Home » Faallo »

Dhibaatooyin haysto Soomaalida ku nool Wadanka Konfur Afrika | Nuur Yare

Dhibatoyin faro badan oo ay kamid yihiin Dil, Boob, Dhaawac, Handadaa, Gubid, Jirdil iyo ku dhibtoonshaha helida Sharciyada lagu joogo wadanka Konfur Africa ayey kala kulmaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool halkaas.

Waxeyna inta badan ka sheekeystaan Muwaadininta Soomaaliyeed ee ku ganacsado wadankaas dhibatada anan dhamaadka laheyn ee haysato ayadoona ayayna jirin cid wax ka qabaneyso wax yeelada loo geysto.

Dhibaatooyinkaas ayaa inta badan waxa ay ka dhacaan meelaha Tuulooyinka ah ee aad oga fog magaalooyinka waa weyn, goobahaaso falal arxan daro ah logu geysto dadka Soomaaliyeed oo dhaqaalo fiican ku hasto wadanka Konfur Africa ayadoona ay aad u fududaha inaad maqashid waxaa la dilay ama la dhaawacay qof Soomaali ah kaaso arintiisana aynan waxba ka qabanin dowlada wadankaas waloow Soomaalidu ay yihiin dad ku fiican abuurida dhaqaalo kuwaaso maal-galin ahaan u tagay Tuulooyin aad u fog fog, ka sameystay Dukaamo ay ku ganacsadaan.

Waxaana kamid ah meelaha ay dhibka badan ku qabsadaan dadka Soomaaliyeed gobalo kala duwan oo uu kamid yahay gobalka western Cape halkaaso dhamaadkii Sanadii 2009 si arxan daro ah logu dilay Maawaadinin Soomaaliyeed oo uu kamid ahaa Alle ha u naxariistee Marxuum lagu magacaabi jiray Khaliif, halka dhowr kalane dhaawacyo logu geystay magaalada Goerge ee ka tirsan gobalka western Cape.

Dhanka kale dhibaato xoogan ayaa ka haysato dadka Soomaaliyeed helida Sharciyada lagu joogo Dalka Konfur Africa.

Home affairs waa halka ay dadka qoxootiga ku ah wadankaan Konfur afrika ay ka qaatan sharciyada waxaana aan kula kulmay dad fara badan oo isugu jira dumur, caruur iyo rag doonaya in aay helaan sharciyada balse waxey kala kulmaan inta ay halkaas jogaan dhibaatooyin fara badan oo ay ugu badan tahay in lasiiyo balan todobaad ah ayadoona laga yabo in qofkii Qoxootiga ah ee soo dontay sharciga uu ku hungobo ayadoona taas logu macneyaa inuu lumay faylashii uu horay u buuxiyay taasna waxey niyad jab ku ridaa dadka qoxootiga ah ee u halgamayay sidii ay ku heli lahaayeen sharciyada daganaashaha wadanka.

si kastaba ha ahaate waxaa ayana kuso badanaayo wadanka konfur afrika qoxootiga Soomaalida ah ee soo galaayo maalinba maalinta ka danbaysa ayaado dadkaas badankodu ay kasoo baxsanayaan dalka Soomaaliya oo mudo 20, sano ah uu ka socdo dagaal anan lagaraneynin micnihiisa, dadkana ku riday iney u kala firdhaan meelo kala duwan oo Sood Afrika ay kamid tahay.

Dadka qaar ayaa waxa ay qabaan in dalka South Africa uu yahay halka dadka Soomaaliyeed uu kasoo gaaro dhibka ugu badan marka ay dibada oga soo baxaan wadankooda Somalia mana jirto arrintaas waxa ay ka dhiheen masuuliyiinta kala duwan ee South African-ka ah iyo waliba kuwa talada u hayo Wadanka Soomaaliya oo u muuqdo in ayanan ku baraarugsaneyn dhibka loo geysanaayo dadkooda balse ayaga isku mashquulsan.

Sidoo kale waxey wal wal ka mujinayaan ganacsatada Soomaaliyeed ee K/afrika joogo in ay meesha baneeyn doona kadib marka uu dhamaado Koobka Aduunka ee lagu qaban doono Konfur Africa busha june ee sanadkaan, taasna waxa ay ka danbeysay kadib markii ay ku qaar kamid ah qomiyadaha u dhashay wadanka konfurta Africa ay ku hanjabeen in dadka Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh meelaha tuulooyinka ay tahay in laga raro waxeyna taas ku abuurtay dadka Soomaaliyeed wal wal aynan qabin ajaanibta kale ee ku nool konfur Africa.

Ku dhawaad 20 qof oo Soomaali ah ayaa siyaabo kala duwan lagu dilay South Africa sanadkaan aan ku jirno, qaar kamid ah dadkaas ayaa dab laqabsiyay xil habeen ah ayagoo ku jiro goobahooda ganacsi.

Tuulooyinka Qaliija na yaanga oo ka tirsan gobalka westren cap ee wadankaan k/afrika ayaa ah meelaha ugu badan ee dadka Soomaaliyeed lagu laayo.

Nuur Ismaaciil (nuur yare).
E’mail:- nuur.usa@hotmail.com
Tel:- 0786293859
Cabe Town- South Africa.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

10 Jawaabood " Dhibaatooyin haysto Soomaalida ku nool Wadanka Konfur Afrika | Nuur Yare "

  1. aamino xasan says:

    waxa u ka hadlay runta wariye nuur ismaaciil wa xaqiiq alaylahe
    saxafiyinta saan oo kala ah waxay xushmo ku ledahay bulshada ee soo gudbisa xaqiqda

  2. Isuqabe says:

    Wiilka maqaakan qorayoow, walaal waa dhab iney dhibaato badani haysato dadka South Africa deggan ee Soomaalida ah, waase arrin guud waayo Koonfur Afrika waa dalka ugu dembiyada badan adduunka, sannadkii waxaa lagu dilaa 8000 oo qof, oo isugu jira qowmiyad walba iyo midab walba, marka Soomaalidu waxay ku maah maahdaa ‘Uur jiif hooyadiis buu ku gowracan yahay’. haddii hooyadu dhimato uurka waxa ku jiraana ma noolaan karaan, marka haddii amniga South Africa oo dhammi uu xun yahay ma waxaad sugeysey in Soomaalidu badbaaddo?.

  3. asc wrwb ilaahay haw gar gaaro masaakiintaa wadan kooda ka qaxday eeaaday wadan kale oo shaqo udoontay hadana dhibaato iyo dil; kala kulma

  4. axmad maxamuud dalaash says:

    bismilaahi marka ugu horeysa waxaa ka xumahay dhibaatooynka soomaalida ku heysato dalalka shisheeye maka waxaan leyayahay dhibaatooyika ku soo noqnoqaya ilaahey haka saaro

  5. aniga waxaan ahay ruux somaliyeed oo ku nool wadanka k africa fikrad ahaane waxaan qabaa in soomalida ku nool halkaan aan joogno ee cape town meel uga fiican eeysan jirin marki loo eegane somalida kale ee qaxootiga ku ah dalalka kale ama kuwa sharciyada heysta ha ahaadaane aan ka wanaagsanahay sababtoo ah anagoo qaxooti eh ayaan waxaan nahay free wax alaale waxaan doonane aan helnaa dhimashada hadaan ka hadlo qof waliba waxeey dhimanee marki waqtigeeda galo marka waxaan aaminsanahay in eey south africa meel ka wanaagsan eey jirin guys

  6. Waxa walba waa ın jırıda laga eego,waayo geed jırıda ka buka kor dhayıdıısu waxba tarımeyso.Dowlada la,aanta dhıbta meel walba nagu haysata asal ıney u tahay oo hılıbkeena lagu kawaanto waa mıd ruux walba oo naga mıd ah u ogyahay.Balse waxaan arkaa ıney jıraan arımo kale oo ay ka mıd yıhıın shacabka soomaalıyeed oo aqoon badan u lahayn qaab lagu dhexjoogo dadka loo tago ama martıda loo yahay.Haddıı ruuxa Soomaalıga uu tartan la galay dadkıı wadanka u dhashay maku fekeray tartankaan ıney tooray ıyo bıstoolad ka danbeyso.Waa ın ruuxa martıda ah uu ka horumarın ama la tartamın dadka uu martıda u yahay xaga dhaqaalaha waa haddıı uu ku nool yahay Afrıka ıyo wadamada aan waxba dhaamın Afrıka.Marka la joogo wadamada horumaray waad la tartamı kartaa waayo fursado badan ayaa kuu saamaxaya ınaad la tartanto balse dhul aadan xataa sharcı ku haysan oo aad qaxootı ku tahay ayaan dadkıı aan u ımıd la tartamı oo walıba dhaqaale ahaan dhaafı,waxaaba dhici karta ruuxa soomaalıyeed ınuu aqoon shaqo la,aanta wadankaas ınta ay gaarsıısan tahay (unemployment rate) Taas waxaan u arkaa ruuxa Soomaalıyeed ınuu mıdıdıı lagu dılılahaa uu gacanta ku wato balse ogeyn!

  7. leyla says:

    waa ka xumahay ineey dad somaali ah eey dhibaateysan yihiin laakiin waa ineey ku tusaalo qaadato dhibaatada ku qabaneeyso hadii aadan dhulkaaga qiimo u heynin
    ilaaheey ha idinla jiro meel walbo aad joogtiin aduunka

  8. C.Casiss says:

    waxaa waxaasoo dhan ka daran sida dawlada somli u dhalandoonta ay u noqondoonto wadankaas , sabtoo aha tirada dadka la dilay ama wax layeelayey wax la qiyaasi karo maahan

  9. Waxaan ka mid ahay muwaadiniinta soomaaliyeed ee nolosha iyo nabada u soo raadiyay wadankaan s,africa runtii waxaan imid halkaan bishii 8aad dhamaadkii 2008ka wlh waxii aan qaarada u soo jeexay aad tagtid s,africa daraadeed kamaan helin anigow walibana dhib la igu soo gaarsiiyay laakin aan ka roonahay dad badan ow aan goob joog ka ahaa waxyaabihii soo gaaray ow ey ka mid tahay naf ey wayeyn iyo dil arxan daro ah!!? ani waan ficanahay alxamdulilaah! in kastown wali halkii ku suganahay ! waxaan kula dardaarmayaa dadka soomalied ee wali aan imaan s,afrika lakin doonaya iney ka roowntahay mugadisho adigow joogo!!!? welwel iyo baar hilaac baan ku nolnahay somalied wlh, dhibka alaha naga saaro,,,?

  10. saciida says:

    aad baan oga xumahay dhibaatada walaalahayna soomalida ku haaysato dalkaas k africa waxaana fiicnaan lahayd in daawlada liidato aay wax katiraaho inkastoo aanan filaaynin in dawlada k africa aay wax micna ah kasoo qadayso hadalka dawlada fashilantay gudo iyo dibadba