Home » Warar »

Dr. Faroole iyo Sheikh Shariif oo Addis Ababa kula Kulmay Sayoum Mesfin…

iyo Dowladda Kenya oo diiday in Burcad badeeda lagu Maxkamadeeyo dalkeeda

Kenya ayaa sheegtay inay joojisay in dalkeeda la keeno, oo lagu maxkmadeeyo dadka looga shakiyo burcad badeedda ee laga soo qabto xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadan.

Wasiirka arimaha dibadda Kenya Moses Wetangula oo Saaka Shir Jira’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa ku shaaciyey in ay dhaqan gelinayaan go’aan ay labo asbuuc ka hor soo saareen kaasi oo ahaa in la joojiyo maxkamadaynta Burcad Badeeda Soomaalida.

Shirka Jira’id saaka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Amos Wako kaasi oo isna sheegay in aysan surtagal ahayn qaabilaada Burcad Badeed hor leh iyadoo xabsiyada wadankaasi ay ka buuxaan kuwa kale.

Waxa ay sheegee in masuuliyaddii saarneyd waddamada gobolka ee la xiriirtay dadka burcad badeedda looga shakisan yahay lagu cidleeyay Kenya sidaa waxaa yiri Wsaiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya Moses Watangule.
“Mudo lix bilood laga joogo ayaan ka dingnay in dalkeena Burcad badeed dane aan lagu Maxkamadeed doonin” ayuu yiri Moses Wetangula.

Dawladda Kenya ayaa sheegtay inay dib u eego doonto heshiis ay la gashay waddamada reer Yurub ee hawlgalka la dagaallanka burcad badeedda ka wada xeebaha Soomaaliya.

Magaaladda Xeebta ah  Mombasa ee dalka Kenya ayaa waxa hadda ku xiran in ka badan boqol qof oo loo heysto inay ku jireen falal burcad badeednimo ah

Ibraahim Da’ud Cabdalle “Gentleman”
sayfudiin@gmail.com
Somalitalk, Nairobi-Kenya

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole ayaa kulan la qaatey maanta 1 April,2010 Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Atto. Sayoum Mesfin.

Kulankaan oo ka dhacey Hotel Sharaton oo ay dagan yihiin waftiga Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa labada masśul kaga hadleen xiriirka Puntland iyo dowladda Ethiopia, xaalada guud Somalia waxeyna isku afgarteen dhamaan qodobadii laga wada hadley.

Kulankaan kadib ayaa waxaa wada qadeeyey Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Farole iyo Atto. Sayoum Mesfin kaas oo ku dhmaadey jawi wanaagsan.

Waftiga Madaxweynaha Puntland uu hogaaminayo ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada Addis Ababa waxey kulamo muhiim la qaateen masśuliyiin sare ee ka tirsan dowladda Ethiopia, sidoo kale waxaa kulan kooban oo is-afgarad ku dhamaadey la qaatey Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo waftigiisa.

Isha warka (iyo sawirada):

Xafiiska Madaxweynaha dowladda Puntland

Addis Ababa: Sheikh Shariif oo la kulmay Sayoum Mesfin

Sida ay faafisay wakaalada wararka u qaabilsan Itoobiya ee loo soo gaabiyo ENA, madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif ayaa magaalada Addis Ababa waxa uu (March 31, 2010) kula kulmay Wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya Sayoum Mesfin.

Sheikh Shariif kulankaas kaddib waxa uu warbaahinta u sheegay in ay ka wada hadleen siyaabaha Itoobiya loogu suurta gelinayo in ay sii xoojiso ka qayb qaadashadeeda in la hagaajiyo nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.” (Warkii ENA oo Ingiriisi ah ka akhri dhanka hoose ee boggan).

Dhanka kale, Sheikh Shariif iyo Faroole ayaa kulan ku yeeshay Addis Ababa intii ay ku sugnaayeen.

………………………

Wariyayaal Soomaaliyeed oo ku sugan dalka Uganda ayaa la kulmay Ganacsade Muuse Xareed oo mar isku soo taagay Xilka Madaxtinimada ee Soomaaliya.
 
Wariyayaashani oo ay ka mid ahaayeen Wariye Cilmi Cismaan (Boodhari), Maxamuud Dhaqane Nuur (Gacmadheere), Maxamed Faarax (Duurgal), Khaliil Bashiir Macalin iyo Weliba Wariye Xuseen Cabdulaahi Xasan (Hanad) ayaa waxa ay isla soo qaadeen Ganacsade Muuse Xareed oo ay Mulkiilaha Comapaniga Shidaalka ee Hared Company xaalada ku saabsan daruufihii soo barakiciyey Suxufiyiintani,
 
Ganacsadahan, oo soo dhoweeyey Wariyayaasha ku booqday Xaruntiisa Jinja oo ah Caasumada aad Dalka Uganda waxa uuna u muujiyey sida uu uga xunyahay dhibaatada baahsan ee lagu hayo wariyayaasha soomaaliyeed isagoona uga digay suxufiyiinta soomaaliyeed in aysan qeyb ka noqon dhibaatada haatan dalka ka jirta,
 
Ganacsade Muuse Xareed ayaa waxa uu caan ku yahay in uu had iyo jeer  garab istaago  dadka soomaaliyeed ee tabeeleysan oo ku soo qaxay dalkani Uganda,
 
Ugu danbeyntii Ganacsade Muuse Xareed oo ah nin ay soomaalinimada si weyn uga muuqato islamarkaasna si weyn uga xun xaalada dalka ka jirta ayaa waxa uu ilaahay uga baryey in umadda soomaaliyeeda dhibaatada ka saaro


 
Xuseen Cabdulaahi Xasan
E-Mail Xuseen339@hotmail.com
Uganda

…………………..

Seyoum holds talks with President Sheikh Sharif of TFG Somalia

Addis Ababa, March 31, 2010 (Addis Ababa) – Foreign Affairs Minsiter Seyoum Mesfin and President Sheikh Sharif of TFG of Somalia here on Wednesday held talks on issues related to further strengthening bilateral relations between Ethiopia and Somalia.

Minister Seyoum and President Sheikh Sharif discussed on the current situation in Somalia.

President Sheikh Sharif told journalists after the discussion that the discussion focused on ways enabling Ethiopia to further strengthen its contributions to maintain peace and stability in Somalia.

He said Ethiopia’s support is significant to further strengthen the ongoing efforts to maintain peace and stability in Somalia.

The president returned home same day after a two-day working visit in Ethiopia.

Minister of Culture and Tourism, Mohamoud Dirir and senior officials of the ministry of foreign affairs saw off the president upon his departure from the Addis Ababa Bole International Airport.

Source: ENA

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dr. Faroole iyo Sheikh Shariif oo Addis Ababa kula Kulmay Sayoum Mesfin… "

  1. saed says:

    waxa keenay ayaan darada soomaali ku habsatay ee qaranimadoodii burburisay, qaxootiga ka wada dhigtay,oo ah inaan somalidu is aaminsanayn,waar dalkeena ma dalalka jaarka ayaa u talinaya mise inaga ?
    xaalku intuu sidan yahay ee marba dusha laynagaga keenaayo dawlad macmal ah, miaaney haboonayn inaynu dalkeena ku dhx heshiino ?
    allahayaw soomaali xaqa garansii