Home » Warar »

JWXO oo iska Fogeysey dilkii nin British ah oo u shaqynayey Shirkad Shidaalka baarta

  •   Dagaalo lagu naafeeyey ciidamada gumaysiga Itoobiya.
  •  Gudoomiyaha jwxo oo soo gabagabeeyey socdaalkiisii South Afrika.
  •  Nin u dhashay Ingiriiska oo kooxo budhacda ahi ku dileen duleedka Dannood.
  •  Shir ka dhacay xarunta jaaliyada Denmark oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin jwxo ah.
  •  Ururada Dhalinyarada Ogaden ee Qatar iyo u.s.a(Seattle) oo shirar isugu yimid
  •  Ururka dhalinyarada ee California oo qabtay barnaamij loogu magac daray (CALL FOR JUSTICE IN THE OGADEN).

Radio Xoriyo Codka shacabka Ogadenya

Barnaamijka idaacada

12 April 2010.

====== Warkii oo faahfaahsan ====

Dagaalo lagu naafeeyey ciidamada gumaysiga Itoobiya

Ciidamada Qalabka sida eexoreynta Ogadenya ayaa Weeraro Mir ah ku Qaaday-8dii,27kii iyo 28kii/3/10. Ciidamo Gumaysi oo kala fadhiyay Tontoomi, Xamaro, iyo Magaalada Fiiq, oo ka kala tirsan Gobolada Gobolada Jarar iyo Nogob,waxaana dagaaladaas lagu gaadhsiiyey ciidamada nacabka ah ee gumaysiga itoobiya khasaarooyin ba,an oo aanaan faahfaahin rasmi weli ka helin.

Dagaal Mirra oo ay Ciidanka xoreynta Ogadenya ku qaadeen -1/4/10 Maraacato,oo Gobolka Qoraxay katirsan ayaa waxay kaga Dileen ciidamadaWayaanaha inta lahubo 3 Askari.

Isla -1/4/10 Burjiko, oo gobolka Jarar katirsan waxaa kadhacay Dagaal Khadhaadh oo Gacmaha laysulatagay waxaana Dagaalkaasi loogu Awood sheegtay Ciidamadii Cagajiidka ahaa ee Gumaysatada Itopia oo halkaassi lagaga dilay 25Wayaane waxaana laga dhaawacay 31kale, iyadoo

laga furtay hub iyo Saanad milateri oo badan waxaana Jabkii iyo Firxadkii Askartaasi Gaadheen Deegaano kafog halkii lagu Diriray.

Cutubyo katirsan Ciidamada Kumaandawska ee Xoraynta Ogadenya ayaa -4/4/10 isku mar Weerar Mir ah ku Ekeeyay 3 Xero Ciidan oo kuyaala Magaalada Q/Dahare, Ciidamadan Sida Gaarka ah u Tababaran ayaa Gudaha u galay Saldhigyadaas waxaana Daryaankii iyo Dhawaaqa Madaafiicdii layswaydaarsanayay kutoosay Dadwaynihii Magaalada, Khasaaraha loogaystay 3 daas Xero Wayaane ayaa Aroonimadii siwayn looga Dareemay Guud ahaanba Saldhigyada Gumaysiga iyagoo isugu yimid Goobihii lagu galay si,ay Bakhtigooda u Hogeeyaan, waxaana laxaqiijinayaa inuu gaadhay Khasaare aanay kasoo kaban doonin.

Isla -4/4/10 ayaa Gabogabo iyo Buundada Qoraxay lagu qaaday Weeraro mir ah oo aad uCuslaa waxaana Buundada Qoraxay lagu garaacay Garnaylada garabka lagatuuro iyo baasuukayaal kuwaasi oo khasaare Baaxadle lagu gaadhsiiyay,waxayna Sooma jeestayaasha Ciidanka.Xoreynta.Ogadenya Dhulka Dhigeen Guryihii ku yaalay Xerada Buundada oo lagadhigay wax la gubay iyo wax la burburiyey waxaana halkaasi lagaga Dilay Ciidan aan tiradiisa lasoo Xaqiijinin oo aad u badan.

Isla -4/iyo 5/4/10 ayaa Dagaalo isugu Jira iska Hor imaad iyo Mir waxay kadhaceen Tukaale,iyo Maraacaato, oo Gobolka Qoraxay kawada tirsan, waxayna Ciidamada Geesiyiintaa ee JWXO, kuwa Gumaysatada Itopia kaga dileen 5 Askari halka dhaawacuna yahay 7 kale inta la hubo.

Dagalakii kululaa ee 06-04-10k, ka dhacay Haro Khaliifo oo u dhow magaalada Qabribayax ayaa warar dheeraad ahi kasoo baxayaan waxayna wararku Xaqiijinayaan in khasaaruhu sii laba Jibaarmayo oo intii hore aad uga badan yahay,waxaana laga qabsaday ciidamada gumaysiga iyo kuwa dabaqoodhiga ahba hub iyo saanad Milateri oo aad u badan.

Waxaa kaloo Goobtii lagaga Furtay 120 dharka looyaqaan Dirayska iyo 120 Kabaha ciidanka, waxaa kaloo ay Ciidanka Xooga Dalka Ogadenya lawareegeen raashin aad u badan.

Warku Waxaa uu intaa kudarayaa in Kaarar Fara badan oo ah kuwii Doorasha kusheegta ahaa lagu gubay Halkaasi kadib markay Kacarareen.

Waxayna Ciidanka Xoraynta Ogadenya halkaasi kaga siidaayeen Ciidamada Gumaysiga dad badan oo maxaabiisa kuwaasi oo ay meesha ku haysteen kuna jidh dilayeen.

8/4/10, ayay Ciidanka Wayaanuhu Meel u dhaxaysa Mustaxiil iyo Qalaafo ku soo uruuriyeen Koox dabaqoodhi ah kadibna waxaa weerar ku Qaaday Ciidanka JWXO, Waxaana Halkaasi kukala Firxaday Kooxihii Damiir laawayaasha ahaa oo laga qabtay 7 dabaqoodhi kadibna inta Qoryihii laga qaatay ayaa layska sii daayey iyagoo Badqaba dhamaantood.

Gudoomiyaha jwxo oo soo gabagabeeyey socdaalkiisii South Afrika.

Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya ayaa Shir siwayn loosoo Aagaasimay kula yeeshay Bulshawaynta Somaliyed ee kudhaqan Magaalada Johanisberg ee Dalka Konfur Afrika Shirkan ayaa waxaa kasoo Qaybgalay Dadkii ugu badnaa ee soomaaliyeed ee meel isugu yimaada dalkaasi Koonfur Africa.

Gudoomiyaha ayaa kulanka ka jeediyey khudbad dheer oo uu kaga hadlayey halka uu halganku marayo, “meel wanaagsan ayuu marayaa, haatana ciidamadii waxay hareereeyeen magaalooyinka oo ay dul dageen” ayuu yiri Gudomiyaha, JWXO. Adm: Moxamed Cumar Cismaan

Gudomiyaha JWXO, ayaa ugu dambeyntii soomaalida meel kastooy joogto ugu baaqay in ay halganka taageeraan, cidii aan taageerayna ay ugu yaraan ka deeysato wixii dhib iyo hagardaamo ah ee ay ku heyso.

Gudoomiyaha ayaa soo gabagabeeyey guud ahaanba socdaalkiisii uu ku joogay dalka S/africa oo kusoo dhamaday jawi guul ah

Nin u dhashay Ingiriiska oo kooxo budhacda ahi ku dileen duleedka Dannood.

Wasaarada arimaha gudaha ee wadanka ingiriiska ayaa shaacisay in nin dhalashadiisu tahay British oo u shaqaynayay shirkad shidaal ka baadha Ogadenya lagu dilay meel u dhow magaalada Dannood ee gobolka Doollo ee wadanka Ogadenya

Afhayeen u hadlay xukuumada gumaysiga itoobiya oo ka jawaabayay faahfaahin dheeraad ah oo ay dowlada ingiriisku ka codsatay gumaysatada itoobiya inay ka bixiyaan dilka Joson Read ayaa cadeeyey in “niman budhcad ah oo hubaysan ay soo weerareen ninkaas u dhashay dalka ingiriiska oo lagu magac-aabi jiray Jason Reid iyo laba askari oo la socotay. Ma ahayn jabhad nimanka dilay ee waxay ahaayeen budhcad” ayuu raaciyay hadalkiisa afhayeenkaasi u hadlay xukuumada gumaysiga itoobiya.

Ninkaas ayaa shaqaynayay shirkad lagu magac-aabo IMC oo qandaraas la gashay shirkada qodaba shidaalka ee Patronas ee laga leeyahay dalka Malaysia.

Jwxo ayaa dilka ninkaas shacabka ah kasoo saartay bayaan cambaarayn ah oo ay ku cambaaraynayso dilkaas fulaynimada ah ee lagula kacay ninkaas u dhashay dalka ingiriiska.

Bayaanka ayaa intaas sii raaciyey:Nidaamka Itobiya oo in muda ahba ku hawlanaa inuu abuuro maleesiyaad hubaysan oo aan lahayn tababar iyo kala dambayn, ayaa marwalba kharbudaad ka dhex sameeya dalka gudihiisa, waxaana hubaal ah inay iyagaa ka dambeeyeen falkan jariimada ah.

JWXO waxay mabda’a ahaan uga soo horjeedaa in dad shacab ah lala beegsado dhibaato. Waxaase dhab ah in xukuumadda Itobiya aysan awoodin hadda inay ilaaliso nidaamka iyo kala dambaynta maliisiyadii ay abuurtay, kuwaasoo ay JWXO aad u tuhunsan tahay inay ka dambeeyeen dilkan.

JWXO waxay aaminsantahay inay Itobiya u aragto in danteeda ay ku jirto inay ka dhex abuurto Ogadenya jawi cabsi iyo amaandarro ah si caalamka looga go’doomiyo oo aan loo ogaanin dambiyada ay ka galayso dadweynaha aan waxba galabsan. Gudoomiyaha hogaanka arimaha dibada ee jwxo ayaa ku tilmaamey falkaas jariimada ah mid ay ka dambayso xukuumada gumaysiga itoobiya ,wuxuuna mudane Maadeey uga tacsiyeeyey dilkaas qoyskii uu ka tagay ninkaasi iyo dowlada ingiriiska.

Shir ka dhacay xarunta jaaliyada Denmark oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin jwxo ah.

Jaaliyada Ogadenya ee wadanka Denmark ayaa shir balaadhan ku qabatay xarunta jaaliyada ee magaalada Copenhagen .Shirakan ayaa waxaa lagu furay aayado quraan ah iyo wacdi diini ah oo uu soo jeediyay Sheekh Xasan. Wacdigaas kadib waxaa makrafoonka lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha Jaaliyada ee wadanka Denmark Xassan Macallin oo mahad balaadhan u soo jeediyay halgame Faysal Daahir oo ah halgame qaali ah oo runtii ku dayasho mudan sida oo kale waxa uu gudoomiyhu u mahad cilyay wafdiyadii ka socday JWXO, OYL , OSN Denmark & dadwaynihii ka soo qayb galay shirka oo ay ka mid ahaayeen Jaaliaydaha Soomali wayn . Kadibna gudoomiyahu waxa uu intaas raaciyay war bixin kooban oo ku saabsan wax qabadka Jaaliyada Denmark.

Intaas kadib waxaa si diiran makrafoonka loogu soo dhaweeyay halgame Faysal Dahir oo ka yimid Geeska Africa. Halgame Faysal waxa uu halkaas ka soo jeediyay war bixin aad u balaadhan oo meelo badan tabanaysa oo ay ka mid ahaayeen xaalada guud ee uu halganka Ogadeniya maanta u marayo iyo isbadalka siyaasadeed ka socda geeska Africa.

Wuxuu halgame Faysal Dahir faafaahin dheeraad ah ka bixiyay guulihii ugu danbeeyay ee ay CWXO ee gasiyiinta ah soo hooyeen.

Waxaa intaa ka dib lugu soo dhaweeyay wakiilka jaliyadah yurub halgame Gamaadiid oo ka hadlay wax qabadka jaaliyaha Yurub iyo horumarka ay sameeyeen shantii sano ee u danbaysay.

Waxa kale oo uu halgame Gamaadiid ka hadlay u diyaar garow shirweynihii sanadlaha ahaa ee Jaaliyadaha Somalida Ogadenya kaas oo sanadka ka dhici doona wadanka Sweden.

Waxaa isna ka soo jeediyay hadalo guubaabo iyo talooyin isugu jira duqa jaaliyada S.Ogadenya ee Danmark.

Warbixinadaa kadib ayaa waxaa loo gudbay su,aalihii & jawaabihii oo ay si talan taali ah uga jawaabayeen Gen. Cabdullahi Mukhtar, Faysal Daahir & Gamadiid taasoo ay dadwaynii su’aalaha waydiiyaay aad uugu qanceen sida waafiga ah ee loogu jawaabay.

Shirkan oo dadwaynihii ka soo qaybgalay ay aad ugu qanceen sida habsamida leh uu u socday ayaa ku soo gababoobay guul.

Ururada Dhalinyarada Ogaden ee Qatar iyo u.s.a(Seattle) oo shirar isugu yimid

Ururka Dhalinyarada Ogaadenia (OYL) ee dalka Qatar ayaa shir ay isugu yimaadeen ku falanqeeyay arima badan oo quseeya sidii loo horumarin lahaa hawlaha dhalinyarada. Shirka ayaa waxaa Warbixino ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo halganka shacabka Ogadenya Kasoojeediyey Masuuliyiinta ururka OYN,

Ajendaha shirka lagaga hadlayey oo ku saabsanaa arima dhowr ah ayaa

Waxay dhalinyada isla qaateen go’aano ay ka mid yihiin sidii looga hortegi lahaa borobagaandhadada iyo dacaayada aan sal iyo raad toona lahayn ee lagu hujuumaayo halganka shacabka Soomalida ogadeenia iyo naftood hurayasha JWXO.Dacaayadahaas oo ay fulinayaan kooxo gumaysiga u adeegaya iyagoo wajiya kala duwan dadka ku dhex jooga.

Waxay dhalinyaradu aad carabka ugu adkeeyeen sidii loo garab-istaagi lahaa halganka xaqa ah ee Somalida Ogadenia ay ku raadsanayaan xaqqa aayo katashigooda .

Dhankale, waxay dhalinyardu aad u gorfeeyeen sidii loo Xoojin lahaa xidhiidhka guud ee jaaliyadda Ogadenia ee ku nool dalka Qatar iyo siday xiriir guud ula samaysan lahaayeen ururada dhalinyarada Ogadenya ee ka hawlgala daafaha dunida.

waxaa isna lagu qabtay Shir balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarada OYN Seattle e dalka maraykanka xafiiska Ogaden Aamerican Community, shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay dhalinyaro aad u fara badan oo ka kala socota qaybaha kala duwan ee bulshada Somalida Ogadenia

Shirkan waxaa kale oo ka soo qayb galay sharci yaqaano ama qareeno iyo dad lashaqeeya jaaliyadaha kala duwan. qareenadaas waxaa ka mid ahaa Mr. Bbryan oo ah sharci yaqaan u dhashay dalkan Maraykanka oo ay weheliso xaaskiisa waxayna ahaayeen marti sharaftii kahadashay madashaas .

Ururka dhalinyarada ee California oo qabtay barnaamij loogu magac daray (CALL FOR JUSTICE IN THE OGADEN).

Uururka OYN North America waaxdiisa San Diego aya kusoo bandhigay barnaamij lagu magacaabo CALL FOR JUSTICE IN THE OGADEN. Barnaamijkan oo lagu qabtay jaamacadda California ee San Diego (UCSD) ayaa ahaa ujeedadiisu in lagu soo bandhigo dhibaatada iyo xasuuqa kajira gobolka Ogaden. Barnaamijkan ayaa ahaa mid aad ubilicsan isla markaana ahaa mid dhan walba laga soo agaasimay.

Nidaamka iyo shaqo qaybsiga Dhalinyaradii goobtaa ka shaqaynaysay ayaa ahaa mid aad loogu farxo. Waxaa layaab leh sida quruxda badan ee ay uwada shaqaynayeen kala dambaynta iyo ismaqalkooda Iyaga oo koox waliba ay shaqadeeda qabanaysay. Ilinka laga soo galayeey munaasabada ayaa waxaa yaalay miis ay dhalin aad u qurxoon dadka ku soo dhawaynayeen. Iyaga oo siinayeey waraaqo yar yar (pamphlets) oo ay ku qornaayeen taariikhda Ogadenia iyo kuwo petition ah.

Waxaa kaloo halkaa ka muuqday sawiro muujinayeey jidh dilka loo gaystay shacabka ree Ogadenia. Inkastoo ay munaasabadani ahayd mid ka turjumaysa dhibaatada shacabka hadana dhalintu waxay ay goobtii munaasabada ku sharaxeen hiddaha iyo dhaqanka qaniga ah ee Soomaalida ree Ogadenia.

Barnaamijka waxaa furtay gudoomiye kuxigeenka OYN San Diego Marwo Huda Cali Xareed oo iyadu soo dhawaysay dad waynihii una sheegtay ujeedada ururka OYN. Wax yaabaha ay Huda halkaa ka sheegtay ayaa waxaa kamid ahaa inay shacabka ree Ogadenia xaq uleeyihiin aaya katashigooda, iyo in dowlada Ethiopia aysan dowrin xuquuqdooda iyo tan ibnu aadanka toona, in dawlahada sida maraykanka ee mucaawanada siiya Ethiopia ay joojijiyaan, iyo sidii cunaqabataynta looga qaadi lahaa shacabka ree Ogadenia.

Kadib waxaa makaroofanka lagu soo dhaweeyey gudoomiyaha OYN San Diego mudane Cabdifatax kaariye oo isagu halkaa kusoo bandhigay aflaam (films) dalka gudihiisa iyo dibadiisaba laga soo duubay oo ka turjumaya dhibaatada shacabka. Waxaa kaloo iyana halkaa ka hadashay marwo Hana Cali Xareed oo ka hadashay taariikhda ogadenia laga soo bilaabo gumeyste ree Europe, marxaladihii kala duwaan ee dhulku soo maray ilaa iyo maanta. Ugu dambayn waxaa makaroofanka lagu soo dhaweeyey mudane Cabdicasiis Cabdi Cali Abshir oo isagu dad waynihii goobtaa isugu yimid usheegay waxa looga baahan yahay iyo sida ay wax uga badali karaan dhibaatada joogtada ah ee dowlada Ethiopia ku hayso shacabka ree Ogadenia.

Dabayaaqadii barnaamijka ayaa waxaa la wareegay mutacalimiin ree Ogadenia ah oo ay kamid ahaayeen Mudane Mohamed Sheikh iyo mudane Xamse Warfaa oo iyagu kajawaabayeey su’aalaha dadwaynaha (panel discussion). Barnaamijkan ayaa ku dhamaaday guul, ahaana mid laga gaadhay ujeedadii laga lahaa.

Radio Xoriyo 12 April 2010

Mxamuud Sh.Cali

  • Raadioxoriyo@yahoo.com or Radioxorio@yahoo.com
  • Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaan Habeenada
  • Talaadada & Sabtida 21 :15:00PM – 21:45 waqtiga afrikada bari
  • F Mawjada 41 Meter Band
  • FInternetka : www.Ogaden.com & www.Radio xoriyo.com
  • FPhone ka : +16417153800 Access Code 5126014 #
  • FYoutubka : www.Youtube.com/user/Radioxoriyo

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.