Home » Warar »

Hay’adda DBG oo si cad uga Jawaabtay Hadalkii ka soo yeeray Gudoomiyeku-xigeenka Maamulka G/Banaadir

Hay’adda Daryeel Bulsho guud (DBG):

Iyado maalintii shalay (April 11, 2010) aheeyd ay ku beegneeyd 11kii bishaan si weeyna aduunka oo dhan loogaga xusayay maalinta caafimaadka aduunka gaar ahaana Dalka soomaliya, ayaa waxaa munaasabad lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir, taas oo si weeyn looga hadlay xaaladda caafimaad ee dalka soomaliya iyo wax uu ku sugan yahay xiligaan, iyadoo aysan jirin hay’addihii caafimaadka ka shaqeyn jiray oo intoodda badan daalka iskaga baxay ka dib markii ay soo wajahday Nabad galayo xumi baahday biyo kuwo ay amarro ku soo rogeen Kooxaha isku haaya siyaasadda dalka.

Munasabadaasi ayaa sidoo kale waxaa si weeyn loogugu eedeeyay Hay’addo badan oo iskugu jiray kuwo caalami ah iyo local, intaba, waxaana uu maamulka Gobolka Banaadir sheegay in Hay’addii aanan umadda soomaliyeed wax u qaban ay dalka iskaga Baxddo, isagoo tusaale ahaan u soo qaataya Hay’adda daryeel Bulsho good oo ah Hay’ad inta badan wax ka qabata arimaha bulshada, sida caafimaadka, waxbarashadda,beeraha, biyaha, kaluumeysiga,masiibooyinka dabiiciga ah, sida Sunaamigii ka dhacay dalka iyo weliba wax yaahabaha suntan ah ee sida sharcidaradda ah loogu daadiyo Biyaha somalaiya iyo umuuro kale.

Shir’Jaraa’id oo uu manta Xafiiskiisa Magaaladda mugdisho ku qabagtay Agasimaha Hay’adda Daryeel bulsho guud Cumar Colaad axmed ayaa shirkiisa Ja’raaidna si weeyn ugu difaacay Hay’addiisa DBG oo uu sheegay in ay tahay Hay’ad Wadani ah dalka iyo dadkana ay wax u qabato arimaha lagu eedeeyna ayana ay Yihiin mid shaqsiyadeed oo aanana waafaqsaneynin sharciga , waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in la kala saaro danta guud iyo midda gaar ahaaneeyd .

“Dalka iyo dadaka ayaa inaga dhaxeeya waxaan u shaqeyneynaa waa iyaga sidaas darteed suuragal ma’an in ruux sheeganaya masuuliyad uu yiraahdo DBG dalka Ha iskaga baxdo, walaalkeey waxaan u sheegaayaa wixii uu si shaqsi ahaan ah u doonaayo waxaa wanaagsan in uu inoo soo marro wadadda saxda ay ayaa uu ku Yiri shirkiisa Ja’raa’id Agaasimaha Hay’adda Daryel bulsho Guud Mr Cumar Colaad Axmed, oo dhinaca kalna iskaga fogeeyay eedeymahaasi oo uu u soo jeediyay gudoomiyeku-xegenka Maamulka gobolka banaadir.kuna tilmayay mid uu ka leeyahay danno gaar ahaaneeyd.

Halkan ka daawo sawirro dheeraad ah

Shirkaasi Jaraa’id oo lagu faah faahinayay wax qabadka hay’adda daryeel bulsho guud ayaa u qornaa saidaan:

WAR SAXAAFADEED

Hay’ada DARYEEL BULSHO GUUD (DBG) waa Hay’ad aan Dawli ahayn ee la aasaasay Janaayo 01, 2004, waxaana Madax u ah muwaadin somaaliyeed. Asal ahaan DBG waxay kazoo askuntay Hay’ado lagu magacaabi jiray DCG oo dalka ka hawl-gashay sanadkii 1992 ilaa iyo markii la dhisay Hay’adan DBG.

Hay’ada DBG oo ay kaalmeeyaan Ururo caalami ah waxay muddo 17 sano ah ku sugnayd Dalka iyadoo mashaariic kala duwan ka fulisay Gobollada Banaadir, Shabellada Hoose iyo Shabeelada Dhexe iyadoo qabata hawlo kala duwan sida: –

•Waxbarashada (dhismaha dugsiyo waxbarasho) –Educational development-,

•Horumarinta wax-soo-saarka beeraha-Food security- sida qodista kanaalayasha beeraha –Canal rehabilitations, kordhinta dhirta (Nursery establishment),

•Gurmadka degdeg –Emergency Aid- sida qaybinta cunada,daawada, bacaha roobka, bustooyin iyo waraabinta biyaha oo waqtigan xaadirka ah aan ka wadno xerooyinka ay ku nool yihiin dadka ka barakacay dagaalada.

•Badbaadinta noolaha oo dhan iyo degaanka iyadoo DBG ku guuleysatay inay duubto haamo ay ku jiraan sun halis ah –qashinka iyo haraadiga warshadaha quwada niyuuklayrka ee lagu soo daadshay badda Somaaliyeed, kuwasoo soo caariyey kadibiya dhul-gariirkii ka dhacay Dalka Indoonesiya Disember 26, 2004. Hawshan badbaadinta noolaha iyo degaankaba waxaa door taariikhiga ah ka qaatay khubaro Jarmal ah oo sanadkii 2006 tababar siiyey koox Somaaliyeed oo hadda aqoon iyo xirfadba u leh sidii suntaas halista ah looga badbaadi lahaa Daleena hooyo iyo degaanada u dhawba.
4tii sano ee ugu dambeysay DBG iyadoo fulineysa hawlaheeda bani-aadanimo waxay weyday saraakil iyo shaqaale tiradoodu dhan tahay 8 qof oo dhimatay. Duruuftaas adag

Waxaa soo tebiyey
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Hay’adda DBG oo si cad uga Jawaabtay Hadalkii ka soo yeeray Gudoomiyeku-xigeenka Maamulka G/Banaadir "

  1. Aad baan u akhriyaa qoralada la isku maandhaafo, waxaana ka raadiyaa caqligalka waxa la isku hayo.
    Is difaacida DBG waa sax laakin waxaa ku jirta waa maxay danta gaarka ah ee gudoomiye ku xigeenka gobolka ka leeyahay hey’adaas keliya? oo hey’adaha kale aanay la qabin.
    Cid walba iyadoo dhibaateyneysa Umada ayay hadana tiraahdaa wax baan u qabanaa, marka hadalada la isku difaacayo hadaanay la socon sababihii dhaliyay in la eedeeyo, maaha mid na qancin kareysa. fadlan hadaad u jeedo dan gaar ah baa cidaas ii eedeyneysaa cadee danta gaarka ah iyo qaabka ay ku abuurantay in dan gaar ah lagaa yeesho ama ogoloow in aadan dadka waxba u qaban ee sida laguu eedeeyey ay u jirto
    mahdsanidiin

  2. Xassan Yare says:

    Lalama yaabayo Guddoomiye ku xigeenka.

    aniga shaqsiyan waxaay ila tahay in Guddoomiye ku Xigeenku aay Jagadu ku cusubtahay iskana dhigayo nin wadani ah oo ummaddas dhibtootay in uu wax u qabanayo.
    Waxaa fiicneyd inta uusan warka soo jeedin in uu la tashi sameeyo oo kala ogaado hadalka uu sheegayo dhibaatada kasoo gaari karta.
    Waxaa kaloo dhici karta in uu doonayo in aay hayadahaas madaxa banaan
    aay asaga hoos yimaadaan si uu dhaadhac uga helo. (ALLAHU YACLAM)
    Maantay Soomaalidu waa wada baahantahay dadka qaarkoodna wax kasta ayaa ka suurtowda haba u badnaadeen MADAX KU SHEEGA MAANTAY
    DALKA MAAMULAYA oo Dalkii iyo Baddii iyo Dadkiiba beec u raadsanaya.