Home » Warar »

Qofkii 30-aad oo Soomaali ah oo Lagu Diley Gobolka Alberta, Canada

30 Dhallinyaro Soomaali ah oo lagu delay Alberta ilaa 2005 …

Wiilka ugu dambeeyey ee la diley waxa uu ahaa dhallinyaro. Waxa uu ka soo jeedaa Soomaali. Waxa uu ku koray magaalada Toronto, waxana uu u guurey Gobolka Alberta ee galbeedka Canada si uu halkaas uga raadsado fursado shaqo. Waxaa Khamiistii meydkiisi laga helay qol, magaalada Fort McMurray ee gobolka Alberta, sidaas waxaa werisey wakaalada wararka u faafisa Canada ee Canadian Press.

Wiilka ugu dambeeyey ee la diley oo da’diisu ahayd 19-jir magaciisu waa Abdinasir Ali.

Abdinasir Ali waa qofkii 30-aad oo ah Somali-Canadian oo ilaa 2005 lagu diley Alberta, kuwaas oo ah dhallinyaro. Dhimashiisu waxay tusaale u tahay arrin argagax badan oo la soo deristey wiilasha (Soomaalida) ee u soo guurey Alberta, kana soo tegey Toronto, xilli ay cirka isku shareertay dagaalka gangiska iyo goofka daroogada.

Marxuumka la diley ayaa meydkiisa waxaa la helay subaxnimadii Khamiista kaddib markii Booliska Canada (RCMP) ay heleen telefoon. Waxaa warbaahintu sheegtay in boolisku ay arrinta u tixgeliyeen in la diley marxuumka, laakiin ma aysan bixin faahfaahin.

Warbixinta oo faahfaahsan ka akhri halkan (English)

Soomaalida lahu diley qurbaha AKhri: https://somalitalk.com/tag/qurbe/

Sawirka hoose waa magalada Fort McMurray oo kor laga sawiray

Sawirka: Wikipedia.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.