Madaxii Xafiiska maaliyada ee Qabridahare oo maleeshiyaadka Hawaarin toogteen.
Taliska Ciidanka Midawga Yurub ee la dagaalanka budhcad-badeeda Soomaaliya oo la badalay.
Dawlada Maraykanka oo Xayiraad Dhaqaale kusoo rogtay Qaar kamida Hogaamiyayaasha Islamiyiinta Somaaliya.
Wasaarada arimaha dibada ee Maraykanka oo muwaadiniiteeda kula talisay inaysan u safrin itoobiya
Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Isu dheeli tirka waaxyaha halganka).
================== Warkii oo faahfaahsan ===================
Radio Xoriyo Codka shacabka Ogadenya
Barnaamijka idaacada
16 April 2010.
Barayaal Tirabadan oo siwadajira loogu xidh xidhay Magaalada Qabridahare.
Wararka nagasoo gaadhay Magaalada Qaridahare ee Xarunta Gobolka Qoraxay ayaa xaqiijinaya inay Ciidamada Gumaysiga Itopia 12/kii bishan 4aad 10/ Jeelka u taxaabeen in kabadan 20 kamida Barayaashii Iskuulada Magaalada Qabridahare.
Barayaashan sida Sharcidarada ah loogu aruuriyay Xabsiyada lagu Bahdilo Dadka Shacabka ee aan waxba Galbsan ayaa waxaa kamid ah macalimiin Gabdha ah oo wax kadhigi jiray Iskuulada Magaalada
Wararku waxay intaasi ku darayaan in macalimiintan lagu eedeeyey iney taageeraan ONLF iyadoo 20 kamid ah macalimiintaas ay xabsiga ku jiraan 10 kalana lagu raadjoogo in lasoo xidho.
Nidaamka maamul kusheega Jijiga ka hawlgala oo aad uga fog magaalooyinka gobolada ayaa waxaa dhacda in maamulka degmooyinka iyo kuwa goboladu ay sameeyaan waxwalba oo ay rabaan
Marxuum Maxamed Liqoowe oo si badheedh ah loogu hortoogtay gurigiisa
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Qabridahare ayaa sheegaya in ciidamada gumaysiga itoobiya iyo maleeshiyaadka Hawaarin ay si ulakac ah ugu toogteen gurigiisa hortiisa alle ha unaxariistee Liqoowe Muxumad Tayse habeenimadii Arbacada ahayd.
Marxuum Maxamed Liqoowe oo ahaa madaxa maaliyada ee magaalada Qabridahare ayaa lagu soo waramayaa inuu sii gudbiyey dacwo ka dhan maleeshiyaadka Hawaarin oo dhowr jeer oo hore ugu hanjabay inay dilayaan.dadka ku dhaqan magaalada Qabridahare iyo nawaaxigeeda ayuusan shaac ka saarayn in dilka maxuumkasi ay ka dambeeyee maleeshiyaadkaas iyo ciidamada gumaysiga itoobiya oo wax ka ogaa.
Marxuum Maxamed Liqoowe ayay xabadu ka haleeshay wadnaha waxaana isla markiiba loola cararay isbitaalka Qabridaharre oo aan wax badan ka caawinin dawo iyo taya la,aan awgeed waxaana halkaas ku geeriyooday Alle hanaxriistii janno hasiiyee Maxamed Liqoowe.
Dilka marxuumka ayaa ka dhigaysa tirada dadka dhacabka ah 31 qof oo ay ciidamada gumaysiga iyo maleeshiyaadka Hawaarin si badheedh ah ugu toogteen gobolka Qoraxay labadii bilood ee ugu dambaysay .
Jaaliyada Erateria ee Dalka Norway oo Qabatay Banaan bax Balaadhan.
Magaalada Oslo, ee caasimada Dalka Norwey ayaa Waxaa ka dhacey,mudaharad aad u balaadhan oo ay soo abaabuleyn jaaliyada Eratariya ee dalka norwey, Mudaharaadkan ayay Jaaliyada Erateti kaga soo horjeedeen cunaqabteyntii la saarey wadankooda,waxayna halkaas ku soo bandhigeen awoodooda shacab ee ay kaga soo horjeedaan cunaqabataynta ,kuna taageerayaan wadankooda,
iyadoo indhaha laga dadbayo xukuumadda KT Zenawi oo si badheedha ah ugu tumanaysa xuquuqda shucuubta Geeska Afrika gaara ahaan umadda Somaliyeed meel kastoo ay ka dagan yihiin Geeska Afrika,ka qayb galayaasha mudahaaraadka ayaa tiradoodu waxeey kur udhaafaysay in kabadan 600 o ruux.
Shacabka Eretreeya sababta ay ku galabsadeen cunaqabatayntan waa diidamada ay diideen inay ogoladaan dulmiga lagu hayo shacabka Somaliyeed ee la doonayo in loo garba duubo Itobiya.
Dadkii banaabaxa isugu yimid ayaa gaarsiiyay baaqoodii dawladda Norway.
Taliska Ciidanka Midawga Yurub ee la dagaalanka budhcad-badeeda Somaliya oo la badalay.
Barnaamijka la dagaalanka burcad badeeda ee wadamada Midowga Yurub ay ka wadaan Dhulbiyeedka Soomaaliya ee la magac baxay Atlanta oo in mudo ah hogaankiisa ay soo haysay dowladda Talyaaniga ayaa shalay Munaasabad ka dhacday Markab dishiisa waxaa lagu wareejiyay dowladda Sweden.
Hogaanka la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida ayaa waxaa qabtay ciidamada badda ee wadanka Sweden gaar ahaan sargaalka hogaaminaya ciidamadaasi ninka lagu magacaabo Admiral Jan Thörnqvist kaasoo xilkaasi kala wareegay taliyaha ciidanka badd ee Talyaaniga Admiral Giovanni Gumiero.
Lama oga isbadalkaani cusub ee lagu sameeyay hogaanka la dagaalanka Burcad badeeda Xeebaha Soomaaliya ee ciidamada midowga Yurub sida uu u xoojin doono ka hortagida weerarada kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ay ka geystaan meelaha ka fog-fog biyaha Soomaaliya.
Dawlada Maraykanka oo Xayiraad Dhaqaale kusoo rogtay Qaar kamida Hogaamiyayaasha Islamiyiinta Somaaliya.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa saxiixay sharci cusub oo lagu xanibayo hantida 12 kamid ah madaxda kooxaha islaamiyiinta ee dagaalka kula jira dawlada KMG ee Somalia.
Xubnahan lagu soo rogay xanibaada dhaqaale ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Xasan Daahir Aweys, Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi (Xasan Turkey), Axmed Cabdi Aw-Maxamed, Sheekh Abshir C/llaahi, Yaasiin Cali Baynax, Maxamed Cabdi Garaad, Fu’aad Maxamed khalaf, Bashiir Maxamed Maxamuud, Maxamed Saciid.
Xubnahan ayaa dhamaantood lagu eedeeyey inay xidhiidh la leeyihiin Ururka Alqaacida isla markaana ay masuul kayihiin mushkiladaha iyo dagaalada ragaadiyey dalka Somalia.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in sababta ay talaabadan u qaadeen ay tahay sidii wax looga qaban lahaa amaanka iyo xasiloonida dalka Somalia.Talaabadan ayaa sidoo kale lagu sheegay inay tahay talaabo lagu taageerayo DKMG ee Somalia.
Ma jiraan ilaa iyo hada wax war ah oo kasoo baxay xubnaha la sheegay in lagu soo rogay cunaqabateynta maaliyadeed.
Wasaarada arimaha dibada ee USA oo muwaadiniiteeda kula talisay inaysan u safrin itoobiya
Waaxda arimaha dibada ee dowlada maraykanka ayaa uga digtay muwaa diniinteeda inay u safraan dalka Ethiopia inta kahoraysa iyo kadib doorasha ku sheega loo asteeyey inay dhacdo 23 May 2010ka
Doorashadii hore ee Ethiopia ayaa waxaa kadhacay rabshado dadku dhinteen magalada addis ababa iyo meelo kale oo wadanka kamid ah intii uu socday oo dhan ololihii doorasha dalkaasi Ethiopia
Muwaadiniinta maraykanku waa inay ogsoonaadaan in hadiiba ay kudhacdo doorasha kusheegtaasi si nabadgalyo ah uu si dag-dag ah isu badali karo jawigu ayna dhicikaraan mudaaharaadiyo wata rabshado
Muwaadiniinta maraykanka ah ee dagan iyo kuwa usafraya Ethiopia wakhtigan xaaliga ah waxaa lagu wargalinayaa inay siwayn udigtoonaadaan,amaankoodana sitaxadarleh uga fakaraan marwalba inta ay kusugan yihiin wadankaasi Ethiopia kana fogaadaan meelaha ay kajiraan isu soobaxyada siyaasadeed, iyo noockasta oo mudaharaad ah.
Waxaa kaloo warbixinta lagu yidhi waa in ay muwaadiniinta maraykanku kafogaadaan meelaha ay yaalaan sanaadiikhda codbixinta maalinta doorashada, waana inay ogsoonaadaan in xukuumada caadadeedu tahay inay cadaadiso dadka, gaar ahaan kuwa sawirada kaqaada goobaha codbixinta iyo mudaharaadyada.
Muwaadiniinta maraykanka waxaa lagula talinayaa inay xaalada wadanka kalasocdaan warbaahinta gudaha iyo qalabka internetka gaara ahaan xaalada caasimada Dalkaas
Waana inay ogaadaan suurtagalnimada in xayiraad lagu soorago qalabka isgaadhsiinta wadanka oo dhan gaar ahaan xarunta dalkaasi iyadoo la tixgalinayo wixii dhacay doorashadii 2005tii
Waa in ay socdaalayaasha maraykanka ah ogaadaan khataraha ka imaankara wadamada darika la ah Ethiopia sida islaamiyiinta soomaalia,iska hor imaadka milateri ee kajira xuduuda waqooyi ee wadankasi,dhibaato ka imaankarta xuduuda koofureed ee wadankaasi la leeyahay Kenya
Warbixinta ayaa lagusoo gaba gabeeyey in xuduudaha wadankaasi uu laleeyahay wadamada Somalia,Kenya,Eretria iyo sudan ay yihiin kuwo aan xalisiloonayn. Ciidama amniga ee Ethiopiyana malaha awood ay ku ilaaliyaan xuduuda balaadha ee wadanka Ethiopia laleeyahay wadamadaas
Radio Xoriyo 16 April 2010
Mxamuud Sh.Cali
Raadioxoriyo@yahoo.com or Radioxorio@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaan Habeenada
Talaadada & Sabtida 21 :15:00PM – 21:45 waqtiga afrikada bari
F Mawjada 41 Meter Band
FInternetka : www.Ogaden.com & www.Radio xoriyo.com
FPhone ka : +16417153800 Access Code 5126014 #
FYoutubka : www.Youtube.com/user/Radioxoriyo
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.