Home » Faallo, SaahidYusuf »

SAYID QUTUB ! : MA SHIIKHBAA MISE MUFAKIR ISLAAMI ?!

 HORUDHAC :

SAYID QUTUB waa shakhsiyad aad la iskugu khilaafsan yahay se la isku raacsan yahay in uu Caan ka yahay Dunidda Islaamka iyo Adduunka oo dhanba.

Waxaan ku dadaali doonaa in wada koobo arrimaha la qabo oo dhanba anigoo cadaalad falaaya isla markaasna dadka ku xadgudbayna sheegaaya kuwa xaqiisa yareystana sheegaaya, isla markaasna saari doona insh-alaah miisaan Islaami ah .

Waxaana soo qaadan doonaa horta ma Shiikh Caalim ah ayuu ahaa mise mufakir Islaami ah,sidoo kale muxuu guday muxuuse ku soo kordhiyey Islaamka Qarnigii tagay ???

DHALASHADIISII & KORITAANKIISII :

Magaciisu waa SAYID QUTUB IBRAAHIIM XUSEEN SHAADALI ,Wuxuu ku dhashay Tuulada Muusha oo ka tirsan Degmada ASYUUD EE SACIIDKA MASAR .

Wuxuuna Dhashay 9kii Bishii Oktoobar Sannadkii 1906M oo ku aadanayd 1324 Hijriyada.

Awoowkiisii Lixaad ( Al-Faqiir C/llaahi )ayaa Hindiya ka yimid si uu u soo guto Fariidada Xajka, markii uu gutayna u sii gudbay Saciidka Masar, wuxuuna ka helay Tuulada Muusha Muuqaalkeeda, Beeraheeda iyo Kheyraadkeeda, halkaas buuna iska degay ,waxaana Duriyadiisii ka mid ahaa SAYID QUTUB RAXIMAHULLAAH.(1)

Wuxuu Sayid Qutub ku barbaaray barbaaritaab Islaami ah sababtoo ah Reerkooda ayaa ahaa reer Ahlu Diin ah .

Aabihiis wuxuu ahaa Nin Mu’min sax ah oo ku dadaala Cibaadada una dagdaga Raali ahaanshaha Allaah ST wuxuuna ka carari jiray wax kasta oo gaarsiinaaya Allaah caradiisa.

Sidoo kale Aabihiis wuxuu ahaa mid ka mid ah DadkaSharafta ku leh Tuulada, Gurigiisuna wuxuu mid la soo aado marka talo looga baahdo ama in uu xaliyo Mushkilad jirta.

Aabihiis Allaah Cimri dheer buu siiyey, wuxuuna dhintay wiilkiisa Sayid oo wax ka barta Qaahira Allaah ha u naxariistee.

Hooyadiisna waxay aheyd Haweeney Wanaagsan oo Caabidad ah ,kuna dadaasha mid Masaakiinta u naxariisata waxyaabo badan oo kheyr ahna Sameysa.

Waxayna ninkeeda kula dadaashay in ay ilmahooda Tarbiyeeyaan tarbiyad Islaami ah ,kuna beertya Qalbigooda Diinta iyo mabaa’diideeda, sida Runta, Ikhlaaska,Cizada, Deeqsinimada taas ayeyna ku Barbaareen Sayidkuba ha ugu horeeyee.

Waxayna ku dhimatay Qaahira ooy kula nooleyd Wiilkeeda Sayid Muddo asagoo halkaas ka shaqeynaayey Sanadkii 1940 Allaah ha u naxariistee.

Sayid Qutub waxaa la dhashay Afar wallaalo ah Sdddex Gabdhood iyo wiil asagaa shan ku ahaa, waxayna kala ahaayeen: Nafiisa,Amiinah,Muhamed iyo Xamiidah.

Nafiisaa ugu weyneyd Xamiidana waa ugu yareyd, marka Nafiisa laga reebo afarta kale waxay ahaayeen kuwa wax qora siiba Suugaanta iyo Sheekooyinka Islaamiga ah waxayna ka wada Qeyb qaateen Kitaabkooda ( AL-Adyaab Al-Arbacah) wuxuuna ahaa Buug Sugaanta Carabiga ah .

Sayidka iyo Muhamed Qutub oo 13 sano ka yaraa Sayidka oo Dhashay 1919 waxay labadooduba ka baxaeen Jaamicadda Qaahira ooy ka qaateen B.A Suugaanta Ingiriisiga iyo Dipoloma Tarbiyadda.

Sayidku Markuu Jaamicadda ka baxay wuxuu Shaqo ka bilaabay Wasaaradda Waxbarshada halkaas oo uu Lix sano ka ahaa Macallin, Kadibna Wuxxu u wareegay in uu Wasaaradda ka Shaqeeyo ilaa uu noqday Kormeere Guud iyo Ilaaliyaha Tacliinta Guud halkaas oo uu Sideed sano ka shaqeeyey ilaa ay Wasaaraddu u Dirtay Waxbarasho Dabadeed( Khaarijka) oo uuku aaday Mareykanka 1948 Halkaas oo loogu tala galay in uu isku soo badalo se uu ka soo faa,ideystay oo uu ku dhagitaankiisa Islaamiga ah uu ka soo bilaabay.

Sayidka Noloshiisa waxaa loo qeybin karayaa Shan qeybood (2) :

1 ) Koritaankiisii hore oo uu ku koray Tuulada iyo Barbaaritaankii Islaamka :

Wuxuu Sayidku Dugsigii ugu horeeyey ka bilaabay Tuuladiisii wuxuuna Quraanka ku xifdiyey Sanad hore asagoon 11 sano dhaafin wuxuuna Dugsiga Hoose ka bilaabay Muusha,.

Markii la jabshay kacdoonkii Masriyiinta 1919 ay Ingiriiska ku kaceen ayuu Sayidku u wareegay Qaahira Halkaas oo uu ku dagay Abtigiis oo ahaa macallin Al-Azhar ah iyo waliba Suxufi ( Axmed Xuseen Cusmaan) Sababtiisa ayuuna Sayidku ku bartay Macallinkiisa Cabaas Caqaad oo uu ka qaatay Afkaartiisa Suugaaneyd islamarkaasna ku Daray Xisbigii AL-wafdi Wuxuuna ka mid noqday Qorayaasha Joornaalkii Xisbiga halkaas oo ku soo bandhigi jiray afkaartiisa iyo Gabayaddiisa .

2 ) Markii uu Wareegay Qaahira:

Halkaas oo uu ku bilaabay in uu Suugaanleydii waqtigaas uu ka mid noqdo sida Macallinkiisii Cabaas Caqaad markaas ayuu u wareegay dhanka Suugaanta iyo Fanka siiba qoritaanka Sheekooyinka iyo Siyaasadda iwm. halkaas ayeyna ku biibtay Barashadiisii Islaamiga aheyd .

Waxaa kaluu wax ku qori jiray Jariidada ( Al_Risaala ) ee uu soo saari jiray Suugaanlihii weynaa ALUstaad Axmed Xasan AL-Zayaat taas oo aheyd kulankii Suugaanta .

Waxaana ku loolami jiray Cabaas Caqaad iyo Mustafa Saadiq AL-Raafici oo ahaa Ninkii wagaas calanka u siday suugaanleyda Caalimka Carabta, taas ooy mararka qaarkood is Radin iyo is eedeyn ay ka dhex dhici jiratay.

Sayidku markuu wax ku Qoraayo wuxuu Difaaci jiray Macallinkiisa Cabaas si aad u adagna wuxuu wax uga sheegi jiray AL-Raafici , imkastooy Dad fara badani ay Jariidada u gadan jireen in ay ka Akhriyaan Maqaalka AL_Raafici oo kaliya.

Waxaa kaloo wax ku Qori Jiray Jariidadaas Daha Xusuuen & Axmed Amiin.

3 ) Waqti uu kaba Shakiyey Xaqaa’iqda Diinta ilaa Xad aad u Xun :

Sayidka waxaa soo martay Noloshiisa waqti uu aad uga Shakiyey Xaqiiqada Islaamka oo uu noqday mid aan waxna xirin oo wax kasta Qora, marxaladaasna waxaan Tusaale u soo qaadaneynaa Dhacdadaan oo uu ka sheekeynaayo Mohamud Abdi Halim oo ahaa Suxufigii Akhwaanul Muslimiinka(3) Wuxuuna yiri :

[ Waxaan ka Akhriyey jariidada AL-Ahraam Maqaal uu qoray Sayid Qutub oo uu Dadka ugu Yeeraayo in ay Qaawanaan Socdaan sida Hooyadood ku Dhashay oon dharba qabin { Nude Activisty} ] !!!.

Waana shay uu ka dhaxlay Reer Galbeedka Qaarkood oo ay Caado u tahay in ay u olaleeyaan in ay Dhar la’aan socdaan sida Xayawaanka.

Mohamud wuxuu yiri markaas ayaan ugu Jawaabay Maqaal dheer oon ku radinaayo, se waxaan la Tashtay Shiikhayga Xasan AL-Ba’naa.

Shiikh Xasan AL’Ban’naa & Sayid Qutub:

Shiikh Xasan Markuu uu Akhriyey Maqaalkaygii aan ugu Jawaabay ayuu wuxuu i yiri:

A) Maqaalkaan Sayid Qutub waa mid Dhaawacaaya Qalbiga Ruuxa Mu’minka ah.

B) Ninka Maqaalkaan qorayna waan garaneynaa oo wuxuu ku raadoobay Baya’daan aad garaneyso aniguna garanaayo, Afkaartaan xun xunna Bay’ada ayaa siiyey.

C) Hadafka uu leeyahay Qoraaguna maahan oo kaliyahin uu cabiro Dareenkiisa ee wuxuu rabaa in uu dadka Aragtidooda ku soo jiito .

D)Dadka Akhrista AL-Ahraam waa dad aad u kooban marka wadanka oo idil la fiiriyo, Akhristayaasha AL-Ahraam oo dhanna ma aysan Akhrin Maqaalkaan , maxaayeelay dadku AL-ahraam wararka kaliyah ayey u akhristaan, kuwoodii Akhriyeyna hoos ugu ma daadagin sababtoo ah waxaa caado ah in Bogga hore Cinwaanadiisa lee la akhriyo.

Haddii marka aan maqaalkaagan ku Radino maxaa dhici kara:

a) Wuxuu Maqaalkaagu keenayaa in dadkii aan horay u akhriyin ay Raadiyaan Maqaalkiisii

si ay uga Bogtaan wixii ku yaalay xataa kuwii horay u akhriyey ayagoo dedegsan ayaa mar labaad si taxadar ku jiro u akhrinaaya.

b) Annagoon ugu talo galin ayaan dadka wax xun Tusinaynaa taas oo saameyn ku noqon karta qalbiyadda dadka daciifka ah.

c) Radinta Sayidka waxay ku keeni kartaa in uu xumihiisa ku sii taagnaado oo uu ku madax adeygo taas oon ugu horseedeyno in uusan ka soo noqon.

Waana Wiil yar oo waxaa haboon in aan Fursad siino si uu u soo noqdo haddii kale waan sii dhumineynaa… Maxaase ku ogeysiiyey Mohamudoow in uu Ninkaan Dhallinta yari maalin uun uu soo noqdo oo Hurdada ka soo tooso oo sida toosan ku soo laabto ayna Dacwadu maalin Maalmaha ka mid ah Dadaalkiisa ka faa,ideysato (4).

Maxaad u maleyneysaa Hadaladaan aan ku iri ????

Waxaan ku iri Murshidka Shiikh Xasan AL-Ba’naa waa arrin lagu Qanci karo… maarkaas ayaan jeex jeexay Maqaalkaygii Jawaabta ahaa .

Wiilkii Maalintaas sidaa ahaa waa Sayid Qutube wuxuu noqday Caalimka mid ah Ducaada Islaamka& waliba Shahiidkeedii !!!! Taasina waxay na Tusineysaa Aragti dheerinimadii AL-Shiikh Xasan AL-Ba’naa Allaah kuligood ha u Naxariistee.

4) Waqti uu Quraanka u soo jeestay Sababo Suugaan ah Darteed:

Sayidku wuxuu Bilaabay Sanadkii Afartameeyadii in uu Quraankii ku soo nqoday asagoo ula jeeda hab Suugaaneyd waana marka uu Qoray Kitaabkiisa Caankaah ee :

( Al_taswiirul Fanii Fil Quraan) iyo kiisa kale ee ( Mashaahid AL-Qiyaamah fil Quraan)!!!

Waana Kitaabo Quraanka Suugaanta ku jirta iyo Sawiradooda wax badan looga noqon karo.

Waxaa taa ku xigtay Dhamaadkii afartameeyadii wuxuu u janjeedhsaday in uu Quraanka Daraaseeyo asagoo ka fiirinaaya aragtida Islaaxinta Mujtamaca iyo waliba Daryeelka Nolosha Bulsho ee Islaamka, marxaladaana waa waqtigii uu bilaabay Wadaadnimada.

Waxaa markaan Kutubtiisa masalaaya Kitaabka Caanka noqday ee ( AL-Cadaalah AL-Ijtimaaciyah fil Islaam) Taas oo uu Islaamka barbardhigay Shuuciyadda & Dimuqraadiyadda waana kitaabka Asaga iyo Akhwaanul Muslimiin isku soo Dhaweeyey.

5)Waqtigii uu Quraanku Raadeeyey uuna Helay iiimaanka & camal falka:

Waa marxaladda uu u ban baxay ku dhaqmidda Islaamka waan markii uu ka soo noqday Mareykanka oo uu ku biiray Akhwaanul Muslimiinka, waxayna aheyd waqtigii uu Islaamka sida fiican u fahmay, Kutubtii uu qorayna waxaa ugu Caansanaa :

  • 1) Dagaalka Islaamka & Ra’simaaliyadda
  • 2) Nabadgalyadda Caalamka & Islaamka
  • 3)Tafsiirkiisa Fii Dhilaal AL-Quraan Dabcadiisii koowaad.

Wuxuu taasna uga sii gudbay Marxaladdii Jihaadka & Xarakada, waana markii uu Dagaalka Adag la galay Jaahiliyadda Qarniga Labaatanaad uuna soo saaray Habkiisii Manhajka Xarakada Diintaan waxaa markaan kutubtiisa ugu caansanaa:

  • 1) Haada Diin ( Diintaan)
  • 2) Daabicaada Dhilaalka oo faahfaahsan oo la lafa guray.
  • 3)Khasaa’is Tasawir AL-Islaamii
  • 4) Muqawimaatu Tasawir AL-Islaamii oo Caqiidada uu kaga hadlaayo.
  • 5) Macaalim Fil Dariiq( MILESTONES) waa kitaabkii Sababay in la daldalo.

Waa noo qeybo danbe oo ku saabsan waxqabadkii Sayid Qutub Raximahulaah !!!!

FII AMAANI LAAH

SHIIKH SAAHID MOHAMED YUSUF
USA,VA
MUTAKHASIS FIL XARAKAAT AL-ISLAAMIYAH
sahid_yusuf@yahoo.com

  • (1) Waxaan ka qoray ( Madkhal fii Dhilaal Quraan) DR.Salaax C/fataax AL-khaalidi
  • (2) Sida uu qabo Shiikh Calaamah abuu Xasan AL-Nadawi.
  • (3) kitaabka ( Akhwaanul Muslimiin axdaasun Sanacat AL-Taariikh ) Juzka 1aad 190-191.
  • (4) Shiikh Xasan Al-ba’naa & Sayid Qutub isku mar ayey dhasheen 1906 laakiin Shiikh Xasan ayaa Diinta iltizaamkeeda uga horeeyey, Sababtii dilkiisii 1949 ayaan Sayidka u sababtay ayaa la dhahaa iltizaamkiisa xarakadii uu aasaasay buuna ka mid noqday !!!!

http://www.somalitalk.com/2009/jul/04dh209.html
Siddeed Caalim oon ku soo moodnay Qarnigii labaatanaad, badelkoodii ma helnay???

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

19 Jawaabood " SAYID QUTUB ! : MA SHIIKHBAA MISE MUFAKIR ISLAAMI ?! "

  1. scwxwb :
    wiilka ugu danbeeyey ee juddullaah ma aqaan jundullaah miyuu ka waday magaciisa !!!
    Adeer Shiikh Qudub ma aanan ceynin Maqaalka si fiican u akhri !!! se haddii aad ka diday ma Shiikhbaa mise waa mufakir ??? wax xun kama wado se dad baa Dhaha waa mufakir ceebna ma ahan in la dhaho!!!!
    midda kale xaashaa ilaahi in aan macallinkayga caayo Ruux iga badsaday ma jiro ayaan filayaa akhrinta kutubtiisa !!!
    marka wallaaha wixii tacliiq raba yuusan dagdagsanin ilaa aan ka dhameyno maqaalka oo labo qeybood noo hadhay !!!

  2. Juddullah says:

    Ascwrwr. walaalaha dhamaantiina.
    sidee tihiin? anigu waan fiicanahay alxmadulillah
    Walaalka qoraalkan leh waxaan leeyahay allah ka cabso oo sunnadda rasuulka raac ogoow rasuulku scw wuxuu yidhi ha caayina maytadiina waayo waxay dhibaysaa intiina nool markaa walaalo iska daa insha allah rabbi wuu ku cafinayaa midda kale Qutub Maxaa loo dilay ? Yaa dilay? sababta loo dilay waa ay dalbadeen shareecada Islaamka ? waxaana dilay kuwo gaalo ah oo shareecada allah diiday illaa maantana la dagaalamaya markaa sababtaa ayaa keentay in uu caan noqdo waana shahiid xaqiiqatan sababta allah dartii ayaa loo dilay mansab iyo ka badan ayaa loo soo jeediyay bes saxiiix warqada madaxweynahay isna waa diiday waa daldalay kuwii dilay warqadaan oo kale maad ka qortid gaalnimadooda iyo waxa ay ku kaceen kii la dulmiyay ee qaladka lagu dilay ayaad qalinta u qaadatay allah baa ku xisaabinayaa insha allah
    waxaana rajaynayaa in aad Qutub dambi haddii uu lahaa aad qayb ka qaadatay maalinka qiyaamaha allah hortiisa ayaad ku xisaabtamaysaan markaa isu diyaari wixii aad ugu jawaabi lahayd Alxaakimu hortiisa ayaad ku gar dhiganaysaan xaqqa ayaan laaluush noqonaya maalinkaa.

  3. SALAAM IYO MAHADNAQ

    ascww walaaalayaaal salaam taas qaaliga ah dabadeed waxaa mahad leh allah SWT deedna waxaan mahad u celinayaaa SH.Saahid

    SAYID QUTUB MA CAALIM BAA MISE ………?!!!!

    sayid qutub RAXIMALAAHU RAXMATAN WAASICa waa caalim ,mufakir islaami ah oo aan sheki ku jirin cadaan cidii rabtan waxaa u daliila kutubtiisa dhaxal galka ah ee uu uga tgay caalimka islaamka .

    FARIIN
    waxaan fariintaan u dirayaa dhamaan walaalaha dhaleecaynaya culimada islaamiga ah, kuwa doonaya oo ihtimaamka siinaya jinsiyadaha dadka (culimada ) waxaana leeyahay sidan :

    – allah agtiisa dadku way ka simanyihiin iilaa cabsida allah mooyeee
    – ina nabi aadamaw cilmiga ka qaado kiisa ku anfaca walaw haba wadeee xayawaan (waaayo horuu wax ku baray xayawaaan (tuke ) kolkaaddishay walaalkaa si aad u aasto oo allah ayaa kuu soo diray )

    – ha dhaleecayn oo xumaan haaka sheegin culimada waaayo waa kuwii dhaxlay anbiyada xusuuxnawna walaaal ( qofkii wanaag la yimaada naftiisa ayaa leh kii xumaan la yimaadana waa korkiisa ) sida uu allah inoo sheegay marka adi ha gurubsan dunuub oo deldelin naftaada duhur cad adoo baaraya ceebaha culimada xusuuso mar walba (maa yalfidu min qawlin ilaa laddayhi raqiibun catiid ) si aad u xisaabsid naftaad

    GEBOGEBO

    waxaan ku soo af jarin hadalkaygaan kooban sayid qudub xasanul banaa muxamedul qudub cabdulqaadir cawad ZAYNAB al qazaali xanaan qadaaan BUTHAYNA IBRAAHIM
    allah hanaga dhigo sida kuwaas aan horay kusoo xusay iyo asxaabtii rasuulka hanan natuso xaqa

    wixii aan gefay waa naftayda iyo shaydaan allah ayaan danbi dhaaf ka weydiisan wixii aan asiibayna allah walilaahil xamdu

    waa aakhiru dacwaanaa anil xamdulilaahi rabil caalamiin

    ascww

  4. yuusuf cabdi diirye says:

    waxaan ka dhegaystay sh maxed naasirudiin albaani allaah ha naxariistee mar lawaydiiyey sayid qudub wuxu ku jawaabay shiikhu inuu sayid qudub umi ka ahaa islaamka furuucdiisa iyo asalkiisaba kitaabkiisa cadaalatul ijtaamicayna wuxuu yidhi faa iida m leh culuma badanina way radiday kutubtiisa wax yaala badan oo khilaafsan caqiidada islaamka ayaana ku jira kutubtiisa

  5. Scwxwb :
    Wallaalka Liibaan waxaan u sheegayaa Culumada Islaamka ee ( scholars) ah qolo ma laha sidaas u ogoow !!!
    Haddii aad jeceshahay Taariikhda Culumadeena waa qormada aan u balansan nahay markay Sideedaan Caalim noo dhamaadaan Insha laah labo kale ayaan noo dhiman!!!
    Allaah ha u naxariisto Sideedaan Caalim iyo kuwa kale oo fara badan oonan halkaan ku soo koobi karin.

  6. cali says:

    sayid qudubii iyo xasan albanaa sheekh shacraawi sheekh yuusuful qardaawi albaani dhamaandoodba waxay yihiin hogaamiyayaasha islaamka oo diinta u gargaaray

  7. maxamed says:

    shaki kuma jiro sayid qudhub in uu ahaay caalim islaam ah umane baahno in laga faalooda nin kii daneynaa in uu raaca diin tiisa ama dhaqan kiisa waxaa kufilan kitaabadiisa uu qoray

    balse su,aasha jawaabta ubaahan oo in laga faaloda rabta ayaa ah

    maxaa lagudilay sayidka ?
    culamada islaamka oo hada jira muxuu ugu duwanaay ?
    islaamka uu sheegay ama uu heystay iyo islaamka culamada hada jirta maxey kukaladuwan yihiin ?

    ileen nin kaan diin darteet ayaa loo dilay marka diin taas iyo midaan hada aan heysano xeykala yihiin ? su.aalahaas iyo su,aala badan oo dadbadan maskaxdooda kaburqanaa ayaan rabnay in aan uhelno jawaab cadcad

    sayidkane waxaan ilaah uugu baryaa in uu janadii ilaah galiyo

  8. Liibaan says:

    As wr wb
    salaanta Muslimka Kadib
    waxaan Oran lahaa walaalaha isku mashquuliya Inay noo soo bandhigaan taariikhaha masaarida ama sucuudiga ama wadamo kaleba, Marka hore Inay na baraan Taariikhaha Culumadii soomaaliyeed.
    Waayo Inagu ma nihin dad geedaha ka beermay ee Culumo ayaa naga dhalatay
    marka fadlan hanagu mashquulina rag siyaasad ahaan diinta u adeegsaday Inay xukun ku gaaraan ee noo soo bandhiga taariikhaha Culumadii soomaaliyeed, Kuwaasaa na quseeya ama Priority noo ahe
    Mahadsanidiin

  9. maqaalka kani aad u wanaagsanayahay ninkii qorayna aadbaan ilaahay ugu rajaynayaa inuu xasanaad eebe kaga abaal mariyo

  10. cismaan says:

    saahidiintii islaamkoo
    safka hore kujirtoo
    subcisay jimcayaashoo
    sayid qudbi ugu horeeyoo
    aduunyada ka socdaashay
    saadir ha u naxariistoo
    janada sare hageeyo

  11. mahamed... says:

    sory waan ka xumahay waan qaldam halaga raali noqdo anaa qaldanaa inaad masaxdeenbaan mooday sory waxhubso halbaa la siiistaa xaalbaan idinka bixinayaa mahamedabdirahmaan

  12. scwxwb :
    Akhristayaasha maxamed yare & Samater waad ku mahadsantihiin bogaadintiina & raadinta Barashada Culumada Islaamka, anigana waan ku dadaali doonaa in aan noo dhameeyo 8 Caalim insha Allah !!!
    Inta ka horeysa Cabdi yare waxaad af ingriis ku akhrisataa macaalim fil Dariiq oo la yiraahdo ( Milestones/sayid qutbi) iyo fii Dhilaal oo asaguna lagu tarjumay ( Shadows of the Quran) !!! Sidoo kale google gareeya ( Sayid Qutub) insha laah Akhbaartiisa waad helaysaan, tan aan soo wado se waa mid Caddaalad ku dhisan waxa uu gudo ama uu galo Sayid Qutub waa inoo qeybo kale insh Allaah !!!! scwxwb

  13. mahamed says:

    sayid qudbi wuxuu ahaa shakhysiyad kalmada tawxiidka xaga sare u qaaday wuxuuna ka mid ahaa dadkii u kacay soo noolayntii xunaha rasuulka ilaahay ha y naxariisto iyo umadii dhimaday oo dhan maxaa yeelay maalintuu soo baxay waxa u orortay yuhuudii iyo kiristankii waxayna dooneen sidii ay u dhagri lahaayeen maxaa yeelay yuhuudo waa asxaabul caqiida asxaabul caqiidana waxa lagula dagaalanaa caqiido waayo yuhoodu ka baqayso dabaabadeheena kamana baqayso madaafiicdeena kamana baqayso hubkeena waxay kaliyoo ka baqaysaa waa kalmada laa ilaaha ilalaah muxamed rasuulolaa oo noqonaysa ilaah xaq lugu caabadaa ma jiro aan isaga ahayn muxamedna waa rasuulkii ilaahay

  14. mahamed says:

    sayid qudbi wuxuu ahaa shakhysiyad kalmada tawxiidka xaga sare u qaaday wuxuuna ka mid ahaa dadkii u kacay soo noolayntii xunaha rasuulka ilaahay ha y naxariisto iyo umadii dhimaday oo dhan

  15. Osman says:

    sheekh saahid ilaahay kheyr ha ku siiyo qoraalkaan ama maqaalkaan aad ayuu u xiiso badan yahay waxaana jeclaan laahaa qeybta kale in aad soo dadajiso waxaajira dad badan oo aniga oo kale ah kuwaas aan nasiib u yeelan in ay bartaan luuqada carabiga marka fadlan soo dadaji qeybta kale

  16. maxamed yare says:

    sheekh zaahid mahadsanid sxb illaaheey kheeeyr hakaa siiyo,aniga afcarabiga ma akhaan laakiin waxaan ahay nin dhalinyaro ah oo khurbo ku kor ah jecelna in uu ogaado khilaafyada diinta iyo meelha khaladka ka taagan yahay marka sua,sheeyda waa xagee ka heli karaa buugtan haathaa diin iyo fi dhariikh ayagoo ku qoran dutch ingirris ama soomaali coz waa raadiyey waana waayey waxeey iga tahay in wax ogaansho iyo sababta loo dilay wadadkaas iyo in ay saameeyn kum leeyihiin dhibaatooyinka ka taagan fil caalamislaam..mahadsanid,

  17. Scwxwb:
    C/risaaq tan oo kale waxaad haboonayd in aad E-mailka iigu soo dirto waa dheer tahay!!!!
    Akhristayaasha waxay si toos ah igala soo xariiri karaan E-mailkayga insha llaah albaabadu waa idiin furan yihiin !!!!!

  18. abdirisaq says:

    Shiikhaan kolley asagana Allaha u naxariisto waa dadaalay.
    laakiin culimo kale oo badan ayaa naqdiya afkaartiisa.
    Waxaanan aaminsanahay labada kitaab ee Haadaddiin, iyo macaalim fidhariiq inay sabab u ahaayeen dhallinyarada maanta lagu tilmaamo xagjirka ee caalmka silaamka ka kacay.waxaan hubaa mid xarakooyinkaas maanta caalmka islaamka ka jira oo aan akhrisan labadaas kitaab ma jiro waana midda sabab u noqotey inay ka anfariiraan oo aad uga cararaan cid kasta oo culuma ah oo isku dayda inay diinta wax uga sheegto oo tiraahdo sidaan ka badala siyaasaddiina.waxay u qaadanayaan dadki lagu tilmaamay kitaabka ee in ayaga dhan la baddalo oo min jadiid mujtamaca loo soo bilaabo loo bahnaa inay ka mid yihiin macal culimada iyo kxukaamtaba.
    Runti waa fikrado aad u kacaansan oo xamaasad badan ku dheehantahay.
    In kastoo aad u wanaagsantahay qofka muslimka diintiisa inuu u qiiroodo.
    Haddana Ilaah waxa keliya oo lagu raalli gelin karaa diintiisa sharciga ah keliya taasna ma aha hadallo macaan oo xamaasad leh iyo kulayl iyo caro qalad umaddu kasocoto laga qaaday ee waa nusuusta quraanka oo midmid loo dul istaago ayaada oo mid mid loo fahmayo sida ay isu raacayaan,kii naasikh ah iyo kii mansuukh ah kii caam ah iyo kii khaas ah,kii mutashaabih iyo mubayyan ah ayada oo lagu fasirayo axaadiista rasuulka suubban sallalhu calayhi wasallam oo caaisha allaha ka raali noqdee ay tiri “kaana khuluquhu alqur’aan” oo macnaheedu yahay rasuulka suuban SCW habdhaqankiisuba wax uu ahaa quraanka.
    Addilladaas iyo jidkii suubanaa ee khulafada iyo asxaabadi sharafta badnayd dhamaan allaha ka raalli noqdee. Waana in cilmiga la baranayo ahaado mid soo taxnaa min waqtigi rasuulka sallalahu calayhi wasallam ilaa manta oo shiikhba shiikh kasoo gaarey kala go’ la’aan nin kastana la aqoonsadey inuu xambaarey aqoonti shiikhiisa oo lagu aamini karey inuu umadda muslimiinta ah sidayahayd u gaarsiin doono.
    waayo diintu waa ammaano waana dhaxal laga dhaxalay rasuulka ilaahay.marka bowsi iyo qof aan la aqoon qoraallo uu meel isaga qorqorey iyo idaacado fadwo jeedinaaya oo aan la aooon cid wax fadwoonaysa iyo waxaas oo dhan diin xambaarid ma ah.
    Diintaan khalaafka iyo mashaakil aan dhaamdka lahayn waxaa u keenay dad dano wata ama madax dano ka leh ama gaalo uurka ka ah oo muslimiinta jahwareerinrtooda loogu talagalay u bartey diinta ama aqoon darro ayaga oo ay hayso is tus shiikh isaga dhigay oo wax ay yaqaanan iyo waxayna aqoonba iftooday kuna darey caqli iyo afmacani dadkina sidaas ku lumiyey iyo dad ayagibafahamkoodi yaraa oo iska sheegay waxyaabo aysan si fiican u baran kadiibna qalad dadki uga barteen.
    intaas oo dhan dhibki ay abuureen waa tan maanta diinti in la isku laayo keentey.
    waxaa loo bahnyahay dadku inay si fiican diinta u bartaan,dad aqoon xeel dheer leh,amaano iyo imaan iyo alla ka cabsi lehna laga barto kuwaas oo ayagana kasoo bartey dad sidaas oo kale ah.diintoodana ay tahay mid qofba qof la yaqaan oo sax ah kasoo xambaarey ilaa rasuulkeenni suubanaa ay ka gaarto.waxaan hubaa in aan muranba jiri lahayn.Umadduna walaalo ilaahay dartiis ahaan lahaayeen ilahyn gargaar siin lahaa.xoogooda iyo qalbigoodana meel isugu geyn lahaayeen sidaasna liibaan akkhiro iyo mid addunyaba ku gaario lahaayeenm.

  19. Nadifa Cabdul-Xaliim Maxamed says:

    Assalaamu Calaykum….

    Sheekh Zaahid ilaahay ha kaa abaalmariyo sida aad mar walba noogu iftiimiso sheekooyin badan oo xagga culimada ku saabsan oo naga dahsoonaa.

    Dhabtii maqaaladaadu waxay iftiimiyeen wax kastoo mugdi ku jiray oo ka guuxaya laabta aqristaha, Hubaale waa howl ebyan.

    Waxaan ku leeyahay sii wad, kuwii ka faa’iidana ALLAAH ha naga dhigo, Wa jazakallaahu Kheiran…AAMIIN.