Home » Warar »

In ka badan 300 xildhibaan oo isku raacay in uu gudoonka barlamanku waqtigiisii dhacay, una goodiyey Sheikh Shariif haddii uu sharciga ilaalin waayo

Xildhibaanada Baarlamaanka oo tiradoodu gaareyso 309 xildhibaan ayaa isku dhaarsaday in kulanka maalinta Axadda (April 25, 2010) ay sharciga iyo qaranka difaacayaaan, ayagoo ugu baaqay madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif, in uusan “guddoonkii hore” hor keenin baarlamaanka, haddii kale in foolxumo tii ugu darnayd ku dhici doono hadduu guddoonkii hore keeno baarlamaanka. Waxaa xildhibaanadu sheegeen in hadda Muqdisho ay ku sugan yihiin 356, xildhibaanaddaas oo 309 kamid ah ay saxiixeen in xilkii ka dhacay guddoonka baarlamaanka oo ay tahay in la doorto guddoon cusub.

Halkan ka dhegeyso Hadalka Xildhibaanada

——

Xildhibaanadaan oo Jimcadii shir ku yeeshay hotel wehliye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay go’aan ku gaareen in uu afhayeenka Barlamanka sheikh Adan Maxamed Nuur (Sheekh Adan madoobe) uu waqtigiisii dhacay loona baahan yahay in ay doortaan afhayeen cusub sida uu dastuurku qabo, waxayna ku balameen intii uu shirku socday in maalinta Axada ah ay shirkaan mid la mid ah iskuuguu yimaadaan waxaana shirkaas gudoomin doono sida ay ku balameen xidhibankii ugu da’weynaada.
 
Mudanayaashaan  oo tiradoodu gaarayso 309 oo Jimce Apri 23 ku shiray Hotel Weheliye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aanay ka dhaadhaceyn in Sheekh Aadan Madoobe Gudoomiyo fadhiyada Barlamaanka oo uu xilka Hogaanka Baarlamaanka sii haayo.

Xildh/Cumar Islow Maxamed oo akhriyay Qoraal kulankaasi ka soo baxay ayaa sheegay in 356 xubnood oo Baarlamaanka ka mid ahi Muqdisho joogaan 309 ka mid ahina Sheekh Aadan Madoobe ka soo horjeedaan.
 
Mudanahaasi waxa ay sheegeen in in ay heleen war sheegaya in Axadda Soo socata oo la qorsheynayo in Baarlamaanku ku shiro Muqdisho uu Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed Baarlamaanka hor keeni doono Aadan Madoobe taana aanay aqbaleyn.

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah xildhibaanada rumaysan in waqtigii ka dhammaaday Afahayeenka Aadan Madoobe, ayaa sheegay in loo baahan yahay in xeerka loo hogaansamo wixii aan xaq ahayna xildhibaanadu Gaashanka ku dhuftaan.

Sawirka: Baarlamaankii hore ee Soomaaliya

xildibaanada ayaa si dadban digniin ugu direy madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif iyaga isla markaana Waxay iskuraceen in Aadan Madoobe xiligiisi dhamaaday Madaxweynuhuna ay tahay in uu xeerka dhowro.{Waxaa hadda ka hor noo yimid kuwo sharciga ka weyn wixi hadda sharciga ka weynaadana waxaa loo baahan yahay halki kuwo hore la marsiiyay in la marsiiyo} ayuu yiri Maxamed Qanyare Afrax.

sidoo kale xildhibaanda ayaa digniin ku sheegay  lagu orin doono oo buuq ka dhici doono hadii Axada Aadan Madoobe Madaxweynuhu horkeeno.

Afahayeenka barlamanka ayaa dhankiisa wuxuu si weyn udiiyey in aanuu xilkiisu dhammaan ee waqtiygiisu dhacay uuna Dowladda ku xilli yahay.

    
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " In ka badan 300 xildhibaan oo isku raacay in uu gudoonka barlamanku waqtigiisii dhacay, una goodiyey Sheikh Shariif haddii uu sharciga ilaalin waayo "

  1. asiya says:

    walaal aslaamacalaykum salaankadib walaal,waxaa aan ahaygabar waxaan joogaa malaysia walaal wAXAA AANQAB SU,AALA AH KOOXAH KUDAGAALMAYA SOOMAALIYA.MAXAY KAWADAAN JIHAADKA/MAWAXAA LUGUJIHAADAYA QOF ISLAAM OO LAAILAH ILAHULEH BAY DHIIGIISA MIYEY XALAAL SANYAAN MIYAAN ILAAHAY LAGA BAQAYN WALAAL THANK YOU

  2. Xassan Yare says:

    Aniga waxaay ila tahay in axadda barri ah aay Somaliya bog cusub u furmindoono, taas oo ah in aay meesha ka bixi doonto Duwladda KMG
    iyo baarlamanka oo kala daadan doono muddo yar kaddib.

    Halkaasna miciyo waxaa lasoo boixi doona ALSHABAAB< XISBUL-ISLAAM iyo AHALU-SUNNA oo isku qabsandoona hogaanka dalka.

    Gaaladu waxaay ku ekaandoonaan FILINKAN FIRIYA waa filin aan dhamaad lahayn.

    Somalia ILAHEY BEY QABTAA.