innamal cilmu bitacalum wa innamal fiq-hu fitafahum).

    Nadifa

  9. mohamed mash says:

    Jazaakumullaah sida waadixa ee aad wax badan noogu faa’iidaysay illaahayna waxaan kaaga baryayaa inuu misaanka xasanaadka kuu saaro amiin.
    Intaas kadib walaaloow su’aashaydu waxay tahay ma u nasteexaysay wadaadka ama imaam columbus, ohio jooga ee arintaani ay qabsatay. sidaasna ma ku haboontahay intaanan hawada la iska radin?. w/towfiiq