Home » Warar »

Guddoomiye Xigeenkii Baarlamaanka DFKMG oo Is Casilay: “Waxaan ahaa Magac u yaal”

oo xilka aan hayo kuma shaqaynayn, muddo dhawr sano ahba magac u yaal, markii shir la qabanyo uun ayaa la ii yeeri jirey —

Warkan ayaa ku soo beegmay xilli khilaaf soo kala dhex galay Sheikh Shariif iyo Aadan Madoobe…

Cismaan Cilmi Boqorre oo ahaa Guddoomiye Kigeenka labaad ee Baarlamaanka DFKMG ayaa maanta (17 April 2010) waxa uu shaaca ka qaaday in uu xilkii iska casiley, kaddib markii uu waraysi siiyey idaacadda wararka u faafisa Maraykanka ee Codka Maraykanka (VOA) isagoo ku sugan magaalada Tehran ee caasumadda dalka Iiraan.

Haddadalii Boqorre waa ka mid ahaa: Kaddib markii baarlamaanku tafaraaruq iyo xilkii Qarannimo uu gudan waayey ee uu kala googo’ay, oo kooxo kooxo u kala jajabay, isla markaana guddoonkii baarlamaanka uu ka baaqsaday inuu fuliyo hawshii uu u xilsaarnaa baarlamaanka iyo xil gudashadii qaranka, anigu waxaan go’aansaday xilka in aan iska casilo. Ayadoo markii horeba muddadii guddoonka ay ku ekayd 22-kii Agoosto (2009). Marka waxaan go’aansaday in aad qaato go’aan ii khaas ah oo aan iska casilo xilkii aan baarlamaanka ka hayey.

Boqorre waxa uu tibaaxay wada shaqayn la’aanta guddoonka sare ee Baarlamaanka iyo in uu isagu ahaa magac u yaal , isagoo taas ka hadlaya waxa uu yiri: “Awalba magac u yaal ayaan ahaa oo xilka aan hayo kuma shaqaynayn, muddo dhawr sano ahba magac u yaal, markii shir la qabanyo uun ayaa la ii yeeri jirey, oo kaalay shirka ka soo qayb gal la oran jirey, wax siyaasad ah la igalama tashan jirin, wax arrimaha dhaqaalaha haba sheegin, arrimaha maamulka baarlamaanka habaa sheegin, marka awalba magac u yaal ahaan ayaan iska ahaa meesha iska jooga. Wax badan baan qowmiyadda anigu aan oo aan Power-Sharing-ka ugu qaybsanaa baarlamaanka aan isku qabanay arrimaha kani

Cismaan Boqorre oo hadalka sii watay waxa uu yiri “Markii arrimahan aan kala hadlay guddoomiyaha (Baarlamaanku) waa i tixgelin waayey oo waxyaabihii cabashadayda aan u gudbiyey waxba waa ka qaban waayey, xataa xaaladdu ay gaadhey in aan markii dambe warqad u qoro, aniga akeligayba ama ahani xitaa guddoomiye ku xigeenka koowaad, aan warqad u wada qorno, oo aan wada saxiixnay, oo aan kaga cabaneyni guddoomiyaha. Wax jabaab ah isaga (Madaxweynaha) xitaa kama aanaan helin, marka haddii arrintii caynkaa u cakirantey, oo baarlamaankiina qaybo u kala jajabay, marka dee ceeb weeye nin dhan oo masuul ah in uu meel iska joogo oo yiraahdo war aniga guddoomiye ku xigeen baarlamaan ayaan ahay, xil baan hayaa in aad tiraahdid ma aha. Marka hawshii qaranka ee baarlamaanku kuu doortay waa in aad gudataa ama waa in aad iskaga tagtaa, labadaas uun (waxa ka dhexeeya ma jiraan.)

Halkan ka dhegeyso Waraysii Boqoree ee VOA

Arrinta is casilaadda Guddoomiye xigeenka baarlamaanku waxay ku soo beegntay xilli ay maanta  (April 17, 2010) soo baxayaan warar sheegaya in khilaaf xooggani uu Nairobi ku dhexmaray Sheikh Aadan Madoobe iyo Sheikh Shariif oo iyagoo is khilaafsan ay maanta dib ugu laabteen Muqdisho. Waxaa sidoo kale Muqdisho ku laabtay 70 xildhibaan. Waxaana wararka qaar sheegayaan in shirar kala duwan la kala yeesheen xildhibaanada kala taabacsan.

Boqorre oo qiray in muddadii ka dhamaatay Guddoonka Baarlamaanka oo kaga ekeyd 22 August 2009.

Qoraal SomaliTalk.com daabacday September 29, 2009 ayaa waxaa ka mid ahaa sidan:

October 10, 2004 ayey ahayd markii magaalada Nairobi ay xildhibaanada DFKMG ah madaxweyne u doorteen Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxaana xilkaas loo dhaariyey October 14, 2004. Waxana uu xilkaas iska casilay December 29, 2008 ayadoo aysan dhammaan waqtigii xilka loo doortay oo ku ekayd October 14, 2009, haddii uusan is casili lahayn. Bartaas weeye meesha xeer-beegta Soomaaliyeed ay ka duulayaan marka ay leeyihiin xilka Sheikh Shariif waxa uu QANUUN ahaan ku egyahay muddadii uu xilku kaga  ekaa  C/laahi Yuusuf oo ah bisha October 14, 2009.

Waxaa xusid mudan August 22, 2004 in Shariif Xasan Sheikh Aaden loo caleema saaray Guddoomiyaha Baarlaanka DFKMG, kulan ka dhacay Nairobi. Muddo ka dib markii DFKMG kala qaybsantay ayaa January 17, 2007 waxay Baarlamaankii Baydhabo ee DFKMG ay kalsoonidii guddoomiyaha kala laabteen Shariif Xasan. January 31, 2007 ayaa Guddoomiyiha Baarlamaanka DFKMG waxaa loo doortay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aaden Madoobe). Gudoomiyaha Sh. Aadan Markii loo dhaariyey Jagadii Shariif Xasan laga qaaday lama xusin in loo dhaariyey Shan-sano oo hor leh, ee waxaa Baarlamaanka iyo Dowladuba rumays naayeen sida Axdiga u qoran uu dhigayo inuu dhamaystirayo mudaddii 5 sano ahayd ee Barlamaanka cimrigiisu ku ekaa intaysan isugu kordhin Jabuuti.” (Qoraalkaas ka akhri halkan) – Taasi waa qayb kamid ah warbixintii 29 September 2009:

Maanta, 17 April 2010 ayaa Guddoomiye Xigeenka labaad ee Baarlamaanka DFKMG, Cismaan Cilmi Boqorre waxa uu qiray in muddadii Guddoonka Baarlamaanku ay ku ekayd 22-kii Agoosto 2009.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Guddoomiye Xigeenkii Baarlamaanka DFKMG oo Is Casilay: “Waxaan ahaa Magac u yaal” "

  1. kamaal says:

    Adiga keligaa maha waxa magac u yaalka ah kan koofida cad ee madaxwaynaha isku sheegaya ayaa ka mid ah. somaliya maanta way kala tagtay ninwalba gobolkiisa ayuu madaxwayne ka yahay maamulna ka sameesanayaa Boqore ruwayadaan dowlada waxay ka shaqaysaa xamar lakiin gobolo badan oo wadanka ah kama shaqayso.

    Dowlada aad sheegayso waxay ku qaraabataa magaca gobolada aan maamulka laheen ayay dhiigoooda aduunka kaga qarabtaan lakiin waxaan u sheegayaa kuwa ku qaraabta magaca gobolada aan maamulka ama madaxwaynayaasha laheen maalin ayaad sanka dhiig ka keeni doontaan goboladaad hada dhiigooda cabtaan madaxa laydinka gooyndoonaa.

    Gobolada dowlada beenta ah ee xamar la keeno aydoo boorso ku jirta ama united nationka diyaradeeda canabooraha loogu qaado dadka ay ayadu u kala dilaasho waxaa ka mid ah.

    bay, bakool, gedo, hiiraan,shabeelaha hoose, jubada hoose,jubada dhexe, intaan oo gobol ayaan maamul laheen ayagaana magacooda lagu tuugsadaa midkii damca inuu maamulsameesto qabiilada magaca dowlada ku qaraabta waxay isku dayaan inay wixii awoodooda ah ku joojiyaan inaysan gobolada aan kor ku soo sheegay maamulsameesan.

    Lakiin waxaan idiin sheegayaa in aan la socono siyaasada qarmuun ee goboladaan loogu diidan yahay nabada waa in magacooda aduunka looga soo tuugsado wixii laga helona jeebka la gashto qaarna gobolo kale lagu dhiso.

    Maalin uun waa la xisaabtami somalina isku imaanmayso inta dadka qaar ay modaan inaan loojeedin waxay sameenayaan lakiin ha u maleenina inaad dadka ka caqli badantihiin.

    Maamulka somalitalk waxaan idiin sheegayaa inaan hada ka hor qoraal aan soo qoray aad meesha ka sarteen fadlan dadka aragtidooda xor ha ahaato ama noo sheega inaad doonaysaan inaad idinka waxaad doonaysaan la qoro.

    Hadii fikrada dadka aysan xor aheen qoraal ayaan soo qorayaa sheegaya inaydaan dadka fikradooda xor u aheen webkaan..una dirayaa all webkaka somalida leedahay.

    Anigu waxaan sheegay dhibatada gobolda qaar lagu hayo in dadka aan maamulada laheen ay yihiin dadka dowladkasta oo somaliya laga dhiso ay magacooda ku tuugsato sababtoo ah magaca punland iyo kan somaliland laguma tuugsan karo lakiin maalinta qobolada aan maamulka laheen ay maamulsameestaan kuwa magacooda hada aduunka kaga tuugsada in lala xisaabtami doono. insha allah.