Home » Gabay »

Bidhaan Qaran: Waa gabay Jawaab u ah Gabaygii Baafin ee Abwaan Xasan Garaad

Gabaygan waa gabay jawaab u ah gabay uu baafin u bixiyay saaxiib abwaan xasan garaad oo dhawaan ku soo baxay inta badan shabakadaha af soomaaliga lagu qoro ka dib waxaan jeclaystay isaga oo abwaanku codsaday qof weliba siday ula muuqato baadida abwaanka ka maqnay inuu la baafiyo inaan ra,yigayga sidaan u arkay u sheego  aniga oo ku tilmaamay baadidaas qarankii umada soomaaliyeed oo dhamaantiis hawada ka baxay sida  muuqaalkii haykalka dowladnimo, magacii wadanka, astaantii iyo calankii, baasaboorkii soomaalida, dhaqankii iyo dhaqaalihii oo ay hada marxaladu marayso in diintiina nin weliba meesha uu doono u adeegsado iyada oo ilaahayna balan qaaday inuu ilaashanayo waxbana aan laga bedelay balse waa aakhiro saman oo meel kasta arintu way gashay bal hadaba gabaygii
   
 
   Bidhaan Qaran

  • Ba,da gabay ball aan mariyo baadsho xarafkeeda
    Bajinteeda suugaanta iyo buundadiyo dawga
    Bismilaahi waa magac allee bilow wanaagiiye
    Bidhaan weeye khayrloo belada lagu xijaabaaye
     
    Gabay waa badheedh oo xaqa lagu bikaacshaaye
    Burhaan eebahay weeye   samaha lagu badhaadhaaye
    Marna waa bilaashiyo xumaan lagu basbeelaaye
    Marna waa bilkayd iyo su,aal lagu bariistaaye
    Marna waa bishaaroo dadkaa loogu baaqaaye
    Marna waa buruud oo xumaha lagu badbaadshaaye
    Marna waa biriish oo runtaa looga baxayaaye
    Bal aan mariyo maantoo kaluu baabsan leeyahaye
     
    Ma badbaado ruuxii xumaha buun u tumayaaye
    Muda waxuu barqaystaba marbaa buugga loo rogiye
    Bellaayaada  ninkii baaniyee beenta ehel mooda
    Ee booli quuta ee xumiyo baadilka u heesa
    Mar uunbaa bidhaantiisa iyo  bilig la waayaaye
    Baydkuu  lahaa iyo qabrigaa lagu buquujaaye
    Bahdiisana  ma jiro ruux markaa boos la gelayaa
     
    Afartaa  sidii loo bartay been ma ka ilaashay
    Baydkii abwaan lagu yiqiin boos ma abaaray
    Bilaash looma xaytee bidhaan quruxsan maw yeelay
     
    Bulshadeena oo buug aqoon baadiyaha joogta
    Barashada islaamkiyo quraanka badisa diinteeda
    Sawtii belaayada cadiyo biritish soo duulay
    Baadari talyaaniya sowkii badaha soo jiidhay
    Boortaqiis dhashiisii wataa beledka soo buuxshay
    Bandar iyo magaalo ay dhiseen beledyo waawayne
    Dhaqankeenii ay buufiyeen booska laga saaray
     
    Inagoo birtiyo seefta iyo waran ku bootayna
    Oo aan bilaawaha boggiyo beerka hoos gelina
    Bunduq  rasaas uu baray beliyo hoogoo dhan
    Basbaaska ay nagu rideen manta nagu baahay
     
    Berigaa ragbaa diidanaa booday oo nacaye
    Barsane iyo xertiisii waa kuwii beegsadee galaye
    Waa kuwii banaanada ka raray beeja waynaha e
     
     
    Bashiir iyo ragiisiina ay  boodh ka kiciyeene
    Birta waa kuwii lagu bilqay ee maydku buuxsamay
    Waa tii biritishkii laga raray beledka soomaale
    Sayidkii bilaawaha la dhacay boqonya wayntiiye
    Baadiye beled waa kuwii buunka loo wacaye
    Waa tii belaayadu dhacday ee booska laga saaray
    Badda waa kuwii magansaday ee la baacsadaye
     
    Bedelkoodii bay qaar madoow nagu bareen beene
    Kuwa buundadoodii watiyo barashadii gaalka
    Oo boogahoodii leh iyo beenta iyo tuugo
    Oo aan ka baydhine jidkii buuxiiyaa jira e
     
    Afartaa sidii bilaha khayr baaq ma ugu sheegay
    Boorintii abwaan lagu yiqiin boos maka abaaray
    Bilaash looma xaytee bidhaan quruxsan maw yeelay
     
     
    Garaadoow adigaa baafiyey oo baadhay sheekada e
    Adigaa baadi kaa maqan tahay oo beena aan odhane
    Adigaa murtida baahiyay oo boosinkeed helaye
     
    Beertaada guurtay  ee baxdaye canabku uu buuxshay
    Iyo geela baadida ah ee boobka lagu qaaday
    Iyo gabadh bidhaanteeda weli aad baadhayso
    Bal aan faaladeed bixiyo oo buriyo xaalkeeda
    Balbal iyo  walaac baa dadkii badidood qaadeene
    Balse waa su, aal bilicsanoo maanku buuxsamiye
     
    Qarankiyo bidhaantii dalkiyo calan buluuglayda
    Bulshadeenii soomaaliyee geeska bari joogtay
    Maabkaan ka baadhay oo malaha buurad iyo muuqe
    Booskeedii niman baa gatay oo beeso dhaafsadaye
    Niman bower iyo xoog wataa baando keensadaye
     
    Gumaysaa u baxay oo ma jiro ruux baxsanayaaye
    Buul iyo sar  beer   iyo cariish baadiye-iyo tuulo
    Bananka iyo duurka badda-iyo  webiga boociisa
    Meel baydhsan iyo buurta iyo bacaddaadaa yaala
    Intaba beec ayaa lagu ridayoo bound la dhaafsaday
    Bangiyaa la dhigay rahantii waa la baabsadaye
     
    Bulshadiyo dadkii waa birayn ama inuu boodo
    Baxo oo banaanada u qaxa buubo gebigiisba
    Baabacaha mid laga gooyo iyo boqonka taagiisa
    Iyo biidhe qaate aan ogayn bixisadaa taala
    Oo beeso loo daadiyaa baarcad foofsadaye
    Maandeeq banaan laga helyoo booli lagu qaad
     
    Inta aad hurdada bogan garaad  eed riyada baafin
    Barbarkaaga weeyee  intaad jiifto buulkaaga
    Beertii maqnaydiyo hashii baadidii gabadha
    Bidhaantooda waad sugi bari saadanboo idile
    Ama baafi oo baadi doon qarankan boos waayay
    Ama buurahaa sare ka fuul beladan xiimaysaa
    Ama kaba baqooloo garaad baasaboor doono
    Dhulkan beecsan yaan lagugu qaban boolisbaa jira, e
     
    Afartaa bidhaan ii baxdiyo barashadaydii dheh
    Basarkii abwaan lagu yaqaan booskii ma abaaray
    Bilaashan looma xaytee bidhaan quruxsan maw yeelay
     
    Badidiisa hadal waa bilaash baydka uun dila,e
    Intaasaan kusoo baabayaa  buuradkii gabaye .
     

Fiiro Gaar:- Waa Kan Gabaygii hore linkigan ka aqriso
https://somalitalk.com/web/tag/garaad/
 
Waa Qalinkii iyo Hall_abuurkii
Cabdiraxiin  Hilowle Galayr
abdirihiin1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Bidhaan Qaran: Waa gabay Jawaab u ah Gabaygii Baafin ee Abwaan Xasan Garaad "

  1. jwaab says:

    maasha allaah marka hore waxaan salaamayaa bahda somalitalk marka labaad abwaan galeyr waxaan leyahay waad jawaabtay lakiin aan sugno abwaanadda kalane waxa ay ka dhahaan gabayga, aniga hadaan fekerkeyga ka dhiibto gabar ayaa abwaan garaad ka maqan baan oran lahaa kkkkkkkkkkkkk